(1) 1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Barqada.
(2) 2. Iyo habeenka markuu xasilo (madoobaado).
(3) 3. Rabbigaa kaama tagin (Muxammadow), mana uu kuu cadhoon.
(4) 4. Aakhiro baa kaaga khayr badan noloshatan (hore ee adduunka).
(5) 5. Rabbigaa baa ku siin (khayr), waadna raalli noqon.
(6) 6. Miyuusan ku helin adigoo agoon ah oo ku hoyaadin?
(7) 7. Oo ku helin adigoo habowsan oo kuma hanuunin?
(8) 8. Oo ku helin adigoo caydh ah oo kuma hodmin?
(9) 9. Ee agoon, ha dhibin.
(10) 10.Kan wax ku weydiistana, ha dhaleeceyn.
(11) 11. Nicmadda Rabbigaana (Islaamka, Towxiidka, Qur'aanka, Xaqa, caddee (oo ka mahad celi).