108 - Suurada Al-kawthar ()

|

(1) 1. Waxaanu ku siinnay (Nabi Muxammadow) Al-Kowthar (webi ah Jannada iyo khayr tiro badan).

(2) 2. Ee u tuko (Allaah) Rabbigaa Dartiis, (oo u) gawrac xoolo (adigoo Isaga Keliya Magaciisa ku xusi, uguna dhowaan).

(3) 3.Hubaal nacabkaaga waa kan cidhib go’i1.
1. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Rasuulkii Alle s.c.w. yidhi: Waxaan ku dhaartay Kan ay Gacantiisu ku jirto nafteyda, midkiinna ma ahaan doono mu'min dhan jeer uu aniga iga sii jecel yahay waalidki iyo ilmahiisa iyo dadka oo dhammi", (w.w. Al-Bukhaari)