(1) 1. Alif laam-miim2.
1. Arruum : waa Biizantayiintii (Imbaraadoorayadii hore ee Roomaanka) . 2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda koowaad.
(2) 2. Ruum waxaa lagaga adkaaday3.
3. Waxaa ka adkaaday Furus.Furus ama Peershiya waa magacii hore ee loo yiqiin Iiraan.
(3) 3. Dhulka soke ee hooseeya (Shaam iyo Falastiin), iyaguna, kaddib markii laga adkaaday, way adkaan doonaan.
(4) 4. Dhowr sano gudahood, Amarka Alle baa iska leh hor iyo gadaalba. Maalintaasay mu’miniintu ku farxi4.
4. Guusha uu Alle siin ehlu kitaabka darteed, ay ka guuleysan Furuska dab caabudka ah.
(5) 5. Gargaarka Ilaahay, wuxuu u gargaaraa cidduu doono, waana Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
(6) 6. Waa Ballan Ilaahay, Alle kama uu baxo Ballankiisa, dadka badankiisuse ma oga.
(7) 7. Waxay yaqaanaan (dadku) daahirka muuqaalka nolosha adduunkan, nolosha dambe se (Aakhirada) way moog yihiin.
(8) 8. Mawaysan ka fakarin nafahooda: Alle uma abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn Xaq iyo muddo magacaaban? In badan oo dadka ka mid ahna waxay beeniyaan la kulanka Rabbigood.
(9) 9. Miyaanay marin (gaalada) dhulka oo eegin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyay (ee beeniyey Rusushii Alle)? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog iyo awood badan, waxay beerteen dhulka oo u dhiseen si ka badan siday kuwani u dhiseen, waxaana halkaa ula yimid xujooyin cad Rusushii loo soo diray, Allena ma aha mid dulmiya (dadka), iyaga baase nafahooda ku dulmiyey(shirki iyo macaasi).
(10) 10. Markaasay noqotay cidhibtii kuwii xuma falay xumaan (Naar), beenintay Aayadaha Ilaahay beeniyeen darteed, waxayna ahaayeen kuwo ku jees-jeesa.
(11) 11. Allaah baa billaabay abuurista uunka, haddana dib u soo nooleyn (dhimasho kaddib), Xaggiisaana la idiin celin.
(12) 12. Maalintay dhici Saacadda (Qiyaame) way quusan denbiilayaashu.
(13) 13. Ugama sugnaan wax shafeecayaal ah dhexdooda kuway (Alle) la wadaajiyeen (cibaadada), waxayna dafiri shurakadoodii.
(14) 14. Maalintay dhici Saacaddu waa Maalintay kala bixi (dadku).
(15) 15. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha falay, waxaa lagu maamuusi beer (Janno) gudaheed iyagoo faraxsan.
(16) 16. Kuwase (Xaqa) diiday oo beeniyey Aayadahayaga iyo kulanka Aakhirada - kuwaa cadaabka ayaa lagu kulmin.
(17) 17. Xurmad weyneeya Allaah oo ka hufa (ceeb iyo nuqsaan iyo inuu leeyahay wax shariig ah ama xaas ama ilmo) markaad galabsataan (salaadaha Maghribka iyo Cishaha) iyo markaad waabariisataanba (salaadda Subax).
(18) 18. (Alle) baa leh ammaan idilkeed iyo mahadba samooyinka iyo arlada gudahood, oo mudan ammaan iyo mahdin Casarka iyo duhurnimadaba (Salaadaha Duhurka iyo Casarka).* *Cashiyyan waxaa sidoo kale lagu fasiray habeenka waqtiga caweysinka - Cishaha.
(19) 19. Wuxuu ka soo saaraa wax nool wax dhintay, oo ka soo saaraa wax dhintay wax nool. Wuxuu nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Sidaasaa la idiin soo bixin (dhimasho kaddib).
(20) 20. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Ilaahay ee muujinaya Awooddiisa iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) inuu idinka abuuray carro, mise waxaad tihiin dad ku faafa arlada.
(21) 21. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray nafahiinna lammaan idinla nooc ah si aad ugu xasishaan, Wuxuu dhexdiinna yeelay jaceyl iyo naxariis, hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri.
(22) 22. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa abuurista samooyinka iyo arlada iyo kala duwanaanta carrabyadiinna iyo midabya- diinna. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan Calaamooyin kuwa aqoonta leh.
(23) 23. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa hurdadiinna habeenka iyo doonashadiinna Deeqdiisa maalinta. Waxaa arrinkani ugu sugan Calaamooyin kuwa wax maqli.
(24) 24. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idin tusiyo hillaaca oo baqdin iyo rajoba leh, Wuxuu ka soo dejiyaa biyo (roob) daruuraha oo ku nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi.
(25) 25. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inay samada iyo arlada ku taagan yihiin (jiraan) Amarkiisa, haddana marka uu idiinka yeedho yeermo keliya dhulka, aad kolkiiba soo baxeysaan.
(26) 26. (Alle) baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, kulligood Isagay3 u hoggaansan yihiin (oo adeecaan).
(27) 27. (Alle) waa Kan billaabay uunka, haddana soo nooleyn dhimasho kaddib, wayna u fududdahay arrintaasu. Isagaana iska leh sifooyinka sare samooyinka iyo arlada gudahooda, Waana Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
(28) 28.Alle wuxuu idiin yeelay tusaale nafahiin- na ah, miyey idinla wadaaagaan kuway midigtiinnu hanato waxa aan idiin siinnay oo aad idinku u wada siman tihiin oo aad uga cabsataan sidaad isaga cabsataan intiinna xorta ahi? Sidaasaan ugu yeelnaa Aayadaha caddaan ciddii fahmi.
(29) 29. Hase yeeshee, kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxay raacaan hawadooda cilmi la'aan, ee yaa hanuunin mid uu Alle lumiyo? Mana laha wax u soo gargaari (Aakhirada).
(30) 30. Ee u jeedi wejigaaga toos diinta adigoo aan ka iilan, waa abuurista (wanaagsan) uu Allaah ku beeray dadka. Ma jirto beddelaad uunka Ilaahay (iyo diintiisa), sidaa uu (kugu amray) baa ah Jidka Toosan, dadka badankiisuse ma ay oga.
(31) 31. (idinkoo) Alle u noqon, dhowrana (xilka uu idin saaray), oo ooga salaadda, hana ka mid ahaannina Mushrikiinta.
(32) 32. Kuwaasi kala qaybshay diintooda oo noqday kooxo, xizbi walbaa waxay haystaan5 ay ku faraxsan yihiin.
5. Waxay heystaan oo caqiidooyin ah, caadooyin , dhaqammo, iwm.
(33) 33. Markuu dhib taabto dadka, waxay baryaan Rabbigood iyagoo u soo noqodkiis badiya, markase uu ka dhadhansiiyo Xaggiissa Naxariis, mise qaarkood waxay billaabaan inay (cid kale) Rabbigood u shariig yeelaan oo la wadaajiyaan cibaadada.
(34) 34. Si ay uga abaal dhacaan waxa aan siinnay. Iskase raaxeysta (xoogaa yar) waadse ogaan doontaan (waxa idinku dhaca).
(35) 35. Mise waxaan ku soo dejinnay xujo cad, oo ku hadli waxay Alle u shariig yeelaan?
(36) 36. Markaan dhadhsansiinno dadka Naxariis, waa ay ku farxaan, haddayse soo gaarto xumaato ay sababtay waxay gacmahoodu horey u geysteen (oo denbiyo ah), mise wayba quustaan.
(37) 37. Mawaysan arkayn inuu Alle u ballaariyo risiqa cidduu doono, oo ku cidhiidhiyo (cidduu doono).Waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii rumayn (Xaqa).
(38) 38.Sii kan qaraabada kula ah xaqiisa, miskiinka, iyo musaafirka (go’doonsan). Sidaasaa u khayr badan kuwa doonaya Wejiga Ilaahay, waana kuwaa liibaanayaasha.
(39) 39. Waxaad bixisaan oo ribo ah, si aad uga badsataan maalka dadka6, ma badnaado Alle agtiis; wixiise aad bixisaan oo sako7ah idinkoo doonaya Wejiga Ilaahay, waa kuwaa kuwa heli ajar labo laab ah8.
6. Weedhan waxay leedahay dhowr macne, waxaa ka mid ah macnooyinkaa: a) waxaa loo bixiyo ribo ahaan ama kor saar b) waxaa la bixiyo iyadoo lagu xiro shardi ah in la gudo iyadoo faa’ido la saartay ha yaraaato ama ha badnaatee faa’idadaa. Iyo c) inaad cid siiso hadiyad adigoo uga jeeda inaad ka hesho ciddaas aad hadiyadda siisay wax ka badan oo ka weyn hadiyadda aad siisay.
7. Sakada halkan waxaa sidoo kale soo galaya sadaqada tabaruca ah aad Dar Ilaahay ula baxdo.
8. Waa loo laba jibbaaraa khayrka iyo barakooyinka lagu siiyo arlada iyo ajarka Aakhirada.
(40) 40. Allaah waa Kan idin abuuray, haddana idin arsaaqa, haddana idin dhinsiin, haddana idin soo nooleyn. Miyey jiraan kuwa aad Alle la wadaajisaan cibaadada mid fali kara wax ka mid ah waxaa? Xurmo oo dhan Isagaa iska leh oo hufan, wuuna ka Sarreeyaa waxay u shariig yeelaan.
(41) 41. Waxaa ka muuqday fasahaad barriga iyo baddaba waxay gacmahu dadku kasbadeen darteed (oo denbiyo ah), si uu Alle u dhadhansiiyo qaar ka mid ah waxay faleen, bal inay in u soo noqdaan (Xaqa).
(42) 42. Dheh: ku socdaala dhulka oo fiiriya siday aheyd cidhibta kuwii hore (ee beeniyey Xaqa). Waxay ahaayeen badankoodu Mushrikiin (gaalo).
(43) 43. U jeedi wejigaaga xagga diinta toosan (Islaamka) ka hor inta aysan ka imaan Alle Maalin aanu jirin qof celin kara. Maalintaasi dadku way kala bixi9.
9. Waa la kala sooci kuwaa loo qaddaray inay galaan Jannada iyo kuwaa loo qaddaray inay galaan Naarta.
(44) 44. Qofkii xaqa diida (isaga bay dhibeysaa) xaq diiddadiisu, qofkiise sama fala, Kuwaasu waxay u gogol dhigaan nafahooda meel san.
(45) 45. Si uu Alle ugu abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala deeqdiisa; hubaal Alle ma uu jecla gaalada.
(46) 46. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Ilaahay ee muujinaya Weynidiisa) inuu soo diro dabeylaha iyagoo ku bishaareyn (roob) iyo inuu idin dhadhansiiyo wax ka mid ah Naxariistiisa iyo in doomuhu ku socdaan Amarkiisa oo aad dalabtaan Deeqdiisa, markaas aad Alle ku mahdisaan.
(47) 47. Waxaan dhab ahaan u soo dirnay hortaa Rusul xagga dadkoodii, markaasay ula yimaadeen Xujooyin cad cad, waana ka aarsannay kuwii denbi falay. Waana xaq na saaran u gargaarka mu’miniinta.
(48) 48. Allaah waa Kan soo dira dabeylaha, markaasay kiciya daruur, uu ugu fidiyo cirka siduu doono, kana dhiga goosimo, oo aad aragto roobka oo ka soo dhex baxaya, markuu u shubo cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, mise way ku farxaan.
(49) 49. Inkastoo ay ahaayeen ka hor intaan lagu soo di’in roobka wax yar horti, kuwo quus ka joogay.
(50) 50. Fiiri raadadka Raxmadda Ilaahay; siduu u nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal Kaasi wuu soo nooleyn meytida, Allena wax walba wuu Karaa.
(51) 51. Haddaan ku dirno dabeyl daran (beertooda), oo ay arkaan iyadoo doorsoontay oo caddaatay, waxay markaas noqdaan kuwo ka abaal dhaca (Alle)10.
10. Ka abaal dhacaan galladihuu siiyey.
(52) 52. Adigu (Nabiyow) wax ma maqashiin kartid maytida, mana maqashiin kartid kuwa dhegaha la’ dhawaaqa, markay tagaan oo dhabarka jeediyaan.
(53) 53. Ma ka hanuunin kartid kuwa ka indha la’ (Xaqa) lunsanaantooda, cidna ma maqashiin kartid (Xaqa) aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga oo u hoggaansan (Muslimiin ah).
(54) 54. Allaah waa Kan idinka abuuray (xaalad) tabar yari, haddana baxshay xoog tabar yari kaddib, haddana qaddaray tabar yari iyo cirro xoog kaddib, Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, wax walba Kara.
(55) 55. Maalinta saacadda (Qiyaame) dhacdo, waxay ku dhaaran dambiilayaashu inaysan nagaanin waxaan ahayn saacad, sidaasay xaqa uga iishaan.
(56) 56. Kuwa la siiyey Cilmiga iyo Iimaanka waxay odhan: Waxaad negaateen in waafaqsan Kitaabka (Qaddarka) Ilaahay ilaa iyo maalinka isa soo Bixinta, marka kani waa Maalinkii isa soo bixinta, laakiinse ma aydaan ogeyn11.
11. Macnaha waa ma aydaan rumeysneyn Xaqa.
(57) 57. Maalinkaas (Qiyaamaha) ma anfacdo kuwii falay dulmiga (shirki iyo macaasi) cudur daarasho iyo toobad keen.
(58) 58. Waxaan ugu soo qaadannay dadka (nooc) kasta oo tusaale ah Qur’aankan gudahi, haddiise aad (Nabi Muxammadow) ula timaaddo calaamad, gaalada waxay hubaal odhan: Ma tihin idinku waxaan ahayn been ku doodayaal.
(59) 59. Sidaasuu Allaah u daboolaa quluubta kuwa aan wax ogeyn12.
12. Waa kuwa aan dooneyn inay bartaan Xaqa oo ku dhaqmaan ee ka dhoohan.
(60) 60. Samir, hubaal Ballanka Ilaahay waa xaq, yeysanna ku liidsan kuwa aan (Aakhirada) yaqiinsaneyn (oo kaa dhigin mid aan ku samrin oo sugnaan diintiisa).