39 - Suurada Az-zumar ()

|

(1) 1. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) wuxuu ka yimid xagga Alle, Adkaadaha Sare, Xikmadda Badan.

(2) 2. Waxaan kuugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) si Xaq ah. Ee caabud Alle Keliya, adigoo u daacad ah aan waxba la wadaajin cibaadada.

(3) 3. Ogaada, hubaal, cibaado barax tiran1 aan waxba lala wadaajin cid kale waxaa Xaq u leh Allaah (Keliya). Kuwase yeesha awliyo (gargaarayaal, sokeeyayaal, ay la) barbar caabudaan (iyagoo leh): Uma caabudno waxaan ahayn inay noo dhoweeyaan Allaah dhowaansho. Allaah baa ku kala xukumi dhexdooda waxay isku khilaafaan. Alle ma hanuuniyo been badne, gaalnimo badan.
1. Diinta uu Allaah aqbalo waa tan daahirka ah, aan lala wadaajin cidna cibaadada iyo adeecidda iyo maxabbada.

(4) 4. Hadduu Allaah doono inuu yeesho wiil (sida ay leeyihiin gaalada) wuxuu ka dooran lahaa wuxuu abuuray wuxuu doono. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo nazahan. Waa Allaah, Waaxidka Kelida ah, Awoodda Sare leh (uu wax ku Maquuniyo).

(5) 5. Wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Wuxuu habeenka ku daboolaa maalinta, maalintana ku daboolaa habeenka. Wuxuuna layliyay qorraxda iyo dayaxa. Mid walbaa wuxuu ku socdaa muddo magacaaban. Ogaada Alle waa Adkaadaha Sare, Denbi Dhaafka Badan.

(6) 6. Wuxuu idinka abuuray naf keliya (Aadam) oo ka yeelay lammaankiisa (Xawwaa) isku nooc. Wuxuuna idiin soo dejiyey xoolaha siddeed nooc. Wuxuu idinku abuuraa uurarka hooyooyinkiin abuuris ka dambeysa abuuris saddex mugdi2 dhexdood, kaas baa ah Allaah - Rabbigiin. Isagaa leh Boqortooyada (runta ah). Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Ee xagee baa la idiinka iilay?
2. Seddexdaa mugdi waa mugdiga caloosha, mugdiga riximka, iyo mugdiga xuubka ku dahaaran riximka.

(7) 7. Haddaad gaalowdaan (dadow), Allaah waa idinka deeqtoon yahay, ugamana raalli aha addoomahiisa gaalnimo. Haddaad ku mahdisaanna wuu idinka raalli noqon. Nafnana naf kale denbigeeda ma qaaddo. Waana xagga Rabbigiin meel noqodkiinnu, markaasuu idiin sheegi waxaad fali jirteen. Wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha.

(8) 8. Markay dhibi taabato aadmiga wuxuu baryaa Rabbigiis (Allaah Keliya) isagoo badiya u noqodka Xaggiisa (toobad keen ah), markase uu siiyo nicmo Xaggiisa ah, waa halmaamaa wuxuu ka baryey kal hore, wuxuuna u yeelaa shariigyo, si uu (u lumo oo aadmigana) uga lumiyo Jidkiisa. Dheh: Ku raaxeyso gaalnimadaada wax yar3, waxaad ka mid tahay ehlu Naarka.
3. Arrinkan waa ogeysiin cadhada uu Allaah u qabo mushrikiinta inkiraaddooda baaqa Towxiidka darti, waa gooddin adag.

(9) 9. Ma mid daacad ah tukada saacado habeenka ah isagoo sujuudsan oo taagan, ka digtoon Aakhirada oo rajeeya Naxariista Rabbigiis (miyaa la mid ah mid aan sidaasi ahayn)!? Dheh: Miyey kuwa wax og iyo kuwa aan waxba ogeyn siman yihiin? Waxaa sideedaba waantooba keliya kuwa wax garadka ah.

(10) 10. Dheh: Addoommahayga (Xaqa) rumeeyow, Dhowra (xilka uu idin saaray) Rabbigiin, kuwa sama fala adduunyadan, (abaalkooda) waa samaan, dhulka Ilaahayna waa waasic (ee ku caabuda Isagoo Keliya). Waxaa uun loo oofiyaa kuwa sabra Abaalkooda si dhan xisaab la’aan.

(11) 11. Dheh: Waxaa la i amray inaan caabudo Allaah Keliya anigoo u daacad ah aan waxba la wadaajineyn cibaadada.

(12) 12. Waxaana la i amray inaan ahaado kan ugu horreeya Muslimiinta (isu dhiiba Alle).

(13) 13. Dheh: Waxaan ka cabsan haddaan ku caasiyo Rabbigey Cadaab Maalin Daran.

(14) 14. Dheh: Allaah keliyaan caabudi anigoo u daacad ah waxba la wadaajin cibaadada.

(15) 15. Ee caabuda idinku waxaad doontaan sokadi. Dheh: Khasaare qabaayaasha waa kuwa khaasari nafahooda iyo ehelkoodaba Maalinta Qiyaamaha; ogaada, kaasi weeye khasaaraha caddaanka ah.

(16) 16. Waxay mudan daboollo dab Naar ah korkooda, iyo daboollo hoostooda, (Arrin)kaasi waa waxa uu Allaah ku cabsi geliyo addoomahiisa ee addoomahaygow (dhowra xilkaan idin saaray oo) iga Cabsada.

(17) 17. Kuwa ka fogaada inay caabudaan Daaquut (ilaahyada beenta)4 oo u laabta Allaah (iyagoo toobad keen ah), waxay leeyihiin bishaaro; ee u bishaaree addoomahayga.
4. Daaquut waxaa loola jeedaa shaydaanka, ama wax kastoo la caabudo Allaah sokadi iyagoo ku raalli ah caabudiddaas.

(18) 18. Kuwa dhegaysta hadalka waanada ah oo raaca kiisa u fiican5, kuwan weeye (kuwa) uu Alle hanuunshay, waana kuwan kuwa wax garadka ah.
5. Waa kuwa markay maqlaan samaan iyo xumaan, ka warrama samaanta , kana taga hadalka kiisa xun oo aan ka sheekeynin. Hadal la raacana waxaa u wanaagsan hadalka Ilaahay oo ah Qur’aanka iyo kan Rasuulkiisa (Sunnada Nabiga scw).

(19) 19. Ma mid ay u waajibtay kelmedda cadaabka. Ma adigaa (Nabiyow) badbaadin kara mid geli Naarta.

(20) 20. Kuwase dhowra (xilkuu saaray) Rabbigood (oo ka cabsada cadaabka Ilaahay) waxay leeyihiin dabaqyo sare ay ka korreeyaan dabaqyo kale loo dhisay (iyaga), oo ay webiyadu hoos qulqulaan; (Kani waa) Ballan Ilaahay, Alle marnaba kama baxo Ballankiisa.

(21) 21. Mawaadan arag inuu Allaah ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, haddana ka yeelo inay ku socdaan dhulka iyagoo ilo ah, markaas uu ku soo bixiyo dhir kala midab ah, haddana qallalaan sidaas darteed waxaad aragtaa isagoo caddaaday oo cawlan, haddana Wuxuu ka dhigaa wax baabba’ay oo u burburay gaballo? Hubaal, (arrin)kani waxaa ugu sugan waano dadka wax garadka ah.

(22) 22. Ma mid uu qalbigiisa Allaah u furay islaamka sidaas darteed ku sugan Nuur xagga Rabbigi ah (baa la mid ah mid qalbi adag)?, ee waxaa hoog leh kuwa ay qalbiyadoodu ay yihiin adeyg xagga Xusidda Ilaahay. Kuwaasu waxay ku sugan yihiin habow cad.

(23) 23. Allaah wuxuu soo dejiyey hadal kan u fiican, Kitaab qaybahiisu isu eg yihiin oo soo noqnoqda6, ay la jiriiricoodaan dubabka kuwa ka baqa Rabbigood. markaasay dubabkooda iyo qalbiyadoodu u jilcaan Xuska Ilaahay. Kani waa hanuunka Ilaahay. Wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono, qofkuu Alle lumiyaana ma leh cid hanuunin.
6. Axkaanta, cilmiga, qisooyinka, iwm waa lagu soo celceliyaa Qur’aanka gudahi si loogu cibrad iyo waano qaato oo dadka u saameyso.

(24) 24. Ma mid kaga gabbada wejigiisa7 cadaabka xun Maalinta Qiyaamaha (baa la mid ah mid aan sidaas ahayn) waxaana lagu odhan daalimiinta: Dhadhamiya waxa aad kasbateen (oo denbiyo ah).
7. Halkii gacmahiisa, oo markaasi ku xirnaan doono luquntiisa.

(25) 25. Waxaa beeniyey (Xaqa) kuwii ka horreeyey (gaaladan), wuxuuna uga yimid cadaabku meelo aysan dreemeyn.

(26) 26. Markaasuu Allaah dhadhansiiyey dulli noloshan adduunka, cadaabka Aakhiraana ka sii weyn; hadday ogaan lahaayen.

(27) 27. Waxaan dhab ahaan ugu soo qaadannay dadka Qur'aankan dhexdi tusaale nooc kasta leh bal inay waantoobaan.

(28) 28. Qur’aan af Carabi ah, aan wax qallooc ahi lahayn8, si ay (xumaha uga) dhowrsadaan (oo Alle u hoggaansamaan).
8. Aan lahayn wax ka weecasho ah xaqa.

(29) 29. Allaah wuxuu soo qaataa tusaale: addoon ay wadaagaan niman badan oo is khilaaafsan, iyo addoon kale oo gebigiba uu wada leeyahay hal nin. Miyey labadaasu isku mid yihiin xaal ahaan? Ammaan oo dhan iyo mahadba waxaa leh Allaah, badankooduse ma oga.

(30) 30. Hubaal waad dhiman, iyaguna (sidoo kale) way dhiman.

(31) 31. Maalinta Qiyaamahana waxaad ku doodeysaan Rabbigiin horti.

(32) 32. Yaa ka dulmi badan kan ka been sheega Alle (oo yidhaahda wuxuu leeyahay shuruko ama ilmo), oo beeniya Xaqa (Qur’aanka) markuu u yimid, miyaanay ugu sugneyn Naarta hoy gaalada?

(33) 33. Kan la yimid Runta (Nabi Muxammad) iyo (kan) rumeeyey, kuwani weeye kuwa (xumaha ka) dhowrsada (ee Alle u hoggaansan).

(34) 34. Waxay leeyihiin waxay doonaan Rabbigood agtiisa; kaasi waa abaalgudka sama falayaasha.

(35) 35. Si uu Allaah ugu asturo wixii xumaa ay faleen, oo u siiyo ajarkooda si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falaan.

(36) 36. Mawuusan Allaah ahayn mid ku Filan addoonkiisa? Waxayna kugu cabsi geliyaan kuwa ay sokadi (caabudaan). Qofkuu Alle lumiyona, ma leh wax hanuunin.

(37) 37. Qofkuu hanuuniyona ma jiro wax lumin kara. Ma wuusan Alle ahayn Adkaade, Aargudasho leh?

(38) 38. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Allaah. Dheh: Bal ka warrama waxa aad caabuddaan Alle sokadi - hadduu Allaah ila maago dhib, miyey yihiin kuwa faydi kara dhibkiisa? ama hadduu ila maago Naxariis, miyey yihiin kuwa celin kara Naxariistiisa? Dheh: Allaah baa igu Filan, Isagay isku halleeyaan oo tala saartaan inta wax isku halleysa oo tala saarata.

(39) 39. Dheh: Dadkaygiiyow! U camal fasha sidiinnaas, anna waan camal fali, waadse ogaan doontaan.

(40) 40. Waa kee kan ay u iman cadaab dulleysa iyo kan ay ku dhici cadaab ma guuraan ah.

(41) 41. Waxaan kuugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) dadka darti si Xaq ah. Qofkii hanuunana waxay dan u tahay naftiisa, qofkii lumaana waxay uun ka go’an tahay korkiisa, adiguna ma tihid mid xil kaa saaran yahay oo wakiil ka ah.

(42) 42. Allaah baa oofsada nafaha waqtiga dhimashadooda, iyo kuwaas aan dhiman intay ku jiraan hurdadooda. Wuxuu hayn tii uu ku xukumay dhimashada, wuxuuna soo diri tii kale ilaa iyo muddo magacaaban. Waxaa (arrin)kaasi ugu sugan calaamooyin ciddii fikireysa.

(43) 43. Mise ma waxay yeesheen shafeecayaal Allaah sokadi? Dheh: Ma xitaa haddayna wax hananeyn, waxnana garaneyn?

(44) 44. Dheh: Allaah baa iska leh shafeeco oo dhan; Isagaa leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana la idiin soo celin.

(45) 45. Marka Allaah Keliya la xuso, quluubta kuwaan rumeysneyn Aakhirada way qaloodaan, markase la xuso kuway sokadi (caabudaan), markaasay farxaan.

(46) 46. Dheh: Allahayow, uumaha cirarka iyo dhulkow, Ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqdow. Adiga (Keliyaa) u kala garsoori addoomahaaga waxay isku khilaafaan.

(47) 47. Haddii kuwaa dulmiga (shirkiga iyo macaasida) fala ay lahaan lahaayeen waxa yaal dhulka oo dhan iyo wax le’eg oo wehliya way iskaga furan lahaayeen xumaanta cadaabka Maalinta Qiyaamaha; waxaana uga muuqan xagga Ilaahay wax aysan marnaba maleysanaynin9.
9. Aanay fileyn oo ah Cadhadiisa iyo Ciqaabkiisa.

(48) 48. Waxaana u muuqan (midhaha) xumaantay kasbadeen, oo waxaa ku dhici waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah).

(49) 49. Markuu dhib taabato Aadmiga, wuu na baryaa, markaanse siinno nicmo Xaggayaga ah wuxuu yidhaahdaa: Wax kale ma’ahee’ waxaa uun laygu siiyey aqoonta (aan u leeyahay jidadka lagu helo), mayee’ waa imtixaan, badankooduse ma oga.

(50) 50. Kuwii ka horreeyey baa sidaas yidhi, waxbase uma tarin waxay kasbadeen.

(51) 51. Markaasaa waxaa ku dhacay xumaanta waxay kasbadeen; oo kuwaa fala dulmiga ee ka mid ah kuwani waxaa iyagana ku dhici doona xumaanta waxay kasbadaan, mana baxsan karaan10.
10. Macnaha waa ma karaan inay ka joojiyaan Allaah inuu falo waxa uu doono ama inay ka fakadaan Ciqaabkiisa.

(52) 52. Mawaysan ogeyn inuu Alle u fidiyo risiqa cidduu doono, oo ku cidhiidhiyo (cidduu doono). Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn.

(53) 53. Dheh: Addoomahaygow ku xad-gudbay nafahooda, ha ka quusannina Naxariista Ilaahay; Alle wuu dhaafaa denbiyada oo dhan11. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
11. Waa waxaan ahayn qofkii ku dhinta shirki ama gaalnimo.

(54) 54. Oo u noqda xagga Rabbigiin idinkoo toobad keen ah, una hoggaansama ka hor intaanu idin imaan cadaabku, markaasoo aan la idiin gargaareyn.

(55) 55. Raaca kan wanaagga badan ee la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin (Qur’aanka), ka hor intaanu kedis idiinku imaan cadaabku, idinkoon dareemeyn.

(56) 56. Si ayan nafi u odhan12: Alla waxaan ku gabood falay caabudidda Ilaahay, waxaana ka mid ahaa kuwa jees-jeesa.
12. Maalinta Qiyaamaha

(57) 57. Ama aysan odhan: Haddii Allaah i hanuunin lahaa, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo macaasida).

(58) 58. Ama aysan odhan markay aragto cadaabka: Haddaan heli lahaa hal noqosho oo keliya13 waxaan ka mid ahaan lahaa sama falayaasha.
13. La i siiyo fursad aan dib ugu laabto adduunka waxaan fali lahaa camallo san.

(59) 59. Haayoo, waxaa kuu yimid Aayadahayga waadse beenisay, oo is kibrisay, waxaadna ka mid ahayd gaalada.

(60) 60. Maalinta Qiyaamana waxaad arki kuwii ka been sheegay Allaah (ee yidhi wuxuu leeyahay xaas ama ilmo ama shuruko) oo wejiyadoodu madow yihiin. Miyaanay ugu sugnaan Naarta hoy islaweynayaasha?

(61) 61. Wuxuuna Alle (ka) badbaadin (Naar) Kuwa (xumaha) iska jira liibaantooda darteed 14, ma taabato xumaan, mana murugoodaan.
14. Ay ku muteysteen Jannada.

(62) 62. Allaah waa abuuraha wax walba, wax walbana Isagaa haya oo maamula.

(63) 63. Isagaa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada. Kuwana diida Aayadaha Ilaahay, kuwani weeye kuwa khasaaray.

(64) 64. Dheh: Ma waxaan ahayn Allaah baad i amreysaan inaan caabudo kuwiinaan ka jaahilka ahow (Weynida Alle)?

(65) 65. Waxaa dhab ahaan laguu waxyooday adiga (Nabiyow) iyo kuwii (anbiyadii) kaa horreeyey: Haddaad wax la wadaajiso Ilaahay cibaadada, waxaa buraya camalkaaga, waxaadna ka mid noqon kuwa khasaaray.

(66) 66. Ee Allaah Keliya uun caabud, kana mid ahow kuwa ku mahdiya.

(67) 67. Ma ayan qaddarin Alle qaddarinta uu mudan yahay15, isagoo dhulka oo dhammi ahaan Qabashadiisa Maalinta Qiyaamaha, samooyinkana ku duuban yihiin Gacantiisa Midig16. Xurmoo dhan Isagaa iska leh waana ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada.
15. Waa ma ay tixgelin tilmaamahiisa wanaagga iyo quruxda badan. 16. Macnaha waa ma aha wax ka badan Sacabkiisa muggiis, oo sidaas bay u yar yihiin xagga Ilaahay.

(68) 68. Waxaa la afuufi Buunka (Qiyaame), markaasay suuxi (dhiman) dhammaan waxa jooga samooyinka iyo dhammaan waxa jooga arlada kuu doono Allaah maahee. Misna la afuufi mar kale, mise dadkii wayba taagan yihiin oo sugayaan (Xukunka Ilaahay).

(69) 69.Waxayna la ifi arlada Nuurka Rabbigeed, Kitaabka (camallada) baana la soo dhigi, waxaana la keeni Nabiyada iyo markhaatiyada, looguna kala garsoori (addoomaha Ilaahay) dhexdooda si Xaq ah, iyagoon la dulmineyn.

(70) 70. Naf walbana waxaa loogu oofin si dhan waxay fashay; Isagaana (Alle) dhab u Ogsoon waxay camal falayaan17.
17. Waa wax uu aad u Ogsoon yahay, mana u baahna qoritaan iyo markhaati.

(71) 71. Waxaana loo kaxeyn kuwii xaqa diiday xagga Jahannama iyagoo rac-rac (wada jira) ah, markay yimaadaan (Naartana) waxaa la furaa Albaabbadeeda. Furahayeennadeeduna waxay ku odhan: Mawaysan idiin iman Rusul idinka mid ah oo idiin akhirayaya Aayaadka Rabbigiin, idiinkana digaya la kulanka Maalintiinnaan? Waxay odhan:Haah, waxaase ku rumowday Kelmedda cadaabka gaalada dushooda.

(72) 72. Waxaa la odhan: Gala albaabbada Jahannama idinkoo ku waaraya, maxay ahaatay meel xun oo baas hoyga islaweynayaasha.

(73) 73. Waxaa loo kaxeyn kuwii dhowray (xilkuu saaray) Rabbigood (oo iska jiray xumaha) xagga Jannada, iyagoo rac-rac (wada jira) ah, markay ku yimaadaan waxay la kulmi iyadoo la furay albaabbadeeda18 (mar hore soo dhoweyn ahaan), furahayeennadeeduna waxay ku odhan: Nabadi korkiinna ha ahaato, wanaagsanidinaa, ee gala Jannada idinkoo ku waari dhexdeeda19.
18. Furaha jannada waa ashahaadada (Laa ilaaha illal laah). 19. Iyagoo heli soo dhoweyn sare, sharfid, iyo maamusid aan la tilmaami karin.

(74) 74. Waxay odhan: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee nooga dhabeeyey Ballan qaadkiisa, nana dhaxal siiyey dhulka (Jannada). Waxaana ka degnaa Jannada meeshaan doonno, ee fiicanaa abaalgudka kuwa camal san fashay.

(75) 75. Waxaad arkaysaa malaa’igtoo ku wareegsan Carshiga hareerihiisa iyagoo ku tasbiixsanaya ammaanaha Rabbigood; waana loo kala garsoori (addoomaha) dhexdooda si xaq ah, waxaana la odhan: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.