Khaalid bin Cali Alghamidi waxa uu ku dhashay magaalada Makka, shahaadada diktoorada ayuu ku haystaa cilmiga Quraanka, isla jaamacadaas ayuu macalin ka noqday, hadana waxa loo magacaabay in uu imaam ka noqdo masjidka Xaramka.
sh. Maxamed Axmed Allaha u naxariistee waxa uu ka mid ahaa culimada soomaaliyeed ee ku caanka ah dhanka fidinta dacwada, wakhtiyadii sideetamaadkii ilaa intii ka danbaysay.
Abu Bakar Ash-shaadiri waxa uu dhashay sanadkii 1970m, waxa uu ku barbaaray Jidah , imaam ayuu ku yahay masjid ku yaala isla magaaladaas, waxa uu Ijaazo ku haystaa akhrinta quraanka, sidoo kale shahaado Master ah dhanka xisaabaadka.