(1) 1. Kani isku duuduubayow maryaha (Nabigaa loola jeedaa)!2.
1. Al-Muzammil: Midka ku duubay naftiisa maryaha.
2. Nabiga s.c.w. waxaa la amray halkii hurda macaansiga inuu xilkaa weyn qaado oo u kaco cibaado iyo Alle bari iyo inuu dadka amro (towxiidka) iyo camalka san oo ka reebo shirkiga iyo xuma falka.
(2) 2. U kac (salaad) habeenka in yar maahee.
(3) 3. Barkiis ama ka nusqaami in yar.
(4) 4. Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka si wanaagsan oo habboon.
(5) 5. Waxaanu kugu soo dejin Hadal culus3.
3.Waxaa loola jeedaa waxyiga iyo xeerarka sharciga, oo ku soo degayey Nabiga s.c.w. ee ah xil culus.
(6) 6. Habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan aadna u toosan odhaah ahaan4.
4. Tafsiir kale oo aqbal ah ee isla ereyadaa waa: Hubaal kicitaanka habeenka baa sii adag.
(7) 7. Waxaad leedahay inta maalinta ah howl dheer.
(8) 8. Xus Magaca (Alle) Rabbigaa, oo u ahow daacad si dhan (Isagoo Keliyana isku hallee oo tala saaro).
(9) 9. Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil.
(10) 10. U samir waxay (gaaladu) yidhaahdaan, oo uga dheerow si qurxoon.
(11) 11. Isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga) ee nicmeysan, una sug in xoogaa ah.
(12) 12. Waxaa agtannada ah jeebbado iyo dab ololaya.
(13) 13. Iyo cunno lagu margado, iyo cadaab xanuun badan.
(14) 14. (Waxay ku dhici arrintaasi) Maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, buuruhuna ahaan (sida) bacaad la shubay.
(15) 15. Waxaanu idiin soo dirnay Rasuul (Muxammad s.c.w), markhaati idinku ah, sida aan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon.
(16) 16. Fircoon se wuu caasiyey Rasuulkii (loo diray Muuse c.s.), markaasaan qabannay qabasho daran.
(17) 17. Ee sidee baad isaga celin (cadaabka), haddaad gaalowdaan Maalin ka dhigi carruurta cirroole.
(18) 18. Samada arrinkaa darti la dildillaaci. Yabooha (Alle) waa mid abad fula.
(19) 19. Aayadahani wa waano, ee qofkii doonaa ha u samaysto xagga Rabbigi jid.
(20) 20. Rabbigaa waa og yahay inaad u istaagto (salaad) ku dhowaad saddex meeloodoo labo meelood habeenka, (mararka qaarna) kala barkiis, (marmarna) saddex meeloodoo meel, iyo in koox ka mid ah kuwa kula jira ay tukato. Allena waa u qaddaran yahay habeenka iyo maalintuba. Wuxuu og yahay inaydaan fali kareyn sidaas (inaad tukataan habeenka intiisa badan), sidaa awgeed wuu idinka cafiyey oo toobad aqbalay. Ee akhriya wixii idiin fududaada oo Qur’aan ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid yihiin kuwo buka, iyo kuwo kale oo ku safra dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Ilaahay; iyo kuwo kale oo u diriraya Jidka Ilaahay. Ee akhriya wixii idiin fududaada (oo Qur’aan ah), oogana salaadda oo bixiya Zakada, amaahsadana Alle Amaah wanaagsan. Waxaadna u hormarsataan nafahiinna oo khayr ah waxaad ka heli Alle agtiisa; sidaasaa khayr badan oo ajar weyn. Weydiistana Denbi dhaaf Alle. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.