95 - Suurada At-tiin ()

|

(1) 1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka.

(2) 2. Iyo Buurta Siinaay.

(3) 3. Iyo magaaladan Aaminka ah (Makkah),

(4) 4. Waxaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan.

(5) 5. Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya.

(6) 6. Marka laga reebo kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin jar aan weligi go’ynin (Janno).

(7) 7. Maxaa kugu xamaabri (aadmigow) inaad beeniso arrinka is abaal marinta (Aakhiro)?

(8) 8. Sow ma aha Alle Kan u wanaagsan inta wax xukunta? (Haayoo, wuu Yahay).