97 - Suurada Al-qadr ()

|

(1) 1. Hubaal Waxaanu soo dejinnay (Qur’aanka) habeenka Qadarka.

(2) 2. Maxaa ku ogeysiiyey wuxuu habeenka Qadarku yahay?

(3) 3. Habeenka Qadarku (camalka iyo cibaadeysigeed) wuxuu ka khayr iyo ajar badan yahay kun bilood (83 sano iyo afar bilood).

(4) 4. Malaa’igta iyo Jabriil baa la soo dega (habeenkaa) Idanka Rabbigood arrin walba oo xukun ah,

(5) 5. Nabad weeye (habeenkaa) ilaa waagu ka baryo1.
1. Caa'isha a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Rasuulkii Alle s.c.w. yidhi: Ka doondoona layaltul Qadarka tirooyinka is dheer ee tobanka habeenood ee u dambeeya Ramadaanka. (Bukhaari)