(1) 1. Waxaa xurma weyneeya oo ka hufa (ceeb iyo nuqsaan) Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Adkaadaha Xakiimka ah.1
1. Al-Xashar: Soo kulminta.
(2) 2. Alle waa Kan ka saaray kuwaa gaaloobay ee ka mid ahaa Ehlu Kitaabka2 guryahooda kulmintii hore. Ma aydaan maleyneyn inay baxayaan, halka iyagu moodayeen inay dhufaysyadooda ka celinayaan Allaah. Wuxuuse Allaah uga yimid meel aysan marnaba filayn, kuna tuuray argagax quluubtooda, sidaa awgeed waxay ku baabbi’iyeen guryahooda gacmahooda iyo gacmaha mu'miniinta, ee ku cib rad qaata kuwiinaan Indheergaradka ahow.
2. Waxay Aayaddu tilmaameysaa Yuhuuddii Banii Nadiir, ee ka baxay ballankii ay la galeen Nabiga s.c.w.
(3) 3. Haddaanu Alle u qorayn guuritaanka, Wuxuu ku cadaabi lahaa adduunkan, Aakhirana waxay leeyihiin cadaab Naar ah.
(4) 4. Sidaas waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Allaah iyo Rasuulkiisa, qofkii colaadiyana Allaah, hubaal Allaah wuu daran yahay ciqaabkiisu.
(5) 5. Geed timreed kastoo aad goyseen ama aad ka tagteen iyadoo ku taagan jirriddeeda, waa Idanka Ilaahay, iyo si uu u dufeeyo caasiyaasha.
(6) 6. Wixii (maal ah) Alle uga soo ceshay Rasuulkiiisa xaggooda (Yuhuuddii reer Nadheer) - uma aydaan qaadin duullaan aad ku dagaal gasheen fardo ama rakuub midna3, wuxuuse Allaah ku sallidaa Rusushiisa cidduu doono. Allena wax walba wuu Karaa oo awood u leeyahay.
3. Macnaha waa kama aydaan marin wax dhib ah (dagaal ah) helitaanka qaniimadaa.
(7) 7. Wuxuu Allaah uga soo celiyo Rasuulkiisa dadka magaalooyinka (dagaal la'aan)4, waxaa leh Allaah, Rasuulka, qaraabada dhow (ee Rasuulka)5, agoomaha, masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan) si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood. Wuxuu Rasuulku (amar) idin (ku) siiyo qaata, wuxuu idinka
reebona ka jooga, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle. Hubaal, Alle wuu Daran yahay Ciqaabkiisu.
4. Xukunka la xiriira maalka ay ka tagaan cadowga oo la helo dagaal la’aan waa ka duwan yahay kaa lagu xusay Suuradda Al-Anfaal, Aayadda 41aad.
5. Qaraabdada Rasuulka waa kuwaa ka midka ah Banuu Haashim iyo Banuu Muddalib uu Nabigu s.c.w. ka xaaraanshay qaadashada sadaqada.
(8) 8. (Waxaa wax ku leh maalkaa) saboolka ka soo haajiray guryahooda iyo maalkooda iyagoo raadinaya Fadli xagga Ilaahay ah iyo raallinimodiisa6, una gargaaraya Allaah iyo Rasuulkiisa: kuwan weeye kuwa ah run badnayaasha.
6. Ka hor inta ay muhaajiriintu dhex degin Ansaarta. Kuwaasoo saami laga siiyey qaniimadaa.
(9) 9. Kuwii degganaana Daarta (Madiina) ee (qaatay) Iimaanka ka hor (intaysan u soo hijroon walaalahood muhaajiriinta). Waxay jecel yihiin kuwaa u soo haajiray xaggooda, kamana helaan laabahooda wax u hanqal taag ah wax ka mid ah waxa (muhaajiriinta) la siiyey, waxayse ka hormariyaan (oo uga dooraan) nafahooda, inkastaba iyagu faqri ha hayee. Qofkii laga dhowrona bakhaylnimada naftiisa, kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha.
(10) 10. Kuwa imanna (asxaabta Nabiga) kaddib waxay dhihi : Rabbigayow, Noo denbi dhaaf innaga iyo kuwaa walaalahayaga ah ee nooga horreeyey Iimaanka, hana u gelin quluubtayada wax naceyb ah kuwa (xaqa) rumeeyey. Rabbigayow! Waxaad tahay Turid Badane, Naxariis Badan.
(11) 11. Ma waadan arag kuwaa munaafiqiinta ah ee ku leh kuwaa walaalahood ah ee gaaloobay oo ka mid ah ehlu-Kitaabka: Haddii la idin saaro, waa idin la baxeynaa, mana jiro cid aan idiin maqleyno weligeed, haddii la idinla dagaallamana waan idiin soo hiillin. Allaah baana ka Marag ah inay yihiin beenalayaal.
(12) 12. Haddii la saaro (Yuhuuddaa), marnaba (munaafiqiinta) lama baxayaan, haddii lala daggaalamana, marnaba uma soo hiillinayaan, hadday u soo hiilliyaanna dhabarkay jeedin, loomana gargaarayo.
(13) 13. Idinka (Mu'miniinta ah) cabsida ay idiinku hayaan (Yuhuuddaa iyo munaafiqiintaa) laabahooda baa ka daran tay ugu hayaan Allaah. Sidaas waxaa ugu wacan waa qolo aan wax fahmin.
(14) 14. Idiinlama dirirayaan (Yuhuudda) qof ahaan inay ku jiraan maahee meelo dhufeysyo adag leh gudahood ama darbiyo gadaashood. Cadaawada dhexdooda ah baa daran. Waxaad moodeysaa inay yihiin kuwo wada jira, quluubtoodu se waa qaybsan yihiin, arrinkaasi waxaa ugu wacan waa qolo aan garasho lahayn.
(15) 15. Waa sida kuwii iyaga wax yar ka horreeyey7 (Yuhuuddii reer Qaynuqaac). Waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
7. Waa Yahuuddii reer Banuu Qaynuqaac ee horay iyaguna looga raray Madiina.
(16) 16. (Munaafiqiinta iyo gaaladaa xaalkoodu) waa sida Shaydaanka ku yidhaahda aadmiga: Gaalow. Markase uu gaaloobo, yidhaahda: Anigu barii baan kaa ahay, anigu waxaan ka cabsan Allaah, Rabbiga uumanka.
(17) 17. Sidaa awgeed cidhibtooda waa inay ahaan Naarta gudaheed, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Waana sidaas abaal marinta daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
(18) 18. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, naf walbana ha eegto waxay u hormarsatay berritoole (Qiyaamaha), kana dhowrsada xumaha. Allena waa u xog ogaal waxaad fashaan.
(19) 19. Ha ahaannina sida kuwa hilmaamay Alle, Isna markaas uu hilmaansiiyey nafahooda (inay camal san u fashaan): kuwan weeye kuwa ah caasiyaasha.
(20) 20. Ma sinna Ehlu-Naarka iyo Ehlu- Jannaha. Ehlu-Jannaha iyaga weeye kuwa ah liibaanayaasha.
(21) 21. Haddaan ku soo dejin laheyn Qur’aankan buur, waxaad arki lahayd buurtiyoo soo dhacaysa, la dillaacaysa cabsida iyo ka heybeysiga Ilaahay darti. Waxaana u soo qaadannaa mataalladan dadka bal inay fekeraan.
(22) 22. Waa Allaah, uusan jirin ilaah kale (oo xaq lagu caabudo) Isaga maahee,Ogsoona- ha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba. Waa Naxariistaha, Naxariista Badan.
(23) 23. Waa Allaah, uusan jirin Ilaah kale (oo Xaq ah) Isaga maahee, waa Boqorka, Daahirka8; Nabadgeliyaha, Ammaan bixiyaha9, Kor ka Ilaashaha uumankiisa, Adkaadaha, Kabaha (jabka, sandulleeyaha qooqanayaasha), ee iska leh Weynaan oo dhan, Xurmo oo idil waxaa iska leh oo Hufan Allaah wuu ka Sarreeya waxay shariig u yeelaan oy wax la wadaajiyaan.
8. Ceeb aan lahayn iyo wax nuqsaan ah ee Kaamilka ah ama Ammaanlaha.
9. Ama Bixiyaha Iimaanka ama Nabdoonida.
(24) 24. Allaah waa Abuuraha, uumaha wax waliba, sawiraha qaabsiiyaha ah. Isagaa leh Magacyada wanaagsan ee quruxda badan. Waxaa (Alle) Xurmo weyneeya oo Hufa waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Waana Adkaadaha, Xakiimka ah.