45 - Suurada Al-jaathiya ()

|

(1) 1. Xaa Miim2.
1. Al-Jaathiyah: Jilbo ku joogsiga (ehlu Naarka) iyagoo cago jiid ah. 2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.

(2) 2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xikmadda Badan.

(3) 3. Waxaa samooyinka iyo arlada ugu sugan calaamooyin mu’miniinta.

(4) 4.Iyo abuuristiinnaba iyo wuxuu (Alle) ku fidiyey (ku abuuray dhulka) oo nafley socota ah, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii yaqiinsan.

(5) 5. Iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa uu Alle ka soo dejiyo daruuraha oo risiq (roob) ah, markaas uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, iyo gadgaddoonka dabeylaha waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi.

(6) 6. Kuwakani waa Aayadaha Ilaahay aan kuugu akhrinno (Nabiyow) si xaq ah, ee hadalkee bay Allaah iyo Aayadihiisa kaddib rumeyn?

(7) 7. Hoog waxaa leh beenaale kastoo denbiile ah.

(8) 8. Ee maqla Aayadaha Ilaahay oo loo akhriyo, haddana ka dhega adayga isagoo islaweyn sida inaanu maqalba. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.

(9) 9. Markuu wax ka ogaado Aayadahayaga, wuxuu ka dhigtaa jees-jees. Kuwan weeye kuwa mudan cadaab dulleysa.

(10) 10. Waxaa ka dambeysa Naar, waxna uma taraan waxay kasbadeen, iyo midna kuwaa ay ka dhigteen awliyo (gargaarayaal, sokeeyayaal, ama difaacayaal) Alle ka sokow, waxayna leeyihiin cadaab Daran.

(11) 11. Kani (Qur'aanku) waa hanuun. Kuwase rumeyn diida Aayadaha Rabbigood, waxay leeyihiin cadaab daran oo xanuun badan.

(12) 12. Allaah waa Kan idiin sakhiray badda, si ay ugu socdaan Doonyuhu dhexdeeda Amarkiisa, iyo si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad ku mahdisaan.

(13) 13. Wuxuu kaloo idiin sakhiray waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, dhammaan waa Gallad iyo Naxariis Xaggiisa ah. Waxaa (arrin) kani ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri.

(14) 14. Waxaad ku dhahdaa kuwa (Xaqa) rumeeyey inay iska3 dhaafaan kuwa aan ka cabsanayn Ayaamaha Ilaahay4, si uu ugu abaal mariyo qolo waxay kasbadeen.
3. Waa billowgii baaqa Islaamka ka hor inta aan la idmin jihaadka. 4. Ayaamaha Ilaahay waxaa loola jeedaa maalmihii uu Allaah ku soo dejiyey gaalada cadaabka, oo badbaadiyey kuwa xaqa rumeeyey.

(15) 15. Qofkii sama fala naftiisay dan u tahay, kiina xumaan fala waa dushiisa. Waxaana dib la idiinku soo celin xagga Rabbigiin.

(16) 16. Waxaan dhab ahaan siinnay ilmahii Israa’iil Kitaabka (Towraadda) iyo xukun5 iyo Nabinnimo, waxaana ku arsaaqnay waxyaalaha wanaagsan, oo ka kor marinnay dadkii (waqtigoodii).
5. Al-Xukma waxaa loola jeedaa fahanka caqiidada iyo xeerarka islaamka iyo ku dhaqankooda iyo garsoor wanaagsan.

(17) 17. Waxaanu siinnay xujooyin cad oo arrimaha nolosha la xiriira, ismana khilaafin kaddib intuu u yimid cilmiga maahee, xasad dhexdooda ah awgi. Rabbigaa waa u kala garsoori dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanaayeen.

(18) 18. Markaas waxaanu kuu yeelnay waddo cad oo amar (keenna) ah ee raac, hana raacin hawada kuwaan wax ogeyn.

(19) 19. Iyagu kaagama taraan xagga Ilaahay waxba; daalimiintana waa isu sokeeya qaarba qaarka kale. Allena waa Gargaaraha kuwa iska jira (xumaha).

(20) 20.Kuwakani waa u xujooyin cad dadka, iyo hanuun iyo naxariis ciddii wax yaqiinsan.

(21) 21. Mise waxay moodaan kuwa kasbada xumaha inaan la mid dhigeyno kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, oo noloshooda6 iyo geeridooda sinnaan? Xumaa siday wax u xukumaan.
6. Tafsiir kale waa: Xumaan falayaasha waa isku mid noloshooda iyo geeridooda. Macnaha waa ma aqbalaan hanuunka.

(22) 22. Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada xaq iyo in naf waliba laga abaal mariyo waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn.

(23) 23. Ka warran mid ka yeesha hawadiisa ilaahiisa, oo Alle u lumiyey ogaal oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, yeelayna caad araggiisa. Yaa hanuunin Alle kaddib? Ee Mawaydaan waansameyn?

(24) 24. Waxay yidhaahdeen: Ma jirto waxaan ahayn noloshayada adduunkan, waa iska noolaannaa7 oo dhimannaa namana halaagaan waxaan aheyn waayaha. umase laha (arrin)kaasi wax cilmi ah, way uun iska malo awaali.
7. Macnaha waa dad baa dhinta qaar kale dhashaan, oo lagu beddelaa.

(25) 25. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, dooddoodu ma aha wax kale aan aheyn inay yidhaahdaan: (Dib) Noogu keena aabbayaashayo (meytan) haddaad run sheegaysaan.

(26) 26. Dheh: Allaah baa idin siiya nolol, haddana sababa inaad dhimataan, haddana wuxuu idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha aan shaki ku jirin, dadka badankiisuse ma oga.

(27) 27. Allaah baana iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Maalintay Saacadda (Qiyaame) dhacdo, Maalintaasay khasaari ehlu baadilka.

(28) 28. Waxaad arki ummad waliba iyagoo jilbo jabsan, ummad kasta waxaa loogu yeedhi Kitaabkii (camalkeeda); Maanta waxaa la idinku abaal marin waxaad fasheen.

(29) 29. Kani waa Kitaabkayaga oo idiinka hadlaya si xaq ah, Waanu qoraynay waxaad camal faleyseen8.
8. Malaa’igta wax qorta baa qoreysey acmaashooda oo dhan.

(30) 30. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama falay, Rabbigood wuxuu galin Naxariistiisa (Jannada), taasina waa Liibaanta Cad.

(31) 31. Kuwase gaaloobay (waxaa lagu dhihi): Sow ma ahayn Aayadahayga kuwo la idiin akhriyo? waxaadse aheydeen kuwo isla weyn oo aheydeen qolo denbiilayaal ah.

(32) 32. Marka la yidhaahdo: Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, Saacadda (Qiyaamana) shaki kuma jiro, waxaad tidhaahdeen: Ma naqaan waxay Saacaddu tahay, waan maleyn uun malo (aan xag jirin), mana nihin kuwo huba (arrinkaasi).

(33) 33. Waxaa u muuqan xume waxay faleen, waxaana koobi waxay ku jees-jeesi jireen.

(34) 34. Waxaa la odhan: Maanta waan idin halmaameynaa (idiinka tegi Naarta) sida aad u halmaanteen la Kulanka Maalintiinnaan (aydaan ugu diyaar garoobin Towxiid iyo camallo san), hoygiinnuna waa Naarta, mana jiro cid idiin soo gargaari.

(35) 35. (Cadaab)kaasi waxaad ku mudateen inaad ka dhigateen Aayadahii Ilaahay jees-jees, noloshii adduunka baana idin hodday. Marka Maanta lagama soo saarayo halkaa, lagamana yeelayo cudur daarasho.

(36) 36. Allaah baana mudan ammaan idilkeed iyo mahadba, Rabbiga samooyinka iyo Rabbiga arlada, Rabbiga uumanka.

(37) 37. Isagaa (Alle) iska leh Weynaan (oo dhan) samooyinka iyo arlada gudahooda, waana Adkaadaha, Xikmadda Badan.