(1) 1. Alif Laam Raa1.
(Kani waa) kitaab (Qur’aan) aan kuugu soo dejinnay (Waxyi ahaan) si aad uga saarto dadka mugdiyada xagga Nuurka si idanka Rabbigood ah – xagga Jidka Adkaadaha Sare, ee la ammaano.
1. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqara: Aayadda1
(2) 2. Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Hoogna waxaa leh gaalada ka soo gaadhi Cadaab Daran.
(3) 3. Kuwa jecel nolosha adduunkan halkii Aakhirada, oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay, lana dooni qallooc, kuwaa waxay ku sugan yihiin habow fog.
(4) 4. Kuma dirno Rasuul waxaan aheyn afka qolodiisa si uu (Xaqa) ugu caddeeyo2; markaasuu Alle kuu doono lumiyaa, oo hanuuniyaa kuu doono, Waana Isaga Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
2. Qur’aanka waxaa lagu soo waxyooday af Carabi faseex ah, taasina macnaheedu ma aha in Qur’aanku uu ku gaar yahay Carabta oo keliya, ee wuxuu Allaah u soo dejiyey dadka oo dhan.
3. Wuxuu lumiyaa kuwa diida hanuunkiisa oo ka dan la’aada oo doorta xumaha, oo wuu hanuuniyaa qof kastoo doonaya hanuunka oo jecel.
(5) 5. Waxaan la soo dirnay Muuse Aayadahayaga (Annagoo leh): Ka saar qolodaada Mugdiyada xagga Nuurka, xusuusina Ayaamaha Ilaahay4. Hubaal waxaa (arrin)kani ugu sugan calaamooyin wax lagu qaato mid walba oo samir badan, mahad naq badan.
4. Maalmihii loogu nicmeeyey ilmahii Israa’iil. Sidoo kale waxaa lagu fasiray, wixii ku dhacay ummadihii hore hadday tahay nicmooyin ama cadaab.
(6) 6. (Xusuusta, ilmihii Israa’iilow) markuu Muuse ku yidhi qoonkiisii: Xusuusta Nicmadda Ilaahay idin siiyey, markuu idinka badbaadshay reer Fircoon iyagoo idin dhadhansiinayey Cadaab Daran, gawracayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegaan), (arrin)kaasina waxaa ku sugnaa imtixaan xagga Rabbigiin ah oo weyn.
(7) 7. Iyo markuu Rabbigiin idin ogeysiiyey: Haddaad mahad naqdaan, waan idiin kordhinayaa (nicmadda), haddaadse gaalowdaan, Cadaabkaygu waa mid Daran.
(8) 8. Muuse wuxuu yidhi: Haddaad gaalowdaan idinka iyo kuwaa jooga arlada oo dhan, hubaal Allaah waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan.
(9) 9. Miyaanay idin soo gaadhin warka kuwii idinka horreeyay qolodii Nuux iyo Caad iyo Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (tiradooda) waxaan ahayn Allaah. Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad, Waxayse ku celiyeen gacmahooda afafkooda5 oo yidhaahdeen: Ma aaminsanin waxaa la idinla soo diray, waxaanuna ka qabnaa waxaad noogu yeedhaysaan shaki daran.
5. Waxay u celiyeen gacmahooda afafkooda waxaa laga bixiyey dhowr macnood. Iyadoo la tixgelinaya gunaanadka Aayadda, ibnu Kathiir wuxuu doortay inay tani ahayed tilmaan diiddo iyo gaaloobid.
(10) 10. Rusushoodii waxay yidhaahdeen: Ma waxaa jira shaki ku saabsan Allaah, Abuuraha samooyinka iyo aralda? Wuxuu idiinku yeedhi inuu idinka dhaafo denbiyadiinna, dibna idiin dhigo ilaa muddo magacaaban. Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan aheyn dad nala mid ah! Waxaad rabtaan inaad naga duwdaan waxay caabudi jireen aabbayaashayo, Ee noo keena xujo cad.
(11) 11. Rusushoodii waxay ku yidhaahdeen: Ma nihin waxaan aheyn dad idinla mid ah, wuxuuse Alle ku manneystaa (Fadligiisa) cidduu doono ee ka mid ah addoomahiisa. Mana aha wax noo yaal inaan idiin keenno xujo cad inuu Alle Idmo maahee. Alle uunna waa inay mu’miniintu isku halleeyaan oo tala saartaan.
(12) 12. Maxaan isugu halleyneyn oo u talo saaraneyn Allaah? Isagoo nagu hanuuniyey jidadkayaga (san), waana ku samreynaa dhibka aad noo geysataan, Alle uunna ha isku halleeyaan kuwa isku halleeya oo talo saarta.
(13) 13. Kuwii xaqa diiday waxay ku yidhaahdeen Rusushoodii: Waxaynu idinka saari dhulkayaga, ama haddii kale waxaad ku soo noqoneysaan diintayada. Markaasuu Rabbigood u waxyooday: Waanu halaagi daalimiinta (gar diidka).
(14) 14. Waxaanuna idin dejin Dhulka iyaga kaddib. Kani waxaa leh kan ka cabsada in la i soo hor joojinayo oo ka cabsada Gooddigayga.
(15) 15. Wayna gargaar dalbeen, waxaana hoogay macangag kastoo madax adag.
(16) 16. Jahannama baa ka horreysa, waxaana laga waraabin biyo carow ah6.
6.Waa dhacaanka ka yimaada nabarrada dadka ehlu Naarka ah.
(17) 17. Wuuna ku margan mana ka degayo, dhimashaduna waxay uga imaan meel walba, mase dhimanayo, waxaana horti ah Cadaab adag.
(18) 18. Tusaalaha kuwa ku gaalooba Rabbigood camalladoodu waa sida dambas ay dabeyshu si daran u bitiso maalin dabayl xumi dhaceyso, ma karaan inay ka helaan waxay kasbadeen sheyna. Kaasi waa lumitaanka fog.
(19) 19. Miyaadan arkayn inuu Alle u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq? Hadduu doono wuu idin tegsiin oo la iman uun cusub.
(20) 20. Arrinkanina kuma adka Allaah.
(21) 21. Waxayna iyagoo dhammi iman Allaah horti, markaasay kuwii ducafada (raciyadda) ahaa ku odhan kuwii isla weynaa (madaxda): Waxaanu ahayn raciyadiinna; ee wax ma nooga tareysaan Cadaabka Ilaahay? Waxay odhan: Hadduu Alle na hanuunin lahaa, waan idin hanuunin lahayn. Waa isugu keen mid haddaan calaacalno (haatan) ama aan samirno, nooma sugnaan meel loo cararo.
(22) 22. Shaydaanna wuxuu odhan marka Arrinka la xukumo: Allaah wuxuu idiin ballan qaaday ballan Xaq ah, aniguna idiin ballan qaaday ballamo (been ah), waana idiinka baxay. Kumana laheyn awood dushiinna, waan idiin baaqay uun oo aad i yeesheen. Marka ha i eedaynina ee eedeeya nafahiinna7. Anigu idiinma gargaari karo (haatan), idinkuna iima gargaari kartaan. Anigu diiday ila wadaajin- tiinna horey cibaadada Alle. Daalimiintu waxay leeyihiin Cadaab Xanuun Badan.
7. Adeeciddii aad I adeecdeen aniga halkii Allaah intaad dunida joogteen.
(23) 23.Waxaana la gelin kuwa(Xaqa)rumeeyey oo samaha fala Beero (Jannooyin) hostooda ay webiyo qulqulaan iyagoo dhexdeeda ku waaraya Idanka Rabbigood, dhoweyskooduna dhexdeeda waa Salaan.
(24) 24. Ma og tahay sida Allaah uga yeelay tusaale Kelmedda Wanaagsani inay la mid tahay geed wanaagsan asalkiisu dhidban yahay, laamaheeduna kor samada jiraan.
(25) 25. Ku soo bixisa midhaheeda goor walba Idanka Rabbigeed, Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka si ay u waantoobaan.
(26) 26. Tusaalaha Kelmedda xunna waa sida geed xun8 laga rujiyey dhulka korkiisa oo aan laheyn sugnaan.
8. Waxaa soo galaya kelmedda xun: Gaalnimada, shirkiga, iyo qowl kasta oo xun, iyo xumo falka.
(27) 27. Allaah Wuxuu waafajiyaa oo ku sugaa kuwa rumeeyey kelmedda sugan9 nolosha adduunkan iyo aakhiradaba10. Allena wuu lumiyaa daalimiinta. Allaah wuxuu falaa wuxuu doono.
9. Qowlka sugan waa kelmedda wanaagsan ee ku soo arooray Aayadda 24 Waxaa soo galaya kelmedda wanaagsan kelmedda towxiidka inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo aan ahayn Allaah iyo in Muxammad s.c.w. yahay Rasuulkii Ilaahay, iyo qowl kasta oo dadka ugu yeedhaya samaanta oo ka reebaya xumaanta, kelmedda towxiidkana waxaa weeye laa ilaaha illal Laah.
10. Markay malaa’igta wax ku su’aalayaan dadka qubuurahooda dhimashada kaddib, iyagoo weydiinaya seddex su’aalood: Waa kuma Rabbigaa?Maxay tahay diintaadu? Waa kuma Nabiga la idiin soo diray Rasuul ahaan?
(28) 28. Ma waadan arag kuwa ku beddelay Nicmadda Ilaahay (Islaamka) abaal dhac (gaalnimo)11, oo ka yeelay dadkoodii inay degaan daar halaag.
11. Waxay ku qaabileen nicmooyinkii Alle beenin halkii xamdi naqa iyo shukrinta.
(29) 29. Jahannama bay gali (oo ku guban). Oo u xun meel lagu sal yeesho.
(30) 30. Waxayna u yeelaan Alle shariigyo si ay uga lumiyaan (dadka) Jidkiisa. Dheh: iska Raaxaysta! Aayihiinnu waa xagga Naarta.
(31) 31. Ku dheh addoommahayga (Xaqa) rumeeyey ha oogeen salaadda, hana bixiyeen wax ka mid ah waxaan ku irsaaqnay sir iyo caddaanba ka hor inta aysan imaan Maalin aysan jirin ganacsi iyo saaxiibtinnimo midna.
(32) 32. Allaah waa Kan abuuray samooyinka iyo arlada kana soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku soo bixiya midho risiq idiin ah, Wuxuuna idiin sakhiray doonyaha inay ku maaxaan badda Amarkiisa, idiinna sakhiray webiyada.
(33) 33. Wuxuuna idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, labaduba joogto ugu socdaan rugahooda; idiinna sakhiray habeenka iyo maalinta.
(34) 34. Wuxuuna idin siiyaa wax ka mid ah wax kastoo aad weydiisataan12, haddaad tirisaanna Nicmooyinka Ilaahay, ma koobi kartaan. Hubaal Aadmigu waa dulmin badan yahay (naftiisa), (ka) abaal dhac badan yahay (Nicmooyinka Rabbigi).
12.Wax ka mid ah waxa aad weydiisateen iyo dhammaan wax ka mid ah waxa aad sida joogtada ah u dalabtaan si waafaqsan xikmaddiisa.
(35) 35. (Xus, Nabiyow) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! Ka yeel beledkan (Makkah) aamin, igana dheeree aniga iyo awlaaddeydaba inaan cabudno sanammo.
(36) 36. Rabbiyow! Waxay lumiyeen in badan oo ka mid ah dadka. Ee qofkii i raaca, aniga buu iga mid yahay; qofkiise igu caasiya - hubaal Adigaa ah Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(37) 37. Rabbigayow! Waxaan dejiyey qaar ka mid ah durriyadeydii tog aan sarac lahayn, oo beydkaaga Xurmadda leh agtiis ah; Rabbigayow si ay u oogaan salaadda ee ka yeel quluubta qaar dadka ka mid ah kuwo u soo iisha xaggooda oo ku irsaaq midho si ay u mahad naqaan.
(38) 38. Rabbigayow! Waxaad adigu ogtahay waxaan qarinno iyo waxaan muujinnaba. Kamana qarsoomaan Alle wax dhulka jira ama cirka gudahiisa ah.
(39) 39. Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa iska leh Allaah ee i siiyey anigoo weyn oo da’ ah Ismaaciil iyo Isxaaq. Hubaal Rabbigay waa Maqlaha baryada.
(40) 40. Rabbiyow! Iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo durriyadeydaba, Rabbigayow! Iga aqbal baryadayda (iyo cibaadeysigayga).
(41) 41. Rabbigayow! Ii denbi dhaaf aniga iyo labadeyda waalid iyo mu’miniintaba Maalinta ay dhici Xisaabtu (Qiyaamadu).
(42) 42. Ha moodin in Alle moog yahay waxay falayaan daalimiintu, Wuxuu uun dib ugu dhigaa Maalin ay taagmi indhahu.
(43) 43. Iyagoo horay u degdegaya (si ay u ajiibaan baaqaha), madaxyadoodu kor u taagan yihiin13, uusan soo noqoneyn arragooda (taagmi indhahu), quluubtoodu- na maran tahay (cabsi darteed).
13. Tani waa xaaladdooda marka laga soo saaro qubuurahooda. Madaxyadooda kor yihiin iyagoo aan meelna jalleeceyn argagax darteed, aan awoodin xitaa inay dib dhugtaan.
(44) 44. Uga dig dadka Maalintuu u iman cadaab, markaas kuwii dulmiga (shirkiga iyo macaasida) falay waxay odhan: Rabbigayow! Dib noo dhig muddo dhow, waxaynu ajiibi baaqaaga oo raaci Rususha. Miyeydaan ka hor ku dhaaran inaydaan (adduunka ka) tegeyn14.
14. Inayan idinka guureyn nicmooyinka uu Allaah idinku galladeystey dushiinna intii aad joogteen dhulka guudkiisa oo aysan jirin qubuur layska soo saari iyo xisaab.
(45) 45. Waxaadna degteen guryihii kuwii dulmiyey nafahooda, waana idiin caddaatay sidaan u galnay. Waxaana idiin soo bandhignay tusaalooyin.
(46) 46. Waxayna tabeeyeen tab xun, tabtooda xun se waxaa (ka war) hayay Alle, inkastoo tabtooda xun ahayd mid (daran) ay la baabba’aan buuruhu15.
15. Tafsiir kale waa tabtooda xun kuma filneyn inay ka qaadaan buuraha meelahooda macna kale waa kuma lahayn wax saameys ah doonista Ilaahay.
(47) 47. Ee marnaba ha moodin inuu Alle uga baxayo Ballankiisa Rusushiisa. hubaal Alle waa Adkaade Sare, Aar gudasho leh.
(48) 48. Maalinta marka arlada loo beddeli arlo kale iyo samooyinkaba, waxaana la hor keeni (uumanka oo idil) Alle horti, Waaxidka, Qahraha Maquuninta Badan.
(49) 49. Waxaadna arki Denbiilayaasha oo Maalintaas iskula xir-xiran silsilado bir ah .
(50) 50. Qamiisyadoodu ka sameysan yihiin daamur (Naar ah), waxaana dabooli wajiyadooda dab.
(51) 51. Si uu Allaah uga abaal mariyo naf walbaa waxay kasbatay. Hubaal Alle waa ku Dhaqso Badan yahay Xisaabta.
(52) 52. Kani (Qur’aanka) ugu filan gaarsiin cad dadka, iyo in loogu digo, iyo inay ogaadaan inuu Allaah Ilaah Keliya uun yahay (aan laheyn waalid, xaas, ilmo, iyo shariig wax la wadaaga midna), iyo inay ku waana qaataan (arrinkaa) waxgaradku.