3 - Suurada Aala Cimraan ()

|

(1) 1. Alif – Laam - Miim.

(2) 2. Allaah, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa weligii Noolaha, iski u jira, walax kastaana ku jirto oo ku ahaato Amarkiisa, dabbara noloshooda ayna ku tiirsan yihiin.

(3) 3. Wuxuu kuugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si xaq ah, isagoo rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Ilaahay ah), Wuxuuna soo dejiyey Towraadda iyo Injiilka,

(4) 4. Kal hore, hanuunin ahaan dadka, wuxuuna soo dejiyey Al-Furqaan (Qur’aanka). Hubaal kuwa aan rumeynin Aayaadaha Ilaahay, waxay leeyihiin cadaab daran; Allena waa Adkaade, Aargoosi leh.

(5) 5. Allaah - hubaal waxba kama qarsoona ku sugan arlada ama samada.

(6) 6. Waa Kan idiinku sawira (qaab siiya) ilma galeennada siduu doono. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah.

(7) 7. (Alle) waa Kan kugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka), qaar ka mid ah Aayadahiisa xukunkoodu cad yihiin, waa iyaga aasaaska Kitaabka, qaar kalena waa kuwo isu eg (oo macno kala duwan leh). Marka ma kuwa ay quluubtoodu ku jirto weecashada, waxay raacraacaan kuwa isu eg iyagoo doonaya inay wax ku habaabiyaan oo doonaya inay ka bixiyaan fasir (iskood ah)1, umase cilmi laha fasirkiisa waxaan aheyn Allaah. Kuwana ku xeel dheer cilmiga waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay; dhammaantood iyagu waa xagga Rabbigayo. Mana garowsadaan cid aan aheyn wax garadka.
1. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: "Haddaad aragtaan dad ku murmaya Qur’aanka, ka digtoonaada waa kuwa u Alle magacaabaye".

(8) 8. Rabbigayow! Ha weecin quluubtayada kaddib markaad na hanuunisay2, noogana hibee xaggaaga Naxariis. Waxaad Adigu tahay kan Deeq Bixinta Badane.
2. Nabigu s.c.w. wuxuu wax badan ku duceysan jirey: 'Allow gedgeddiyaha quluubtow, ku sug qalbigeyga diintaada'.

(9) 9. Rabbigayow! Adigaa isu soo kulmin dadka Maalin aan shaki lahayn; Alle ma ka baxo Ballankiisa.

(10) 10. Kuwa Xaqa diida waxba ugama taraan maalkoodu iyo ilmahooda Alle agtiisa; kuwaana weeyaan kuwa ah shidaalka Naarta.

(11) 11. Waa caadadii reer Fircoon oo kale iyo kuwii ka horreeyay; waxay beeniyeen Aayadahayagii, markaasuu Alle u halligay duntuubtoodii darteed. Allena Ciqaabkiisu wuu daran yahay.

(12) 12. Ku dheh gaalada: Waa la idinka adkaan, waxaana la idinku soo kulmin wada jir Jahannama, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo.

(13) 13. Waxaa idiinku sugan calaamo labadii ciidammood ee ku kulantay (dagaalkii Badar): Koox u dagaallameysay Jidka Ilaahay darti, iyo tan kaloo gaal ahayd, waxay u arkeen labo jibbaarkood tiro ahaan xagga aragtida isha (inkastoo ay ahaayeen seddex jibbaarkood). Allena wuxuu ku xoojiyaa Gargaarkiisa qofkuu doono. hubaal arrinkani waxaa ugu sugan cibrad kuwa aragtida dheer leh.

(14) 14. Waxaa loo qurxiyey dadka Jaceylka waxyaalaha naftu rabto, oo leh haween, ilmo, iyo kayd badan oo dahab iyo qalin ah (maal) iyo fardo laylan oo qurxoon (gaadiid fiican) iyo xoolo iyo dhul si fiican u beeran (iyo guryo waasic ah). Kaasi waa raaxada nolosha adduunkan; Allena waxaa agtiisa ah meel noqodka wanaagsan (Janno).

(15) 15. Dheh: Ma idiin sheegaa waxa ka fiican waxyaalahani? Waxay leeyhiin kuwaa Alle ka cabsada ee iska jira (xumaha) - beero Rabbigood agtiis ah ay hoostoodu qulqulaan webiyo, iyagoo ku dhex waaraya, iyo xaasas daahir ah iyo raalli ahaansho xag Ilaahay ah. Allena wuu Arkaa Addoomihiisa.

(16) 16. Ee ah kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Waanu rumeynay (Xaqa), ee noo dhaaf dunuubtayada, nagana dhowr cadaab Naar.

(17) 17. Ee ah kuwa sabra, run sheegga, adeeca Alle, wax sadaqaysta, weydiistana denbi dhaaf waqtiyada suxuurta (oogga ka hor).

(18) 18. Allaah wuxuu marag ka yahay inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, malaa’igtuna (sidoo kale bay ka marag kacaan) iyo kuwa cilmiga lehba; Wuxuu ku maamulaa uunkiisa si caddaalad ah. Ma jiro Ilaah aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Fal iyo odhaah samaha ah.

(19) 19. Diinta Xaqa ahi Alle agtiisa waa Islaamka. Ismana khilaafin kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) intii uu u yimid cilmiga mooyee, xasad dhexdooda ah darti. Qofkii ku gaaloobana Aayadaha Ilaahay, hubaal Alle waa degdeg xisaabtiisu dhaqso ah.

(20) 20. Hadday kula doodaan dheh: Waxaan anigu isugu dhiibay si dhan oo u hoggaansanahay Allaah, waana sidaas qofkii I raaca. Kuna dheh kuwa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo kuwaa ah mushrikiinta: Miyaad hoggaansameysaan?3 Hadday hoggaansamaan, markaa waa hanuunsan yihiin; hadday jeesadaanna, waxaa uun ku saaran gaarsiinta Dhambaalka lagula soo diray; Allena wuu arkaa addoomahiisa.
3. Marba hadday hoggaansamaan dadka ehlu kitaabka waxaa loo dhowraa xuquuqdooda iyo sharaftooda inkastoo ay jirto diiddadooda islaamka, waase inay bixiyaan jizyo halkii sakada iyo difaaca laga rabo muslimiinta. Kaddib waxaa mas’uul ka ah ilaalintooda dawladda Islaamka.

(21) 21. Kuwa ku gaalooba Aayadaha Ilaahay, oo u dila Nabiyada xaq darro, oo dila kuwa amra caddaaladda ee dadka ka mid ah4. Ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
4. Waxaa la weydiiyey Nabiga s.c.w. yaa dadka ugu cadaab daran Maalinta Qiyaamaha. Wuxuu yidhi: Qof dilay Nabi ama dilay qof faraya wanaag oo ka reebaya xumaan. W.w. Ibnu Abii Xaatim.

(22) 22. Kuwaas waa kuwa ay burtay acmaashooda adduunka iyo Aakhiradaba, mana leh wax u gargaara.

(23) 23. Miyaadan arag (xaalka) kuwaa (Yuhuudda ah) ee la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (Towraadda)? waxaa loogu yeedhaa Kitaabka Ilaahay si uu u kala xukumo dhexdooda, markaasay qaar ka mid ah jeesadaan iyagoo (Xaqa) diiddan.

(24) 24. Waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Naar nama taabaneyso waxaan aheyn maalmo tirsan. Waxaana ku hoday diintooda waxay been abuuran jireen

(25) 25. Ee sidee bay ahaan markaan isugu soo kulminno dhammaantood Maalin aan shaki ku jirin, naf walbana loogu oofiyo si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmayn?

(26) 26. Dheh: Allahayow! Kan Boqortooyada (runta ah) iska lahow, Waxaad siisaa boqortooyada midkaad doonto, oo ka qaaddaa boqortooyada midkaad doonto, waxaadna ciseysaa midkaad doonto, oo dulleysaa midkaad doonto. Gacantaada buu ku jiraa khayrka (dhib iyo dheefba). Hubaal Adigaa wax kasta Kara.

(27) 27. Waxaad habeenka dhex gelisaa maalinta, maalintana dhex gelisaa habeenka (macnaha kala badisaa), kana soo saartaa wax nool wax dhintay, oo ka soo saartaa wax dhintay wax nool5. Waxaadna arzaaqdaa midkaad doonto xisaab la’aan.
5. Mufasiriinta qaarkood waxay tusaale ugu soo qaateen Aayaddan ka soo bixidda shimbirka yar ukunta, iyo ukunta oo ka soo baxdo digaagadda.

(28) 28. Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada sokeeye halkii mu’miniinta, qofkii sidaa fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Ilaahay, inaad sidaa isaga ilaalineysaan mooyaane dhib xaggooda idiinka yimaada 6. Allena wuxuu idiinka digi Naftiisa7, xagga Alle baana lagu dambeyn.
6. Hadduu mu’minku ka baqo dhibaato ka soo gaarta cadow, waxaa u bannaan inuu iska yeelo inuu ku waafaqsan yahay cadowga waxay ku qasbayaan maadaama qalbigiisa iyo niyaddiisa ku lahayn wax saameyn ah. 7. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma jiro axad ka qiiro badan Allaah, sidaas daraadeed buu u xaaraanshay zinada, mana jiro axad ka jecel Allaah in la ammaano oo loo xamdi iyo mahad naqo”.

(29) 29. Dheh: Haddaad qarisaan waxa ku jira laabahiinna ama muujisaan, Allaah wuu ogsoon yahay, wuxuuna ogsoon yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Allena wax walba wuu Karaa.

(30) 30. Maalinta naf waliba heli waxay khayr fashay oo la hor keeno iyo waxay xume fashay, waxay jeclaan in dhexdooda iyada iyo xumahaa ay ahaan lahayd muddo dheer. Allena wuxuu idiinka digi Naftiisa (Ciqaabkiisa). Allena waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay addoomahiisa.

(31) 31. (Nabi Muxammadow) dheh: Haddaad Alle jeceshihiin, i soo raaca, Alle baa idin jeclaan oo idiin dhaafi dunuubtiinna. Allena waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(32) 32. Dheh: Adeeca Allaah iyo Rasuulka (Muxammad). Hadday jeesadaan, hubaal Allaah ma jecla gaalada.

(33) 33. Allaah wuxuu ka doortay Aadam, Nuux, reer Ibraahiim iyo reer Cimraanba ummadaha dhan dushood.

(34) 34. Durriyad qaarkoodba ka yimid qaar, Allena waa wax kasta Maqle,wax kasta Og.

(35) 35. (Xus, Nabiyow) markay marwadii Cimraan tidhi: Rabbiyow! Waxaan anigu kuu nadar galay in waxa ku jira uurkayga uu u madax bannaanaado (cibaadadaada) ee iga aqbal. Waxaad Adigu tahay wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

(36) 36. Markiise ay dhashay waxay tidhi: Rabbiyow! Waxaan dhalay ilmo dheddig ah, Allena wuu ka ogaa (cid kale oo dhan) waxay dhashay – labkuna ma aha la mid dheddiga, waxaana u bixiyey Maryam8, waxaana kaa magan gelinayaa iyada iyo durriyaddeedaba Shaydaanka la fogeeyay.
8. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa u khayr badan haweenka caalamka afar: Maryama binti Cimraan, Aasiya marwadii Fircoon, Khadiija binti Khuwaylid, iyo Faadimah binti Rasuulilaah.

(37) 37. Markaasuu Rabbigeed ka aqbalay aqbal wanaagsan, kana yeelay inay korto koritaan wanaagsan, una dhiibay xilka daryeelkeeda Zakariya. Mar kasta uu Zakariya ugu soo galo Mixraabka (si uu u arko) wuxuu ka helaa agteeda riziq. Wuxuu yidhi: Maryameey: Xaggee bay waxakani kaaga yimaadaan? Waxay tidhi: Waa xag Ilaahay. Allaah wuxuu u arsaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan.

(38) 38. Halkaas buu Zakariya ku baryey Rabbigii, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iga sii Xaggaaga ubad wanaagsan. Hubaal Waxaad tahay Maqlaha baryada.

(39) 39. Waxaana u dhawaaqday malaa’igta isagoo taagan oo ku tukanaya Mixraabka: in Allaah uu kuugu bishaaraynayo Yaxyaa rumeynaya Eray xagga Ilaahay ah oo sharaf leh oo dhowrsoon oo Nabi ah ka mid ah kuwa wanaagsan.

(40) 40. (Zakariya) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan wiil (ii dhasha) , anigoo da' noqday, haweentayduna waa ma dhaleys? Wuxuu yidhi: Sidaasuu Allaah u falaa wuxuu doono.

(41) 41. Wuxuu yidhi: Rabbbiyow! Ii yeel calaamo. Wuxuu yidhi: Calaamaddaadu waa inaadan la hadlin dadka saddex maalmood tilmaamo ma’ahee. Xusna Rabbigaa wax badan oo xurmo weynee hufna galab iyo subaxba.

(42) 42. Oo (xus) markay malaa’igtu tidhi: Maryameey! Allaah wuu ku doortay oo ku daahiriyey, kaana doortay dumarka caalamka.

(43) 43. Maryameey! Adeec Rabbigaa una sujuud, lana rukuuc kuwa (Alle) u rakuuca.

(44) 44. Kani waa wax ka mid ah wararka waxa aan muuqan ee Ghaybka ah ee aanu kuu waxyoonno, lamana aad joogin markay qallamadooda tuuranayeen (si ay go’aan uga gaaraan) kooda kafaala qaadaya Maryam; lamana aad joogin markay isla doodayeen.

(45) 45. (Xus) markay malaa’igtu tidhi: Maryameey! Allaah wuxuu kuugu bishaaraynayaa Erey ka yimid Xaggiisa, magaciisuna yahay Al-Masiix, Ciisaa, ibnu Maryam, oo ku leh sharaf adduunkan iyo aakhiradaba, kana mid ah kuwaa ka ag dhow (Alle, Maalinta Qiyaamaha).

(46) 46. Wuxuuna la hadli dadka isagoo ilmo dhashay ah oo dhabta saaran iyo isagoo gar madoobe ah, oo (ahaan) mid ka mid ah kuwa wanaagsan.

(47) 47. Waxay tidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan wiil (ii dhasha) isagoo aanu nin i taaban? (Malaggii) wuxuu yidhi: Sidaasuu Alle u abuuraa wuxuu doono. Markuu arrin gooyo wuxuu uun ku yidhaahdaa Ahow, waana yahay.

(48) 48. Wuxuuna bari (Ciise) qoraalka, Xikmadda, Towraadda iyo Injiilka.

(49) 49. Waa Rasuulka ilmaha Israa’iil (isagoo dhihi): Waxaan idiin la imid Calaamo xagga Rabbigiin ah, waxaana idiinka sameyn dhoobada wax sida muuqaal shimbir leh, markaasaan afuufi oo ay noqdaa shimibir Idanka Ilaahay. Waxaan bogsiin indhoolaha iyo baraslaha, oo soo nooleyn meytida Idanka Ilaahay, waxaan wax idiinka sheegi waxaad cunaysaan iyo waxaad ku kaydsataan guryihiinna. Arrinkani waxaa idiinku sugan calaamo, haddaad tihiin mu'miniin.

(50) 50. Waxaana rumeyn waxa hortayda ah ee Towraadda, iyo inaan idiin xalaaleeyo qaar ka mid ah waxa la idinka xaaraameeyey, waxaana idiin la imid calaamo xagga Rabbigiin ah. Ee dhowra (xilkuu idin saaray) Alle oo i Adeeca.

(51) 51. Hubaal Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, ee caabuda Isagoo Keliya, waa kane Jidka Toosan.

(52) 52. Markiise uu Ciise ka dareemay gaalnimo xaggooda, wuxuu yidhi: Yaa iigu gargaari xagga (Jidka) Ilaahay? Xawaariyiintii waxay yidhaahdeen: Annagaa ah gargaarayaasha (Jidka) Ilaahay; waxaanu rumeysannahay Allaah, maragna ka ahow inaanu nahay Muslimiin.

(53) 53. Rabbigayow! Waxaanu rumeynay waxa aad soo dejisey oo waxyi ah, oo raacnaa Rasuulka, ee nagu qor la jirka markhaatiyada.

(54) 54. Oo tab ayey dhigeen, Allena (sidoo kale) tab ayuu dhigay. Allaana ah Kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa.

(55) 55. (Xus) markuu Allaah yidhi: Ciisow! Waan ku oofsanayaa (seexin dhimasho la'aan) oo kuu soo kor yeelayaa Xaggeyga (jidh iyo ruuxba), oo kaa daahirin gaalada, oo ka yeeli kuwa kugu raaca (Towxiidka) kuwa ka sarreeya (xujo ahaan) kuwa gaalooba tan iyo Maalinta Qiyaamaha. Markaas waa Xaggeyga meel noqodkiinna, waana idiin kala garsoori dhexdiinna waxaad isku khilaafsaneydeen.

(56) 56. Ee ma kuwa Xaqa diida, waxaan cadaabi cadaab daran adduunkan iyo Aakhiradaba, mana leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).

(57) 57. Kuwase (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala, wuxuu u oofin abaalgudyadooda oo dhan. Allena ma jecla daalimiinta.

(58) 58. Kaa baan kugu akhrinnaa (Qur’aanka) ee ah Aayadaha iyo waanada xikmadda ah.

(59) 59. Mataalka Ciise xagga Ilaahay waa sida mataalka Aadam. Wuxuu ka abuuray carro, markaasuu ku yidhi: Ahow, wuuna ahaaday.

(60) 60. (Kani) waa Xaq ka yimid Rabbigaa, ee ha ka mid noqon shaki qabeenka.

(61) 61. Qofkii se kaala dooda arrinkan, kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kolkaa dheh: Kaalaya, aan u yeerno wiilasheenna iyo wiilashiinna, iyo dumarkayaga iyo dumarkiinna iyo kuwa dad noo xiga iyo kuwa dad idiin xiga, markaas aan baryootanno, inay Nacaladda Ilaahay ku dhacdo kuwa ah beenalayaasha.

(62) 62. Kuwani waa qisooyinka runta ah, oo ma jiro ilaah aan ahayn Allaah. Allena waa Adkaadaha, Xakiimka ah.

(63) 63. Hadday jeesadaan, Allaah wuu ogsoon yahay kuwa wax fasahaadiya.

(64) 64. Dheh: ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! U kaalaya Kelmed aan u simannahay ee noo dhaxeysa innaga iyo idinkaba, inaynaan caabudin cidna Allaah maahee, iyo inaynaan la wadaajin (cibaadada) waxba, iyo (inaan) qaarkeen ka dhigan qaar kale rabbiyo ay la barbar caabudaan Allaah. Hadday jeesadaan, markaa dhaha: Ka markhaati ahaada inaan innagu nahay Muslimiin.

(65) 65. Ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad uga doodeysaan arrinka Ibraahiim, lamana soo dejin Towraadda iyo Injiilka isaga kaddib maahee? Ee miyeydaan wax fahmeyn?

(66) 66. Bal eega! Idinka weeye kuwa ku dooday waxaad aqoon u lahaydeen, Ee maxaad uga doodaysaan wax aydaan aqoon u lahayn? Alle baana ogsoon, idinkuse ma ogidin.

(67) 67. Ma uusan ahayn Ibraahiim Yuhuudi ama Nasraani midkoodna9, laakiinse wuxuu ahaa toosane, Muslim ah, kamana uu mid aheyn mushrikiinta.
9.Labada qoloba ee Yuhuudda iyo Nassarada (Kirishtaanka) waxay sheegteen in Ibraahiim uu ka mid yahay xisbigooda, markaasuu Ilaahay ugu jawaab celiyey in Ibraahiim uu ahaa iyaga hortood.

(68) 68. Kuwa u xiga Ibraahiim dadka waa kuwaa raacay, iyo Nabigaan iyo kuwa rumeeyey (Muslimiinta). Allena waa Gargaaraha mu’miniinta.

(69) 69. Qayb ka mid ah Ehlul Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay jecel yihiin inay idin lumiyaan. Mase lumiyaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana.

(70) 70. (Ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad u diideysaan Aayadaha Ilaahay idinkoo markhaati ka ah?

(71) 71. Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu dheeheysaan xaqa baadilka, oo u qarisaan xaqa idinkoo ogsoon?

(72) 72. Koox ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda) waxay yidhaahdaan: Rumeeya waxa lagu soo dejiey oo waxyi ah kuwaa rumeeyey gelinka hore ee maalinta, diidana aakhirkeeda, bal inay ka soo noqdaan (diintooda)10.
10. Xagga kuwa idin la diinta ah (Yuhuudda iyo Nasaarada) si ayan u gelin diinta islaamka, xagga muslmiintana horay idinla diinta ahaa si uu daciifo iimaankooda oo ugu soo laabtaan gaalnimada.

(73) 73. Hana aaminina cid aan aheyn kan isagu raaca diintiinna. Dheh: Hanuunka (xaqa ah) waa hanuunka Ilaahay (Islaamka), (oo ma xasdeysaan) si aan cidna loo siin (cilmi) la mid ah kan la idin siiyey, ama si ayan idinkula doodin Rabbigiin horti. Dheh: Fadli oo dhan wuxuu ku jiraa Gacanta Ilaahay; Wuxuu siiyaa kuu doono. Allena waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon.

(74) 74. Wuxuu u doortaa Naxariistiisa kuu doono. Allena waa Rabbiga Fadliga Weyn.

(75) 75. Waxaa ka mid ah Ehlul-Kitaabka (Yuhuudda) mid haddaad ku aaminto maal tuuran kuu oofin; waxaana ka mid ah mid haddaad ku aaminto hal Diinnaar aan dib kuugu gudeyn inaad kor joogto ma’ahee adigoo dalbaya, waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Ma jirto korkeenna xagga kuwa aan aqoonta lahayn wax jid ah (nalagu eedeeyo)11; waxayna Alle ka sheegaan been iyagoo ogsoon.
11. Yuhuudda uma arkaan denbi inay khiyaameeyaan ama been u shegaan dadka aan iyaga ahayn.

(76) 76. Haayoo, qofkii oofiya ballankiisa ee ka cabsada Ilaahay, hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa iska jira (xumaha).

(77) 77. Kuwa ku iibsada Axdiga Ilaahay12 iyo dhaarahooda qiimo yar, kuwaas kuma laha wax saami ah Aakhirada. Allena lama hadlayo, mana eegayo Maalinta Qiyaamaha, mana daahirinayo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
12. Waxa loola jeedaa cahidga Alle ama Qur’aanka..Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii ku goosta maal qof Muslim ah xaq darro isagoo dhaar ku mari, wuxuu la kulmi Allaah oo u cadheysan”w.w. Axmad

(78) 78. Waxaa ka mid ah (Yuhuudda) qaar ku weecsha carrabyadooda Kitaabka (Towraadda) si aad u mooddaan inuu ka mid yahay Kitaabka, isagoon ka mid ahayn Kitaabka, waxayna yidhaahdaan: wuxuu ka yimid Xagga Ilaahay isagoo aan ka iman xagga Ilaahay, waxayna ka sheegaan Alle been iyagoo ogsoon.

(79) 79. Kuma habboona qof inuu Allaah siiyo Kitaab iyo Xukun iyo Nabinnimo, markaas uu ku yidhaahda dadka: Ii noqda addoomo halkii Ilaahay; Laakiinse (halkii taa wuxuu yidhaahdaa): Ahaada caabudayaal Rabbi, Kitaabka aad bareysaan dartiis, iyo waxaad akhrinaysaan.

(80) 80. Idinmana amrayo inaad ka dhigataan malaa’igta iyo Nabiyada rabbiyo, ma wuxuu idin amrayaa gaalnimo intaad Muslimiin noqoteen kaddib?

(81) 81. Oo (xus) markuu Allaah ka qaaday Nabiyada ballan adag13: waxaan idin siiyoba ee Kitaab iyo Xikmad ah, markaas idiin yimaado Rasuul rumeyn waxaad haysataan, waa inaad rumeysaan oo u gargaartaan; Wuxuu yidhi: Ma qireysaan oo ma qaadeysaan wacadkay (arrinkan)? Waxay yidhaahdeen: Waanu qirnay. Wuxuu yidhi: Markhaati ka ahaada; Aniguna (sidoo kale) waxaan ahay la jirkiin mid ka mid ah markhaatiyada.
13. Anbiyadii Ilaahay waxay ballan kula galeen Ilaahay in hadduu yimaado Rasuul magaciisu yahay Muxammad ay rumeyn oo u gargaari, ballantoodaasina waxay sidoo kale saaran tahay ummadahooda.

(82) 82. Qofkii jeesada intaas kaddib, kuwaa weeye kuwa ah caasiyaasha.

(83) 83. Ma waxaan ahayn diinta Ilaahay bay rabaan (inay raacaan), Isagoo ay u hoggaansan yihiin waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, oggolaan ama sandulleba, Xaggiisaana loo celin.

(84) 84. Dheh: Waxaanu rumeynay Allaah, iyo waxa nalagu soo dejiyey (ee waxyi ah), iyo waxa lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo (Nabiyadii ahaa) firkiisa iyo waxa laga siiyey Muuse iyo Ciise iyo Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala soocno midkoodna. Innaguna Alleynu u hoggaansannahay.

(85) 85. Qofkii doona waxaan aheyn Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan, marnaba lagama aqbalayo, wuxuuna Aakhirada ka mid ahaan kuwa ku sugan khasaaraha.

(86) 86. Sidee buu Allaah u hanuunin qolo diidday (Xaqa) rumayntooda kaddib, iyo (kaddib) markay qireen in Rasuulku xaq yahay oo xujooyin cad ay u yimaadeen? Allena ma hanuuniyo dadka daalimiinta ah.

(87) 87. Kuwaasi abaalkoodu waa inay korkooda ahaato Nacladda Ilaahay, iyo malaa`igta iyo dadka oo dhan.

(88) 88. Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabka lagama khafiifinayo, lamana siinayo nafis.

(89) 89. Kuwa toobad keena (xumo falkooda) kaddib oo wanaagsanaada mooyee. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(90) 90. Kuwa Xaqa diida rumayntoodii kaddib, haddana kororsada iimaan darro, lagama aqbalo toobadooda (ay sheegtaan), waana kuwaa kuwa lunsan.

(91) 91. Kuwa (Xaqa) diida oo dhinta iyagoo gaalo ah,lagama aqbalo midkoodna dhulka muggi oo dahab ah walow uu u isku furto. Kuwaa weeye kuwa leh cadaab xanuun badan, mana leh wax u soo gargaari (oo u shafeeci Aakhirada).

(92) 92. Marnaba ma haleeleysaan ajarka wanaagsan (ee lagu muto Jannada) jeer aad bixisaan wax ka mid ah waxaad jeceshihiin; waxaad bixisaanna oo wuxuun ah, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.

(93) 93. Cunto oo dhan xalaal bay u ahayd Ilmahii Israa`iil, wixii uu Israa`iil (Nabi Yacquub) ka xaaraameeyay naftiisa maahee intaan la soo dejin Towraadda 14. Dheh: Keena Tawraadda oo Akhriya, haddaad run sheegaysaan.
14. Kaddib soo degitaanka Towraadda waxaa laga xaaraanshay cunitaanka qaar ka mid ah noocyada cuntada, ciqaab ahaan denbiyadoodii, magacyada waxaasi laga xaaraanshayna waxay ku qoran yihiin Towraadda eeg suuradda An-Nisaa Aayadda 160 iyo Suuradda Al-Ancaam Aayadda 146.

(94) 94. Qofkii ka been sheega Alle intaas kaddib, kuwaa weeye kuwa ah daalimiinta.

(95) 95. Dheh: Run buu sheegay Allaah; ee raaca diinta Ibraahiim, toosnihii, kamana mid aheyn mushrikiinta.

(96) 96. Gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) waa midka ku yaal Bakkah15, barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha16.
15. Ehlu kitaabka waxay yidhaahdeen Beydkii ugu horreeyey ee loo cayimay cibaadada waa kan ku yaal Baytul Maqdas, markaasuu Ilaahay u jawaabay. Abuu Dar a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan idhi: Rasuul Allow, Masjidkee u horreeyey masaajidda? Wuxuu yidhi: Masjidka xurmadda badan ee Makkah, waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Masjidka Al-Aqsaa ee Qudus. Waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Meeshii salaad kugu haleeshaba ku tuko dhammaan dhulka waa masaajide. W.w. Axmad. 16. Eeg suuradda Al-Baqara Aayadda 125.

(97) 97. Waxaa ku dhex yaaal calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. U xajinta beydka waa xil saaran dadka dar Ilaahay, (waa xil saaran) qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggeeda17, qofkiina beeniya, hubaal Alle wuu ka kaaftoon yahay uumanka.
17. Qofkii awooda ee haysta sahay iyo gaadiid uu ku tago Xajka, ee isagu caafimaad qaba oo safarku aamin yahay ugana soo tagay masaariif ku filan reerkiisa.

(98) 98. Dheh: ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad u diideysaan Aayadaha Alle, Allena wuu u jeedaa waxaad fashaan?

(99) 99. Dheh: Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad uga hor istaagtaan Jidka Ilaahay kan rumeysan? Waxaad rabtaan (inaad ka dhigtaan) mid qalloocan, idinkoo marag ka ah? Allena ma mooga waxaad fashaan.

(100) 100. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan qaar ka mid ah kuwa la siiyay (hortiin) Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), Waxay dib idiinku celin gaalo ahaan iimankiinna kaddib.

(101) 101. Sidee baa se u gaaloobeysaan idinkoo ah kuwa loo akhriyo Aayadaha Ilaahay, oo uu idinku jiro Rasuulkiisa? Qofkii si sugan u qabsada (Kitaabka) Ilaahay (iyo Sunnada Rasuulkiisa), waxaa run ahaan lagu hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka).

(102) 102. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra ( xilkuu idin saaray) Allaah, ka dhowrsiga uu mudan yahay, hana dhimannina idinkoo aan aheyn Muslimiin (u hoggaansan Alle).

(103) 103. Oo si sugan u qabsada Axdiga Ilaahay (Islaamka) dhammaantiin, hana qaybsami- na, xusuustana Nicmadda Ilaahay dushiin- na, waa tii idinkoo col isu ah, markaa isu furay quluubtiinna, ee aad Nicamaddiisa darteed ku noqoteen walaalo (is jecel); waxaadna qarka u saarnaydeen bohol Naar ah (khilaaf iyo dagaal sokeeye), markaasuu idinka badbaadshay. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadihiisa, inaad hanuuntaan.

(104) 104. Ha idinka mid ahaato koox ku baaqda khayrka, amartana samaha oo reebta xumaha. Oo kuwaa weeye kuwa liibaani.

(105) 105. Hana noqonnina sida kuwa kala qaybsamay oo iskhilaafay kaddib marka xujooyinka cad ay u yimaadeen. Kuwaana weeye kuwa leh cadaab daran.

(106) 106. Maalinta wajiyo (qaar) ay caddaan, wejiyona ay madoobaan; kuwa ay wajiyadoodu madoobaadaan (waxaa lagu odhan): Ma waxaad gaalowdeen Iimaankiinnii kaddib? Dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinnii darteed.

(107) 107. Kuwase ay wajiyadoodu caddaadaan, waxay dhex ahaan Naxariista Ilaahay (Jannada) iyagoo ku dhex waari.

(108) 108. Kuwani waa Aayadaha Ilaahay ee aan kuugu akhrinno (Nabi Muxammadow) xaq, Allena lama doono wax dulmi ah uumanka.

(109) 109. Allaah baana leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. xagga Allayna umuurahoo dhan u noqdaan.

(110) 110. Waxaad tihiin (Muslimiintoy) tan u khayr badan ummadaha ee loo soo saaray dadka; Waxaad amartaan samaha, reebtaanna xumaha, oo rumeysan tihiin Allaah. Haddayna ehlul Kitaabku rumeyn lahaayeen (Islaamka), waxay u ahaan laheyd wax u khayr badan iyaga; waxaa ka mid ah qaar mu'miniin ah (oo islaamay), badankooduse waa caasiyaal.

(111) 111. Idiinma geysan karaan waxyeello, dhib yar maahee; oo hadday idin la dagaalla- maan dhabarkay idiin jeedin, loona gargaari maayo.

(112) 112. Dulli baa la raacshay dushooda meel kastoo laga helo (marka ma leh awood iyo magan gelyo), waxaan aheyn markay ku hoos jiraan axdi (magan) xagga Ilaahay ah, ama axdi (magan) xagga dadka ah (iyagoo bixin jizyo); waxayna ahaadaan kuwo mudan Cadho xag Ilaahay ah, oo dar xumo baa la saaraay korkooda. Arrinkani waxaa ugu wacan inay diidaan Aayadaha Ilaahay oo ku dilayeen Nabiyadii xaq darro. Arrinkani waxaa ugu wacan inay (Alle ku) caasiyaan oo xadgudbaan.

(113) 113. Ma aha isku wada mid; waxaa ka mid ah ehlul Kitaabka koox toosan18; waxay akhriyaan Aayadaha Ilaahay waqtiyada habeenka oo sujuudaan.
18. Waa ehlu kitaabkii islaamay.

(114) 114. Waxay rumeysan yihiin Allaah iyo Maalinta Aakhiro; waxayna amraan samaha oo reebaan xumaha19; oo iskula tartamaan u degdegidda camallada khayrka, kuwaa waxay ka mid yihiin kuwa wanaagsan.
19. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Allaah baan ku dhaartee wanaaggaad amreysaan oo xumaantaad reebeysaan, ama wuxuu Allaah idiin soo diri ciqaab Xaggiisa ah, markaasaad baryeysaan mase idinka aqbalayo baryada.”

(115) 115. Waxay falaan oo khayr ahna lagama dayrin doono abaalkooda; Allena wuu Og yahay kuwa ka cabsada ee iska jira (Ciqaabkiisa).

(116) 116. Kuwa (Xaqa) diida, wax ugama taraan maalkooda iyo awlaaddoodu midna xagga Ilaahay. Waana kuwaa ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari.

(117) 117. Mataalka waxay ku bixiyaan nolosha adduunkan waa sida dabayl aad u qabow oo ku dhacda abuurka beer qolo gef u geystay nafahooda, oo baabbi’isa. Allena ma uusan ku gardarroon, iyagaase nafahooda dulmiyey.

(118) 118. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina saaxiibbo hoose (sokeeyayaal, idinkoo la wadaagaya sirahiinna) kuwo kale aan idinka idin ka mid ahayn (Yuhuudda, Nasaarada iyo munaafiqiinta), oo aan ka gaabinayn inay dhibaato idiin geystaan. Waxay jecel yihiin waxa idin dhiba. Necbaan cad waxay horayba uga soo muuq baxday afafkooda, waxay laabahoodu qarsadaan baana weliba ka sii weyn. Waxaan idiin caddeynay Aayadaha haddaad garowsaneysaan.

(119) 119. Eeg! Idinka baa jeclaada iyaga (qaraabo iyo deris ahaan darteed iyo muujintooda saaxiibtinnimo dusha ah xaggiinna), halkay iyagu idin jecleyn (oo idinku colaadiyaan diintiinna darteed), waxaadna rumeysan tihiin Kutubta Ilaahay oo dhan (Towraadda, Injiilka, halkay ku gaaloobaan Qur’aanka). Markay idinla kulmaanna waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay. Markase ay yihiin keligood, waxay qaniinaan foodaha farahooda ciil ay idiin qabaan awgii. Dheh: U dhinta ciilkiinna. Hubaal, Alle waa Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).

(120) 120. Hadday idin haleesho wanaag, waa ay murugo gelisaa, hadday idinku dhacdona xumaani way ku farxaan. Haddiise aad samir yeelataan oo aad iska jirtaan (xumaha), tabtooda wax dhib ah haba yaraatee idiin ma geysan doonto. hubaal Allaah wuu koobaa waxay falaan.

(121) 121. (Xusuuso) markaad (Nabi Muxammadow) ka kallahday ehelkaaga si aad u dejiso mu’miniinta fariisimo si ay u dagaal galaan20 Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
20. Dhacdadan waxay dhacday duullaankii Uxud sannadkii seddexaad ee hijrada siday sheegeen taariikhyahannada.

(122) 122. Markii labo kooxood oo idinka mid ah goosteen inay cabsi muujiyaan21, Alle baana ahaa Gargaarahooda. Ee Allaah uun ha isku halleeyeen oo tala saarteen mu’miniintu.
21. Waxay ahaayeen Banuu Salama oo qabiilka Khazraj ah, iyo Banuu Xaaritha oo qabiilka Aws ah, oo labadaba ka tirsanaa Muslimiinta.

(123) 123. Wuxuuna Alle idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo ahaa kuwo tabar yar. Ee dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, si aad u mahdisaan.

(124) 124. (Xusuuso) markaad ku lahayd mu’miniinta: Miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo la soo diray?

(125) 125. Haayoo, haddaad samir yeelataan oo aad iska ilaalisaan (xumaha), oo idinku yimaadaan iyagoo rooraya si degdeg ah, wuxuu Rabbigiin idinku taageeri shan kun oo malaa’ig ah oo calaamadeysan.

(126) 126. Uma yeelinna Alle (arrintaas) waxaan ahayn bishaaro la idin siiyo, iyo inay ku degto quluubtiinna. Guushuna kama timaaddo waxaan aheyn xagga Ilaahay, Adkaadaha, Xakiimka ah.

(127) 127. Si uu u baal gooyo qaar ka mid ah gaalada ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungo ah22.
22. Kaddib markii laga dilay gaalada toddobaatan ka mid ah madaxdooda, oo laga soo qafaashay toddobataan kale.

(128) 128. Waxba amarka kuma lihid (Nabiyow), ama wuu ka toobad aqbali ama wuu ciqaabi, hubaal iyagu waa daalimiin.
23. Wuxuu Al Iimaam Al-Bukhaari ku xusay kitaabkiisa sababta soo degitaanka Aayaddan in Rasuulkii Alle uu Ilaahay ka baryey inuu badbaadiyo mushrikiinta qaarkood oo halaago inta kale.

(129) 129. Allaah baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(130) 130. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha cunina Ribada idinkoo ka yeelaya labo laabyo la sii laab laabay, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle aad liibaantaane.

(131) 131. Iskana jira Naarta loo diyaariyey gaalada.

(132) 132. Adeecana Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad) si la idiinku naxariisto.

(133) 133. Una degdega dambi dhaaf xagga Rabbigiin ah iyo Beer (Janno) ballaceedu le'eg yahay samooyinka iyo arlada, loo diyaariyey kuwa iska ilaasha (xumaha).

(134) 134. Ee ah kuwa wax bixiya waqtiga ladnaanta iyo lurnaantaba, iyo kuwa liqa cadhadooda, oo iska cafiya dadka. Allena wuu jecel yahay sama falayaasha.

(135) 135. Kuwa markay falaan xumaan ama dulmiyaan nafahooda24, xusuusta Ilaahay, weydiistana in laga dhaafo denbiyadooda; yaa dhaafa denbiyada aan Alle aheyn, oo aan kas iyo ogaal ugu adkeysan waxay faleen.
24. Waxaa loo jeedaa faaxishada dambiga weyn ee ciribta xun, cirib xumadiisana ku koobaney falaha oo keliya bal saameeysa dadka kale, sida zinada, xatooyada, ribada, waxaa se loola jeedaa dulminta nafta inaad fasho dunuub gef ah uu qofku ka galo naf ahaantiisa ha ahaado dambi yar ama mid weyn sida cabbitaanka khamriga, iwm.

(136) 136. Kuwaa abaalgudkoodu waa dambi dhaaf xagga Rabbigood ah, iyo beero (Jannooyin) ay hoostoodu qulqulaan wabiyo oo ay ku dhex waarayaan, wanaagsanaa abaalka kuwa camal san fasha.

(137) 137. Waxaa jiray tusaalooyin idinka hortiin, ee mara dhulka oo fiirsha siday ku dambeysey cidhibta beeniyayaasha.

(138) 138. Kanu (Qur’aanku) waa hadal u cad dadka, waana u hanuun iyo waano kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Ciqaabkiisa).

(139) 139. Ha tabar yaraannina, hana murugoonnina, idinkaa sarreyn, haddaad tihiin mu’miniin.

(140) 140. Hadduu idinku soo gaaray dhaawac (Uxud), waxaa soo gaaray dhaawac la mid ah qolodaa (gaalada) ah; waxaana ugu keennaa maalmaha dadka dhexdood si moogaaleysi ah, si uu Allaah u muujiyo kuwa rumeysan, idiinkana sameysto shuhado. Allena ma jecla daalimiinta.

(141) 141. Waa si uu u daahiriyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo u baabbi’iyo gaalada.

(142) 142. Mise waxaad mooddaan inaad gali jannada isagoon Allaah aan weli muujin kuwiinna jihaada25 oo idinka mid ah, oo (sidoo kale) muujin samrayaasha?
25. Jihaadku wuxuu leeyahay macnooyin badan b. Jihaadka waa dadaal lala yimaado oo kor loogu qaadayo islaamka ee lagu difaacayo muslimiinta t.La jihaadka nafta j. Ku bixinta maalka danaha islaamka iyo muslimiinta x. Jihaadka tiridda fasahaadka iyo oogidda xaqa. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha jeclaannina la kulanka cadowga, ee weydiista Allaah caafimaad, markaadse dagaal kula kulantaan cadowgiinna adkeysta oo ogaada in Jannadu tahay hooska seefaha.

(143) 143. Waxaadna rabteen dhimashada ka hor intaydaan la kulmin. waadna aragteen geerida idinkoo eegaya.

(144) 144. Muxammad ma aha waxaan ahayn Rasuul (Ilaahay), Waxaa tagay hortiis Rusul (badan). Ee hadduu dhinto26 ama la dilo ma waxaad dib ugu gaddooomi lahaydeen cirbihiinna? Qofkiina dib ugu gaddoomaa cirbihiisa, waxba uma dhimayo Alle, Allena waa u abaal gudi kuwa mahdiya.
26. Rasuulka Ilaahay waa qof Aadmi ah uu soo diray Ilaahay Rusul hortiis. Qaarkood la dilay, qaarna u dhinteen jirrooyin, sidaas oo kale Nabigu sc.w. wuu dhiman sida Rusushii horeba. Dagaalkii Uxud waxaa faafay warka dilidda Nabiga s.c.w. warkaasoo qas iyo qalalaase geliyey muslimiiintii, heer muslimiinta qaarkood ay magan weydiisteen Abuu Sufyaan oo ahaa markaas odayga Quraysh. Munaafiqiintiina waxay yidhaahdeen haddii uu Muxammad ahaan lahaa Nabi lama dileen. Markaasuu Ilaahay soo dejiyey Aayaddan si uu dejiyo quluubta muslimiinta iyo jawaab celin ahaan waxay yidhaahdeen munaafiqiinta. (Saxiix Al- Bukhaari Baabka Jihaadk). Abuu Bakar a.k.r. wuxuu soo daliilsaday Aayaddan maalintii uu geeriyooday Nabiga s.c.w. si uu u dejiyo Cumar bin Al-Khaddaab iyo saxaabada qaarkood ee rumeysan waayey dhimashada Nabiga s.c.w. ( Saxiix Al- Bukhaari qaybta Taqwada Saxaabada).

(145) 145. Nafin ma dhimato Idanka Ilaahay ma`ahee waqtiga waa la gooyey. Qofkii raba abaalka adduunyadan, wax baan ka siin, qofkii rabana abaalka Aakhirada, wax baan ka siin. Waanuna u abaal gudi kuwa mahdiya (Alle).

(146) 146. Badanaa inta Nabi oo ay la jireen Rabbi yaqaanno dagaallami oo tiro badan. Marnaba kuma ay qalbi jabin waxa ku soo gaaray jidka Ilaahay, kumana ay jilcin, ismana ay liidin. Allena wuu jecel yahay kuwa sabra.

(147) 147. Mana ahayn qowlkoodu waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo dhaaf denbiyadayada, iyo ku xadgudubka arrinkayaga, noo sugna cagahayaga, noogana gargaar qolodaa gaalada ah.

(148) 148. Markaasuu Allaah siiyey abaalka Adduunyadan iyo abaalka wanaagsan ee Akhirada (Janno). Allena wuu jecel yahay sama falayaasha.

(149) 149. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan gaalada, waxay dib idiinku celin cirbihiinna, markaas waxaad soo guddoomi idinkoo khasaaro ku sugan27.
27. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Anigu barii baan ka ahay muslim kasta oo ku nool gaalo dhexdood. Waxay yidhaahdeen: Rasuul Allow? Sidee? Wuxuu yidhi: Waa inay is arkin labadooda dab. W.w. Abuu Daawuud

(150) 150. Mayee! Allaah baa ah Gargaarihiin, Isagaana u wanaagsan gargaarayaasha.

(151) 151. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa (Xaqa) diida, sababta la wadaajintoo- da Allaah waxaas uusan u soo dejin wax xujo ah; hoygooduna waa Naar. Xumaana hoyga daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

(152) 152. Allaah wuu idiin oofiyey Ballankiisii, markaad ku leyseen (cadowgiinna) Idankiisa, ilaa markaad qalbi jabteen oo aad isku qabsateen arrinka, oo aad caasideen28 kaddib markuu idin tusiyey waxaad jeceshihiin. Waxaa idinka mid ahaa qaar rabay adduunyadan, waxaana idinka mid ahaa qaar rabay Aakhirada. Markaasuu idinka jeediyey xaggeeda, si uu idiin imtixaano. Dhabtiina wuu idiin cafiyey. Allena wuu u Roon yahay mu`miniinta.
28. Ganayaashii wixii uu amray Nabiga s.c.w oo ahaa inay ku sugnaadaan meeshooda la amray wax kastoo dhaca.

(153) 153. Markaad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, Rasuulkuna uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna29, markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna30, si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Allena waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
29. Muslimiinta kuma ayan guuleysan inay ka adkaadaan. 30. Waxay muslimiintii ka xumaadeen inayan adeecin amarka Rasuulka s.c.w. taasoo ahayd sababta jabkooda.

(154) 154. Markaas hammi kaddib wuxuu idinku soo dejiyey nabdooni, xasiloonni u imaneysa koox idinka mid ah31, halka koox kale ay nafahooda walaaciyeen32, waxay ku maleeyeen Alle male xun aan xaq ahayn malihii jaahiliyadda ah. Waxay lahaayeen: Ma aynu ku lihin wax talo ah arrinka. Dheh: Arrin oo dhan waxay ku jiraan (Gacmaha) Ilaahay. Waxay ku qarsadaan nafahooda wax aysan kuu muujinayn33, iyagoo leh: Haddaan wax talo ah ku lahaan lahayn arrinka, nalaguma dileen halkan34. Dheh: Xitaa haddaad joogi laheydeen guryihiinna, kuwa dilka loo qoray waxay shaki li`i u soo bixi lahaayeen halka lagu dili lahaa, waana si uu Allaah u imtixaano waxa ku jira laabihiinna, oo u daahiriyo waxa ku jira quluubtiinna, Allena wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
31. Muslimiinta lahaa yaqiinta xoogga leh. 32. Muslimiintii shakiday. 33. Ictiqaadka in Muxammad haddii uu yahay Nabi iyo Rasuul Ilaahay aan looga adkaadeen dagaalka. 34. Hadalkan wuxuu u jeedaa Nabiga s.c.w. iyo saxaabada jees jees ahaan, waayo waxay munaafiqiinta qabeen in Nabigu s.c.w. uusan aqoon u lahayn siyaasadda dagaalka, waayo wuxuu u baxay dagaal iyagoo muslimiinta tiro yar yihiin . markaasaa loogu jawaabay hadalkan.

(155) 155. Kuwii idinka midka ahaa ee dhabarka jeediyey maalintii labada col is-heleen (dagaalkii Uxud), Shaydaan uun baa doonay inuu sababo inay simbiriirixdaan waxoogay (eed) ah oo ay kasbadeen awgeed. Allena wuu cafiyey. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaafe, Dulqaad Badan.

(156) 156. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwa gaalada ah, oo ka yidhaahda walaalahood markay ku socdaalaan dhulka ama duullaan qaadaan: Hadday nala joogi lahaayeen ma dhiman lahayn lamana dili lahayn, waa si uu Allaah uga dhigo tani arrin u keenta qoomamo daran quluubtooda. Allaah baana bixiya nolol oo sababa dhimasho. Allena wuu arkaa waxaad fashaan.

(157) 157. Haddii la idinku dilo Jidka Ilaahay ama aad dhimataan, Denbi dhaaf xagga Ilaahay ah iyo Naxariis baa ka khayr badan waxay urursadaan.

(158) 158. Haddaad dhimataanna ama la idin dilo, hubaal Ilaahay Xaggiisaa la idiin soo kulmin.

(159) 159. Sidaas waa Naxariista Ilaahay darteed inaad ula dhaqanto si nugul, haddaad ahaan laheydna mid qallafsan, qalbi adag, waxay ka kala yaaci lahaayeen hareerahaa- ga; ee iska cafi oo u denbi dhaaf dalab oo kala tasho arrinka, markaad goosato arrinna isku hallee Alle. Allena wuu jecel yahay kuwa isku halleeya oo tala saarta.

(160) 160. Hadduu Alle idiin gargaari, markaa ma jiraan wax idinka adkaan kara; hadduu idinka goostona, waa kuma kan idiin gargaari Isaga ka dambow? Alle uun ha isku halleeyeen mu’miniintu oo ha tala saarteen.

(161) 161. Kama suurooba Nabi inuu wax khiyaano (oo booli qaato), qofkiina wax khiyaana (ama booli qaata ha ahaato mid qof leeyahay ama booli qaran) wuxuu keeni waxa uu khiyaanada ku qaatay Maalinta Qiyaamaha35. Waxaana naf walba loogu oofin si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn.
35. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Yaan garan midkiin oo imaan Qiyaamada isagoo xambaarsan riti ciyi (xoolo ama maal booli ah) markaasuu odhan: Muxammadow, Muxammadow, waxaan ku odhan: Waxba kuuma qaban karo waa ku soo gaarsiiyey inaad iska ilaaliso maal xaq darro iyo xoolo booli ah.

(162) 162. Ma mid raaca Raalli gelinta Ilaahay baa la mid ah kan mutaysta Cadhada Ilaahay, hoygiisuna yahay Naar, oo u xun meel la ahaado.

(163) 163. Waxaa jira darajooyin (kala duwan) Alle agti. Allena wuu arkaa waxay fali.

(164) 164. Wuxuu ku manneystay Alle (Nicmo Weyn) mu’miniinta markuu ka soo saaray dhexdooda Rasuul ka mid ah, u akhriyaya Aayadihiisa, daahirinaya, barayana Kitaabka iyo Xikmadda inkastoo taa ka hor ay ku sugnaayeen habow cad.

(165) 165. Ma markay idinku dhacday dhibaato, iyadoo idinkuba aad ku dhigteen (gaalada) labo laabkeed ayaad billowdeen inaad tidhaahdaan: Xaggee bay nooga timid tani? Dheh: Waa xagga nafahiinna. Hubaal Allaah wax walba wuu Karaa.

(166) 166. Waxa idinku dhacay maalintay labada col isku heleen (Uxud), waa Idanka Ilaahay, iyo inuu muujiyo mu’miniinta.

(167) 167. Iyo inuu muujiyo munaafiqiinta oo lagu yidhi: Kaalaya, U dagaallama Arrinka Ilaahay amaba difaaca nafahiinna. Waxay yidhaahdeen: Haddaanu naqaan dagaal, waa idin raaci lahayn. Waxay ahaayeen maalintaas, kuwa uga dhow gaalnimo iimaanka. Waxay ka yidhaahdaan afafkooda waxaan ku jirin quluubtooda. Allena wuu Og yahay waxay qarin.

(168) 168. Kuwaa ka yidhi walaalahood iyagoo iyagu dib jiray: Hadday na maqli lahaayeen lama dileen. Dheh: Ka dhawra nafahiinna dhimashada, haddaad run sheegaysaan.

(169) 169. Hana moodina kuwa lagu dilay Arrinka Ilaahay meyti, Mayee, way nool yihiin, oo Rabbigood agtiisa lagu arzaaqaa.

(170) 170. Iyagoo ku faraxsan waxa uu Allaah ka siiyey Fadligiisa, oo u faraxsan dartood kuwaa ay kaga soo tageen gadaashood, oo aan weli ku soo biirin36, inaanay cabsi qabi doonin oo aanay murugoon doonin.
36. Asxaabtooda nool ee weli u jihaadayey jidka ilaahay.

(171) 171. Waxay ku faraxsan yihiin Nicmad ka timid Allaah iyo Fadli(giisa) darteed, iyo inaanu Allaah dayaceyn ajarka mu’miniinta.

(172) 172. Kuwii (ku) ajiibay (Uxud) Allaah iyo Rasuulka kaddib intuu soo gaaray dhaawacu; kuwooda ka mid ah ee sama falay oo amarka qaatay, waxay leeyihiin ajar weyn.

(173) 173. Kuwii ay dadku ku yidhaahdeen: Hubaal dadkii baa isu soo kiin biirsaday, ee ka baqa. Waxayse u kordhisay Iimaankoo- da, waxayna yidhaahdeen: Alle baa nagu filan, Isagaana u fiican wakiil.

(174) 174. Markaasay la noqdeen Nicmo uga timid Allaah iyo Fadli(giisa), oo ma aanay taaban xumaato waxayna raaceen Raalli gelinta Ilaahay. Allena waa Rabbi Fadli iyo Deeq weyn.

(175) 175. Waa uun Shaydaanka kan idinku bajiya xulafadiisa ee ha ka cabsannina, ee Anigoo Keliya iga cabsada, haddaad tihiin mu’miniin.

(176) 176. Oo yey ku murugo gelin kuwa uga dhaca gaalnimada si degdeg ah37; hubaal iyagu waxba ma yeeli karaan Allaah marnaba. Allaah Wuxuu rabaa in aanay ku yeelan wax qayb ah Aakhirada, waxayna leeyihiin cadaab daran.
37. Xaalka muslimiinta ku milman munaafiqiinta.

(177) 177. Kuwa siistay gaalnimo qiimaha Iimaanka, waxba kama dhimayaan Allaah, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

(178) 178. Yey gaaladu moodin in u dib dhigiddeyda (Ciqaabka) ay u khayr roon tahay nafahooda. Waxaanu ugu dib dhignaa oo keliya si ay u kororsadaan denbiyo, waxayna leeyihiin cadaab dulleysa.

(179) 179. Sinnaba Allaah uguma tagayo mu’miniinta xaaladdaad ku jirtaan, jeer uu kala sooco kan xun iyo kan wanaagsan. Mana aha Allaah mid idin tusaya waxa aan muuqan ee Ghaybka ah, wuxuuse Alle ka doortaa Rusushiisa midkii uu doono. Ee rumeeya Allaah iyo Rusushiisa. haddaad rumeysaan oo aad iska ilaalisaan xume waxaad leedihiin ajar weyn (Janno).

(180) 180. Yey moodin kuwa ku bakhayla bixinta wuxuu Alle siiyey oo Deeqdiisa ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha38. Alle baana iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; Allena waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
38. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Addoonkaan bixin sakada, xoolahiisa waxaa laga dhigi Qiyaamaha mas bara leh oo raacaya, markaasuu ka carari oo raacayaa isagoo leh: Waxaan ahay kaydkaagii, markaasuu Aayaddan akhriyey. W.w. Axmad

(181) 181. Dhab ahaan wuu maqlay Alle odhaahda (Yuhuuddii) yidhi: Alle waa faqiir innagaana hodan ah. Waanu qori waxay yidhaahdeen iyo ku dilkoodii anbiyada gar darro, oo waxaanu odhan: Dhadhamiya Cadaabka Gubashada.

(182) 182. Waxakani waa waxay gacmihiinnu horay u geysteen iyo sababta inaanu Alle ahayn mid ku gardarrooda addoomaha.

(183) 183. (Kuwaas weeye) kuwii yidhi, Allaah wuxuu nagula ballantamay inaanaan rumeyn Rasuulna jeer uu noo keeno qurbaan uu dab (cirka ka yimaada) cuno. Dheh: Waxay idiinla yimaadeen Rusullo iga horreeyey xujooyin cad iyo waxaad dalabteenba, ee maxaad u disheen haddaad run sheegaysaan?

(184) 184. Hadday ku beeniyaan sidaa oo kale baa loo beeniyey Rusul kaa horraysay, oo la yimid xujooyin cad, Qoraallo iyo kitaab iftiimaya.

(185) 185. Naf walba waxay dhadhamin dhimasho, waxaa uun la idiin oofin ajarkiinna Maalinta Qiyaamaha. Ee qofkii laga fogeeyo Naarta ee la geliyo Jannada wuu liibaanay. Mana aha nolosha adduun- ka waxaan ahayn raaxo lagu dagmo.

(186) 186. Waan idinku imtixaami maalkiinna iyo nafahiinnaba, waxaadna xaqiiq ka maqleysaan kuwa la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey iyo xagga kuwaa ah mushrikiinta hadal badan oo idin dhiba, haddaad samir yeelataanna oo Alle u hoggaansantaan, hubaal, arrinkaas waa ka mid umuuraha la go’aansado.

(187) 187. (Xus, Nabiyow) markuu Allaah la galay axdi (ku cad Towraadda) kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), inaad u caddeysaan dadka oo aydaan ka qarinnin (imaanshaha Nabi Muxammad s.c.w )39,waxayse ka tuureen dhabarradoo- da gadaashood, oo ay ku iibsadeen qiimo yar. ee xumaa waxay iibsan.
39. Waxaa ka mid ah waxyaalaha ay qariyeen wixii ku tacalluqay sifaadka Nabi Muxammad s.c.w ee ku xusan kutubtooda.

(188) 188. Ha moodina in kuwa ku farxa waxay la yimaadeen, oo jecel in lagu ammaano wax aysan falin - ha moodina inay ka badbaadayaan cadaabka, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

(189) 189. Allaah baana iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arladaba, Allena wax walba wuu Karaa.

(190) 190. Abuurista samooyinka iyo arlada iyo isbeddelka habeenka iyo maalinta, waxaa ugu sugan calaamooyin wax garadka.

(191) 191. Kuwa xusa Alle joog iyo fadhi iyo iyagoo u jiifa dhinacyadoodaba, kana fekera abuurista samooyinka iyo arlada: Rabbigayow! Uma aadan abuurin waxakani baadil, Adigaa nazahan oo xurmoo dhan leh, ee naga badbaadi cadaabka Naarta.

(192) 192. Rabbigayow! Qofkii aad geliso Naar, xaqiiq waa dulleysay, daalimiintuna ma leh (Aakhirada) gargaarayaal (iyo shafeecayaal midna).

(193) 193. Rabbigayow! Waxaanu maqallay baaqe ku baaqaya Iimaanka (oo leh): Rumeeya Rabbigiin, markaasaan Rumaynay. Rabbigayow! Ee noo dhaaf dunuubtayada,oo noo astur xumayaalkeen- na, na oofsana la jirka baarriyiinta.

(194) 194. Rabbigayow! Na sii waxaad noo ballan qaadday ee Rusushaadu na soo gaarsiisay oo hana dulleyn Maalinta Qiyaamaha, Adigu ballanka kama baxdide.

(195) 195. Markaasuu Rabbigood ka aqbalay (ducadoodii): Anigu ma dayaco camalka uu mid idinka mid ah falo, ha ahaado lab ama dheddig, midkiin walbaa uu ka ahaaday midka kale, ee kuwa iyagu soo haajiray, ee looga soo saaray guryahooda debedda, ee loogu dhib geystey Arrinkayaga (Islaamka darti), ee dagaallmay ee loo dilay Dartay, Waxaan asturi xumayaalkooda, waxaana gelin beero ay qul-qulaan hoostoodu webiyo; Abaalgud xagga Ilaahay, Allaah baana haya oo weliba baxsha abaalgud wanaagsan.

(196) 196. Yaanay ku dagin galoo baxa kuwaa gaalada ah magaalooyinka cabsi la’aan.

(197) 197. Waa raaxo yar; kaddibna hoygoodu waa Naar; oo ugu xun gogol la yeesho.

(198) 198. Laakiinse, kuwa dhowra (xilkuu saaray) Rabbigood, waxay leeyihiin beero (Jannooyin) ay qul-qulaan hoostooda webiyo, oo ay ku dhex waarayaan, marti qaad uu u fidiyey Alle; waxa Alle agti ah baana u khayr badan kuwa baarriga ah.

(199) 199. Ehlul Kitaabka waxaa ka mid ah kuwo rumeysan Allaah, iyo waxa la idiin soo dejiyey oo Waxyi ah (Qur’aanka), iyo waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah (Towraadda iyo Injiilka), una khushuuca Allaah, oo aan ku iibsan Aayadaha Ilaahay qiimo yar. Kuwaa waxaa u sugnaaday ajarkooda Rabbigood agtii; hubaal Alle wuu ku Dhaqso Badan yahay xisaabinta.

(200) 200. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Samir yeesha oo ku sarreeya samir yeelashada, oo heegan ahaada sugan40, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle aad liibaantaane.
40. Idinkoo ku sugan rugahiinna oo ka ilaalinaya cadowga, ama masaajidda idinkoo sugaya salaadaha. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Naari ma taabado labo indhood, il u oyday cabsi Ilaahay iyo il u soo jeedday ilaalinta xuduudaha Muslimka.