47 - Suurada Muxammed ()

|

(1) 1. Kuwa xaqa diida oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay wuxuu (Alle) burin acmaashooda2.
1. Waxaa sidoo kale Suuraddan loo yaqaan Suurat Al-Qitaal (la daggaalanka cadowga Islaamka). 2. Maadaama ay towxiidka seegeen iyo caqiidada saxiixa ah oo dagaal ku yihiin.

(2) 2. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha oo rumeeyey (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Muxammad oo ah Xaq ka yimid Rabbigood, wuxuu (Alle) ka tiritiri xumahay faleen, hagaajinna xaalkooda3.
3. Si ay u ogaadaan natiijada waxay doorteen.

(3) 3. Sidaas waxaa ugu wacan kuwaa xaqa diida waxay raacaan been iyo baadil aan jirin, kuwase rumeeyey waxay raacaan Xaqa ka yimid Rabbigood. Sidaasuu Alle ugu soo tusaale qaadaa dadka.

(4) 4. Ee markaad kula kulantaan dagaal gaalada (duullaanka) ah ka garaaca luqumaha; markaad jabisaanna, ku adkeeya xadhigga (maxaabiista dagaalka)4, intaa kaddib ku sii daaya axsaan fal5 ama ha is furteen jeer ay car-carta dagaalku degto (oo nabadda la qaato). Waa sidaase, haddii Alle doono, Isaga Naf ahaantiisa baa ka aarsan lahaa (dagaal la'aan), waase si uu ugu imtixaano qaarkiinba qaar kale6. Kuwana lagu dilaa Jidka Ilaahay Marnaba (Alle) ma luminayo camalladooda.
4. Inta harta u soo qaata qafaal ahaan. 5. Sii daaya idinkoon ka qaadan wax madax furasho ah. 6. Ilaa la dhigo hubka iyo qalabka dagaalka, waxaa loola jeedaa ilaa dagaalka ka dhammaado oo nabaddu faafto.

(5) 5. (Alle) wuu hanuunin kuwaas oo hagaajin xaalkooda.

(6) 6. Oo wuxuu gelin janno uu uga yeelay wax ay yaqaanaan.

(7) 7. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad u gargaartaan (diinta) Ilaahay, Wuu idiin gargaari oo idiin sugi cagahiinna.

(8) 8. Kuwase xaqa diida, hoog (iyo halaag) baa u sugnaaday, (Allena) wuu burin camalladooda.

(9) 9. Waxaa sidaas ugu wacan waxay naceen waxa uu Allaah soo dejiyey (oo Xaq ah), markaasuu ka yeelay acmaashooda waxaan waxba ka jirin.

(10) 10. Ma waysan ku socdaalin arlada oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Allaah baa ku keenay baabba7’ dhan, gaaladuna waxay la kulmi isla aayahaas oo kale.
7. Wuu baabbi’iyey iyagoo dhan iyo waxay lahaayeenba.

(11) 11. Sidaas waxaa ugu wacan in Allaah yahay gargaaraha kuwa rumeysan, gaaladuna ma leh gargaare dhab ah.

(12) 12. Allaah wuxuu gelin kuwa (xaqa) rumeeyey oo fala samaha beero (Jannooyin) ay hoos qul-qulaan webiyo, kuwa gaalada ahina way iska raaxeystaan oo wax u cunaan sida xooluhu wax u cunaan, Naartana waa hoygooda.

(13) 13. Badanaa inta magaalo ka xoog badan magaaladaada ku soo saartay, aan ha- laagnay,marka ma jirin wax u soo gargaara.

(14) 14. Ma qof xujo cad ka haysta Rabbigi, baa la mid ah qof camalkiisa xun loo qurxiyey, oo raaca hawadooda.

(15) 15. Tilmaanta Jannada loo ballan qaaday kuwa ka dhowrsada (xumaha) waa mid gudaheeda ay yihiin webiyo biyo ah oo aan isbeddelin8, iyo webiyo caano ah oo uusan dhadhankoodu marnaba doorsoomin, iyo webiyaal khamro (xalaal) ah oo u macaan kuwa cabba, iyo webiyaal malab ah la saafi yeelay; waxayna ku leeyihiin (Jannada) gudaheeda midho nooc kasta iyo astur xagga Rabbigood, (kuwani) ma la mid baa kuwaa ku waaraya Naarta, lagana waraabin biyo karaya markaas goyn xiidmahooda.
8. Dhadhan iyo caraf ahaanba, ma aha kuwo doorsama ama wasakh gasho.

(16) 16. Waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo ku dhegaysta (waqtiga khudbadda), markay ka baxaanna agtaada, waxay ku yidhaahdaan kuwaa la siiyey cilmiga9: Muxuu lahaa goor dhoweyd? Kuwan waa kuwa Alle daboolay quluubtooda, waxayna raacaan hawadooda (xun).
9. Ka mid ah asxaabtii Nabiga s.c.w.

(17) 17. Kuwa hanuunayna, (Alle) wuxuu u kordhiyaa hanuun, oo uu ku galladeystaa khayr uu waafajiyo iyo shar uu ka fogeeyo.

(18) 18. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn Saacadda (Qiyaame) inay ugu timaaddo kedis? Waxaase yimidba calaamooyinkee- dii, ee sidee bay u waantoobi, markay saacaddu ku dul dhacdo.

(19) 19. Ee ogow (kuna sugnow) inuusan jirin Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan aheyn Allaah, una denbi dhaaf dalab naftaada iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Allena wuu Og yahay socsocodkiinna iyo negaantiinnaba.

(20) 20. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay yidhaahdaan: Maxaa Suurad loo soo dejin waayey (na amreysa ku jihaadka gaalada)? Markase la soo dejiyo Suurad cad yahay amarkeedu oo dagaal gal lagu xuso10, waxaad arkaysaa kuwa uu qalbigoodu ku jiro cudur (nifaaq) oo kugu soo fiirin fiiro ruux sakaraatul mowd hayo oo kale. Waxaase la gudboon oo u khayr roonaan lahaa.
10. Suuraddaasoo loogu idmay mu’miniinta inay la dagaal galaan cadowyadooda.

(21) 21. Daacadnimo iyo horaarsan. Markase arrinka la go’aamiyo hadday Alle u run sheegaan baa u khayr badnaan lahayd.

(22) 22. Ma laga yaabaa haddaad (Xaqa) ka jeesataan11, inaad fasahaadisaan arlada, oo goysaan qaraabadiinna?
11. Macno kale Ka jeesataan Islaamka ama jihaadka Jidka Alle. Sidoo kale waxa lagu fasiraa haddaad xil iyo jago qabataan.

(23) 23. Kuwaasi weeye kuwa uu Alle nacladay, markaasuu dhego tiray oo (ka) cameeyey indhahooda (Xaqa).

(24) 24. Mawaysan u dhug yeelan Qur’aanka mise qufulaa ku xidhan quluubtooda.

(25) 25. Kuwa riddoobay (gaalnimo ku noqday) kaddib marka hanuunka u caddaaday, shaydaan baa u qurxiyey oo rajo (been ah) geliyay.

(26) 26. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay ku yidhaahdeen kuwa nacay12 waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah: Waxaynu idinku adeeci arrinka qaarkiis (colnimada Nabiga); Allena wuu Og yahay sirahooda.
12. Waxaa loola jeedaa Yuhuudddii Madiina degganayd waagaas.

(27) 27. Sidee bayse ahaan, markay malaa’igtu qaadayso nafahooda iyagoo garaacaya wejiyadooda iyo dhabarradooda.

(28) 28. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay raaceen waxa Alle ka cadheysiiya, naceenna waxa raalli geliya. Markaasuu buriyey acmaashooda.

(29) 29. Mise waxay moodaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur (munaafiqnimo ah) inuusan Allaah soo saareyn xumaanta laabaha kaga jira?.

(30) 30. Haddaan doonno, waan ku tusi karnaa kuwaasi, waxaadna ku garan astaamahoo- da; waxaad kaloo ku garan hadalkooda leexsan. Allena wuu Og yahay camalladiinna.

(31) 31. Waanu idin imtixaani ilaa aan muujinno kuwiinna jihaadi iyo kuwa samri oo sugnaan, waana imtixaani arrimahiinna.

(32) 32. Kuwa xaqa diida oo ka hor istaaga (dadka) jidka Ilaahay, khilaafana Rasuulka, kaddib markuu u caddaaday hanuunka, waxna ma yeeli karaan Alle, wuuna burin acmaashooda.

(33) 33. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka, hana burinnina acmaashiinna.

(34) 34. Kuwa xaqa diida oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay, markaas dhinta iyagoo gaalo ah, Alle sinnaba uguma denbi dhaafo.

(35) 35. Ha tabar darraanina (mu’miniintoy), hana weydiisannina nabad (baryo ah cadowyada Islaamka), idinkaa ka sarreeya, Allena idin la jiraa, mana idinkama nusqaaminayo acmaashiinna.

(36) 36. Nolosha adduunkan waa uun ciyaar iyo madaddaalo, haddaad (Xaqa) rumeysaan, oo aad iska jirtaan (xumaha), Wuxuu idin siin abaalkiinna, idinmana weydiisanayo maalkiinna.

(37) 37. Hadduu idin weydiin lahaa (maalkiinna dhammaan) idinkuna adkeeyo waad bakhayli laheydeen lexejecli darteed, wuxuuna debedda u soo saari lahaa xiqdigiinna (xinta iyo xumahiinna).

(38) 38. Eega! Waa idinka kuwa loogu yeedho inaad wax ku bixisaan Jidka Ilaahay (jihaadka iyo u gargaarka diinta Alle), waxaase idinku jira kuwo bakhayla, qofkiise bakhayla wuxuu uun ka bakhaylay naftiisa. Allena waa Hodan, idinkuna waxaad tihiin fuqaro. Haddaad (Xaqa) ka jeesataan Wuxuu Alle idinku beddeli qolo kale oo aan idinla mid noqoneyn.