52 - Suurada Ad-duur ()

|

(1) (Eebe wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina.

(2) Iyo Kitaabka la dhigay,

(3) Oo ku qoran warqado la fidiyay.

(4) Iyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur).

(5) IYo saanqaafka la koryeelay (cirka).

(6) Iyo Baddii la kululeeyay.

(7) Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan).

(8) wax celinna ma jiro.

(9) Waxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi.

(10) Buuruhuna socon.

(11) Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay.

(12) Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari.

(13) Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi).

(14) Waatan Naartii aad beenin jirteen.

(15) Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn.

(16) Gala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen.

(17) Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo.

(18) Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo.

(19) (Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis.

(20) Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn).

(21) Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani».

(22) waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay jecelyihiin.

(23) Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda (iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn.

(24) Waxaana u adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray.

(25) Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is waydiin.

(26) Waxayna isu dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada.

(27) Eebaase nagu mannaystay (dambi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka (Jahannama).

(28) Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa Baarrii naxariista.

(29) Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee.

(30) Mise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida.

(31) Waxaad dhahdaa suga anna waan idin la sugiye.

(32) Mise caqligooda (xun) yaa saas faray, ma aha ee waa Qoom xadgudbay.

(33) Mise waxaydhihi isagaa abuurtay (Quraanka) waxba ma ayan rumeynin.

(34) Ha la yimaadeen hadal la mid ah hadday Run sheegi.

(35) Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray (naftooda).

(36) Mise iyagaa Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin.

(37) Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa xisaabin dadka.

(38) Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad.

(39) Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal.

(40) Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku cuslaatay.

(41) Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay qoraan.

(42) Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa gaaloobay iyagaa dhakran.

(43) Mise Ilaah Eebe ka soo hadhay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada».

(44) Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis).

(45) Ee iskaga tag Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono.

(46) Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u gargaarana uusan jirin.

(47) Kuwa xad gudbay waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga.

(48) Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi Eebahaa markaad kici.

(49) Habeenka qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan.