(1) 1. Nabiyow! Ku sugnow cabsida ilaahay (adigoo dhowraya xilkuu ku saaray, kana dheeraanaya xaaraanta), ha adeecinna gaalada iyo munaafiqiinta. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xikmad Badan.
(2) 2. Raacna waxa laguu waxyoodo ee kaaga yimaada Rabbigaa; hubaal Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
(3) 3. Isku hallee oo talo saaro Allaah, Allena ku Filan wakiil uu ahaado.
(4) 4. Uma yeelin Alle ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana yeelin xaasaskiinna aad ku sheegtaan inay idinka yihiin xaaraan sida hooyooyinkiin2, hooyooyinkiin oo kale, kamana dhigin kuwaad u soo korsateen ilmahiinna ahaan inay la mid yihiin ilmahiinna runta ah aad dhasheen3. Taasi wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afka. Allena wuxuu ku hadlaa runta, Isagaana wax ku hanuunsha Jidka (Toosan ee Islaamka).
1. Al-Axzaab waxay tilmaameysaa isbaheysigii qabaa’ishii Carabta ee gaalada ahayd iyagoo col ku ah Muslimiintii degganeyd Madiinah iyagoo ku soo qaaday duullaan loogu magac daray Al-Axzaab ama Al-Khandaq (dagaalkii Godka).
2. Waa ninka oo ku yidhaahda xaaskiisa waxaad iga tahay hooyaday oo kale, waxayna sidaas xaaska kaga noqoneysey ninkeeda xaaraan abadki. Laakiin waxaa lagu nasakhay Islaamka, waxayna xaaska u noqon xalaal kaddib markuu baxsho kafaaro gudda lagu xusay Suuradda 58: Aayadaha 3-4.
3. Carruurtaa aad idinka korisaan oo dar yeeshaan. Mowla waa addoonka la xoreeyey ama uu abbaankiisa ka dhigtay wiil uu dhalay ahaan, sida Saalim, wuxuu ka dhigtay Xudayfa wiilkiisa oo kale, waxaana loo yiqiin mowlaa Xudeyfa.
(5) 5. Ugu abtiriya aabbayaashood, sidaasaa caddaaladsan Alle agtiisa. Haddiise aydaan garanayn aabbayaashood, waa walaalihiin diinta iyo saaxiibbadiin, kumana lihidin eed wixii gef idiinka dhaca, (waxaase eed ku leedihiin waxay) kas iyo ula kac u sameeyaan quluubtiinnu4, Allena waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.
4. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: “Allaah kor ahaaye wuxuu ummaddan ka saamaxay wixii uga dhaca gef aan ula kac ahayn, hilmaanka, iyo wixii lagu qasbo.”
(6) 6.Nabiga isagaa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda5, xaasaskiisuna waa hooyooyinkood (oo kale). Qaraabaduna iyagaa qaarkood qaarka kale kaga mudan oo xaq leh (dhaxalka) Kitaabka Ilaahay xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) muhaajiriinta, in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka6.
5. Nabiga s.c.w. baa sii mudan in la maqlo oo daacad loo ahaado. Mu’miniinta dhabta aha waxay jecel yihiin Nabiga s.c.w. wax ka badan nafahooda arrin kasta oo la soo gudboonaada.
6. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka. Waxaa halkan loola jeedaa siismada cidaan waraso ahayn in loo dardaarmo wax aan ka badneyn seddex meeloodoo meel dhaxalka laga tagey.
(7) 7. (Xus Nabiyow) markaan ka qaadnay Nabiyada ballankoodii iyo adigaba, iyo Nuux, Ibraahiim, Muuse iyo Ciise - ina Maryam. Oo ka qaadnay ballan adag.
(8) 8. Si uu (Alle) wax uga weydiiyo run sheegyaasha runtooda7, Wuxuuna u diyaariyey gaalada cadaab xanuun badan.
7. Si uu u weydiiyo Anbiyada waxa ay soo gaarsiiyeen dadkooda iyo sida loogu jawaabay. Runlowyada waxaa sidoo kale loola jeedi karaa kuwaasi rumeeyey dhambaalka ay soo gaarsiiyeen anbiyadooda oo sii gaarsiiyey dadka kale.
(9) 9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusuusta Nicmadda Ilaahay idiin galay markay idin yimaadeen ciidammo8, markaasaan ku dirnay dabeyl daran iyo ciidammo aydaan arag, Allena waxaad fashaan wuu Arkaa.
8. Aayaddan waxay ka hadleysaa qisada axzaabtii, waana kooxo lagu jabiyey dagaalkii Godka, waayo waxay ka hor yimaadeen Allaah iyo Rasuulkiisa. Waxaana loola jeedaa askar aydan arkin malaa’igta, wuxuu Allaah u soo diray inay halaagaan cadowyadiisa.
(10) 10 (Xusuusta) markay idiinkaga yimaadeen dushiinna iyo hoostiinnaba, indhuhuna iisheen, wadnayaashuna soo gaareen dhuumaha, oo aad billowdeen inaad ku malaysaan Alle malooyin (kala duwan).
(11) 11. Halkaas baa mu’miniinta lagu imtixaa- nay, oo la gilgilay gil-gilid daran.
(12) 12. Markay munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka (iimaankoodu daciif yahay) lahaayeen: Allaah iyo Rasuulkiisu waxa ay noo yabooheen (oo guul ah) waa waxaan waxba ka jirin oo hoditaan ah.
(13) 13. Markay koox idinka mid ahi tidhi, Reer Yathribow9! Hlakaan joogitaan idiin ma leh ee noqda (xagga Madiina). Koox kalena oo ka mid ah idan weydiisteen Nabiga iyagoo leh: Guryahayagu waa baylah, mana ahayn baylah, ee waxay rabeen oo keliya inay cararaan.
9. Yathrib waa magacii hore ee loo yaqaan Madiinah ka hor imaanshaha Nabiga s.c.w.
(14) 14. Haddii laga soo weerari lahaa Magaalada dhinacyadeeda, markaas laga dalbi lahaa (munaafiqiinta) fidno (inay gaaloobaan), horay bay ka yeeli lahaayeen, kamana laba laabeeyeen wax yar mooyee.
(15) 15. Oo waxay horay axdi kula galeen Allaah inaysan jeedineyn dhabarradooda (waqtiga dagaalka), Axdiga Allena waa mid lays weydiin.
(16) 16. Dheh: Cararku wax idiin ma tarayo, haddaad ka carartaan geeri ama dil, markaas laydiin ku raaxeyn maayo (adduunka) in yar mooyaane.
(17) 17. Dheh: Waa kuma kan idinka qaban kara Alle hadduu idinla doono dhibaato ama idinla doono naxariis10? Umana helayaan nafahooda Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.
10. Waxaa loola jeedaa Yaa ka joojin kara Arrinka Alle inuu fulo.
(18) 18. Alle waa og yahay kuwaa idinka mid ah ee ka reeba (kuwa kale jihaadka Jidka Ilaahay)11, iyo kuwa ku yidhaahda walaalahood: Noo kaalaya12; mana yimaadaan dagaalka in yar ma’ahee13.
11. Kuwa ka cesha dadka kale inay taageero siiyaan jihaadka oo garab istaagaan mujaahidiinta dagaalka.
12. Halkii ay ku biiri lahaayeen.
13. Markaasna waxay u baxaan ujeeddooyin kale sida aad maal heshaan, iwm.
(19) 19. Ee bakhayllada ah xaggiinna14, markase cabsi timaaddo waxaad arki iyagoo ku soo eegaya oo indhahoodu wareegayaan sida mid la sakaraad ah geeri; markase ay cabsidu tagto, waxay idinku dhibaan carrabyo afaysan, ka bakhaysha khayrka; kuwaasi ma ay rumaynin (Xaqa). Sidaa awgeed buu Allaah u buriyey acmaashooda, arrinkaasina Alle wuu u fudud yahay.
14. Masuug badan waxaa loola jeedaa aan dooneyn inay siiyaan wax kaalmo ah hirgelinta diinta iyo jihaadka Jidka Ilaahay.
(20) 20. Waxay moodaan Axzaabtu inayan tegin15, haddayna axzaabtu imaan (mar kale)16, waxay jeclaan lahaayeen in baadiyaha ay la jiraan reer miyiga oo halkaas ka weydiinayaan wararkiinna; hadday idin dhex joogi lahaayeenna ma ay dagaal galeen in yar ma’ahee.
15. Cabsidooda zaa’idka ah munaafiqiinta, kuwaasoo fulayo ah, marka ma rumeystaan in ciidammada cadowga la jebiyey.
16. Dagaalkii Godka muslimiinta ma gelin dagaal, waayo Allaah wuxuu soo diray dabeyl iyo malaa’ig kala firdhisay gaaladii.
(21) 21. Waxaa idiinku sugan Rasuulka Ilaahay tusaale wanaagsan17 uu raaco mid kastoo rajeeya (la Kulanka) Ilaahay iyo Maalinta Aakhiro, xusana Alle in badan.
17. Nabiga s.c.w. waa tusaale lagu daydo oo la raaco xag kasta nolosha iyo xagga jihaadkaba.
(22) 22. Markay Mu’minintu arkeen axzaabtii waxay yidhaahdeen: Kani waa waxay Allaah iyo Rasuulkiisu noo yabooheen18, Allaah iyo Rasuuliisuna run bay sheegeen, umana kordhin waxaan ahayen iimaan iyo hoggaansan.
18. Allaah wuxuu u ballan qaaday Rasuulkiisa iyo mu’miniinta guul kaddib dhibka iyo shiddada. Waxaana la amray inay sugaan waxa uu Allaah u yaboohay.
(23) 23. Waxaa ka mid ah mu’miniinta rag ka run sheegay ballanka ay la galeen Alle, marka waxaa ka mid ah mid gutay ballankiisa (oo shahiiday), waxaana ka mid ah mid weli sugaya; mana ayan beddelin in yarba ha ahaatee.
(24) 24. Waa si uu Alle uga abaal mariyo runlowyda runtooda, oo u cadaabo munaafiqiinta hadduu doono ama ugu toobad aqbalo. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(25) 25. Allena wuxuu dib ugula ceshay gaalada ciilkooda, ma ay helin wax khayr ah; Allaana ka kaafiyey mu’miniinta dagaal ay galaan, Allena waa Xoog Badane, Adkaada.
(26) 26. Wuxuu ka soo saaray kuwii ka midka ahaa ehlu Kitaabka19 ee caawiyey (gaalada mushrikiinta ah) dhufaysyadooda oo ku tuuray quluubtooda argagax (sidaa darteed) qaar (ka mid ah) waad leyseen, qaar (kalena) soo qafaalateen.
19. Yuhuuddii Banii Quraydha ee uga baxay ballanka Muslimiinta.
(27) 27. Wuxuuna idin dhaxalsiiyey dhulkooda iyo guryahooda iyo maalkooda20 iyo dhul aydaan (hadda ka hor) cag dhigin21, Allena wax walba wuu Karaa.
20. Kaddib markay kala tageen kooxihii isa soo baheystey, wuxuu Allaah amray Nabigiisa inay duullaan ku qaadaan banii Qurayda, qabiil Yahuud ah oo wax ka degganaa Madiina oo kaga baxay Muslimiinta axdigii ay wada galeen, oo gacan siiyey cadowgooda, markaasay hareereeyeen, markaasaa la laayey wixii dagaal geli karay, oo la soo qafaashay haweenka iyo carruurtoodii.
21. Arladaasoo ay galeen ciidanka Muslimiinta, oo ay ku furteen duullaamo xigay duullaankaa.
(28) 28. Nabiyow! Ku dheh xaasaskaaga: Haddaad tihiin kuwo raba nolosha adduun- kan iyo quruxdeeda - kaalaya waxaan idin siin sahay oo idin diri diritaan quruxsan.
(29) 29. Haddaadse rabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro, hubaal Alle wuxuu u diyaarshay samo falooyinka idinka mid ah abaalgud weyn (Janno).
(30) 30. Xaasaska Nabigow! Mid kastoo idinka mid ah oo la timaadda xumaan (macsi) cad, waxaa loo labalaabi cadaabka, arrinkaasina Alle wuu u fudud yahay.
(31) 31. Tiise idinka mid ah ee adeecda Alle iyo Rasuulkiisa oo sama fasha, Waxaanu siin ajarkeeda labo jibbaar, waxaana u diyaarin- nay risiq sharaf leh (Jannada gudaheeda).
(32) 32. Xaasaska Nabigow! La mid ma tihin haweenka kale oo dhan, ee haddaad Alle ka cabsataan, ha ahaannina kuwo dabacsan oo nugul xagga22 hadal(kiinna), si uusan kan qalbiga ka buka damac u gelin23, ku hadlana hadal wanaagsan oo gar ah.
22. Waa hadalka ku xambaari kara dadka kale inay falaan fal aan wanaagsaneyn ama damac gelin kara.
23. Qofka jecel xumaanta sida zinada iwm.
(33) 33. Kuna sugnaada guryihiinna24, hana muujinnina quruxdiinna sida ismuujintii iyo isbandhiggii jaahiliyaddii hore25, oogana salaadda, oo bixiya Zakada, adeecana Allaah iyo Rasuulkiisa, Alle wuxuu rabaa uun inuu idinka fogeeyo fadarada (dambiga) Ehlu baydkow26, iyo inuu idin daahiriyo daahirin dhan.
24. Waxaa la amray haweenka Nabiga s.c.w. oo haweenka kalena ay soo galayaan inay joogaan guryahooda oo ayan uga bixin waxaan ahayn dan bannaan.
25. Jaahiliyaddii hore: Waxaa loola jeedaa gaalnimadii jirtey ka hor waqtiga Nabiga s.c.w., waxaa sidoo kale la yidhaahdaa jaahiliyad: macsida iyo dambiga la galo kaddib qaadashada Islaamka.
26. Ahlul Bayt: Waxaa loo jeedaa xaasaska Nabiga s.c.w iyo qaraabadiisa soke.
(34) 34. Oo dhaqan gasha waxa lagu akhriyo guryihiinna oo Aayadaha Ilaahay ah iyo Xikmadda; Hubaal Alle waa Dhimriye, Xog Ogaal ah (Xeel Dheer).
(35) 35. Hubaal Muslimiinta iyo Muslimooyinka, mu’miniinta iyo mu’minooyinka, ragga Alle adeeca iyo haweenka Alle adeeca, run sheegayaasha iyo run sheegooyinka, ragga samra iyo haweenka samra, ragga u khushuuca (Alle) iyo dumarka u khushuuca, ragga wax sadaqeysta iyo haweenka wax sadaqeysta, ragga sooma iyo haweenka sooma iyo dhowrsanayaa- sha xafida xubnahooda gaarka ahi iyo dhowrsanooyinka, Alle xusayaasha in badan iyo (Alle) xusooyinkaba. Alle wuxuu u diyaariyey dambi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno).
(36) 36. Kuma habboona nin mu’min ah ama haweeney mu'minad ah, markay Allaah iyo Rasuulkiisu Arrin gooyaan inay yeeshaan talo goosi iskood ah; qofkiina caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa, wuxuu lumay lumid cad.
(37) 37. (Xusuuso, Nabiyow) markaad ku lahayd kan uu Alle u nicmeeyay27 adiguna aad u nicmaysay: Heyso xaaskaaga, Ilaahayna ka cabso; waxaadna ku qarisay naftaada wuxuu Alle debedda keenayo, adigoo ka baqaya dadka, Alle baase mudan inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay) baan kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) xaasaska kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen (oo iskood u fureen) 28, Amarka Allena waa mid abad fula oo hirgala.
27. Waxay tilmaameysaa Addoonkii Nabiga s.c.w. uu xoreeyey, Zayd bin Xaarithah a.k.r. 28. Arrinkani waa si loo caddeeyo in uu nimi guursan karo haweeney uu horey u qabay wiil uu soo korsaday ha yeesee uusan dhalin.
(38) 38. Ma aha Nabiga dushiisa wax dhib ah inuu falaa waxa Alle u banneeyey29. Waa jidkii Ilaahay ee kuwii hore ee tegay. Amarka Allena waa qaddar horay ka fula.
29. Ama waxa uu u banneeyey inuu fali karo.
(39) 39. (Waxaa ammaan mudan) kuwa gaarsiiya dadka Farriimaha Ilaahay30 oo ka baqa, oo aan ka baqin cidna Alle maahee, Allena ku filan xisaabiye uu ahaado.
30. Waa anbiyada Ilaahay (Nabad korkooda ha ahaatee), iyaga kaddibna kuwa raaca Nabi Muxammad s.c.w. ee lagu khatimay anbiyada, kuwaasoo si daacadnimo ah Ilaahay darti Keliya u gaarsiiya Dhambaalka IIaahay dadka oo idil.
(40) 40. Muxammad ma aha aabbaha qofna ka mid ah raggiina, waase Rasuul Ilaahay iyo kan u dambeeyey ee lagu khatimay Nabiyada31, Allena wax walba wuu Og yahay.
31. Nabi Muxammad s.c.w. ma aha aabbaha nin ka mid ah asxaabta, sidaas awgeed Nabiga s.c.w. way u bannaaneyd inuu guursado Zaynab binti Jaxash a.k.r.
(41) 41. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusa Allaah xusid badan.
(42) 42. Xurmad weyneeyana oo hufa aroor iyo galabba.
(43) 43.(Alle) waa Kan soo dira Barakooyinkiisa korkiinna32, malaa’igtiisuna idiin duceyso, si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka, (Allena) waa u Naxariis Badan yahay mu’miniinta.
32. Allaah Subxaanahu watacaalaa wuu idin daryeelaa oo idiinku deeqaa Naxariistiisa. Macno kale oo zaa’id ah waxaa weeye Wuxuu Allaah idinku ammaanaa kulanka sare ee malaa’igta dhexdooda.
(44) 44. Salaantoodu Maalintay (Alle ku) la Kulmaan (Jannada) waa Salaam: Nabad ahaada, Wuxuuna u diyaariyey abaal gud sharaf badan (Janno).
(45) 45. Nabiyow! Hubaal waxaan Annagu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, bishaareeye iyo dige ahaan.
33. Nabiga s.c.w. wuxuu ku odhan jirey asxaabtiisa: Bishaareeya, oo ha didinnina dadka, oo wax fududeeya oo ha adkeynina.”
(46) 46. Iyo inaad ahaato baaqe ugu yeedha (dadka) xagga Ilaahay si Idankiisa ah iyo nal ifi.
(47) 47. Ugu bishaareena mu'miniinta inay xagga Ilaahay ku leeyihiin deeq Weyn (beeraha Jannada).
(48) 48. Ha adeecinna gaalada iyo munaafi- qiinta, oo dan ha u gelin hadalkooda dhibta leh, iskuna hallee Allaah oo talo saaro, Allena ku Filan xafide uu ahaado.
(49) 49. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad guursataan dumarka mu’minooyinka ah, markaas aad furtaan ka hor inta aydaan taaban (la aqal gelin), markaa kuma lihidin korkooda wax ciddo ay tirsan, ee siiya xoogaa sahay ah oo sii daaya si dayn quruxsan.
(50) 50. Nabiyow! Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal xaasaskaaga aad siisay maherradooda iyo kuwaa ay gacantaadu midig hanato oo aad kala soo baxday kuwaa uu Allaah kuu siiyey qafaal ahaanta, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdhaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kula soo haajiray, iyo haweeney mu’minad ah hadday u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin (inta kale ee hadhay) ee mu’miniinta ah. Waxaan ognahay waxaan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo waxay gacmahoodu midig hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga,Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(51) 51. Waad dib dhigi kartaa (Nabiyow) taad doonto (mooggeeda), oo u hoyaadi kartaa taad doonto, waadna soo dhoweyn kartaa taad rabto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay, eed kuguma saarna, arrinkani baa sii habboon, si ay u indho qabowsa- daan oo aysan u murugoon, iyo inay ku raali noqdaan dhammaantood waxaad siiso. Allaah baa og waxa ku jira quluubtiinna. Allena waa wax kasta Oge, Dulqaad Badan.
(52) 52. Kuuma bannaana (guursiga) haween dambe intaa kaddib, iyo inaad iyaga (xaasaskaaga furto oo) ku beddalatid xaasas kale midna, xataa hadday quruxdoodu ku cajabiso marka laga reebo kuwaa ay gacantaadu midig hanato. Allena wuu u jeedaa wax walba.
(53) 53. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryaha Nabiga in cunno la idiinku yeedho mooyee idinkoon sugeyn bislaadkeeda34. markase la idiin yeedho gala, markaad cuntaanna raashinka kala taga idinkoon sugeyn sheeko. Hubaal (arrin) kani waxay dhibi Nabiga, wuuse idinka xishoon (inuu idin bixiyo), Alle se kama xishoodo xaqa. Markaad weydiisanaysaan (haweenka Nabiga) wax uun alaab ah ka weydiiya daah gadaashi, (arrin) kani baa u daahirnimo badan (u fiican) quluubtiinna iyo quluubtoodaba. Xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Alle iyo inaad guursataanba xaasaskiisa gadaashi marnaba. Hubaal (arrin)kani Alle xaggi waa wax Daran oo denbi weyn ah.
34. Aayaddan waxay reebtay inay saxaabada soo galaan guriga Nabiga s.c.w. iyagoo sugaya intay cuntada ka bislaato oo la kariyo.
Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddii laygu yeedho casumaad ah cudud waan ajiibayaa, haddiina la ii hadiyeeyo kolay ku tahay majin waan aqbalayaa, markaad se ka faaruqdaan wixii laydiinku yeedhay ka dul qaada qoyska guriga culeyska oo kala aada guryihiinna.”
(54) 54. Haddaad muujisaan wax ama qarisaan, hubaal Allaah wax walba wuu Og yahay.
(55) 55. Wax denbi ah kama soo gaadhayo (haweenka inaysan ka xijaaban) aabbayaashood35 ama wiilashooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, iyo waxay gacantoodu midig hanato, Allena ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Hubaal Alle waa Mid wax waliba u jeeda oo arka.
35. Way u bannaan tahay haweeni inay uga hor muuqato kuwaasi aan gayin abadkood iyadoo aan xirneyn xijaab kaamil ah, iyo inay la keliyowdo. Labada waalid walaalahood (adeerradda iyo abtiyada) waxay soo galayaan aabbayaasha.
(56) 56. Allaah iyo Malaa'igtiisu waxay ku salliyaan Nabiga36, ee kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ku salliya oo salaama salaan la yaqaan37.
36. Ku sallinta Ilaahay uu ku salliyo Nabigiisa waa inuu ammaano oo siiyo naxariistiisa oo barakeeyo, oo kor yeelo meeqaankiisa, salliga malaa’igtana waa inay u weydiiyaan dambi dhaaf Ilaahay, tan mu’miniinta waa duco inuu Ilaahay barakeeyo, u naxariisto.
37. Inuu ka nabad ahaado xumaan kasta.
(57) 57. Kuwa ku dhiba Alle (shirki, xume fal iyo hadal xun) Rasuulkiisana (qowl ama ficil) - Allaah wuu nacladay adduun iyo Aakhiraba, wuxuuna u diyaariyey Cadaab dulleysa.
(58) 58. Kuwa ku dhiba mu’miniinta iyo mu’mi- nadaha wax aanay muteysan, waxay dusha saarteen been abuurasho iyo denbi cad.
(59) 59. Nabiyow! Ku dheh (oo amar) xaasas- kaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta inay isku dadaan xijaabkooda. (Arrin) kani baa roon oo wanaagsan si loogu aqoonsado, sidaas darteedna aan loo faduulin. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(60) 60. Haddayan munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka38 iyo kuwa gilgili (wararka beenta ah ku faafiya) magaalada joojinin (waxay ku jiraan), waanu kugu salladi oo ka adkaan, markaas kugulama deris ahaanayaan in yar ma’ahee.
38. Waxaa loola jeedaa kuwaasi jecel falidda zinada ama xumaha la midka ah.
(61) 61. Waa la nacladay, meel kastoo laga helo, waa la qab-qaban oo la layn leyn daran.
(62) 62. Waa hannaankii Ilaahay ee ku meel maray kuwii hore ee tagay, kamana heley- sid hannaanka Ilaahay wax is beddel ah.
(63) 63. Dadku waxay wax kaa weydiin Saacad- da (Qiyaame goortay tahay), Dheh: Cilmi- geedu wuxuu la jiraa Alle. Miyaadse og tahay waa intaasoy Saacaddu dhowdahay.
(64) 64. Allaah wuu nacladay gaalada, oo u diyaariyey Naar hur iyo olol badan.
(65) 65. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, ma heleyaan difaace iyo gargaare midna.
(66) 66. Maalinta wejiyadooda lagu rogrogi Naarta, waxay odhan: wayoo waye haddaanu adeeci lahayn Alle, adeecina lahayn Rasuulka.
(67) 67. Waxayna odhan: Rabbigayow!39 waxaan adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii, oo naga lumiyeen Jidka (Toosan ee Islaamka).
39. Waxaa sidoo kale lagu fasiray: “Kuweenna noogu weyn ee madaxda noo ah (culimadeenna) iyo amiirradeenna”.
(68) 68. Ee Rabbiyow sii cadaab labanlaab ah, nacladna naclad weyn.
(69) 69. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwii hadal xun ka sheegay Muuse, oo Alle ka barii yeelay waxay ku sheegeen, wuxuuna Alle agtiis ku leeyahay weji (sharaf).
(70) 70. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray) kuna hadla hadal toosan (oo run ah).
(71) 71. Wuxuu idiin wanaajin acmaashiinna, idiinna dhaafi dunuubtiinna. Qofkiina adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa (Nabi Muxammad), wuxuu liibaani liibaan weyn 40.
40. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddaad heysato afar tilmaamood waxba kuuma dhimaan wixii ku dhaafa oo adduun ah: Dhowrista ammaanada, hadal run ah oo aad mar waliba ku hadasho, dabeecad san, iyo xalaal quudasho.”
(72) 72.Waxaan u soo bandhignay Amaanada samooyinka, arlada iyo buuraha, wayse ka cudur daarteen inay qaadaan oo ka baqeen (Culeyska amaanada41). Waxaase qaaday oo ku xil darrooday Aadmiga42. Waa dulmi badane, jahli badan.
41. Aqbalaadda waajibyada iyo xilalka iyo adeecidda Allaah iyo Rusushiisa.
42. Iyagoo u hanqal taagaya abaalgudkeeda, halka ay illoobaan ciqaabka gabidda qaadista xilka la saaray.
(73) 73.Si uu Alle u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka, ugana toobad aqbalo mu’miniinta iyo mu'minadaha43, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
43. Waa sababta loogu oggolaaday dadka inay qaadaan amaanadaa.