64 - Suurada At-taqaabun ()

|

(1) 1. Waxaa Xurma weyneeya oo Hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Allaah baana leh Boqortooyada, oo leh Ammaan idilkeed iyo Mahadba, oo wax walba Kara.
1. Waxaa loola jeedaa in lagaaga hormaray oo lagaa qaatay wax aad u qiimo badan. Waa gaalada markay guuldarreystaan, oo mu’miniintu liibaanaan.

(2) 2. Alle waa Kan idin abuuray, markaas qaarkiin noqdeen gaalo, qaarkiinna m’uminiin. Allena wuu Arkaa waxaad fashaan.

(3) 3. Wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq, wuuna idin suureeyey oo wanaajiyey suuradahiinna, waana Xaggiisa Noqodka Dambe (Aakhirada).

(4) 4. Wuxuu Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Wuxuuna Og yahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba. Allena waa ogaha waxa ku jira laabaha.

(5) 5. Ma wuusan idin soo gaadhin warka kuwii xaqa diiday awal hore, waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan?

(6) 6. (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, waxayse yidhaahdeen: Ma qof aadmi ah baa na hanuuninaya? markaasay gaaloobeen oo ka jeesadeen (Xaqa), Allena uma baahna (cidna) oo Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan.

(7) 7. Kuwa Xaqa diida waxay moodaan inaan marnaba laga soo bixinaynin (iilka). Dheh: Haayoo! waa igu Rabbigaye, waa la idin soo bixin, markaas waxaa la idiin sheegi (oo la idinka jaazeyn) waxaad fasheen, (arrin)kaasina Alle wuu u fudud yahay.

(8) 8. Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa (Nabi Muxammad) iyo Nuurka (Qur’aanka) aan soo dejinnay. Allena waa ka war hayaa waxaad fashaan.

(9) 9. Maalinta (Qiyaamada) uu idiin soo kulmin idinkoo dhan Maalinta Kulanka2, taasu waa maalinta qof khayr helo ama ku dhacdo khasaaro weyn. Qofkiina rumeeya Allaah oo sama fala, Wuxuu ka tiri denbiyadiisa oo gelin Jannooyin (Beero) ay hoostoodu webiyo qulqulaan ay ku dhex waarayaan weligood, taasi waa Liibaanta Weyn.
2. At-Taqaabun waa magac kale oo loo yaqaan Maalinta Qiyaamaha.

(10) 10. Kuwase Xaqa diida oo beeniya Aayadahayaga kuwaasu waa ehlu-Naar, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Xumaa aayotiin ahaan iyo meel la ahaado.

(11) 11. Ma jirto wax masiibo ah oo dhaca ilaa waxay ku dhacdaa Idanka Ilaahay. Qofkiina rumeeya Allaah, wuxuu hanuuniyaa qalbigiisa (oo xasila). Allena wax walba wuu Og yahay.

(12) 12. Adeeca Allaah, adeecana Rasuulka, haddaadse jeesataan (Xaqa diiddaan), waxaa saaran Rasuulkayaga oo keliya Gaarsiin Cad.

(13) 13. Allaah! Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Allaah (oo keliya) ha isku halleeyaan mu’miiniintu.

(14) 14. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Waxaa ka mid ah xaasaskiinna iyo ilmahiinna kuwo cadow idiin ah, ee ka digtoonaada! Haddaadse iska cafidaan (gefafka ay idinka galaan) oo saamaxdaan (adduunyo wixii la xidhiidha), oo u ceeb qarisaan,Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(15) 15. Maalkiinna iyo awlaadiinna waa uun imtixaan3, Allaah agtiisase waxaa ah abaalgud Weyn (Janno).
3. Waxay ku noqon karaan ilmuhu fidmo iyagoo ku xambaara waalidiinta inay falaan waxyaalaha la reebay ee xaaraanta ah .

(16) 16. Dhowra (xilkuu idin saaray) Alle intii karaankiinna ah4; oo maqla, adeecana,lana baxa sadaqo idinkay idiin roon tahaye. Qofkiina laga dhowro bakheylnimada naftiisa, kuwaasi weeye kuwa liibaani.
4. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Markaan wax idin amro la imaada waxaad kartaan, markaanse wax idinka reebo ka reebtoonaada oo ka fogaada”.

(17) 17. Haddaad amaahisaan Alle amaah wanaagsan (waa bixisaan sadaqo Ilaahay darti ama deymisaan walaal Muslim ah deyn aan kor saar lahayn), Wuu idiin labo laabayaa (ajarka) oo idiin denbi dhaafi. Allena waa Tixgeliye wanaagga, ajar siin iyo Dul qaad Badan.

(18) 18. (Alle) waa Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqda, Adkaadaha,Xakiimka ah.