(1) 1. Waxaa xurmo weyneeya oo hufa Alle Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada2. Waana Adkaadaha, Xikmadda Badan.
1. Xadiid: Birta.
2. Iyagoo ammaana oo caddeeya inuu ka hufan yahay ceeb ama nuqsaan oo dhan
oo uusan laheyn xaas iyo ilmo iyo shariig.
(2) 2. Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, wax nooleeya oo dhinsiiya; Isagaana wax walba Kara.
(3) 3. Waa Isaga Kan horreeyey iyo Kan dambeyn, iyo Kan ka sarreeya wax walba ee kor jira (samada) iyo Kan Dhowaansha- ha Badan. Isagaana Wax walba Ogsoon.
(4) 4. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshigiisa. Wuxuu Og yahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa, iyo waxa ka soo dega cirka iyo waxa kor u fuula. Wuuna idinla jiraa meel aad joogtaanba3. Allena Wuu Arkaa waxaad fashaan.
3. Wuxuu idinkula jiraa Cilmigiisa – isagoo ka kor ah cirarka, ka baxsan oo soocan uunkiisa, sidaas oy tahay wuu idin arkaa oo maqlaa oo awood idinku dul leeyahay.
(5) 5. Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada. Xagga Alle baana loo celiyaa umuuraha oo dhan.
(6) 6. Wuxuu Habeenka dhex gashaa maalinta, maalintana dhex gashaa habeenka (macnaha kala badiyaa), wuuna Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
(7) 7. Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa (Nabi Muxammad) oo wax ka bixiya4 waxaa uu idiinka dhigay wakiillo (maamulkiisa); kuwaa idinka mid ah ee rumeeya (Alle) oo wax bixiya waxay leeyihiin Abaalgud Weyn.
4. Wax ku bixiya waxlaayaha raalli geliya Ilaahay waxay leeyihiin Janno.
(8) 8. Maxaad leedihiin oo aad la rumeyn weydeen Allaah, isagoo Rasuulku (Nabi Muxammad) idiinku yeedho inaad rumeysaan Rabbigiin, Isagoo idinka qaaday ballan adag, haddaad tihiin mu’miniin.
(9) 9. Isaga Weeye (Kan ku soo dejiya Aayado cad addoonkiisa (Nabi Muxammad) si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. Allena waa idiin Turid iyo Naxariis Badan yahay.
(10) 10. Maxaad leedihiin oo aad wax ugu bixin weydeen Jidka Ilaahay? Allaah baana leh dhaxalka samooyinka iyo arlada. Ma sinna kuwiinna wax bixiyey ka hor guusha iyo furashada (Makkah) oo diriray(iyo kuwiinna sidaa falay waa' dambe). Kuwaasi (hore) baa ka sarreeya darajo ahaan kuwa wax bixiyey oo diriray kaddib. Allena wuxuu u yaboohay (abaalgud) wanaagsan intaba. Allena waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
(11) 11. Waa kuma kan amaahinaya Alle amaah wanaagsan (sadaqo bixin ama deyn siin cid baahan kor saar la'aan), markaas uu u labolaabo (ajarka), wuxuuna siin abaalgud wanaagsan (Janno).
(12) 12. Maalinta aad arki mu’miniinta iyo mu’minooyinka - nuurkoodu socdo hortooda iyo midigtoodaba: ku bishaareysta Maanta Jannooyin (Beero) ay webiyadu hoos qul-qulaan, iyagoo ku waaraya dhexdeeda (weligood). (Arrin)kaasi waa Liibaanta Weyn.
(13) 13. Maalinta ay munaafiqiinta iyo munaa- fiqooyinka ku odhan doonaan mu’miniinta: Na suga oo noo oggolaada inaan wax ka qaadanno nuurkiinna. Waxaa la odhan: Dib ugu noqda gadaashiinna5. Markaas dalba nuur. Markaas baa xannib la yeeli dhexdoo- da, derbi leh albaab. Gudahiisa yahay naxariis, xaggiisa debedda ahna cadaab.
5. U noqda halka laga helayey nuurka waa noloshii adduunka.
(14) 14. Way u dhawaaqi (iyagoo leh): Sow ma aanan aheyn la jirkiinna? Waxay odhan: Haayoo, waxaadse balayseen nafahiinna6, oo sugteen oo shakideen, waxaana idin hoday hawooyin been ah jeer cadaabkii Alle idinku gooddiyey yimid, isagoo kan hodidda iyo dhagarta badan (Shaydaan) idinka hoday xagga Alle.
6. Ku beleyseen munaafqinimo ama ku dhicitaan fidnooyinka.
(15) 15. Maanta la idinkama aqbalo is furasho idinka (munaafiqiinta ah) iyo kuwaa gaaloobay midna. Hoygiinnu waa Naarta, waa iyada mudankiinna, waana halka u xun meel la ahaado.
(16) 16. Miyayan u dhowaanin kuwa (Xaqa) rumeeyey inay u khushuucdo quluubtoodu Xuska Ilaahay iyo waxa loo soo dejiyey oo Xaqa ah? oo ayan la mid noqonin kuwii la siiyey Kitaabka awal hore (Yuhuudda iyo Nasaarada) oo muddadu ku dheeraatay sidaa darteed quluubtoodu qallaleen? In badan oo ka mid ahna waa caasiyaal.
(17) 17. Ogaada inuu Allaah siiyo nolol arlada dhimashadeeda kaddib7.Waan idiin caddeynay Aayadaha si aad u garowsataan
7. In sidoo kale Allaah Subxaanahu watacaalaa uu nooleyn karo qalbiga kaddib markuu noqday mid adag oo hanuunin karo qof horey u lunsanaa.
(18) 18. Ragga wax sadaqaysta iyo haweenka wax sadaqaysta iyo (kuwaa) amaahiya Alle amaah wanaagsan (sadaqo baxsha ama deyn cid u baahan siiya kor saar la'aan), waa loo labo-laabi (ajarka) waxayna leeyihiin Abaal gud Wanaagsan (Janno).
(19) 19. Kuwa rumeeyey Allaah iyo Rusushiisa, Kuwaasu weeye run badnayaasha8, shuhadaduna Rabbigood xaggiis waxay ka heli abaalgudkooda iyo nuurkooda. Kuwase Xaqa diida oo beeniya Aayadahayaga, kuwaasi waa ehlu Naarka.
8. Tafsiir kale oo sax ah waxaa weeye: Oo kuwaa rumeysan Allaah iyo Rusushiisa kuwaas weeye run badnayaasha iyo markhaatiyada Rabbigood agtiis.
(20) 20. Ogaada inay nolosha adduunkan tahay cayaar iyo madaddaalo iyo isqurxin iyo isu faan dhexdiinna ah iyo ku tartan badsiga maal iyo carruur, waa sida roobka soo saara naqa, bixiddiisuna tahay mid farax gelisa tallaalayaasha beeraha; markaasna engaga oo aad arki isagoo doorsoomayoo caddaaday, markaas noqon xaabo burbur ah. Aakhirose (waxaa jira) cadaab daran iyo (sidoo kale) denbi dhaaf xagga Alle iyo Raallinnima(diisa). Nolosha adduunyana ma aha waxaan ahayn raaxo lagu dagmo.
(21) 21. U degdega denbi dhaaf ah xagga Rabbigiin iyo beer (Janno) ballaceedu yahay ballaca cirka iyo dhulka, loo diyaariyey kuwa rumeysan Allaah iyo Rusushiisa. Kaasi waa Galladda Ilaahay uu siiyo cidduu doono, Allena waa Rabbiga leh Galladda Weyn.
(22) 22. Ma jirto masiibo ku dhacda dhulka ama nafahiinna oo aan ku qornayn Kitaab9, ka hor inta aanu keenin ifka. Hubaal, arrinkaasi waa wax u fudud Allaah.
9. Looxa Maxfuudka.
(23) 23. Si aydaan uga murugoon wixii idin seega, uguna aydaan farax taraarin wuxuu idin siiyo. Allena ma jecla mid kastoo isla weyn, faan badan.
(24) 24. Kuwaa ah bakhayllada - amrana dadka bakhaylnimo. Qofkii (Xaqa ka) jeesadana, Alle waa Hodanka Deeqtoon, Ammaanan.
(25) 25. Waxaan dhab ahaan la soo dirnay Rusushayada xujooyin cad cad, lana soo dejinnay Kitaabka iyo Miisaanka (caddaaladda), si ay dadku ugu wada dhaqmaan caddaalad. Waxaana soo dejinnay birta oo shiddo weyni ku jirto iyo manaafacaad dadka10, iyo inuu Alle muujiyo kan u gargaari (Diinta) iyo Rusushiisa iyagoon arag. Allaah waa Xoog Badane, Adkaade ah.
10. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: “Ogaada in Jannadu tahay seefaha hoostooda”.
(26) 26. Waxaan dhab ahaan soo dirnay Nuux iyo Ibraahiim, waxaana ka yeellay ubadkooda dhexdooda Nabinnimada iyo Kitaabka, waxaa ka mid ah kuwo hanuunay, in badani oo ka mid ahina waa caasiyaal.
(27) 27. Markaasaan raacinnay raadadkoodii Rusushayada, Waxaana raacinnay Ciise, wiilkii Maryam, oo siinnay Injiilka. Waxaana yeellay quluubta kuwii raacay isu danqasho iyo naxariis. Suufinnimadase (adduun ka jeedsiga)11 iyagaa unkaday oo billowday, Annagu kuma aan waajibin, waxay uun u faleen doonidda raalli ahaanshaha IIaahay darteed, mase ayan ilaalin dowgii ay laheyd. Markaa baan waxaan siinnay kuwoodii ka mid ahaa ee rumeeyey abaalgudkooda, intooda badanse waa caasiyaal.
11. Waa inayan xaas yeelan, oo iska caagaan, oo dhinac kaga baxaan dadka oo iska joogaan kaniisadda.
(28) 28.Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (xilkuu uu idin saaray) Alle oo rumeeya Rasuulkiisa (Nabi Muxammad), Wuxuu (Alle) idin siin labo saami oo Naxariistiisa ah, idiinna yeeli Nuur aad ugu socon (si toosan) oo idiin denbi dhaafi. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(29) 29. Si ay ehlu-Kitaabku u ogaadaan inaysan hayn waxna ka mid ah Galladda Ilaahay, iyo in Gallad oo dhan ay ku jirto Gacanta Ilaahay12, wuxuu siiyaa cidduu doono. Allena waa Rabbiga leh Galladda Weyn.
12. Gacanta Ilaahay : Allaah kor ahaaye wuxuu ku caddeeyey Qur’aanka inuu leeyahay tilmaamo gaar ah sida maqal, arag, labo indhood, weji, labo gacmood, sacabbo, faro, labo lugood, cago, inuu qoslo, cadhoodo, iwm. Iyadoo taasi jirto buu iska fogeeyey inuu yahay mid ay suureysan karaan aadmiga, oo wax la mid ah ma jiraan waana Isaga Maqal Badanaha, arkidda Badan, sidaas oy tahay waa in loo qiro tilmaamaha u sheegtay Alle ama Rasuulkiisu uu sheegay inuu leeyahay.