(1) 1. Alif Laam Raa1.
Kuwakani waa Aayaadka Kitaabka (Qur’aanka) cad.
1. Eeg sharaxa Suuraddda 2 Al-Baqara: Aayadda 1.
(2) 2. Annaga (Alle ah) baa soo dejinnay Qur’aan Carabi ah si aad u fahantaan2.
2. Allaah Qur’aanka wuxuu ku soo dejiyey afka u sharaf badan afafka, af Carabi, Nabiga ugu sharaf badan anbiyada,Nabi Muxammad, waxaa ka soo gaaarsiiyey xagga Alle Malagga ugu sharaf badan malaa’igta, malag Jabriil, meesha ugu sharaf badan meelaha waa lagu soo dejiyey (Makkah), bisha ugu sharaf badan bilahana (bisha Ramadaan) waa la soo dejiyey, waana Kitaabka u sharaf badan Kutubta uu soo dejiyey Allaah. Sidaasuu dhan walba kaamil uga yahay Qur’aanku.
(3) 3. Annaga ayaa kaaga qisoon qisooyinka midda u wanaagsan, ee aanu kuugu waxyoonno Qur'aankan, inkastoo ka hor, aad ka mid aheyd kuwaan u war heyn.
(4) 4. Markuu Yuusuf ku yidhi aabbihii: Aabbow! Waxaan arkay kow iyo toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa, waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan (macnaha rukuucsan salaan ahaan).
(5) 5. (Yacquub) wuxuu yidhi: Wiilkaygiiyow! Ha uga qisoon riyadaada walaalahaa, si aanay kuugu dhigin shir qool iyo dabin kaa dhan ah: hubaal Shaydaanku wuxuu u yahay aadmiga cadow cad.
(6) 6. Sidaasuu kuu dooran Rabbigaa oo kuu bari fasirka riyooyinka iyo dhacdooyinka, kuuna dhammeystiri Nicmaddiisa adiga iyo reer Yacquubba, siduu ugu dhammeystiray horey aabbayaashaa Ibraahiim iyo Isxaaq. Hubaal Rabbigaa waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah (odhaah iyo fal san).
(7) 7. Xaqiiq Yuusuf iyo walaalihii, waxaa ugu sugan calaamooyin (waano) kuwa weydiin.
(8) 8. Markay yidhaahdeen: Yuusuf iyo walaalki3 buu naga jecel yahay aabbaheen innagoo ah koox (xoog iyo tiro badan toban nin ah). Hubaal aabbaheen wuu gefsan yahay.
3. Binyaamiin, oo ay isku hooyo ahaayeen Yuusuf c.s.
(9) 9. Dila Yuusuf ama ku tuura alro (uun), si uu idiinku gaar noqdo Wejiga Aabbahiin, oo taasi ka dambow aad ahaataan dad wanaagsan.
(10) 10. Hadlaa ka mid ah (Judah) baa wuxuu yidhi: Ha dilina Yusuuf ee ku tuura ceel salkiis, ha qaateen qaar safar ahe, haddaad wax falaysaan.
(11) 11. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaad noogu aamini la'dahay Yusuuf? Innagoo daacad u ah, wanaag la jecel.
(12) 12. Nala dir berri si uu u baashaalo oo u cayaaro, innagaana ilaalin oo gaar ka heyn.
(13) 13. (Yacquub) wuxuu yidhi: Waxaa i walbahaarin inaad la tagtaan, waxaana ka cabsan inay yey cunto idinkoo mooggan.
(14) 14. Waxay yidhaahdeen: Hadday yey cunto innagoo waliba koox ah, markaa hubaal, waa inaanu nahay khasaaro u joog.
(15) 15. Markay la tageen oo ay ku heeshiiyeen iyagoo dhammi inay dhigaan gunta ceel salki. Waxaan (Yuusuf) u waxyoonnay: Waxaad (maalin uun) u sheegi doontaa arrinkani iyagoo aan ku baraarugsaneyn.
(16) 16. Waxayna u yimaadeen aabbahood habeen goor fiid ah iyagoo ooyaya.
(17) 17. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Waanu tagnay inaan tartanno, waxaana ku dhaafnay Yuusuf Alaabtayada agteed, markaasay yey cuntay adiguse nama ru- maysanaysid walow aan run sheegayno.
(18) 18. Waxayna keeneen shaarkiisii oo leh dhiig been ah4. (Yacquub) wuxuu yidhi: Mayee, nafahiinnaa idiin qirxisay arrin. Sabarkaase wanaagsan. Allena waa Kan laga kaalmeysto waxaad tilmaameysaan.
4. Waxay ku bi’iyeen shaarkii Yuusuf dhiiggii ri’dii ay qasheen, waxayse hilmaameen inay jeexjeexaan shaarka, sidaasoo ay ku shaki geliyeen aabbahood.
(19) 19. Waxaa yimid socoto, waxayna direen biyo dhaamiyahoodii, oo hoos (ceelka) ugu sii daayey wadaantiisii. Wuxuu yidhi: Waa bishaaree! kani waa wiil yar; wayna qarsadeen badeeco ahaan. Allena waa u Ogaa waxay fali.
(20) 20. Waxayna siisteen qiimo yar - dhowr qadaadiic oo fiddo ah, waxayna ahaayeen kuwo aan u heyn wax rabitaan ah.
(21) 21. Kii gatay oo reer Masar ahaa5 wuxuu ku yidhi marwadiisii: Wanaaji oo ka yeel meel sharaf leh hoygiisa, waa intaasuu na anfaco ama ka dhiganno wiil. Sidaasaan ugu awood siinnay Yuusuf arlada, iyo inaan barno fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka). Allena waa ku guuleystaa arrinkiisa, dadku badankiisuse ma oga.
5. Nin reer Masar ah oo wasiirka koowaad ah ayaa iibsaday Yuusuf addoon ahaan, magaca wasiirkaa sida caanka waa Qadfiir (ama Potiphar) oo loogu yeero darajo ahaan Al-Caziiz. Kutubta tafsiirka qaarkood waxay ku sheegaan magaca xaaskiisa “Raayil” qaar kalena Zuleekha, ama zuleyka laakiin waa werinno aan sugneyn.
(22) 22. Markuu tabar galay, waxaan siinnay fahmad iyo cilmi, sidaasaana ku abaal marinnaa sama falayaasha.
(23) 23. Waxaa doontay tuu gurigeedii joogay inay u soo jiiddo xumaan (zino), waxayna xidhay albaabbadii oo tidhi: Ii kaalay, Wuxuu yidhi: Allaan ka magan galay. Rabbigay wuu wanaajiyey hoygeyga. Mana liibaanaan daalimiintu.
(24) 24. Way ku hammiday (doontay inay u soo jiiddo falka xunee zinada), isaguna wuu u liici lahaa6, hadduusan arki lahayn Xujada cad ee Rabbigi. Sidaas (waxay ahayd) si aan uga duwno xumaanta iyo foolxumada. Wuxuu ka mid yahay addoomahayaga daacadda ah.
6. Aayaddani ma muujineyso oo lagama qaadanayo in Yuusuf c.s. ku hammiyey inuu xume la falo haweentan, waxaanse shaki ku jirin in hadduusan Allaah ka xafidin fidnadan weyn, uu ku dhici lahaa denbigaa foosha xun.
(25) 25. Waxay labaduba u orotameen albaabka, waxayna ka jeexday shaarkiisa xagga dambe (isagoo ka cararaya denbi), waxayna kula kulmeen ninkeedii albaabka. Waxay tidhi: Muxuu yahay ciqaabka kan la doona xumaan xaaskaaga, aan aheyn in la xabbiso ama cadaab xanuun badan?
(26) 26. Wuxuu yidhi: Iyadaa doontay inay ii soo jiiddo xumaan (zino); oo markhaati ka mid ah ehelkeeda baa ka marag kacay: Haddii shaarkiisa laga jeexay dhinaca hore, run bay sheegeysaa, isaguna wuxuu ka mid yahay beenalayaasha.
(27) 27. Haddiise shaarkiisa laga jeexay dhinaca dambe, been bay sheegeysaa, isaguna wuxuu ka mid yahay runlowyada.
(28) 28. Markuu arkay shaarkiisa oo ka jeexan gadaal, wuxuu yidhi: Taasi waa dhagartiinna, dhagartiinnu way weyn tahay.
(29) 29. Yuusufow! Iskaga jeedso waxakan7 oo (xaaskaygaay) u weydiiso cafis denbigaa- ga. Waxaad ka mid tahay kuwa gafaye.
7. Waa qari arrinkan oo ka soo qaad waxaan dhicin.
(30) 30. Haween ku sugan magaalada waxay yidhaahdeen: Marwadii wasiirka waxay dooneysaa inay u soo jiiddo xumaan wiilka yar ee addoonkeeda ah, jaceylkiisaa qalbiga ka galay, waxaan u aragnaa inay ku sugan tahay gef muuqda.
(31) 31. Markay maqashay xantoodii bay u cid dirtay oo u diyaarisay fadhi (marti qaad); waxayna siisay mid walba oo ka mid ah middi, oo (ku) tidhi (Yuusuf): U soo bax. Markaasay markay arkeen aad u weyneysteen, oo iska gooyeen gacmahoo- dii (iyagoo la cajabsan) oo yidhaahdeen; Allaah baa ka hufan (nuqsaan)8 Kani maba aha qof caadi ah! Kani ma aha waxaan aheyn malag sharaf leh.
8. Allaah ee awood u leh inuu abuuro quruxdan oo kale.
(32) 32. Waxay tidhi: Kani waa midkaad igu eedayseen, anigaana doonay naftiisa, wuuse is dhowray, hadduusanna falin waxaan amrayo, wallee waa la xabisi, wuxuuna ka mid noqon kuwa la liido.
(33) 33. (Yuusuf) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Xabbiskaan ka jeclahay waxay iigu yeedhi. Haddaadan iga weecin dhagartooda, waan u iilan oo ka mid noqon jaahiliinta.
(34) 34. Markaasuu Rabbigi ka aqbalay baryadiisa oo ka weeciyey dhagartooda, hubaal (Alle) waa Wax kasta Maqlaha, Wax kasta Ogsoon.
(35) 35. Dabeeto waxaa u muuqday kaddib markay arkeen9 caddeymaha inay xidhaan ilaa muddo10.
9. Caddeymaha muujinaya inuusan denbi lahayn.
10. Ilaa fadeexadaa la illaabo.
(36) 36. Waxaana la galay xabsiga labo nin oo dhallinyaro ah, midkood baa wuxuu yidhi: Waxaan is arkay anigoo miiraya khamro. Kii kalena wuxuu yidhi: Aniguna waxaan is arkay anigoo ku sida madaxeyaga korkiisa kibis ay shimbiruhu wax ka cunayeen. Noo sheeg fasirkeeda. Waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha.
(37) 37. Wuxuu yidhi: Ma jirto cunto la idinku siin (soo jeed ama riyo) oo aanan idiin sheegi doonin fasirkeeda ka hor inta aysan idiin imaan. kani waa wax ka mid ah waxa Rabbigay i baray. Waxaan anigu iskaga tagay diinta qolo aan rumaysnayn Allaah oo ah kuwa beeniya Aakhirada.
(38) 38. Waxaana raacay (Islaamka) diinta Aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub; naguma habboona inaan la wadaajinno Alle cibaadada waxna waxay ahaadaanba. Arrinkani waa Fadliga Ilaahay noo galay innaga iyo dadkaba, dadka badankiisuse kuma mahdiyaan.
(39) 39. Labadayda saaxiib ee xabsigow! Ma rabbiyo kala duwan baa fiican mise Allaah Waaxidka , Awoodda sare leh uu wax ku Maquuniyo.
(40) 40. Ma caabuddaan Allaah Sokadi waxaan aheyn (sanammo aad) magacyo u bixiseen idinka iyo aabbayaashiin oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah11. Xukunka ma leh waxaan aheyn Allaah. Wuxuu amray inaydaan caabudin waxaan aheyn Isaga Keligii. Arrinkani baa ah diinta toosan, dadka badankiisuse ma oga.
11. Waxyaalaha baadilka ah ee la caabudo aad ku magacowdeen ilaahyo.
(41) 41. Labadayda Saaxiib ee xabsigow12! Midkiin, wuxuu u shubi mudanahiisa khamri uu cabbo, kan kalese, waa la deldeli, markaas shimbiruhu waxay wax ka cuni madaxiisa. Arrinka waa loo xukumay la xidhiidha waxaad iga wareysateen.
12. Waxaa la sheegay inay dhallinyaradaa ahaayeen labo khaadum oo u shaqeeya boqorka, midkood wuxuu u qaddimi jirey sharaab boqorka, kan kalena wuxuu u sameyn jirey roodhiga.
(42) 42. Wuxuuna ku yidhi midkoodii uu ogaaday inuu badbaadayo: Igu xus mudanahaaga agtiisa; ha yeeshee Shaydaan baa halmaansiiyey inuu u xuso mudanahiis, markaasuu ku sii jiray (Yuusuf) xabsiga dhowr sannadood.
(43) 43. Boqorkii wuxuu yidhi: waxaan arkay toddoba sac oo buur-buuran, oo ay toddobo caato ah cunayaan, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan, iyo (toddobo) kale oo qallalan. ee mudanayaalow! Ii caddeeya fasirka riyadayda, haddaad fasiri kartaan riyooyinka.
(44) 44. Waxay yidhaahdeen: Waa riyooyin qarow isku qasan ah, innaguna ma naqaanno fasirka riyooyinka.
(45) 45. Mid ka mid ah labadii (maxbuus) kii badbaaday oo xusuustay muddo dheer kaddib baa yidhi: Anigaa idiin sheegi fasirka riyadaase ee i dira.
(46) 46. Yuusuf, run badanow! Noo caddee fasirka riyada ah toddoba sac oo buur-buuran oo ay toddobo caato ahi cunayaan, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan iyo (toddobo) kale oo qallalan si aan ugu laabto dadka si ay u ogaadaan.
(47) 47. (Yuusuf) wuxuu yidhi: Waxaad wax beeran toddobo sano oo xiriir ah ee waxaad goosataan u daaya sabuulkiisa wax yar maahee oo ka mid ah intaad cuni.
(48) 48. Markaas waxaa imaan intaas kaddib toddobo (sannadood) oo dar-daran, oo aad cuni waxaad horay u dhigateen wax yar maahee oo ka mid ah waxaad kaydsateen.
(49) 49. Markaas waxaa imaan intaas kaddib sano ay dadku heli roob oo ay dhexdi miiran doonaan (cinabyo).
(50) 50. Boqorkii wuxuu yidhi: Ii keena Yuusuf. Markuu farriin sidihii u yimid, wuxuu yidhi: U noqo mudanahaaga oo weydii muxuu ahaa xaalka haweenkii iska saray farahoo- da? Rabbigay waa og yahay dhagartooda.
(51) 51. Wuxuu yidhi: Muxuu ahaa arrinkiinnu markaad doonteen inaad u soo jiiddaan xumaan Yuusuf? Waxay yidhaahdeen: Allaah baa ka hufan (nuqsaan)! Kuma aanu ogin wax xumaan ah xaggiisa13. Marwadii wasiirkana waxay tidhi: Hataan xaqu waa cad yahay, anigaa doonay inaan u soo jiido xumaan, isaguna run buu sheegi.
13. Waxaa la weydiiyey ra’yiga ay ka qabaan Yuusuf inay saameysay fidnadii iyo in kale oo doonistoodii ka yeelay, waxayna u sheegeen inuu ka fog yahay xumaan. Waxayna ammaaneen Allaah Ee awood u leh inuu abuuro dabeecaddaas sare ee daahirka ah.
(52) 52. Arrintaasna waa inuu ogaado inaanan ku khiyaanin maqnaashihii iyo inuusan Alle toosinin dhagarta khaa’iniinta.
(53) 53. Mana eed tirayo nafteyda14, naftu waa xume amarto, mid uu Rabbigay u naxariisto maahee. Hubaal Rabbigay waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
14. Inkastoo ibnu Kathiir uu u nisbeeyo ereyada aayadaha 52-53 xaaskii Al- Caziiz. Mufasiriin kale waxay qabeen inuu ku hadlay ereyadaa Yuusuf, isagoo dalbayey In la baaro arrinta, oo qiraya naxariista uu Ilaahay u galay.
(54) 54. Boqorkii wuxuu yidhi: Ii keena Yuusuf, waxaan u gaar yeeli nafteyda (la taliyaheyga ahaan). Markuu la hadlayna, wuxuu yidhi: Waxaad ku tahay agtayada maanta sharafle, la aamino.
(55) 55. (Yuusuf) wuxuu yidhi: Iiga dhig (mas’uul) khasnadaha arlada. Waxaan anigu ahay xafide aamin ah, aqoon leh.
(56) 56. Sidaasaan ugu siinnay Yuusuf awood dhan arlada (Masar), wuxuu ku hantay maamul dhan dhexdeeda meeshuu doonoba. Waxaan ku galladeysannaa Naxariistayada ciddaan doonno, mana dayacno abaalka sama falayaasha.
(57) 57. Ajarka Aakhiraana u khayr badan kuwa (Xaqa) rumeysan ee iska jira xumaha.
(58) 58.Yuusuf walaalihiis baa yimid15, markaasay u soo galeen, wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn16.
15. Taariikhyahannada waxay sheegeen inay ka dhacday abaar daran Masar iyo nawaaxigeeda. Wuxuuna Nabi Yacquub u tilmaamay Yuusuf walaaladi inay aadaan Madyan oo la kulmaan ragga Masar u haya xilka si ay uga dalbaan raashin.
16. Iyagu ma garan isbeddelka ku dhacay muuqaalkiisa darteed ee sannado soo mareen.
(59) 59.Markuu u diyaariyey rarkoodii raashinka, wuxuu yidhi: Ii keena walaal aad leedihiin oo xagga aabbihiin ah. Miyeydaan arkayn inaan bixiyo beeg dhan, iyo inaan Anigu u wanaagsnahay inta wax marti gelisa?
(60) 60. Haddaydaan ii keeninna (walaakiin), kama heleysaan beeg xaggeyga, mana ii soo dhowaaneysaan (mar kale).
(61) 61. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu ka dhaadhicin aabbihi, waana faleynaa sidaas.
(62) 62. Wuxuuna, ku yidhi shaqaalahiisii: U dhex geliya badeecaddoodii rarkooda17, si ay u gartaan markay u noqdaan reerkooda (oo u tixgeliyaan) si ay u soo laabtaan.
17. Badi mufasiriinta waxay sheegaan in badeecaddii Yuusuf walaalihi ay u keeneen inay ku beddeshaan raashinka ay aheyd harag, xargo, iyo sandal, iwm.
(63) 63. Markay u noqdeen aabbahood, waxay yidhaahdeen: aabbow! Waa naloo diiday wax beeg ah (hadda kaddib hadduuna walaalkayo na raacin). Ee nagu dar walaalkayo18, waxaanu soo heli beeg dhan, innaguna waanu ilaalin isaga.
18.Waa Binyaamiin ee la joogay aabbihi Yacquub guriga.
(64) 64. (Yacquub) wuxuu yidhi: Miyaan idinku aamini karaa waxaan ahayn sidaan idiinku aaminay walaalki (Yuusuf) awal hore. Alle baase ah Kan u Wanaagsan ilaaliye, Isagaana u Naxariis Badan inta naxariisata.
(65) 65. Markay fureen alaabtoodii waxay heleen badeecaddoodii oo loo soo ceshay19. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaan (kaloo) rabnaa? Tani waa badeecaddayadii oo naloo soo ceshay, marka waxaan ugu keenni haruur (hor leh) reerkayaga waana ilaalin walaalkayo oo soo kororsan rati muggiis oo beeg siyaado ah. Kanu waa beeg sahlan20.
19. Waxay u sameeyeen taa siyaasad ahaan inay u celiyaan alaabadoodii oo ugu axsaan falaan, iyo si ay ugu soo laabtaan Masar iyagoo uu la socdo walaalkood Binyaamiin. Binyaamiin waxay isku hooyo iyo aabbe yihiin Yuusuf, hooyadood Raashiil waxay la dhalatay oo ka yareyd liya oo aheyd xaaska weyn ee Yacquub, shareecadooda waxaa ku bannaanaa in la isla guursan karo labo gabdhood oo walaalo ah. Marka Yuusuf iyo walaalki Binyaamiin waxaa dhashay Raashiil, halka liyana ay dhashay tobanka ilmood ee kale ee Yacquub, waxayna ahayd habar yartood. 20.Waa iyaga u fudud ama mid aan ku heli karno si sahlan.
(66) 66. Wuxuu yidhi: Idinla diri maayo jeer aad i siisaan ballan adag oo aad ku dhaarataan Magaca Ilaahay, inaad dib iigu keeneysaan, in (col) idin hareereeyo maahee, markay siiyeen ballankooda, wuxuu yidhi: Allaah baa marag ka ah waxaanu leennahay.
(67) 67. Wuxuu yidhi: Wiilashaydow! Ha ka wada gelina (idinkoo dhan) albaab keliya ee ka gala albaabbo kala duwan, waxnana idiinkama tari karo xagga Alle. Xukunka waxaa iska leh Allaah Keliya. Isagaan tala saartay, ee Isaga uun ha tala saarteen oo ha isku halleeyeen kuwa wax tala saarta.
(68) 68. Markay u galeen (magaalada) siduu amray aabbahood, waxba ugama tarin innaba ha ahaatee (Qaddarka) Ilaahay, waxayse aheyd oo keliya rabitaan ku jirtay nafta Yacquub oo uu gutay. Wuxuuna lahaa cilmi, waxa aanu barnay ah, dadka badankiisuse ma oga.
(69) 69. Markay u galeen Yuusuf, wuxuu u soo dhoweeyey xaggiisa walaalki oo ku yidhi: Anigu waxaan ahay walaalkaa, ee ha ka murugoon waxay falayeen.
(70) 70.Markuu u diyaariyey rarkoodii raashinka, (qof) baa dhex galiyey koobkii wax lagu beegayey rarkii walaalki. markaas waxaa dhawaaqay dhawaaqe (leh): Safaryahow! Waxaad tihiin Tuugo.
(71) 71. Intay ku soo jeesadeen bay waxay yidhaahdeen:waa maxay waxaad weydeen.
(72) 72. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu weynay koobkii21 wax lagu beegayey ee boqorka, kii keenaana wuxuu leeyahay (abaal gud ah) awr muggiis (oo raashin ah); anigaana ka damiin ah.
21. Weel ka sameysan dahab oo wax lagu beego.
(73) 73. Waxay yidhaahdeen: Tallaahiye! Waad og tihiin inaannu u imaan inaan ku falno fasahaad arlada, mana ahin tuugo.
(74) 74. Waxay yidhaahdeen: Waa maxay jazaha arrinkani22, haddaad been sheegeysaan?
22.Ciqaabta u dhigan tuugada: Shareecada Yacquub c.s. qofkii wax xada ciqaabtiisu waxay ahayd inuu noqdo addoon lagu adeegto muddo sannad ah.
(75) 75.Waxay yidhaahdeen: Jazaha arrinkani23 waa in kii rarkiisa laga dhex helo loo heysto isaga naf ahaantiisa (addoon ahaan). Sidaasaan ku jaazaynaa daalimiinta.
23.Xeerkooda wuxuu dhigayey in tuuggii la qabto uu addoon u noqonayo cidduu wax ka xaday.
(76) 76. Wuxuuna ka billaabay (fatashiddii) weelashoodii ka hor weelkii walaalki, markaasuu ka soo bixiyey weelkii walaalki. Sidaasaan wax ugu tabeynay Yuusuf. Ma ahayn mid bannaan inuu ku qaado walaalki xeerkii boqorka, inuu Alle doono maahee: Waxaan u qaadnaa kor derejooyin ciddaan doonno, waxaana ka sarreeya mid kasta oo cilmi leh, Wax kasta Ogsoonaha (Allaah).
(77) 77. Waxay yidhaahdeen: Hadduu wax xaday, mid la walaal ah (Yuusuf) baa wax xaday waa’ hore: Wuxuuse Yuusuf ku qarsaday naftiisa waxyaalaha uu og yahay24, umana muujin. Wuxuu yidhi: Idinkaa ka shar badan, Allaana dhab u Ogsoon waxaad sheegeysaan.
24.Uguma uusan jawaabin in isagu qudhiisa ay ka soo xadeen aabbihi.
(78) 78. Waxay yidhaahdeen: Mudanow25! Wuxuu leeyahay aabbe, oday weyn ah, ee midkayo u qaado meeshiisa. Waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha.
25.Iyagoo la hadlaya Yuusuf, oo markaas ahaa Caziizka (wasiirka koowaad ee) Masar.
(79) 79. Wuxuu yiri: Allaan ka magan galay inaan qaadanno qofaan aheyn midkaan alaabtayada ka hellay agtiisa. (Haddaan sidaas yeello), waxaan markaas innagu nahay daalimiin (kuwo aan caadil ahayn).
(80) 80. Markay ka quusteen bay isula baxeen faq gaar ah. Koodii u weynaa (Rubiin) baa wuxuu yidhi: Ma waydaan ogeyn in Aabbihiin ballan adag idiinka qaaday Magaca Ilaahay, iyo sidaad horeyba uga gabood fasheen arrinkii Yuusuf? Sidaa awgeed anigu kama tegayo arladan jeer aabbahay ii idmo, ama Alle xukumo arrinkayga26, Isagaana u wanaagsan inta wax Xukunta.
26.Xukun aniga ii dan ah oo la xidhiidha soo deynta Binyaamiin.
(81) 81. U noqda Aabbihiin oo dhaha, Aabbow! Wiilkaagii wax buu xaday, mana marag fureyno waxaan ognahay mooyee, mana nihin kuwo og waxa qarsoon aan muuqan 27.
27.Macnaha waa ma aanan ogeyn markii aan wacad kula galnay, inuu wax xadayo oo la qabanayo.
(82) 82. Weydiina (dadka) magaaladii aan joognay iyo safarradii aan la soo noqonnay, oo run baan sheegeynaa.
(83) 83. (Yacquub) wuxuu yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiin qirxisay arrin. Ee samir fiican (baa ila gudboon). Waa intaasoo Allaah (dib) iigu keeno iyagoo dhan. Waa Isaga Wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.
(84) 84. Wuuna ka jeesaday xaggoodii oo yidhi: u walbahaarkaygow Yuusuf! Waxayna la caddaadeen indhahiisu murugo darteed28 isagoo ahaa mid tiiraanyeysan.
28.Wuxuu beelay araggiisa.
(85) 85. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! ma dayn doontid hadal haynta Yuusuf jeer aad bukaan jiif noqoto ama (jeer) aad ka mid ahaato kuwa halaagsama.
(86) 86. Wuxuu yidhi: Waxaan uun u sheegan baahideyda iyo walbahaarkeyga Allaah, waxaana ka ogahay xagga Alle29 wax aydaan ogayn.
29.Uma uusan muujin inta ay gaarsiisan tahay ka xumaantiisa ama cadhadiisa waxa uu ka shakiyey ilmahiisa inay faleen, wuuse iska sabrayey, isagoo isku halleynaya Allaah oo ka doonaya kaalmo.
(87) 87. Wiilashaydow! Taga oo soo wareysta arrinka Yuusuf iyo walaalki, hana ka quusannina Naxariista Ilaahay. Hubaal cidina kama quusato Naxariista Ilaahay aan aheyn qoloda gaalada ah.
(88) 88. Markay u soo galeen, waxay yidhaahdeen: Mudanow! Dhib baa na taabtay innaga iyo ehelkayagaba, waxaana la nimid badeecad liidata, ee na sii beeg dhan oo wax nagu sadaqeyso. Hubaal, Alle baa u abaal guda kuwa wax sadaqeysta.
(89) 89. Wuxuu yidhi: Ma ogtihiin sidaad u gasheen Yuusuf iyo walaalkiis idinkoo markaas ahaa jaahiliin?
(90) 90. Waxay yidhaahdeen: Adigu ma Yuusuf baa tahay? Wuxuu yidhi: Waa aniga Yuusuf, kanina waa walaalkay. Allaah baa runtii noo nicmeeyey. Hubaal, kii isagu iska dhowra (xume) oo samir yeesha (waa loo abaal gudaa), hubaal Allaah ma dayaco abaalka sama falayaasha.
(91) 91. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! Waxaa runtii naga kaa doortay Allaah, innaguna waa gefsaneyn.
(92) 92. (Yuusuf) wuxuu yidhi: Canaan korkiinna ma aha maanta, Allaha idiin dembi dhaafo, Isagaana u Naxariis Badan inta naxariisata.
(93) 93. Qaata shaarkaygaan oo ku tuura wajiga aabbahay, wuxuu noqon mid wax arka, oo ii keena ehelediinna oo dhan.
(94) 94. Markuu safarkii soo ambabaxay, aabbahood wuxuu yidhi: Anigu waxaan heli caraftii Yuusuf, haddaydaan i dhaliileyn30.
30.Intii la joogtay, oo ahaa qaar ka mid ah ilmahiisa ama qaraabadiisa kale.
(95) 95. Waxay yidhaahdeen: Tallaaahi! Waxaad ku sugan tahay gefkaagii hore.
(96) 96. Markuu yimid bishaaro sidihii, wuxuu uga tuuray (shaarkii) 31 wajigiisa, markaasuu noqday mid wax arka; Wuxuu yidhi: Sow idinkuma aan odhan: Waxaan anigu ka ogahay xagga Alle wax aydaan ogayn.
31.Kii soo qaaday shaarkii Yuusuf ee ka mid ah walaalihiis.
(97) 97. Waxay yidhaahdeen: Aabbahayow! Noo denbi dhaaf dalab, waxaanu innagu aheyn kuwo gefsan.
(98) 98. Wuxuu yidhi: Waxaan idiin weydiin Rabbigay denbi dhaaf, hubaal, waa Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
(99) 99. Markay u soo galeen Yuusuf, wuxuu isku duubay (gaaddada saaray) waalidki oo yidhi: Ku soo gala Masar, haddii Alle idmo, idinkoo aamin ah.
(100) 100. Wuxuuna geeyey labadiisa waalid Carshigiisa, waxayna hortiisa kula dhaceen sujuud (rukuuc salaan ahaan32), wuxuuna yidhi: Aabbow! Kani waa fasirkii riyadaydii hore! Rabbigay wuxuu ka yeelay xaq (sugan). Waana i wanaajiyey markuu iga soo saaray xabbiska, idinkana keenay miyiga, kaddib markuu Shaydaan ku abuuray kala fogaansho dhexdeenna aniga iyo walaalahay. Hubaal, Rabbigay waa u Roonaan iyo daryeel Badan yahay cidduu doono. hubaal waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.
32.Taasi waa salaan xurmo iyo ciseyn ah, ee bannaaneyd ka hor soo diristii Nabi Muxammad s.c.w. U sujuudidda ama rukuuca qof ama shey ama cid aan ahayn Allaah markaa kaddib waa la mamnuucay.
(101) 101. Rabbiyow! Waxaad i siisay xukun, oo i bartay fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka); Kan (Keliya) ee Abuurayow samooyinka iyo arlada! Adigaa ah Gargaaraheyga adduunkan iyo Aakhiradaba ee i oofso anigoo Muslim ah, ina haleeshii kuwa wanaagsan.
(102) 102. Kani waa wax ka mid ah wararka la xidhiidha waxa qarsoon aan muuqan oo aan kuu waxyoonno. Mana aad aheyn mid la jooga iyaga markay go’aansadeen arrinkoodii iyagoo abaabulayey shirqoollo.
(103) 103. Dadka badankiisuna ma rumeeyaan (Xaqa) si kastoo aad ugu dadaasho.
(104) 104. Wax mushaar ahna kuma weydiisatid (Qur’aan)kani darti; (Qur’aankani) wax kale ma aha aan aheyn waanada Caalamka.
(105) 105. Badanaa waxa calaamo ku sugan samooyinka iyo arlada ay soo maraan iyagoo ka jeedsan.
(106) 106. Badankoodna ma rumeeyaan Allaah iyagoo wax la wadaajinaya (cibaadada) maahee oo u shariig yeelaya.
(107) 107. Ee ma waxay (dadku) ka yihiin aamin inay u timaaddo daboosho Cadaabka Alle ah, ama ugu timaaddo Saacadda (Qiyaame) kedis iyagoon dareemeyn.
(108) 108. Dheh: Kani (Islaamka) waa jidkayga; Waxaan ugu baaqaa dadka xagga Ilaahay, Aniga iyo cid kastoo i raacdaba innagoo yaqiinsan oo ku sugan xujo cad. Xurmo oo dhanna waxaa iska leh oo (ceeb iyo nuqsaan) ka Hufan Alle, aniguna ka mid ma ahi mushrikiinta.
(109) 109. Ma aanu soo dirinna hortaa waxaan ahayn rag ka tirsan dadka magaalooyinka kuwaasoo aan u waxyoonnay. Ee ma waysan33 soconin dhulka oo fiirinin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa ka dhowrsada (xumaha). Ee ma waydaan garowsaneyn?
33.Kuwa beeniya Nabi Muxammad s.c.w.
(110) 110. Jeer markay Rusushu quustaan oo ya- qiinsadaan in la beeniyey, markaas ayaa waxaa u yimaada gargaarkayaga, oo aan badbaadinnaa ciddaan doonno, lagamana celiyo Baaskayaga qoloda Denbiilayaasha ah.
(111) 111. Waxaa ugu sugan qisooyinkooda cashar ay ku cibrad qaataan wax garadka. Ma aha (Qur’aankani) xadiis la been abuuran karo, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Ilaahay ah), iyo caddeynta wax kasta iyo hanuun iyo naxariis ciddii rumayn (Xaqa).