63 - Suurada Al-munaafiquun ()

|

(1) 1. Markay munaafiqiintu kuu yimaadaan (Muxammadow) waxay yidhaahdaan: Waxaanu marag ka nahay inaad tahay Rasuul Ilaahay2. Allena waa Og yahay inaad tahay Rasuulkiisa, Allena wuxuu marag ka yahay inay munaafiqiintu yihiin beenaalayaal.
1. Al-Munaafiquun: Munaafiqiinta (labo wejiilayaasha godadka badan). 2. Waxay ugu dhaarteen si ay u dhowrsadaan maalkooda iyo nafahooda oo loo nabad geliyo maadaama ay daahirka muslimiiin yihiin.

(2) 2.Waxay ka dhigtaan dhaarahooda gaashaan. Oo sidaas uga weeciyaan (dadka) jidka Ilaahay. Xumaa waxay falaan.

(3) 3. (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan inta rumeeyaan (af ahaan) bay haddana (hoosta) ka gaaloobaan, markaasaa quluubtooda la daboolay, sidaas awgeed wax ma fahmaan.

(4) 4. Markaad aragto (munaafiqiinta) wuu ku cajab gelin muuqaalka jirarkooda; hadday hadlaanna, waad dhageysan hadalkooda, waxaad mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey3 oo dhar la huwshay. Waxay moodi dhawaaq walba in iyaga loogu dan leeyahay. Waa iyaga cadowga, ee ka digtoonow. Allaha baabbi’iyee! Xaggee looga iilay (Xaqa)?
3. "Sida inay yihiin dogoybo la tiirtiiriyey” waxaa loola jeedaa waxay leeyihiin jirar leh cuquul iyo qalbiyo maran, inkastoo jirkoodu qurxoon yahay oo ay cod kar yihiin hadalka heli og.

(5) 5. Marka lagu yidhaahdo (munaafiqiinta): Kaalaya, ha idiin denbi dhaaf dalbee Rasuulka Ilaahay, waxay dib u jeediyaan madaxyadooda, oo arkeysaa iyagoo sii jeesanaya iyagoo isla weyn.

(6) 6. Waa isugu mid haddaad u denbi dhaaf dalabto (Nabiyow) iyo haddaadan u denbi dhaaf dalbin. Marnaba Alle u denbi dhaafi maayo. Alle ma hanuuniyo kuwa caasiyaasha ah (madaxa adag).

(7) 7. Iyaga weeye kuwa yidhaahda: Wax ha ku bixinnana kuwa la jira Rasuulka Ilaahay, jeeray ka kala yaacaan; Allaah baana iska leh khasnadaha samooyinka iyo arlada, laakiinse munaafiqiintu ma fahansana.

(8) 8. Waxay yidhaahdaan (munaafiqiinta): Markaan u laabanno Madiina, kan gobta ahi (waxay ula jeedaan Cabdullaah bin abii Salool, madaxii munaafiqiinta) wuxuu ka saari halkaa kan gunta ahi (waxay ula jeedaan Nabi Muxammad, Rasuulul Laah). Allaah baa se iska leh Sharaf iyo Cizoo dhan (sidaa awgeed waxay u ahaan cizo) Rasuulkiisa, iyo mu’miniinta, laakiinse munaafiqiintu ma oga.

(9) 9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Yeysan maalkiinnu iyo awlaaddiinnu idinka shuqlin Xusidda Ilaahay (salaadda). Qofkiina falaa sidaas, kuwaa weeye kuwa khasaaray.

(10) 10. Oo bixiya wax ka mid ah waxa aanu idin siinnay, inta aysan geeridu u iman midkiin oo markaas odhan: Rabbiyow! Maad muddo dhow dib ii dhigtid, markaa waxaan la baxayaa sadaqo oo ka mid ahaan kuwa wanaagga fala.

(11) 11. Alle se dib uma dhigo nafi marka ajasheed la gaaro. Allena waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.