85 - Suurada Al-buruuj ()

|

(1) 1.Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay samada xiddilgaha waaweyn leh iyo (jidadkooda).

(2) 2. Iyo Maalinta ballanta ah (Qiyaamada).

(3) 3. Iyo shaahidka (waa Nabiga s.c.w ee arka waxa lagu fali mu'miniinta)iyo kuwa la arko (mu'miniinta loo caddabyo Ilaahay Dartiis). Tafsiir kale: Mid marag furi oo Nabiga ah iyo kuwo lagu marag furi oo ummadda ah.

(4) 4. Lacnadi ha ku dhacdo qoladii godka lahaa (mu'miniinta lagu caddibo).

(5) 5. Ee ahaa dab olol iyo shidaal leh.

(6) 6. Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka).

(7) 7. Waxay ka ahaayeen goob joog waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta.

(8) 8. Kuma ay qoonsan wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh , Ammaanan. .

(9) 9. Ee iska leh mulkiga (iyo maamulka ) samooyinka iyo arlada! Allena wax walba waa u Jeedaa.

(10) 10. Kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, haddana aan toobad keenin, waxay leeyihiin cadaab Naar ah, waxayna leeyihiin cadaab gubeysa.

(11) 11. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan (Janno). Kaasi baa ah Liibaanta Weyn.

(12) 12. Hubaal Qabashada Rabbigaa (Ciqaabtiisu) way daran tahay.

(13) 13. (Alle) Isagaa uumay (uunka) dibna u soo nooleyn (dhimasho kaddib).

(14) 14. Waa Denbi Dhaaf Badanaha, Jecel (kuwa adeeca).

(15) 15. Rabbiga Carshiga Sharafta Badan.

(16) 16. Falaha Weyn ee wuxuu Doono.

(17) 17. Ma ku soo gaaray warka ciidammadii,

(18) 18. Fircoon iyo Thamuud?

(19) 19. Kuwase gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta Xaqa.

(20) 20. Alle wuu koobay (kamana baxsan karaan).

(21) 21. Kani se waa Qur’aan Sharaf Badan.

(22) 22. Oo ku qoran Loox la dhowray (Looxul Maxfuudka).