(1) 1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay qorraxda iyo caddaanta barqadeeda;
(2) 2.Iyo dayaxa markuu raaco (qorraxda).
(3) 3. Iyo maalinta markay muujiso (arlada) oo ifiso.
(4) 4. Iyo habeenka markuu daboolo arlada (oo madoobaado).
(5) 5. Iyo samada iyo siduu (Alle) u dhisay;
(6) 6 Iyo arlada iyo siduu (Alle) u fidshay,
(7) 7. Iyo nafta iyo siduu (Alle) u ekeeyey.
(8) 8. Markaas kala garansiiyey xumaheeda iyo toosnideeda,
(9) 9. Waxaa liibaani qofka (ka) daahiriya naftiisa (shirki iyo macaasi).
(10) 10. Waxaa khasaari qofka xumeeya naftiisa.
(11) 11. Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti.
(12) 12. Markuu soo baxay koodii uga sharka badnaa (si uu hasha u dilo).
(13) 13. Markaasuu Rasuulkii Ilaahay (Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Ilaahay (ha dilana) oo siiya waraabkeeda.
(14) 14. Wayse beeniyeen oo gowraceen (Hashii). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey denbigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii).
(15) 15. Kama uuna cabsado cidhibteeda.