75 - Suurada Al-qiyaamah ()

|

(1) 1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha.
1. Al-Qiyaamah: Qiyaamaha, waa iska soo saaridda qubuuraha dhimashada kaddib.

(2) 2. Waxaan (kaloo) ku dhaartay nafta is eedda2 (in la idin soo bixin Aakhirada).
2. Waa mu’minka, ee is canaanta markuu ku dhaco denbi ama gef oo ka xumaada.

(3) 3. Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu keeni karin lafahiisa?

(4) 4. Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan.

(5) 5. Wuxuuse Aadmigu dooni inuu beeniyo waxa ka horreeya (ee sugaya)3.
3. Macnaha waa inuu denbi isaga sii socdo. Waxaana loola jeedaa qofka gaalka ah ee beeniya maalinta xisaabta ee iska wata shirkiga iyo macaasidiisa.

(6) 6. Wuxuu weydiin: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha?

(7) 7. Ee marka araggu argagaxo (taagmo).

(8) 8. Oo dayaxu madoobaado.

(9) 9. Oo la kulmiyo qorraxda iyo dayaxa.

(10) 10. Aadmigu wuxuu Maalintaas odhan: Xaggee loo cararaa?

(11) 11. May! Ma jiro agab (meel la magan galo).

(12) 12. Xagga (Alle) Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah.

(13) 13. Waxaa looga warrami Aadmiga Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday.

(14) 14. Balse Aadmigu wuxuu ku marag furi naftiisa Isagaana is og.

(15) 15. Si kasta hadduu u cudurdaarto (wax uma tarto cudur daarasho).

(16) 16. Ha ku dhaqaajin (Nabiyow) carrabkaaga (markuu Waxyigu soo degayo) inaad ku degdegto (Qur’aanka akhrintiisa).

(17) 17. Waa xil Annaga na (saaran) inaan ku kulminno (laabtaada, ku xifdisiinno) oo kuu (sahalno) akhrintiisa (iyo fahankiisa).

(18) 18. Ee markaan akhrinno (Jabriil kuu akhriyo) u raarici (maqalka) akhriskiisa.

(19) 19. Kaddib Annaggay na saaran tahay inaan kuu caddeyno (fasirkiisa).

(20) 20. Mayee se, waxaad jeceshihiin noloshatan (adduunka) ee durba tageysa.

(21) 21. Dayacdaan Aakhirada.

(22) 22. Wejiyo Maalintaas way ifi.

(23) 23. Xagga (Alle) Rabbigood iyagoo eegaya;

(24) 24. Wejiyo (kale) Maalintaas waxay ahaan kuwo kuduudsan.

(25) 25. Waxay hubtaa in lagu fali balaayo weyn;

(26) 26. Mayee, markay (naftu) soo gaarto mirgiga (waqtiga geerida).

(27) 27. Oo la yidhaahdo: Yaa ku tufi oo dabiibi?

(28) 28. Oo yaqiinsado inay tahay (waqtigii) tagidda (geerida).

(29) 29.Oo lagu isku maro labada jeeni (kafno).

(30) 30. Waa xagga Rabbigaa Maalintaas halka laysu wadaaa.

(31) 31. (Gaalkuse) ma rumeyn (Xaqa) mana tukan.

(32) 32. Wuuse beeniyey oo jeesaday.

(33) 33. Markaasuu aaday xagga ehelkiisa isagoo u socda si kibir iyo faan leh.

(34) 34. Dhowaa hooggaagu oo dhowaa.

(35) 35. Haddana dhowaa hoggaagu oo dhowaa.

(36) 36. Ma wuxuu Aadmigu moodaa in looga tegi bilaash (ujeeddo la'aan)?

(37) 37. Miyuusan aheyn mani-nool oo la dhibciyo?

(38) 38. Markaas noqota xinjir oo (Alle) abuuro qaab wanaagsanna u yeelo.

(39) 39. Oo ka yeelo labo nooc, lab iyo dheddig.

(40) 40.Miyuusan Kaasi (Alle) awoodin inuu soo nooleeyo maytida? (Haayoo wuu Karaa).