10 - Suurada Yuunis ()

|

(1) 1. Alif Laam Raa1, Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) Xikmadda Badan2.
1. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqara: Aayadda 1. 2. Xakiim waa tilmaanta qofka warkiisa iyo ficilkiisa salka ku hayaan garasho iyo aragti dheer. waxaa loola jeedaa tilmaamaha doonista, hadaf yeelashada, war samida, falsamada, wax kala saaridda iyo xog ogaanta, aragti dheerida, abwaanka ah.

(2) 2. Ma waxaa la yaab dadka ku noqday inaan u waxyoonno nin ka mid ah (Nabi Muxammad, Annagoo leh): U dig dadka una bishaaree kuwa (Xaqa) rumeeyey inay ku leeyihiin rug rumeed san oo sare (Janno) Rabbigood agti (camalkoodii samaa darti). Waxay gaaladu yidhaahdeen: Kanu waa saaxir cad.

(3) 3. Rabbigiin waa Allaah ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga korkiisa Isagaa maamula arrinka uunka dhammaan. Ma jiro shafeece Idankiisa. kaddib ma’ahee; Kan Weeye Allaah, Rabbigiin, ee caabuda Isagoo Keliya Miyaydaan waansamayn?

(4) 4. Xaggiisaa la idiin soo celin dhammaan. Wacad Alle oo xaq ah weeye, Wuxuu billaabaa uunka kolka horeba, haddana dib u soo celin mar kale, si uu ugu abaal mariyo si caddaalad ah kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala. Kuwase Xaqa diida waxay leeyihiin cabbitaan biyo kulul ah iyo cadaab xanuun badan, gaalnimadoo- dii darteed.

(5) 5. (Alle) waa Kan ka dhigay qorraxda ileys ifaya, dayaxana Nuur, una qaddaray rugo uu maro si aad u garataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Allaah uma uusan abuurin waxaan ahayn Xaq; Wuxuu u cad- deeyaa calaamooyinka ciddii garasho leh.

(6) 6. Is beddelka habeenka iyo maalinta iyo waxa Allaah ku abuuray samooyinka iyo arlada, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii Alle ka cabsan (oo iska jiri xumaha).

(7) 7. Kuwa aan rajayn la kulankayaga, kuna raalli noqday nolosha adduunkan oo ku qalbi degay, iyo kuwa ka dhoohan Aayadahayaga.

(8) 8. Kuwaas, hoygoodu waa Naar, waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah).

(9) 9. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee fala samaha, Rabbigood wuxuu ku hanuunin iimaankooda darti; waxaa qulquli hoostooda webiyo ku yaal Beeraha Barwaaqada ah (Jannada).

(10) 10. Ducadooda waa Subxaanakal laahumma (Sarreeye ma nuqsaamow adigaa nazahan oo xurmoo dhan leh), salaantooduna waa, 'Salaam', (nabad ahaada). Ducadooda ugu dambeysana waa "Al-Xamdullilaahi Rabbil Caalamiin (ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa mudan Allaah, Rabbiga uumanka).
Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ehlu Jannadu waxay wax ka cuni iyo cabbi doonaan Jannada gudaheeda. Ma candhuufan doonaan, oo ma kaadshi doonaan, oo ma saxaroon doonaan, oo ma duufsan doonaan”. Waxaa la weydiiyey: “Ka warran cuntada sidee uga soo baxeysaa?” Wuxuu yidhi: “Daaco ahaan iyo dhidid dhibco sida miskiga oo kale ah”. Waxaan la solan siin tasbiixda iyo Alla ammaanka sida neefsiga oo kale”. (W.w. Muslim)

(11) 11. Hadduu Alle u soo dedejin lahaa dadka sharka (ay ka baryaan) siduu ugu soo dedejiyo Khayrka, muddadooda waa loo oofin lahaa (oo la hallagi lahaa)4. Waxaanse ku deynaa kuwaa aan rajayn la Kulankankayaga xad gudubkooda iyagoo ku jaha wareersan indha la’aan.
4. Qaddarka Ilaahay waa inuu waqti ku siiyo uunkiisa arlada, ama inuusan ciqaabin ka hor inta aan loo soo dirin xujo cad oo ah Rasuul iyo Kitaab.

(12) 12. Marka waxyeello gaadho aadmiga, wuxuu na baryaa isagoo dhinac u jiifa, ama fadhiya ama sare jooga, kolkiise aan ka feydno waxyeellada, wuxuu ku sii socdaa (caasiyoobiddiisa) sidiiyoo aanu marnaba noogu gargaarsan waxyeello gaadhay (inaan ka qaadno). Sidaasaa loogu qurxiyey xadgudbayaasha waxay falayeen.

(13) 13. Waxaan horey u halaagnay facyo idinka horreeyey, markay dulmi (shirki iyo macaasi) faleen, Rusushooduna waxay ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase ahayn kuwo rumeynaya. Sidaasaan u abaal marinnaa qoloda denbiilayaasha ah.

(14) 14. Markaasaan idinka dhignay kuwa u hadha dhulka iyaga kaddib, si aan u eegno sidaad u dhaqanataan.

(15) 15. Marka loo akhriyo Aayadahayaga xujooyin cad ahaan, kuwa aan rajeyn la Kulankayaga, waxay yidhaahdaan: Noo keen Qur’aan aan kan aheyn, ama beddel. Dheh (Nabi Muxammadow): Igama suurowdo inaan iskay u beddelo; Waxaan uun anigu raacaa waxa la ii waxyoodo. Waxaan ka cabsan haddaan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin daran.

(16) 16. Dheh: Hadduu Alle doono, idiinma akhriyeen (Waxyigan) oo idinma ogeysii- yeen. Waxaan joogay dhexdiinna cimri kan ka hor5. Ee ma waydaan garowsaneyn?
5. Nabigu s.c.w. wuxuu la noolaa afartan sano ka hor inta aan loo waxyoon oo ay ku yiqiinniin ammaano, run badni, dabci samaan, wanaag iyo khayr oo dhan.

(17) 17. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Allaah ama beeniya Aayadihiisa, xaqiiq denbiilayaasha ma liibaanaan.

(18) 18. Waxay caabudaan Allaah sokadi waxaan waxyeeli karin waxnana aan u tari karin, waxayna yidhaahdaan: Kuwakanu waa shafeecayaashayo Allaah agti6. Dheh: Ma waxaad (is leedihiin waxaad u) sheegaysaan Alle wax aanu ogeyn ee ka jira samooyinka iyo arlada gudahooda? Wuu ka nazahan yahay oo ka Sarreeyaa waxay Alle la wadaajiyaan.
6. Weedhani waxay muujineysaa caqli xumada dadka asnaamta caabuda ee mooda inay asnaamta uga shafeecayaan oo garab siinayaan Allaah Kor ahaaye agtii.

(19) 19. Dadku ma ahayn waxaan ahayn ummad keliya (wada heysata diin keliya (Islaamka7), markaasay iskhilaafeen (waa' dambe), haddaysanna jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa8 waa lagu kala xukumi lahaa dhexdooda waxay isku khilaafsan yihiin.
7. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ilmo kasta waxay ku dhashaan Islaamnimo (oo ah in la caabudo Allaah Keliya aan waxna lala wadaajin cibaadada) laakiinse waalidkiisa baa ka yeela Yuhuud ama Nasaaro (Kirishtaan) ama Majuus dab caabud ah, sidaba ay xooluhu u dhalaan neef aan iin laheyn. Ma waad ku aragtaan wax dheg go’an? (Al-Bukhaari) 8. In loo oofiyo muddadooda ama inaan la ciqaabin cidna iyadoo aan xujo cad u iman.

(20) 20. Waxay yidhaahdaan: Maxaa loogu soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Dheh: Waxaan Muuqan ee qarsoon waxaa ogsoon Allaah Keliya, ee suga, aniguna sidoo kale waan idin la sugayaa (Xukunka Alle).

(21) 21. Markaan dhadhansiinno dadka Naxariis kaddib waxyeello gaadhay, mise! Waxay kolkaas u tab dhigaan oo qoolaan Aayadahayaga. Dheh: Allaah baa ku Dhaqsi Badan qorshe (tab) deggidda. Hubaal Rusushayada (malaa’igta) waxay qoraan waxaad shirqool dhigeysaan.

(22) 22. (Alle) waa Kan idinka yeela inaad martaan barriga iyo baddaba, jeer markaad ku jirtaan doonyaha oo ay ku mushaaxaan kuwa saaran (gaalada) dabeyl wanaagsan oo ay markaas ku farxaan ay u timaaddo dabeyl kacsan, oo uga yimaadaan mawjaduhu dhinac kasta oo ay yaqiinsadaan in la hareereeyay, waxay baryaan Allaah iyagoo u keli yeelaya cibaadada, oo leh: "Haddaad naga badbaadiso tani, waxaan hubaal ka mid ahaan kuwa mahdiya (Alle)".

(23) 23. Markase uu badbaadiyo, mise! Waxay isla markaa ku qooqaan dhulka xaq darro. Dadoow! Qooqa (iyo xadgudubkiinna) waxay u daran tahay nafahiinna, waa raaxo kooban oo nolosha adduunkan ah, kaddibna Xaggayaga baa la idiin soo celin, waxaana idiin sheegi waxaad falayseen.

(24) 24. Mataalka noloshan adduunku9 waa sida biyo (roob) aan ka soo dejinno daruuraha, markaas dhirta dhulka oy dadka iyo duunyaduba wax ka cunaan ka soo baxaan si riyaaq leh iyagoo isku dheehan halkaa, ilaa markuu dhulku qaato bilicdiisa kaamilka10 ah oo isqurxiyo oy dadkiisu moodaan inuu gacanta ugu jiro, uu markaas u yimaado Amarkayaga habeen ama maalin, markaas aan ka dhigno gabaahirig (wax la shafay) sidii isagoo aan jirinba shalay! Sidaasaan ugu faah-faahinnaa Aayadaha ciddii fikiri.
9. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Adduunyadu waa macaan, doog ah, Allaah baa idiin dhiibay inaad ka talisaan oo isaga dambeysaan si uu u eego waxa aad fashaan ee iska jira adduunyada iyo (fidmada) haweenka.” 10. Bilicda dhulka waxaa loola jeedaa badaha, buuraha, togagga, doogga, dhirta iyo geedaha.

(25) 25. Allaah wuxuu ku baaqaa Daarta Nabadda (Jannada) wuxuuna ku hanuuniyaa cidduu doono Jid Toosan (Islaamka).

(26) 26. Waxay leeyihiin kuwa fala wanaagga (abaalgud) kan u wanaagsan (Janno) iyo wax ka zaa’id ah 11(eegista Rabbi). Boor iyo dulli midna ma daboolayo wejiyadooda. Waa kuwaa ehlu Jannada, way ku dhex waari weligood.
11. Inay arkaan Rabbigood, oo waxa ugu sarreeya ah ay ku helayaan Jannada.

(27) 27. Kuwase kasbada xumaha (shirkiga iyo macaasida), abaalka xume fal keliyihi waa mid la mid ah, dulli baana daboolaya (wejiyadooda). Ma helayaan wax Alle ka celiya. Waxaad moodi wajiyadooda in lagu daboolay goosanno habeen gudcur madow ah, waa Kuwaa ehlu Naarka, wayna ku dhex waari weligood.

(28) 28. Maalintaan soo wada kulmin iyagoo dhan, markaasaan ku odhan kuwii la wadaajiyey cid kale (Alle cibaadada): Halkiinna jooga, idinka iyo kuwa aad la wadaajiseenba (cibaadada); markaasaan kala saari, kuway wax ka wadaajiyeen (cibaadadooda: sannamadii) waxay odhan: Ma nihin innaga kuwaad caabudi jirteen.

(29) 29.Allaah baa ku filan markhaati dhexdeen- na innaga iyo idinkaba, in aanu innagu ahayn kuwo moog cibaadadiinna.

(30) 30. Halkaas, (Maalintaas) bay xaqiiqsan naf walbaa waxay hor marsatay, waxaana loo celiyaa Mudanahooda Xaqa ah, wayna waayi waxay been abuurteen.

(31) 31. Dheh: Waa kuma kan idinka arsaaqa samada iyo arlada? ama waa kuma kan haya maqalka iyo aragyada? Oo waa kuma kan noole ka soo saara mayd, oo ka soo saara mayd noolaha? Oo waa kuma kan qorsheeya oo iskudubarida arrimaha (uunka oo idil)? Markaasay odhan: Allaah. Dheh: Miyeydaan ka joogeyn (xumaha)?

(32) 32. Kaa weeye Allaah, Rabbigiin runta ah; ee maxaa xaqa ka dambeeya aan habow aheyn? Ee sidee la idiinka jeediyey?

(33) 33. Sidaasay ugu rumowday Kelmadda Rabbigaa kuwa xumaha ku adkeysta in aanay rumayn doonin.

(34) 34. Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo ifka keeni kara uunka billowga horeba haddana dib u soo celin mar kale? Dheh: Allaah baa ifka keena uunka haddana soo celin mar kale. Ee sidee Xaqa la idiinka iilay?

(35) 35. Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo wax ku hanuuniya Xaqa? Dheh: Allaah baa wax ku hanuuniya Xaqa. Ee ma Kan wax ku hanuuniya Xaqa baa mudan in la raaco, mise mid aan isaguba hanuunsanayn in la hanuuniyo ma’ahee? Ee muxuu arrinkiinu yahay? Sidee baad wax u xukuntaan?

(36) 36. Badankoodu ma raacaan waxaan ahayn malo; malahuna waxba kama taro Xaqa. Alle wuu Og yahay waxay falaan.

(37) 37. Ma aha Qu’raankani12 wax ay been abuuran karayaan kuwaa Allaah sokadi ah, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Ilaahay ah) iyo faahfaahin cad oo Kitaabka ah, shaki kuma jiro, waa xagga Rabbiga caalamka.
12. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma jiro Nabi ka mid ah Anbiyada aan la siin mucjisado si ay dadka u rumeystaan. Waxase aniga la I siiyey waa waxyi uu ii waxyooday Allaah Kor ahaaye, sidaas daraaddeed waxaana rajeynayaa inaan anigu ahaado midka loogu raacid badan yahay Maalinta Qiyaamaha”. W.w. Al-Bukhaari

(38) 38. Mise waxay leeyihiin: Wuu been abuurtay (Qur’aanka)? Dheh: Keena Suurad la mid ah, oo u yeedha ciddaad kartaan Alle sokadi, haddaad run sheegaysaan.

(39) 39. Mayee, waxay beeniyaan wax aysan koobinba cilmigiisa, iyo wax uusan weli u imaan fasirkiisu. Sidaasoo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay. Ee eeg siday aheyd cidhibta daalimiinta.

(40) 40. Waxaa ka mid ah mid rumeysan (Qur’aankan), iyo midaan rumeysneyn, Rabbigaana wuu Og yahay kuwa waxa fasahaadsha.

(41) 41. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow), Dheh: camalkayga anaa leh, camalkiinnana idinkaa iska leh. Waxaad idinku ka eed tiran tihiin waxaan falo, aniguna waan ka eed tirnahay waxaad fashaan.

(42) 42.Waxaa ka mid ah kuwo ku dhageysta13, ma adigaase wax maqalsiin kara dhagoolaha iyagoon wax fahmeyn?
13. Waa sida inay dhageysanayaan waxa uu akhriyo Rasuulka iyo waxa uu baro, laakiinse quluubtooda ma aqbalaan Xaqa.

(43) 43. Waxaana ka mid ah kuwo ku soo eega14, ma adigaase ku toosin kara waddada indhoolaha iyagoon wax arkayn?
14. Macnaha waxaa weeye way arkaan calaamadaha Nabinnimada Rasuulka s.c.w. laakiinse ma ay raacaan oo wax kuma qaataan.

(44) 44. Allaah kama dulmiyo dadka waxba; dadkuse iyagaa nafahooda dulmiya.

(45) 45. Maalinta uu soo kulmin iyagoo dhan, (waxay ahaan) sida inaysan ku nagaanba (adduunka) waxaan aheyn saacad maalin ka mid ah wayna is aqoonsan. Waxaa run ahaan khasaari kuwa ku sheegay la kunlanka Ilaahay inuu yahay been, mana ay ahayn kuwo hanuunsan.

(46) 46.Haddaan ku tusinno (intaad nooshahay) qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsannoba, waa Xaggayaga meel noqodkooda, Allaana ka marag ah waxay falayaan.

(47) 47. Ummad kasta waxay leedahay Rasuul; markuu u yimaado Rasuulkoodu, waxaa lagu kala xukumi dhexdooda si caddaalad ah iyagoon la dulmineyn.

(48) 48. Waxay (gaaladu) odhan: Waa goorma ballan qaadkani-haddaad run sheegaysaan.

(49) 49. Dheh: Anigu uma hayo naftayda wax dhib ama dheef ah wuxuu Alle doono ma’ahee. Ummad kasta waxay leedahay muddo loo qabtay; markuu yimaado ajalkoodu, ma dib dhigi karaan saacad, kamana soo hormari karaan (waqtigooda).

(50) 50. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiinku yimaado cadaabkiisu habeen ama maalin cad - maxay ka degdegsanayaan denbiilayaashu15?
15. Maxay ka degdegsanayaan, waxay tilmaameysaa ku jeesjeeska gaalada ay ku jeesjeesayeen Nabiga s.c.w. iyagoo ku lahaa: Noo keena ciqaabka Ilaahay caddeyn ahaan inaad run sheegayso.

(51) 51. Mise markuu dhaco ayaad rumayn? Ma imminka (baad rumeyn)? Idinkoo horay u doonayey in la idiin soo dedejiyo.

(52) 52. Markaas baa lagu odhan kuwii dulmiga (shirkiga iyo macaasida) falay: Dhadhami- ya cadaabka waarista. La idinku abaal marin maayo waxaan aheyn waxaad kasbateen (oo denbiyo ah).

(53) 53. Waxay ku weydiinayaan: Ma run baa? Dheh: Haa, Waa igu Rabbigaye! Waa xaq. Mana ka baxsan kartaan (Cadaabka).

(54) 54. Hadday naf walba oo dulmi fashay lahaan lahayd waxa dhulka yaalloo dhan, way isku furan lahayd, waxayna dareemi qoomammo markay arkaan cadaabka, arrinkana waa la kala xukumi dhexdooda si caddaalad ah iyagoon la dulmineyn.

(55) 55. Ogaada, hubaal, waxaa iska leh Allaah waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Ogaada, hubaal, Ballanka Ilaahay waa xaq. Badankooduse ma ogsoona.

(56) 56. Isagaa wax nooleeya, oo dhinsiiya, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin.

(57) 57. Dadow! Waxaa idiinka yimid waano wanaagsan xagga Rabbigiin iyo reysasho lagaga bogsado waxa ku jira laabaha (oo cudurro ah) iyo hanuuun iyo naxariis mu’miniinta.

(58) 58. Dheh: Fadliga Ilaahay (Islaamka) iyo Naxariistiisa (Qur’aanka) - arrinkani ha ku farxeen, isagaa uga khayr badan waxay isu keenaan (oo maaliyad ah).

(59) 59. Dheh: Bal ka warrama waxa Allaah idiin soo dejiyey oo rizaq ah oo aad ka yeeshaan qaar ka mid ah xaaraan (qaarna) xalaal. Dheh: Ma Allaah baa idin amray, mise Alle ayaad ka been sheegaysaan?

(60) 60. Maxayse filan kuwa ka been sheega Alle Maalinta Qiyaamaha? hubaal Alle waa Kan fadli ku leh dadka, dadkuse badankiisu kuma mahdiyaan.

(61) 61. Ma jirto waxaad ku sugan tahay oo arrin ah, waxaad ka akhridaan Qur’aanka, iyo camal kasta oo aad fashaan aan idin la joogin (ogeyn) markaad dhex galeysaan. Kagama Qarsoona Rabbigaa (haba ahaadaane) wax saxar le’eg dhulka korkiisa ama cirka gudahiisa, ama wax ka yar ama wax ka weyn, bal waxay ku qoran yihiin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).

(62) 62. Ogaada, hubaal, awliyada Ilaahay ma ahaaneyso cabsi korkooda mana murugoonayaan9.
9. Abuu Saciid Al-Khudri a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Rasuulkii Alle s.c.w. yidhi: Markii qofka la saaro meydkiisa alwaaxa janaazada ( oo janaasadu tahay diyaar) oo raggu ku qaadaan garbahooda, haddii mowtanahu ahaa qof wanaagsan waxay tidhaahdaa: I dedejiya I dedejiya, haddiise uu ahaa qof aan wanaagsaneyn waxay odhan: Hooggeeda'e xaggee u siddaan. Waxaa maqla codkeeda wax walba aadanaha maahee, hadduu maqli lahaana waa uu suuxi lahaa." (Al-Bukhaari)

(63) 63. (Waa) kuwa (Towxiidka) rumeysan ee iska ilaasha (shirkiga iyo macaasida).

(64) 64. Waxay leeyihiin bishaaro16 nolosha adduunkan iyo aakhiradaba. Ma jiro wax beddeli karaa Kelmadaha Ilaahay. Arrinkaasi weeye Liibaanta Weyn.
16. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Riyada wanaagsan (ee dhabowda) uu ku riyooda qof wanaagsan ee Alle ka cabsada waa qayb ka mid ah afartan iyo lixdanka qaybood ee Nabinnimada. W.w.Al-Bukhaari

(65) 65. Yeysan ku murugo gelin (gaalada) hadalkoodu, Ciso oo dhan waxaa iska leh Allaah. Waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

(66) 66. Ogaada, hubaal, Allaah baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Ma raacaan (run ahaan) wax shuruko ah kuwa barya cid kale Allaah sokadi, ma raacaan (waxna) aan ahayn malo, oo been uun bay sheegayaan.

(67) 67. Waa Isaga (Alle) Kan idiinka yeelay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana iftiin aad wax ku aragtaan. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii wax maqli.

(68) 68. Waxay yidhaahdaan: Allaah wuxuu leeyahay wiil17, ka nazahan, Xurmo oo dhan Isagaa leh oo hufan. waa Hodanka Deeqtoon. Wuxuu leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wax Xujo ahna uma haysataan (arrin)kani. Ma waxaad ka sheegaysaan Alle wax aydaan ogeyn?
17. Waa sida ay yidhaahdaan Yuhuudda, Kirishtaanka iyo qolooyin kaleba.

(69) 69. Dheh: Kuwa Alle ka been sheega ma liibaanaan.

(70) 70. Waa raaxo (yar) adduunkan gudahi, markaas Xaggayaga buu ahaan meel noqodkoodu, markaas baan dhadhansiin cadaab daran, gaalnimadooda darteed.

(71) 71. U Akhri qisadii Nuux. Markuu ku yidhi dadkiisii: Tolkaygiiyow! hadday joogiddeyda (la jirkiin), iyo (idinku) waaninteyda Aayadaha Ilaahay ay idinku cuslaatay - haddaba Allaah baan tala saartay - ee tala goosta arrankiinna oo (soo kulmiya) kuwa aad cibaadadiinna wax ka wadaajisaan, markaas yuusan ahaan arrinkiinnu mid uu ku jiro mugdi18, markaas igu fuliya xukunkiinna hana i siininnaba wax fursad ah.
18. Ha ka yeelina wax uu ku jiro shaki ama walaac, ee ha ahaato wax idiin cad, muuqda, oo aan mugdi ku jirin.

(72) 72. Haddaad jeesataan, idinma weydiisan idinka wax abaalgud ah, abaalgudkeyga wuxuu saaran yahay Allaah Keliya, waxaana la i amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta.

(73) 73. Wayse beeniyeen, markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii ku wehlisay Doonida, Waxaana ka dhignay kuwa u hara dhulka oo ka taliya, oo aanu qarqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Ee fiiri siduu ahaa aayaha kuwii loo digay.

(74) 74. Markaasaan u soo bixinnay isaga kaddib Rusul dadkoodii, oo ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase rumeyn lahayn waxay horayba u beeniyeen19. Sidaasaan u yeelnaa shaabbad daahda quluubta xadgudbayaasha.
19. Facyadii ku xigay waxay ahaayeen kuwo ku adkeysta gaalnimada.

(75) 75. Markaasaan soo dirnay iyaga kaddib Muuse iyo Haaruun xagga Fircoon iyo xildhibaannadii iyagoo u sida Aayadahayaga, wayse is kibriyeen oo waxay ahaayeen qolo denbiilayaal ah.

(76) 76. Markuu uga yimid Xaqu Xaggayaga, waxay yidhaahdeen:Kanu waa sixir cad.

(77) 77. Muuse wuxuu yidhi: Ma waxaad ka leedihiin (sidatan) Xaqa markuu idiin yimid? Ma sixir baa kani? Sixiroolaayaashu ma liibaanaan.

(78) 78. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso waxaan ka hellay aabbayaashayo, iyo (inaad) ku sarreynta arlada markaas aad idinku yeelataan? Innaguna ma nihin kuwo idin rumeysanaya.

(79) 79. Fiircoon wuxuu yidhi: Ii keena saaxir kasta oo xeel dheer.

(80) 80. Markay sixiroolayaashii yimaadeen, Muuse wuxuu ku yidhi: Tuurta waxaad tuureysaan.

(81) 81. Markay tuureenna Muuse wuxuu ku yidhi: Waxaad la timaaddeen waa sixir, Alle baa burin doona. Hubaal Alle ma hagaajiyo camalka kuwa wax fasahaadsha.

(82) 82. Allena wuxuu ku sugi Xaqa Kelmedihiisa, haba nacaan denbiilayaashu.

(83) 83. Cidnase ma rumeyn Muuse aan ahayn durriyad ka mid ah qolodiisii cabsi ay ka qabeen darteed Fircoon iyo xildhibaannadi inay caddibaan; Fircoon wuxuu ahaa mid isku sare yeela arlada, wuxuuna ka mid ahaa xadgudbayaasha.

(84) 84. Muuse wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Haddaad tihiin kuwo rumeysan Alle Isaga uun tala saarta, haddaad tihiin Muslimiin.

(85) 85. Markaasay yidhaahdeen: Allaah baan isku halleynaa oo tala saarannay. Rabbigayow! Ha nagu salladin qolodaa daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).

(86) 86. Noogana badbaadi Naxariistaada qolodaa gaalada ah.

(87) 87. Waxaana u waxyoonnay Muuse iyo walaalki (Haaruun, Annagoo leh) Uga yeela qolodiinna20 guryo ay degaan Masar gudaheeda, oo ka dhiga guryihiinna goobo cibaado (isu dhow, oo u furan booqashada) ooga salaadda una bishaaree mu’miniinta.
20. Si ay ugu tukadaan halkaa iyagoo uusan arkayn cadowgooda iyo si ay deris u ahaadaan iska warqaba oo isa soo booqda.

(88) 88. Muuse wuxuu yidhi: Rabbigayow! Waxaad adigu ku siisey Fircoon iyo xildhibaannadi qurux iyo maal nolosha adduunkan, Rabbigayow! Si ay (dadka) uga lumiyaan Jidkaaga. Rabbigayow! Baabbi'i maalkooda, oo adkee quluubtooda, si ayan u rumeyn jeer ay arkaan Cadaabka Xanuunka Badan.

(89) 89. (Alle) wuxuu yidhi: Baryadiinna waa la idinka aqbalay21. Ee idinku haya jidka toosan (ee Islaamka) hana raacina jidka kuwa aan wax ogeyn.
21. Macnaha ducada labadoodaba, waxaa loola jeedaa tii Muuse, iyo Haaruun oo ku biiray isagoo lahaa Aamiin. (Allow naga aqbal).

(90) 90. Waxaan ka gudbinnay Ilmahii Israa’iil badda, markaasaa waxaa soo raacdeystey Fircoon iyo ciidamadiisa qooq iyo cadaawad darteed; markuuse qaraqu haleelay, wuxuu (Fircoon) yidhi: Waxaan rumeeyey inuusan jirin ilaah aan aheyn kay rumeeyeen Ilamahii Israa’iil, aniguna waxaan ka mid ahay Muslimiinta.

(91) 91. Ma imminka! adigoo hore u caasiyey, oo ka mid ahayd Mufsidiinta.

(92) 92. Maanta Waxaanu badbaaadin jirkaaga 22si aad ugu noqoto calaamo kuwa kaa dambeeya. Intooda badanse dadku Aayadahayaga way ka dhoohan yihiin.
22. Wuxuu Allaah badbaadiyey Fircoon jirkiisii.Taariikhyahannada waxay yidhaahdaan: Markuu Allaah qarqiyey Fircoon, waxaa laga helay jirkiisa xeebta badda, waxaa helay masriyiintii wayna xafidaan ilaa hadda, wuxuuna yaal matxaf ku yaal Masar. Eeg suuradda Al-Baqara (Q2: 50)

(93) 93. Waxaana dejinnay Ilmahii Israa’iil degaan khayr oo ku irsaaqnay waxyaalo wanaagsan, ismana ay khilaafin jeer uu climigu u yimid; hubaal Rabbigaa wuu u kala garsoori dhexdooda maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafeen.

(94) 94. Haddaad ka shakisan tahay (Nabiyow) waxaan kuu soo waxyoonnay23, weydii kuwa akhriya Kitaabka (Towraadda) adiga hortaa. Waxaa kaaga yimid Xaq xagga Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabeenka.
23. Waxaa ka mid ah tafsiirka labada Aayadood ee dambe, in loola jeedo inay qiiro kiciyaan Nabiga s,c.w. inuu caddeeyo oo muujiyo sugnaantiisa, taas uu falay isagoo yidhi shaki ma qabo, mana weydiinayo. Tafsiir kale waa in inkastoo ereyadaa ay ku socdaan Nabiga s.c.w., waxay haddana dhab ahaan ku socdaan oo ku wajahan yihiin dadka oo dhan.

(95) 95. Hana ka mid noqon kuwa beeniya Aayadaha Ilaahay, waayo markaas waxaad ka mid ahaaneysaa kuwa khasaaray.

(96) 96. Kuwa ay ku rumowday Kelmadda Rabbigaa (ee cadaabka), ma rumaynayaan.

(97) 97. Xataa hadday calaamo kasta u timaaddo jeeray arkaan Cadaabka Xanuunka Badan.

(98) 98. Maxay u jiri weydey magaalo rumaysa oo uu wax u taro iimaankeedu oo aan ahayn qolodii Yuunus? Markay rumeeyeen waxaan ka feydnay cadaabkii dulliga ee nolosha adduunka, waxaana u raaxaynay tan iyo muddo.

(99) 99. Hadduu doono Rabbigaa, way rumayn lahaayeen waxa dhulka jooga oo dhan kulligood. Ee ma waxaad adigu khasbi dadka jeer ay noqdaan mu’miniin.

(100) 100. Nafina ma rumeyso Idanka Ilaahay la'aantii, Wuxuuna Alle yeelaa qurunka24 kuwaa dushooda aan (Xaqa) garowsan.
24. Waxaa ka mid ah macnooyinkeeda wasakh, cadho, ciqaab, gaalnimo, qas, fowdo, iyo habow.

(101) 101. Dheh: Fiiriya waxa ku sugan cirarka iyo dhulka; maxayse wax u tarayaan calaamdaha iyo digniinuhu cid aan rumeyneyn.

(102) 102. Ma waxay sugayaan (wax kale) aan aheyn (baabbi’ii) sida maalmihii dadkii tegey hortood (ee Xaqa beeniyey)? Dheh: Suga (Ciqaabka Ilaahay), aniguna (sidoo kale) la jirkiin waxaan ka mid ahay inta sugiye (Ciqaabkiinna).

(103) 103. Markaasaan badbaadinnaa Rusushayada iyo kuwa rumeysan. Sidaas bayna xaq noogu tahay inaan badbaadinno mu’miniinta.

(104) 104. Dheh: Dadow! Haddaad ka shakisan tihiin diintayda, (ogaada inaan) Anigu caabudin kuwaa aad caabuddaan Allaah sokadi25. waxaanse caabudaa Allaah Keliya ee idin oofsada, waxaana la amray inaan ka mid ahaado mu’miniinta.
25. Dadka caabuda sanamyada xaqiiqdu waxaa weeye inaysan caabudin sanammo ee waxay caabudaan hawadooda, hawadoodaasi baa amreysa inay caabudaan sanamyadooda. Waxa la caabudona waa labo: asnaam aan ka war heyn in la caabudo, waxayna odhan doonaan Qiyaamaha innagu war kama heyn cibaadadiinna, iyo cid ogsoon in la caabudo, kuwaasina Qiyaamaha waa ku dafiri doonaan kuwii caabudi jirey.

(105) 105. Iyo inaad u jeediso wajigaaga xagga diinta adigoo toosan, hana ka mid noqonin mushrikiinta.

(106) 106. Hana baryin (caabudin) Alle la jirki waxaan wax ku tari karin (haddaad caabuddo) waxna aan ku yeeli karin (haddaadan caabudin), haddaadse sidaa yeesho, waxaad ka mid noqon daalimiinta.

(107) 107. Hadduu Alle ku taabsiiyo waxyeello, ma jirto cid kaa feydi kartaa aan Isaga ahayn; hadduu kula doono khayrna ma jirto cid celin karta Fadlgiisa uu siiyo midkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa, waana Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.

(108) 108. Dheh: Dadow! Waxaa idiinka yimid Xaq xagga Rabbigiin. Ee qofkii hanuunaa, waxay dan u tahay oo u hanuunaa naftiisa, qofkii lumaana, waxay u daran tahay oo u lumaa naftiisa, anigana layma saarin inaan idinka noqdo wakiil.

(109) 109. Ee raac waxa laguu waxyoodo, samirna inta Alle ka kala xukumin (dadka). Isagaana u wanaagsan inta garsoorta.