32 - Suurada As-sajdah ()

|

(1) 1. Alif laam-miim1.
1. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.

(2) 2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa xagga (Alle) Rabbiga uumanka.

(3) 3. Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Mayee! Waa Xaq ka yimid Rabbigaa, si aad ugu digtid qolo aanu dige u iman hortaa adiga (Nabi Muxammadow) si ay u hanuunaan.

(4) 4. Allaah waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix Maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga2. Ma lihidin Alle sokadi wax gargaare ah ama Shafeece. Ee miyeydun waansameyn?
2. Istawaa waa ka kor ahaansho Carshiga, waana tilmaan waajib ah in la rumeeyo si ku habboon Weynida iyo Heybadda Ilaahay iyo Awooddiisa.

(5) 5. Wuxuu agaasimaa arrinka ka jira samada ilaa arlada, markaasuu arrinka Xaggiisa kor u aadaa Maalin qaddarkeedu yahay kun sano waxaad tirsataan ah3.
3. Waa arrinka ay soo qaadaan malaa’igta. Aayaddan waxay muujineysaa awoodda Ilaahay iyo Weynidiisa.

(6) 6. Kaasi waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, Adkaadaha Sare, Naxariis Badnaha.

(7) 7. (Alle waa) Kan u dhammeystiray wanaag wax kastuu abuuray, oo ka billaabay abuurista aadmiga dhoobo.

(8) 8. Markaas ka dhigay tarankiisa miir biyo la liidsado.

(9) 9. Markaas ka yeelay mid dhan oo ku afuufay wax ka mid ah Ruuxdiisa (uu u abuuray), oo idiin yeelay maqalka iyo aragga iyo kasha, wax yar baadse mahdisaan.

(10) 10. Waxay (gaaladu) yidhahdaan: Ma markaan (dhiminno oo noqonno) kuwa ku baabba’a dhulka, miyaa noqon abuur cusub? Mayee’ waxayan rumeysneyn la Kulanka Rabbigood (ee Aakhirada).

(11) 11. Dheh: Waxaa idin oofsan Malakul mowd la idiin xil saaray, markaasaa xagga Rabbigiin la idin soo celin.

(12) 12. Haddaad arki lahayd markay denbiila- yaashu hoos u rogi madaxyadooda Rabbigood horti (iyagoo leh): Rabbigayow! Waan aragnay (runta) oo maqallay, ee dib noo celi, waxaanu fali camal san, waanu yaqiinsannaye.

(13) 13. Haddaan doonno waxaan siin laheyn naf walba hanuunkeeda, laakiinse Qawl xaq ah baa horay iiga dhacay inaan ka buuxin Jahannama jinka iyo insiga (I caasiya) dhammaan.

(14) 14. Ee dhadhamiya, waayo waxaad illowdeen (dan u geli weydeen) la Kulanka Maalintiinnaan (Qiyaame), Annaguna waanu idin illoowi (oo idiinka tageynaa Naarta), dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinnii xumaa dartiis.

(15) 15. Sideedaba waxaa aaminsan Aayada- hayaga kuwa marka lagu waaniyo, la dhaca sujuud4 oo ku tasbiixsada Ammaanaha Rabbigood, oo aan iyagu is kibrinin.
4. Waxay u sujuudaan Allaah si khushuuc leh. Waxaa sunno ah in lala yimaado sujuud tilaawa halkan hadduu qofku akhriyo ama maqlo Aayaddan oo kale.

(16) 16. Waxay ka dheeraadaan dhinacyadoodu gogollada jiifka, baryaan Rabbigood si cabsi leh iyo Rajaba, waxaanu siinnayna wax ka bixiyaan.

(17) 17. Ma oga nafi waxa loo qariyey (Jannada dhexdeeda) ee ay indho ku qabowsadaan, abaal marin awgeed waxay camal san falayeen.

(18) 18. Ma mid mu'min ah baa la mid ah mid caasi ah? Ma ay sinna.

(19) 19. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee fala samaha, Beeraha barwaaqada ah (Jannada) waa hoygooda daa’inka ah, marti soor ahaan waxay camal san faleen.

(20) 20. Kuwase caasiyooba, hoygoodu waa Naar, markastoo ay doonaan inay ka soo baxaan waa lagu celin, waxaana lagu odhan: Dhadhamiya cadaabka Naarta aad beenin jirteen.

(21) 21. Waxaan dhadhansiineynaa cadaabka dhow5 ka hor cadaabka weyn, bal inay soo noqdaan (oo toobad keenaan).
5. Waa dhibaatooyinka iyo musiibadaha adduunka.

(22) 22. Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi oo ka jeesada? Waanu ka aarsan denbiilayaasha.

(23) 23. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka6, ee ha ka shakiyin la kulankiisa7, Waxaana uga yeelnay hanuun ilmahii Israa’iil.
6. Towraadda waxaa lagu soo dejiyey Nabi Muuse c.s., Qur’aankana waxaa lagu soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w., waana u hanuun dhammaan ummadaha. 7. La kulankii Nabi Muxammad s.c.w. uu la kulmay Nabi Muuse c.s. habeenkii Micraajka.

(24) 24. Waxaana ka yeellay qaar ka mid ah (ilmahii Israa’iil) hoggaamiyaal wax ku hanuuniya Amarkayaga, markay samreen, waxayna ahaayeen8 kuwo yaqiinsan Aayadahayaga.
8. Markay ku sabreen oogidda Xaqa iyo ku dhaqanki.

(25) 25. Hubaal Rabbigaa baa kala xukumi (mu'miniinta iyo gaalada) dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanayeen.

(26) 26. Miyaanay u caddaan intaan hallignay hortood oo facyo ah oo ay guryahoodii maraan, hubaal arrinkaasi waxaa ku sugan calaamooyin. Ee miyaanay wax maqleyn?

(27) 27. Miyaanay arkayn inaanu u soo kaxeyno biyaha dhul abaar ah aan dhir laheyn, oo aan ka soo saarno sarac ay wax ka cunaan xoolahooda iyo nafahoodaba? Ee miyaanay wax arkeyn?

(28) 28. Waxay odhan: Waa goorma kala xukunku haddaad run sheegaysaan?

(29) 29. Dheh: Maalinta kala xukunku9 ma anfaco gaalada iimaankoodu (markaas), lamana siiyo fursad (toobad keen).
9. Maalinta kala baxa waa maalinta loo kala garsoori doono dadka oo dhan, waxaana loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha.

(30) 30. Ee isaga jeeso oo sug10, iyaguna (gaalada) waxay sugayaan (waxaad ku dambeysaan).
10. Nabi Muxmmad s.c.w. iyo mu’miniintaba waxaa la amray inay ka sugaan guul xagga Ilaahay iyo halaagga gaalada dulmiga badan gooray ahaataba.