(1) 1. Daa Siin1
Kuwaanu waa Aayadaha Qur'aanka iyo Kitaab cad.
1. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda 1.
(2) 2. Hanuun u ah iyo bishaaro mu’miniinta.
(3) 3. Ee ah kuwa ooga salaadda oo bixiya Sakada, Aakhirona yaqiinsan.
(4) 4. Kuwaanse rumeyn Aakhirada, waxaan u qurxinnay acmaashooda (xun), waana ku jaha wareersan yihiin habowgooda.
(5) 5. Kuwaasi waa kuwa mudan cadaab xun (adduunkan), Aakhirana iyaga uun baa ugu khasaare badan.
(6) 6. Adigu (Rasuul Allow) wuxuu kaaga yimaadaa Qur'aankan xagga Midka ah Xakiimka, wax kasta Ogsoon (Allaah).
(7) 7. (Xus) markuu Muuse ku yidhi ehelkiisii: “Waxaan arkaa dab, Waxaan idiinka keeni war ama waxaan idiinka keeni dhimbilo dab ah si aad u kulaashaan.
(8) 8. Markiise uu yimid, cod baa dhawaaqay leh: “Waa la barakeeyey waxa dabka agti ah iyo waxa hareera joogaba, xurmona waxaa leh oo hufan Allaah, Rabbiga uumanka.
(9) 9. “Muusow! Waa Aniga Allaah, Adkaadaha Sare, Xikmadda Badan.
(10) 10. “Ee tuur ushaada; markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa sidii abeeso, buu dib isu rogay oo carar is dhigay, dibna umuu soo jaleecin. Muusow! Ha cabsan, kuma cabsadaan agtayda Rusushuye.
(11) 11. Ciddiise dulma fasha markaas wanaag ku beddesha xumaantii kaddib, markaa Anigu waxaan ahay Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(12) 12. Gali gacantaada goshaada, waxay soo bixi durbaba caddaan cudur la’aan. (kuwakani waa) qaar ka mid ah sagaalka calaamadood (aad ula tegi doonto) Fircoon iyo qolodiisa, waa qolo caasiyaal ah.
(13) 13. Markiise Aayadahayaga cad ay u yimaadeen, waxay yidhaahdeen: Kani waa sixir cad.
(14) 14. Way dafireen Aayadahaa dulmi iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen. Ee fiiri siday aheyd cidhibta kuwa wax bi'iska ah ee wax halleeya (Mufsidiinta).
(15) 15. Waxaan dhab ahaan siinnay Daawuud iyo Sulaymaan cilmi, waxayna yidhaahdeen: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga kor mariyey in badan oo ka mid ah addoomahiisa mu'miniinta ah.
(16) 16. Wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Wuxuuna yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, waxaana wax nalaga siiyey wax walba2. Hubaal kani waa Fadli (Ilaahay baxsho) oo cad.
2. Nabi Sulaymaan c.s. waxaa la siiyey Nabinnimada iyo Boqortooyada kaddib aabbihi Nabi Daawuud c.s.
(17) 17. Waxaa loo soo kulmiyey Sulaymaan askartiisii oo jin, dad iyo shimbiraba leh iyagoo loo abuubalay kooxo ahaan.
(18) 18. ilaa, markay yimaadeen toggii Quraanyada, Quraanyo baa waxay tidhi: “Quraanyoy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn.
(19) 19. Markaasuu muusooday, isagoo ku qosli hadalkeeda, oo yidhi: Rabbiyow! I waafaji inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad ugu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan sama falo aad ka raalli tahay, oo igu geli3 Naxariistaada addoomahaaga wanaagsan dhexdooda 4.
3. Erey ahaan macnaha waxaa weeye igu dhex kulmi oo faafi quwad iyo awood aad u sarreysa ee I sahasha adeeciddaada iyo gudashada cibaadada.
4. Macnaha sidoo kale wuxuu noqon karaa: “ oo I geli la jirka addoomahaaga wanaagsan (jannada) lagu waadho.
(20) 20. Wuxuu kormeeray shimbirihii, markaasuu yidhi: Maxaa dhacay oo aan u arki la'ahay hud-hudkii5, mise ma wuxuu ka mid yahay kuwa maqan?
5. Hud-hud gaar ah oo heer sare ah ka mid ah shimbiraha.
(21) 21. Waxaan ciqaabi ciqaab daran ama waan gowrici ama wuxuu ii keeni xujo cad.
(22) 22.Mase maqnaan muddo dheer, (wuxuuna joogsaday meel aan fogeyn) oo yidhi: Waxaan soo koobay (ogaalka wax) aad koobin waxaana kaaga keenay Saba6 war la hubo.
6. Saba’ waa magaca boqortooyo jirtay waa’ hore.
(23) 23. Waxaan helay haweeney7 xukumeysa, oo la siiyey wax walba (oo mulki adduun ah)8, waxayna leedahay Carshi Weyn.
7. Balqiis (ama Makeda) waxay ka talineysey Saba’ waagii Sulaymaan.
8. Sida maal, beero badan, macaadinta dhulka, iwm.
(24) 24. Waxaan helay iyada iyo dadkeeda oo u sujuudaya qorraxda halkii Allaah, wuxuuna u qurxiyey shaydaan camalladooda, oo ka duway Jidka (Toosan), marka ma ay hanuunsana.
(25) 25. May u sujuudaan Allaah ee soo bixiya waxa ku qarsoon samooyinka iyo arlada oo Ogsoon waxaad qarisaan, iyo waxaad muujisaanba.
(26) 26. Allaah, ma jiro Ilaah ( Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Weyn.
(27) 27. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Waanu eegi inaad run sheegi ama inaad ka mid tahay beenlowyada.
(28) 28. Qaad warqaddaydaan oo u dhiib, kana soo laabo, markaas fiiri waxay (jawaab) soo celiyaan”.
(29) 29. Waxay tidhi: Mudanayaal! Waxaa la iigu dhiibay halkaan waraaq sharaf leh.
(30) 30. Waxaa soo diray Sulaymaan, (waxaana ku yaal): Bismillaahir Raxmaanir Raxiim.
(31) 31. Ha iska kay weyneynina oo ii imaada idinkoo hoggaansan oo Muslimiin ah.
(32) 32. Waxay tidhi: Mudanayaal! Iga siiya talo arrinkaygaan. Anigu ma gooyo talo jeer aad goob joog tihiin9.
9. Inaad ila joogtaan maahee golaha wada tashiga (baarlamaanka), oo aad oggolaansho cad i siisaan.
(33) 33. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu nahay kuwo xoog leh oo dagaal aqoon daran leh iyo geesinnimo, amarkase adigaa leh; ee ka fiirso waxaad amreyso.
(34) 34. Waxay tidhi: Hubaal! Boqorradu, markay (ku) galaan magaalo (xoog) waa kharribaan, oo ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwa hoos ah. Sidaasayna falaan.
(35) 35. Waxaanse u diri hadiyad oo sugi waxay (jawaab) la soo noqdaan ergaydu.
(36) 36. Markiise (ergaygii oo sida hadiyadda) u yimid Sulaymaan, wuxuu yidhi: Ma waxaad Iigu deeqeysaan maal? Waxa se uu I siiyey Allaah baa ka khayr badan waxa uu idin siiyey. Waxaadse ku faraxsan tihiin hadiyaddiinna.
(37) 37. U celi iyaga, waxaana ula imaaneynaa ciidammo aysan awood u lahayn inay ka hor tagaan, waxaana ka saari magaalada iyagoo dullaysan oo ku jira xaalad liidasho (haddayan u hoggaansamin Alle Keliya, oo joojin cibaadada qeyrki).
(38) 38. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Mudanayaal! Kiinnee baa ii keeni carshigeeda ka hor inta aanay ii imaan iyagoo hoggaansan oo Muslimiin ah?”
(39) 39. Cifriit ka mid ah jinka baa wuxuu yidhi: Anigaa kuu keenaya ka hor intaad ka kicin golahaaga, waxaana anigu ahay mid xoog u leh oo aamin ah.
(40) 40. Mid haystay cilmi Kitaabka ah10 wuxuu yidhi: Anigaa kuugu keenaya il biriqsi gudaheed. Markuu (Sulaymaan) arkay isagoo barbarkiisa yaal (carshigeedii), wuxuu yidhi: Kani waa fadliga Rabbigay - si uu ii imtixaano inaan ku mahdiyo ama aan ka abaal dhaco. Qofkii (Alle) ku mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, qofkiina ka abaal dhaca (Alle), hubaal Rabbigay waa mid kaaftoon, sharaf Badan.
10. Waxaa loola jeedaa Kitaab halkan Kitaabkii la soo dejiyey ka hor Sulaymaan oo ah Towraadda iyo Zabuurka.
(41) 41. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Dooriya carshigeeda si aan u aragno bal inay garato,mise inay noqoto mid aan garanayn.
(42) 42. Markay timid baa waxaa lagu yidhi: Ma sidan baa Carshigaagu?. Waxay tidhi: Waxaadba mooddaa isagii. (Sulaymaan wuxuu yidhi): Waxaa nala siiyey cilmi horteed, waxaana nahay Muslimiin.
(43) 43. Waxaa (Xaqa) ka jeediyey waxay caabudeysey Allaah sokadi, waxay ka mid aheyd qolo gaalo ah11.
11. Balqiis waxay ku ogaatay Nabinnimada Sulaymaan ka hor inta aan la keenin carshigeeda xagga Falastiin soo celintii dib loogu soo celiyey hadiyaddii ay dirtay.
(44) 44. Waxaa lagu yidhi: Gal Daarta12, markay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaasay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Anigu waxaan dulmiyey naftayda, haddase waxaan la jirka Sulaymaan u Islaamay Alle darti, Rabbiga uumanka oo dhan.
12. Daartaa waxay ahayd mid loo malaasay si qurux badan, aad u salaaxan, marmarkeedu ka sameysan yahay muraayado layska arko, hoostiisana waxaa sii ahaa biyo badan oo socda, iyo kalluun, iwm.
(45) 45. Waxaan u dirnay (reer) Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Allaah (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya13.
13. Nabi Saalix c.s iyo qolodiisii.
(46) 46. (Saalix) wuxuu yidhi: “Tolkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaan (cadaab) ka hor samaanta14 (Naxariista Ilaahay)? Maxaad uga dalbi weydeen Dambi Dhaaf Ilaahay, bal inuu idiin naxariisto?
14. Iyagoo kula dooday Saalix inuu u keeno cadaabka uu ugu gooddiyey, halkii ay dalbi lahaayeen Naxariis xagga Ilaahay.
(47) 47.Waxay yidhahdeen: Waan ku shareysan- nay adiga iyo kuwa kula jira. Wuxuu yidhi: "Waxa idinku dhaca (khayr ama shar) waa Qaddarka Ilaahay15; bal waxaad tihiin qolo lagu imtaxaanayo (khayr iyo sharba).”
15. Inuu idin fidmeeyo Shaydaan.
(48) 48. Waxaa magaalada ku sugnaa sagaal nin (oo ah wiilashii madaxdoodii)16, ku fala fasahaad arlada17, aan wax hagaajin.
16. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen waxaa loola jeedaa magaalada halkan magaaladii qolodii Thamuud, waana magaaladii Al-Xijir – dhadhaab.
17. Oo ahaa madaxdoodii iyo wiilasha ay dhaleen oo diinta colaadinayey.
(49) 49. Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Allaah inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisa goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan xigtadiisa dhow18: Maa aanu joogin meeshuu ku halaagsamay ehelkiisu,run baynuna sheegi.
18. Midka ay saaran tahay inuu fuliyo dardaarankiisa, oo leh diyadiisa.
(50) 50. Waxayna tabeeyeen tab, Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn.
(51) 51. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan.
(52) 52. Marka waa kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan dulmigoodii darti. Arrinkaa waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax garan.
(53) 53. Waxaana badbaaddinnay kuwii (xaqa) rumeeyey oo ka dhowrsanayey (xumaha).
(54) 54. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku lahaa qolodiisii: Ma waxaad la imanaysaan faaxisho19 idinkoo arka20?
19. Faaxishah wax xille oo foolxun waxaa halkan loola jeeda zinada iyo ficilkii qoomu luud -Falalka khaniisnimada ah, iwm.
20. Si caddaan ah, tafsiir kale waa idinkoo ogsoon inay tahay denbi weyn.
(55) 55. Ma waxaad u tageysaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Waxaadse tihiin dad moog (xilka Alle idin saaray, markaasaad khilaafteen Amarkiisa oo caasideen Rasuulkiisa oo xumo fasheen).
(56) 56.Mase ahayn jawaabtii qoonkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: “Ka saara reer Luud magaaladiinna, waa dad is daahirine.
(57) 57. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisii, marwadiisii maahee. Waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haray gadaal (la halaagay).
(58) 58. Waxaana ku soo daadinnay korkooda roob (dhagaxyo naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay.
(59) 59. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, nabadna ha ahaato addoomahiisa uu doortay dushooda. Ma Allaah baa wanaagsan, mise kuwa (ilaahyada beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada shariigyo ahaan?
(60) 60. Mayee, (Allaah baa wanaagsan) ee ah Kan abuuray cirarka iyo dhulka, oo idiinka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo aan ku soo bixinno beero cajab leh oo bilic iyo barwaaqo badan; Ma aha wax aad kartaan inaad soo saartaan geedahooda. Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Mayee, waa qolo ka weecata (Xaqa oo la wadaajiya Alle cibaadada cid kale oo la mid dhiga).
(61) 61. (Waxaa wanaagsan Allaah ee) ka dhigay dhulka meel la dego oo ka yeelay dhexdiisa webiyo, oo u yeelay buuro suga, yeelayna dhexdooda labada badood xidh. Ee ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Mayee, badankood garasho ma leh.
(62) 62. (Waxaa Wanaagsan Allaah ee ah) Kan ajiiba dhibbanaha markuu baryo oo ka qaada dhibka, idinkana yeela kuwa u hadha (oo isku beddela) dhulka21. Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Yaraa intaad xusuusataan.
21. Fac walba uu xigsado fac kale
(63) 63. Kan idin haga markaad ku dhex jirtaan mugdiyada berriga iyo badda oo ah Kan soo dira dabaylaha ceelalyo ahaan bishaara sida ka horreeya Raxmaddiisa (roobka)? Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Waa ka sarreeyaa Alle waxay la wadaajiyaan cibaadada(oo la mid dhigaan)
(64) 64. Kan billaaba asal ahaan abuurka, haddana soo celin, oo ah Kan idinka irsaaqa samada iyo arlada? Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Dheh: Keena Xujadiinna, haddaad run sheegaysaan.
(65) 65. Dheh: Ma jiraan cid ku sugan samooyinka iyo arlada oo ogsoon Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan) Allaah ma’ahee, mana oga goorta la soo bixin.
(66) 66. Mayee’, Cilmigooda xagga Aakhirada waa wax yar oo aan dhammeyn. Waxaybase ka qabaan shaki, wayna ka indha la' yihiin xaggeeda.
(67) 67.Kuwaa (Xaqa) diida waxay dhahaan: Ma markaan noqonno carro, innaga iyo aabba- yaashayo, miyaa nala soo bixin (mar kale)?
(68) 68. Waxaa naloo yaboohay (arrin)kan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan aheyn sheeko xariirtii kuwii hore.
(69) 69. Dheh: Ku socdaala dhulka, markaas fiiriya siday aheyd cidhibtii denbiilayaasha.
(70) 70. Ee ha u murugoon, hana ka cidhiidhyamin waxay dhagar dhigi darteed.
(71) 71. Waxay yidhaahdaan: Waa goorma yaboohaasi haddaad run sheegaysaan?
(72) 72. Dheh: Waa intaasoo ay yihiin wax dhow oo gadaashiinna ah qaar ka mid ah waxaad rabtaan in la soo dedjiyo (Cadaabka).
(73) 73. Hubaalna Rabbigaa (Allaah) waa u Roon yahay dadka, badankooduse ma mahad naqaan.
(74) 74. Rabbigaana waa Og yahay waxay laabahoodu qarin iyo waxay muujinba.
(75) 75. Ma jiro wax ku qarsoon samada iyo arlada oo aan ku qorneyni Kitaab cad22 .
22. Looxa Maxfuudka.
(76) 76. Qur’aankani wuxuu kaga qisoon (warrami) ilmahii Israa’iil badi waxay isku hayaan oo isku khilaafsan yihiin.
(77) 77. (Qur’aanku) waa u Hanuun iyo Naxariis mu’miniinta.
(78) 78. Hubaalna Rabbigaa (Allaah) wuxuu ugu kala garsoori dhexdooda xukunkiisa, waana Adkaadaha, wax kasta Ogsoon.
(79) 79. Ee isku hallee oo talo saaro Allaah; hubaal, waxaad ku taagan tahay Xaq Cad.
(80) 80. Adigu wax ma maqashiin kartid meytida, mana maqashiin kartid dhagoolaha dhawaaqa markay tagaan oo dhabarka jeediyaan.
(81) 81. Mana thid mid ka toosin kara indhoolayaasha habowgooda, cidna wax wax maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga ee iyagu Muslimiin ah hoggaansan.
(82) 82. Markuu Qawlka (Cadaabka) ku fulo dushooda23, Waxaan uga soo bixin Neef (dugaag) arlada la hadleysa, inay dadku ahaayeen kuwo aan yaqiinsaneyn Aayadahayaga.
23. Markay soo dhowaato Saacadda Qiyaame.
(83) 83. (Ka dig) Maalintaan ka soo saari ummad walba koox ah kuwii beeniyey Aayadahayaga iyagoo is cidhiidhyi.
(84) 84. Ilaa markay yimaadaan (Rabbigood hortiis) Wuxuu ku odhan: Ma waxaad beeniseen Aayadahaygii idinkoon ku koobin cilmi, maxaadse fali jirteen?
(85) 85. Waxaa ku dhici Qowlkii (Cadaabka) 24, dulmigoodii darti, marka ma hadlayaan.
24. Qaddarka Ilaahay baa ku dhaboobi korkooda, oo yaboohiisa waa fuli.
(86) 86. Mawaysan arkayn inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan, Maalintana iftiin? Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn (Xaqa).
(87) 87. (Ka dig) Maalinta buunka la afuufi, oo ay argagixi kuwaa ku sugan cirarka iyo kuwaa ku sugan arlada cidduu Alle doono mooyee, kullina waxay u imaan iyagoo dullaysan.
(88) 88. Waxaad arkaysaa buurahii aad u maleyn wax adag oo sugan, iyagoo socon socodka daruuraha oo kale, waa Sancada Ilaahay ee hagaajiyey wax waliba. Hubaal waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
(89) 89. Qofkii la yimaada samaan25 wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (Janno), argagaxa Maalintaasna waa ka aamin.
25. Halkan samaanta waxaa loola jeedaa towxiidka.
(90) 90. Qofkii la yimaada xumaan26 waxaa loogu tuuri weji weji Naarta: Ma waxaa la idinku abaal marin waxaan ahayn waxaad fasheen?
26. Halkan xumaanta waxaa loola jeedaa shirkiga.
(91) 91. Waxaa aniga la I amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan27 (Makkah) ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Waxaana la I amray inaan ka mid ahaado kuwa isu dhiiba (Alle ee u hoggaansan) ee Muslimiinta ah.
27. Waxaa loola jeedaa Makkah iyo hareeraheeda.
(92) 92. Iyo inaan akhriyo Qur’aanka, qofkii hanuuna, wuxuu uun u hanuunaa naftiisa, qofkii lumaana, dheh: Anigu waxaan ahay uun mid ka mid ah digayaasha.
(93) 93. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle. Wuxuu idin tusi calaamoo- yinkiisa, waadna garan doontaan. Mana aha Rabbigaa mid moog waxaad falaysaan.