(1) 1. Alif laam miim2.
(waa xuruuf ka mid ah alifbeetada afka Carabiga uu Qur’aanku ku soo degay, sidaas oo ay tahay ma jiro axad keeni kara xitaa Suuradda ugu kooban ee Qur’aanka Mucjisada weyn ah).
1. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha ka yeelina guryahiinna Qubuuro ee ku akhriya Qur'aanka, ogaadana gurigii lagu akhriyo suuradda Al-Baqarah ma soo galo shaydaan." W.w. Muslim iyo Axmad.
2. Suuradaha Qur’aanka qaarkood waxay ku billowdaan xarfaha alifbeetada, sida alif laam miim, alif laam raa, iwm waxay ka mid yihiin afar iyo toban xaraf oo ku billaabasho iyo furitaan ahaan ku soo arooray sagaal iyo labaatan suuuradood oo ku jira Qur’aanka. Inkastoo siyaabo kala duwan loo fasiray. Waxaa la yidhi xuruuftaas waa magacyada suuradaha, waxaa sidoo kale la yidhi waa baraarujin iyo soo jeedin ahaan dadka, waxaa kaloo la yidhi, waa tilmaan in Qur’aanka uu ku soo degay afka Carabiga ee ka kooban xarfaha alifbeetada sidaas oy tahay ma jiro cid la imaan karta isagoo kale oo keeni karta oo waa kitaab mucjiz ah. Inkastoo siyaabahaas kala duwan loo fasiray, laakiinse dhabta waxaa weeye Allaah keliya baa u cilm u leh oo ogsoon macaanidooda, oo og muraadka uu ka leeyahay iyo wuxuu ula jeedo.
(2) 2. Kitaabkani, shaki kuma jiro, waa u hanuun kuwa (dhowra amarrada ilaahay ee) iska jira (xumaha).
(3) 3. Kuwa rumeysan Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon sida malaa’igta, Jannada, Naarta, iwm), oogana salaadda, waxaan siinnayna wax ka bixiya.
(4) 4. Ee (ah)kuwa rumeysan waxa (Qur’aanka) lagugu soo dejiyey (Nabi Muxammadow), iyo waxa la soo dejiyey (oo Waxyi ah) adiga hortaa3, Aakhirona yaqiinsan.
3. Kutubta la soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w hortiis waa Towraadda, Injiilka, Zabuurka iyo Suxuftii Iibraahiim iyo kuwo kaleba.
(5) 5. Kuwaasaa ku sugan hanuun (toosan) xagga Rabbigood ah, waana kuwaa kuwa ah liibaanayaasha.
(6) 6. Kuwa Xaqa diida, waa isugu mid haddaad u digto iyo haddaadan u diginba, ma rumeynayaan.
(7) 7. Wuxuu Allaah ku dhigay shaabbad daahda quluubtooda iyo maqalkooda, araggoodana waxaa ku rogan dabool4. Waxayna leeyihiin cadaab weyn.
4. Dabool u diida qaadashada hanuunka. Arrintannina waxaa u sabab ah kibirkooda iyo ku madax adeyggooda denbiyada.
(8) 8. Dadka waxaa ka mid ah kuwo (munaafiqiin ah) yidhaahda: Waxaanu rumeysannahay Allaah5 iyo Maalinta Aakhiro oo aan ahaynba mu’miniin.
5. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa lay amray inaan la dagaallamo dadka intay ka qiraan oo yidhaahdaan ma jiro ilaah xaq lagu caabudo aan ahayn Allaah, iyo in Muxammad yahay Rasuulkii Ilaahay, hadday sidaas yidhaahdaan way iga ilaashadeen dhiiggooda iyo maalkoodaba, waxaan xaqeeda ahayn, xisaabintoodana waxaa leh Allaah Kor ahaaye.” W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim.
(9) 9. Waxay (dooni inay) dagaan Allaah iyo kuwa rumeysan, mase dagayaan waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana.
(10) 10. Quluubtooda waxaa ah cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm), markaasuu Allaah u kordhiyey cudur. Waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan waxay been sheegi jireen darteed.
(11) 11. Marka lagu yidhaahdo: Ha ku falina fasahaad arlada, Waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay uun sama doon.
(12) 12. Ogaada, hubaal, Waa iyaga kuwa wax bi’iska ahi, mase ay dareensana.
(13) 13. Marka lagu yidhaahdo: Rumeeya sida ay dadku u rumeeyeen,waxay yidhaahdaan: Ma waxaanu u rumeyn siday maangaabku u rumeeyeen? Ogaada, hubaal, waa iyaga kuwa maangaabka ahi, mase oga.
(14) 14. Markay la kulmaan kuwa (Xaqa) rumeeyey, waxay yidhaahdaan: Waanu rumaynay. Markase ay isla keli noqdaan shaydaamadooda (madaxdooda xun), waxay yidhaahdaan: Innagu idinkaynu idinla jidhnaa;waa uun iska jeesjeeseennay.
(15) 15. Allaah baa se ku jees-jeesi, wuxuuna kaga tagi keligood xadgudubkooda banbaxsan ee ay ku jaha wareersan yihiin indha la’aan.
(16) 16. Kuwaasi waa kuwa iibsaday habowga halkii hanuunka, sidaas awgeed ganacooda ma keeno wax faa’ido ah, Mana aha kuwo hanuunsan.
(17) 17. Mataalkooda, wuxuu ka dhigan yahay sida mid shitay dab; markiise uu ifiyey waxa hareerihiisa ah oo dhan, wuxuu Allaah ka qaaday nuurkoodii, ugana tegay gudcurro mugdi ah oo aanay waxba arkeyn
(18) 18.Waa dhego la’aan, af la'aan,indho la'aan, marka dib uguma soo laabtaan (Xaqa).
(19) 19. Ama (waa) sida roob darar ah ka yimaada daruuraha oo wata gudcurro madow, onkod, iyo hillaac: waxay geliyaan farahooda xagga dhegahooda biriqyada dartood baqe ay ka qabaan mowdka. Allena waa ku hareersan yahay gaalada.
(20) 20. Hillaacu wuxuu sigaa inuu dafo arragooda, mar kastoo u ifiyo (jidka) way ku socdaan, markase mugdi ku yimaado dushooda way joogsadaan. Hadduu Alle doonana, wuxuu la tegi lahaa maqalkooda iyo araggooda. Hubaal Alle wax walba Wuu Karaa (uu doono).
(21) 21. Dadow! Caabuda Rabbigiin, ee idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horreeyay, si aad u dhowrtaan (amarrada Ilaahay oo Isaga jirtaan xumaha).
(22) 22. Allaha idiinka yeelay dhulka gogol (fidsan), cirkana saqaf, idiinkana soo dejiyey daruuraha biyo (roob), kuna soo bixiyey midhaha risiqa idiin ah. Ee ha u yeelina Alle shariikyo (ilaahyo kale) aad la mid dhigtaan idinkoo ogsoon (inaysan jirin cid la mid ah).
(23) 23. Haddaad ka shakisan tihiinna waxaan ku soo dejinnay addoonkayaga ( Nabi Muxammad) oo waxyi ah, keena Suurad la mid ah, una yeedha markhaatiyadiinna (kaalmeeyayaashiinna) Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan.
(24) 24. Haddaydaan falin, mana faleysaane, iska jira Naarta shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxaan (sanamadii ay caabudayeen), ee loo diyaarshay gaalada.
(25) 25. Ugu bishaaree kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, inay leeyihiin beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qulqulaan. Mar kasta oo laga siiyo midho, Waxay odhan: Kani waa wixii hore naloo siiyey oo kale, waxaana la siiyey iyagoo isu eg (muuqaal ahaan kala duwan se dhadhan ahaan), waxayna ku leeyihiin dhexdeeda (Jannada) afooyin la daahiriyey, wayna ku dhex waari.
(26) 26. Allaah kama xishoodo inuu u soo qaato tusaale - kaneeco ama wax ka sii yarba6. Ma kuwa rumeysan, waxay og yihiin inuu yahay xaq ka yimid Rabbigood, kuwase gaaloobay waxay yidhaahdaan: Muxuu ugula jeedaa Alle tusaalaha kani? Wuxuu ku habaabiyaa in badan, kuna hanuuniyaa in badan. Kumana habaabiyo waxaan ahayn caasiyaasha.
6. Markay gaaladu yidhaahdeen: Maxaa looga jeedaa caarada iyo duqsiga lagu sheegay Qur’aanka buu Allaah Kor ahaaye soo waxyooday Aayaddan.
(27) 27. Ee ah kuwa ka baxa ballanka Ilaahay kaddib sugiddiisa, oo gooya waxa Allaah uu amray in la xidhiidhiyo (qaraabada), ee ku fala fasahaad arlada, kuwaasi weeye kuwa khasaaray7.
7. Khasaaro ama fisiq (caasiyoobid) ama dulmi (gef - gardarro) ama kufri (gaalnimo) oo lagu sheego cidaan muslim ahayn waxaa loola jeedaa heer gaalnimo weyn ee diinta bannaanka lagaga yahay, wixii se khasaaro ama fisiq ama dulmi ama gaalnimo ah oo Allaah ku sheego qof Muslim ah waxaa loola jeedaa inuu ku jiro dambi weyn aanse diinta looga bixin.
(28) 28. Sidee baad ugu gaaloobeysaan Allaah idinkoo ahaa meyti buu markaa idin nooleeyey, dabadadeed idin dhinsiin, dabadeedna idin soo nooleyn mar kale, kaddibna Xaggiisa la idiin soo celin.
(29) 29. (Alle) waa Kan idiin abuuray waxa dhulka korkiisa ah oo dhan. markaas u qasday samada, oo aheysiiyey toddobo samood, wax walbana wuu Og yahay.
(30) 30. (Xusna, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan yeeli dhulka facyo is xigsada oo maamula. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad yeelaysaa gudaheeda kuwo fasahaadsha oo dhiig daadsha, innagoo ku tasbiixsanna xamdigaaga, oo ku xurmo weyneyna. (Alle) Wuxuu yidhi: Waxaan ogahay wax aydaan ogeyn.
(31) 31. Alle wuxuu baray Aadam magacyada wax waliba, markaasuu u soo bandhigay malaa’igta oo yidhi: Ii sheega magacayda kuwani, haddaad run sheegaysaan.
(32) 32. Waxa yidhaahdeen: "Xurmo oo dhan Adigaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan lahayn. Ma lihin cilmi aan aheyn waxaad na bartay". Hubaal waa Adiga wax kasta Ogaha, Xakiimka ah.
(33) 33. (Alle) wuxuu yidhi: Aadamow! U sheeg magacyadooda. Markuu u sheegay magacyadooda, Wuxuu(Alle) yidhi: Miyaanan idinku odhan waxaan Anigu Ogahay waxaan muuqan ee jira samooyinka iyo arladaba, waxaana Ogahay waxaad muujisaan iyo waxaad qarisaanba?
(34) 34. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam (sujuud salaan ah), markaasay sujuudeen Ibliis mooyee, waa uu diiday oo isla weynaaday, oo ka mid ahaaday kuwa ka abaal dhaca Alle (oo ku caasiya Amarkiisa).
(35) 35. Waxaana nidhi: Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaga Jannada, oo ku cuna bashbash iyo barwaaqo meeshaad doontaanba, hase u dhowaannina geedkan, si aydaan ugu dhicin gef (denbi).
(36) 36. Shaydaanka baase ka sidbiyey oo ka soo saaray (halkaa) ay ku jireen (Jannada); Waxaana nidhi: Ka dega (dhammaantiin halkan) iyagoo qaarkiinba qaar u yahay cadow. Waxaadna ku leedihiin arlada degaan iyo sahay muddo go'an leh.
(37) 37. Markaasuu Aadam ka helay Rabbigiis ereyo uu ku ilhaamiyey8, wuuna ka toobad aqbalay. hubaal Waa (Alle) Toobad Aqbalaha, Naxariista Badan.
8. Allaah wuxuu baray Aadam kelmedo lagu tawbad dalbo uu ka aqbalay, waana kelmedaha ku soo arooray Suuradda Al- Acraaf Aayadda: 23.
(38) 38. Waxaanu nidhi: Ka dega xaggeeda (Jannada) dhammaantiin, markuu Xaggayga idiinka yimaado hanuun, qofkii raaca Hanuunkayga, ma cabsi qabi doonaan, mana murugoon doonaan.
(39) 39. Kuwase (Xaqa) diida oo beeniya Aayadahayaga, waa iyaga ehlu-Naarka, gudaheeday ku dhex waari.
(40) 40. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddayda aan idiinku nicmeeyey, oofiyana ballanteyda (idin saaran, ee ah inaad rumeysaan Nabi Muxammad), waxaan oofin ballantaan idinka qaaday (oo ah inaan markaas idinku abaalmariyo janno), Anigoo Keliyana iga cabsada.
(41) 41. Rumeeyana waxaan soo dejiyey (Qur’aanka) rumeynaya waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka), hana noqonnina kuwa u horreeya ee ku gaalooba (Qur’aanka iyo Nabi Muxammad), oo ha siisannina Aayadahayga (ku cad Kutubtiinna ee ka hadlaya imaanshaha Nabi Muxammad) qiimo yar (si aad u qarisaan), Anigoo Keliyana iga cabsada (oo iska jira Ciqaabkeyga).
(42) 42. Ha ku dheehina Xaqa waxaan jirin oo been ah, hana qarinnina Xaqa (imaanshaha Nabi Muxammad ee ku qoran Kutubtiinna Towraadda iyo Injiilka) idinkoo ogsoon.
(43) 43. Ooga salaadda, bixiyana Sakada, lana rukuuca jamaca Rukuucayaasha.
(44) 44. Ma waxaad amraysaan samaan dadka oo hilmaameysaan nafahiinna9 idinkoo akhriya Kitaabka? Miyeydaan wax fahmin?
9. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaa Maalinta Qiyaame la keeni nin oo lagu tuuri Naarta, markaasuu wuxuu ku dhex wareegsan ehlu Naarka sida dameerka ugu wareegsasdo shiidkiisa, markaasay isugu soo ururi ehlu Naarka oo weydiin: Hebelow, ma waadan fari jirin samaanta oo reebi jirin xumaanta, markaasuu wuxuu odhan: Waxaan fari jirey samaanta mana fali jirin oo reebi jirey xumaanta anigaana fali jirey.”
(45) 45. Kaalmaysta Sabarka iyo salaaddda, wayna ku weyn tahay (culus tahay) kuwa khushuuca badan mooyee.
(46) 46. Kuwa huba inay la kulmi Rabbigood, iyo inay Xaggiisa u soo laaban doonaan.
(47) 47. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmad- deyda aan idiinku nicmeeyey, iyo inaan idinka doortay dadkii (waqtigiinna Anigoo idiin soo diray Rusul oo idinku soo dejiyey Kutub oo idinka yeelay boqorro).
(48) 48. Iskana jira Maalin marka aysan nafi wax u tareyn naf kale, oo aan laga aqbaleyn shafeeco, lagana qaadanayn madax furasho, loona gargaareyn.
(49) 49. (Xus) markaan idinka badbaadinnay dadkii Fircoon10, ee idin dhadhansiiyey cadaab tan u daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegtaan), waxaana taas ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah.
10. Fircoon waa naynaas lagu magacabi jirey boqorradii Masar ee waa’ hore jirey, waxaa ku soo arooray taariikhda in Fircoonkii xukumayey Masar waagii Muuse uu ahaa Menephthan ina Ramsiis kaasoo xukumayey sannadkii 1224 - 1232 dhalashadii Ciise ka hor.
(50) 50. (Xus) markaan idiin kala dhanballay badda, oo aan idin badbaadinnay, oo aan qarqinnay dadkii Fircoon idinkoo arkaya.
(51) 51. (Xus) markaan la sameennay ballan Muuse muddo afartan habeen ah, markaas aad yeelateen dibi (aad caabuddaan) kaddib (markuu tagey), waxaadna tihiin daalimiin.
(52) 52. Markaasaan idin cafinnay intaas oo dhan kaddib si aad u mahdisaan.
(53) 53. (Xus) markaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kala saaraha (xaqa iyo baadilka) si aad u hanuuntaan.
(54) 54. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkaygiiyow! Waxaad dulmideen nafahiinna ka dhigashadiinna dibiga (ilaah). Ee u toobad keena Uumihiinna oo is dila11, Sidaasaa idiin khayr badan Uumihiinna xaggiisa, markaasuu (Alle) idinka aqbalay toobaddiinnii, hubaal waa Toobad Aqbalaha, Naxariista Badan.
11. “ Ee is dila”. waxaa lagu fasiray kuwii aanan caabudin dibiga inay dilaan oo laayaan kuwii caabuday dibiga, qolo kale waxay ku fasirtay inay kuwii caabuday dibiga iyagu is dileen dhexdooda, waxaana jira qolo ku fasirtay in la amray inay is dilaan kuwaasi toobad keen ahaan.
(55) 55. (Xusa) markaad tidhaahdeen: Muusow! Kuma rumeysaneyno jeer aan u aragno Allaah si caddaan ah. markaasaa biriq idinku dhacday idinkoo eegi.
(56) 56. Haddana waan idin soo nooleynay dhimashadiinnii kaddib, si aad u mahdisaan.
(57) 57. Waxaana har idiinka yeellay daruuraha, oo idiin soo dejinnay Manna (wax macaan malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimibireed sida Samaanka): Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan aanu idin siinnay; waxbana nooma dhimin, laakiin waxay uun dulmeen oo wax u dhimeen nafahooda.
(58) 58. (Xus) markaan nidhi: Gala magaaladan (Qudus), oo wax ka cuna meeshaad doontaanba bashbash iyo barwaaqo, galana albaabka idinkoo hoggaansan oo dhaha: Naga rid culeysyadayada (denbiyada), Waanu idiin dhaafi (markaa) gafafkiinna, waxaana u kordhin sama falayaasha (ajar).
(59) 59. Markaasay ku beddeleen kuwii dulmiga falay hadalkii lagu yidhi mid aan ahayn, markaasaan waxaan ku soo dejinnay kuwaasi dulmiga falay cadaab (daacuun) kaga yimid samada caasintoodii darteed.
(60) 60. (Xus) markuu Muuse u biyo doonay qolodiisii, markaasaan ku nidhi: Ku dhufo ushaada dhagaxa, waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood. Waxay (qolo) walbaa ogaadeen halkay ka cabbayaan biyaha. Cuna oo wax ka cabba risiqa Ilaahay hana ugu dhaqmina si foolxun arlada idinkoo ku faafinaya fasahaad.
(61) 61. (Xusa) markaad tidhaahdeen: Muusow! Kuma samri karno hal nooc oo cunto ah. Ee noo bari Rabbigaa ha noo soo saaro'e waxa dhulka ka soo baxa,oo leh bagalkiisa, qiyaarkiisa, sareenkiisa, toonstiisa, digirtiisa iyo basashiisaba. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad ku beddelaneysaan waxa khayr roon wax ka hooseeya? Dega magaalo uun, waxaad ka heli waxaad dalabteen. Oo dulli iyo darxumo baa lagu daboolay, oo la laabteen Cadho xagga Ilaahay (oo dushooda ah). Taasi waxaa ugu wacnaa waxay (marar badan) diideen Aayadaha Ilaahay, oo ku dileen Nabiyo gar darro. Taasi waxaa ugu wacnaa inay caasiyoobeen oo xadgudbi jireen.
(62) 62. Hubaal kuwa rumeeyey (ee ka mid ah ummaddan) iyo kuwii heystay Yuhuudiyada ama Nasaarada ama Saabbi’iinta (ka hor Nabi Muxammad s.c.w), kuwaa ka midka ah ee rumeeyay Allaah iyo Maalinta dambe (Aakhiro) oo sama falay, waxay ka heli abaalkooda xagga Rabbigood, cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan.
(63) 63. (Xusa) markaan idinka qaadnay ballan adag (Towraadda), oo kor u soo qaadnay Buurta dushiinna (Annagoo leh): Ku qaata waxaan idin siinnay (Towraadda) go’aan adag, xusana waxa ku yaal, si aad isaga jirtaan (xumaha).
(64) 64. Markaasaad jeesateen intaas kaddib, haddaanu Fadliga Ilaahay iyo Naxariistiisu korkiinna ahaateen, waxaad ka mid ahaan laheydeen kuwa khasaaray.
(65) 65. Oo dhab ahaan waad ogtihiin kuwaas idinka mid ah ee ku xadgudbay arrinkii Sabtida, Waxaanu ku nidhi: Noqda daayeerro dulleysan oo deyro ah.
(66) 66. Waxaana ka yeelnay ciqaabtan mid ay ku cibrad qaataan kuwaa joogay waqtigaa iyo kuwii ka dambeeyeyba iyo waano ku socota kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Ciqaabkiisa) .
(67) 67. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Allaah wuxuu idin amri inaad gowracdaan sac12. Waxay yidhaahdeen: Miyaad nagu jeesjeesi. Wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galayaa Alle inaan ka mid noqdo jaahiliinta.
12. Xikmadda gowricidda saca waa si looga gooyo qalbiyadooda xurmeynta dibigii ay horay u caabudeen. Markii qayb ka mid ah saca la gowracay lagu dhuftay ninkii la dilay. Wuxuu Allaah u soo celiyey nafta ninkii, kaasoo u sheegay ninkii dilay.
(68) 68. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa; inuu noo caddeeyo waxay tahay. (Muuse) wuxuu yidhi: (Alle) Wuxuu leeyahay, waa sac aan duq aheyn iyo ugub midna, oo u dhexeysa labadaa xaaladood; ee fala waxa la idin amray.
(69) 69. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waa maxay midabkee- du. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, Waa sac huruud ah oo midabkeedu cad yahay, ay u bogayaan arkayaasha.
(70) 70. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waxay tahay, lo’dii (oo dhan) baa isaga kaaya ekaatay, oo haddii Alle idmo waxaan ahaan kuwo hanuunsan.
(71) 71. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, waa sac aan loo tababarin inay fasho arlada ama inay waraabiso beeraha, ka maran ceeb, oo aan lahayn wax bar ah.Waxay yidhaahdeen: Haatan baad la timid xaqa. Markaasay gowraceen, inkastoy ku dhowaadeen inayan sameyn (cinaad darti).
(72) 72. (Xusa) markaad disheen nin, oo isku qabateen (cidda dishay), Allaah se wuxuu ahaa mid u soo saaraya debedda waxaad qarineyseen.
(73) 73. Markaasaanu nidhi: Ku dhufta (ninka la dilay) waax ka mid ah (sacaa la gowracay). Sidaasuu Alle u soo nooleeyaa meytida, wuxuuna idin tusaa calaamooyinkiisa si aad u garowsataan.
(74) 74. Markaasay qallashay quluubtiinnu intaa kaddib, waana sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo waxaa jira dhagaxyada qaar ay ka soo burqadaan webiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Ilaahay darteed13. Allena ma mooga waxaad falaysaan.
13. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaan garan dhagax ku yiil Makka oo I salaami jirey intaan lay soo dirin Nabi ahaan.”w.w. Muslim
(75) 75. Ee ma waxaad damac ka qabtaan (mu’miniintoy) inay wax idinka rumeystaan (Yuhuuddu) iyagoo koox ka mid ah ay dhageysan jireen Hadalka Ilaahay, haddana beddelaan (Towraadda)14 intay fahmeen kaddib iyagoo og (inay gefsan yihiin)?
14. waxaa loolaa jeedaa Yuhuuddii ku nooleyd Madiina ee beddelay Towraadda gaar ahaan wixii ku saabsanaa oo la xiriiray Nabi Muxammad s.c.w.
(76) 76. Markay la kulmaanna kuwa (Xaqa) rumeysan (Muslimiinta), waxay yidhaah- daan: Waan rumaysannahay, markase ay keli isla noqdaan qaarkoodba qaar, waxay yidhaahdaan: Ma waxaad uga warrameysaan waxa Allaah idiin caddeeyey15, si ay iyagu idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan wax fahmeyn?
15. Towraadda waxaa ku yiil caddeyn in Nabi Muxammad s.c.w. yahay kan lagu khatimayo anbiyada ilaahay, ha yeeshee Yuhuuddu way qariyeen iyagoo ka cabsaday inay ku dheef waayaan oo ka soo gaaro dhib iyo waxyeello.
(77) 77. Mawaysan se ogayn in Allaah ogsoon yahay waxay qariyaan iyo waxay muujiyaanba?
(78) 78. Waxaa ka mid ah (ehlu Kitaabka) caamo aan aqoon Kitaabka, hase yeeshee isku maaweeliya hididdiilooyin been ah, ee se iska maleeya uun (inuusan Nabi Muxammad ku qorneyn Kutubtooda).
(79) 79. Ee hoog waxaa leh kuwa ku qora Kitaabka isla gacmahooda, markaas yidhaahda: Kani wuxuu ka yimid xagga Ilaahay, si ay u siistaan qiimo yar. Hoog bay leeyihiin waxay gacmahooda qoreen darteed, hoog bayna leeyihiin waxay kasbadaan darteed.
(80) 80. Waxay (Yuhuuddu) yidhaahdeen: Naari nama taabaneyso waxaan aheyn ayaamo tirsan. Dheh: Ma waxaad ka heysataan ballan xagga Ilaahay, marka Allaah ma ka baxo ballankiisa? Mise waxaad ka sheegeysaan Allaah wax aydaan ogeyn?
(81) 81. Haayoo, Qofkii kasbadaa xume (ku dhaca shirki) ee uu gefkiisu hareereeyo, kuwaasu waa ehlu Naar, way ku dhex waari weligood.
(82) 82. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala16, kuwaasu waa ehlu Jannada, way ku dhex waari weligood.
16. Cabdullaah bin Mascuud a.k.r. Waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuul Allow camal kee baa u fiican? Wuxuu yidhi: Salaadda oo waqtigeeda la tukado, wuxuu weydiiyey: Maxaa xiga? Wuxuu yidhi: Labada waalid oo la wanaajiyo oo baarri loo ahaado. Wuxuu weydiiyey: Haddana maxaa xiga? Wuxuu yidhi: In loo jihaado Ilaahay darti. W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim
(83) 83. (Xusa) markaan la galnay Ilmahii Isaraa’iil ballan (leh): Ha caabudina waxaan ahayn Allaah, waalidkana u sama fala, qaraabada, agoomaha iyo masaakiinta, kulana hadla dadka hadallo san, oogana salaadda, oo bixiya Zakada, markaasaad jeesateen in yar oo idinka mid ah maahee oo (imminkana sidoo kale) dhinac baad u jeesataan.
(84) 84. (Oo xusa) markaan idinla gallay ballan (leh): Ha daadinnina dhiiggiinna (midkiinba midka kale), hana iska qixinnina guryahiinna, markaasaad qirteen idinkaana marag ka ah.
(85) 85. Haddana, waa isla idinka kuwa is-dila oo ka qixiya qaar idinka mid ah guryahooda, idinkoo isugu kaalmeyn denbi iyo colaad. Hadday idiin yimaadaanna iyagoo qafaal ah oo xidhan, waad madax furataan, iyadoo qixintooda ay xaaraan idinka ahayd. Ee ma waxaad rumeyney- saan qaar ka mid ah Kitaabka oo diidey- saan in kale oo ka mid ah17? Muxuu yahay abaalka kuwa idinka mid ah ee sidaa sameeya aan aheyn dulli nolosha adduunkan ah; Maalinta Qiyaamana waxaa loo celin cadaab tan ugu daran. Allena ma mooga waxaad falaysaan.
17. Dhammaan heshiiyadii iyo ballamahii ay galeen ilmo israa’iil ee ku xusan Aayadaha 83 iyo 84 waa ka baxeen oo khilaafeen. Waxaa taariikhda ku xusan in labadii qabiilood ee Yuhuudda ee ku nooleyd Madiina ee ahaa Banuu Quraydah iyo Banuu Nadiir uu ka dhexeeyey dagaal joogto ah., laakiinse haddii Yuhuudi ka tirsan labadan qabiilood ay qafaashaan qabiilo kale, sida qabiilada Aws oo xulufo la ahaa Banuu Quraydah, ama Khazraj oo xulufo la ahaa Banuu Nadiir waxay labada qabiiloba u kulmi jireen soo furashadiisa, waxay ahaayeen Yuhuuddu is eegato aan is oggoleyn.
(86) 86. Kuwaasi waa kuwa gatay nolosha adduunkan halkii Aakhirada, sidaas awgeed cadaabka lagama khafiifiyo loomana gargaaro.
(87) 87. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waxaana soo dirnay Rusul isaga kaddib midba mid kale xigsaday. Oo Waxaanu siinnay Ciise ina Maryam, xujooyin cad oo ku xoojinnay Ruuxda daahirka ah (Jibriil). Ee ma mar walba uu Rasuul idiinla yimaado waxaanay nafahiiinnu rabin, miyaa is kibrisaan markaas qaar beenisaan, qaarna disheen.
(88) 88. Waxayna yidhaahdeen: Quluubtayadu waa qufulan yihiin. Mayee, Allaah baa ku nacladay gaalnimadooda darteed, marka waa wax yar intay rumeeyaan.
(89) 89. Markuu u yimid Kitaab (Qur’aan) ka yimid xagga Ilaahay rumeynaya waxay haystaan, iyagoo ka hor ay baryi jireen guul laga siiyo gaalada mushrikiinta ah, markiise uu halkaa u yimid (Nabi) ay aqoonsadeen bay rumayn diideen. Ee nacladda Ilaahay dushooda ha ahaato gaalada.
(90) 90. Xumaa waxay ku gateen nafahooda, inay diidaan waxa Allaah soo dejiyey oo Waxyi ah xasad darti in Allaah uu ku soo dejiyo Fadligiisa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Marka waxay muteysteen cadho loo geeyey cadho18. Gaaladuna waxay leeyihiin cadaab dulleysa.
18. Cadho loo geeyey cadho, cadhada hore waa khilaafidooddii Nabi Muuse s.c.w iyo diiddadooda Nabi Ciise c.s. , tan labaadna waa diiddadooda Nabi Muxammad s.c.w.
(91) 91. Marka lagu yidhaahdo, Rumeeya waxa Allaah soo dejiyey (Qur’aanka), waxay yidhaahdaan: Waxaanu rumeysannahay waxa naloo soo dejiyey (Towraadda). Waxayna beeniyaan waxa la barbar ah (sida Qur’aanka), isagoo xaq ah rumeyn waxay haystaan. Dheh: Maxaad haddaba u disheen Anbiyadii Ilaahay kal hore, haddaad tihiin mu’miniin?
(92) 92. Wuxuuna Muuse idiin la yimid xujooyin cad, markaasaad ka dhigateen dibi (ilaah ahaan) maqnaashahiisii, waxaadna tihiin daalimiin.
(93) 93. (Xusa) markaan idinla galnay ballan, oo kor u qaadnay Buurta dushiinna: Xagsada waxaanu idin siinnay (Towraadda) si sugnaan leh oo ahaada daacad wax maqla. Waxay yidhaahdeen:Waan maqallay waana caasinnay. Waxaana laga waraabiyey Quluubtooda (jaceylkii) dibiga (ay caabudeen) gaalnimadooda darteed. Dheh: Xumaa wuxuu iimaankiinnu idinku amro haddaad tihiin mu’miniin.
(94) 94. Dheh: Haddii daarta Aakhiro Alle agtii ah ay tahay mid idiin gaar ah oo ayan wax ku laheyn cid kale oo dadka ka mid ah, bal janta dhimasho haddaad run sheegaysaan.
(95) 95. Mase jamanayaan waligood, waxay geysteen gacmahoodu awgii (oo denbiyo ah). Allena wuu og yahay daalimiinta.
(96) 96. Oo hubaal waxaad heli inay yihiin (Yuhuudda) kuwa dadka ugu damcid badan noolaansho, (waxay ka sii damac badan yihiin) weliba kuwaa ah mushrikiinta. Midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siiyo cimri dherer gaara kun sano. Cimri dhererna kama fogeeyo in yarna ha ahaatee cadaabka uu mudan yahay. Allena wuu arkaa waxay falayaan.
(97) 97. Dheh: Qofkii u ah cadow Jabriil – hubaal wuxuu ugu soo dejiyey (Qur’aanka) qalbigaaga Idanka Ilaahay, isagoo rumeyn wixii ka horreeyey, waana u hanuun iyo bishaaro mu’miniinta.
(98) 98. Qofkii cadow u ah Allaah iyo Malaa’igtiisa iyo Rusushiisa iyo Jabriil iyo Miikaal, Allena waa u cadow gaalada.
(99) 99. Waxaan kugu soo dejinnay (Nabi Muxammadow) Aayado cad, mana beeniyaan waxaan aheyn caasiyaasha.
(100) 100. Mar kasta oo ay ballan galaan (ah inay rumeeyaan Nabigii la soo diro oo ayan hiil siin mushrikiinta), waxaa ka baxa koox ka mid ah? Mayee, badankoodu (Yuhuuddu) maba ay rumeysna (diinta ay sheegan).
(101) 101. Markuu halkaa ugu yimid Rasuul ka yimid xagga Ilaahay (Nabi Muxammad) oo rumeyn waxay haystaan(ee ah Towraadda), ayaa koox ka mid ahi kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda) ka tuureen Kitaabka Alle (Towraadda) dhabarradooda gadaashood, sidii oo ayna garaneyn.
(102) 102. Waxay raaceen waxay shayaadiintu been shubayeen19 waqtiga xukunkii Sulaymaan. Sulaymaanna ma gaaloobin, shayaadiinta baase gaalowday, waxay bareen dadka sixir iyo wixii lagu soo dejiyey labadii Malag (ama boqor) ee Baabil, Haaruut iyo Maaruut, waliba labadaa cidna ma barin sixirka iyagoo horta ku yidhaahda maahee, innagu waxaanu nahay imtixaan, sidaa awgeed ha gaaloobin. Waliba markaa dadku waxay ka barteen labadaa waxay ku kala furi kareen nin iyo xaaskiis, kumana waxyeelleyn karin cidna Isagoo Allaah idmo ma’ahee. Waxayna barteen wax waxyeelleeyey oo aan wax tarin. Oo xaqiiq waxay ogaayeen (Yuhuudda in) kii iibsadaa (oo doortaa sixir halka Kitaabka Ilaahay) inaanu ku lahaaneyn wax saami ah Aakhirada. Xumaana qiimahii ay ku iibiyeen nafahooda, hadday ogaan lahaayeen.
19. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii u taga faal dhige wax sheega ama saaxir oo rumeysta waxa uu sheego waa qof ku gaaloobay waxa (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w.” w.w. An-Nisaa’i
(103) 103. Hadday rumeeyaan (Xaqa) oo ka joogaan xumaha, abaalgudka Ilaahay baa u khayr badan, hadday ogaan lahaayeen.
(104) 104. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha odhannina Raacinaa (na dhowr, macno kale oo xun se leh sida kii noogu xumaayow) ee waxaad tidhaahdaan, "undurnaa (na sug oo aan macno kale lahayn oo xun) oo ahaada daacad wax maqla. Gaaladana waxaa u sugnaaday cadaab xanuun badan.
(105) 105. Kuwa (Xaqa) diida ee ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiintaba ma jecla in wax khayr ahi idiinkaga yimaado (Muslimiintoy) xagga Rabbigiin. Allena wuxuu ugu doortaa si gaar ah Naxariistiisa cidduu doono. Allena waa Rabbiga leh Fadliga weyn.
(106) 106. Aayad kastoo aan nasakhno ama aan sababno in la illaabo, waxaan keennaa mid ka khayr badan ama la mid ah. Miyaadan ogeyn inuu Allaah wax walba Karo?
(107) 107. Miyaadan ogeyn in Alle leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, oo aydaan lahayn Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
(108) 108. Mise ma waxaad rabtaan inaad su'aalo hor dhigtaan20 Rasuulkiinna sidii Muuse horey loogu su'aalay. Qofkiina qaataa iimaan darro halkii Iimaanka, wuxuu ka lumay jidka toosan.
20. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Allaah wuu xaaraanshay muranka, maalka oo lagu baxsho wax xun oo reebban iyo su’aasha badan.” W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim.
(109) 109. In badan oo ka mid ah ehlul Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay jecel yihiin inay dib idiinku soo ceshaan gaalnimo Iimaankiinna kaddib, xasad ay idiin qabaan darteed, kaddib markuu u caddaaday Xaqa. Ee iska cafiya oo iska dhaafa, ilaa inta Alle uu ka keeno Amarkiisa. Allena wax walba wuu Karaa.
(110) 110. Salaadda ooga Zakadana bixiya, wax waliboo khayr ahna aad u hormarisaan nafahiinna, Waxaad ka heli Allaah agtii. Hubaal Alle waxaad fashaan waa Arkaa.
(111) 111. Waxay (Yuhuudda iyo Nasaarada) yidhaahdaan: Qofna ma galo Jannada aan aheyn mid ah Yuhuud ama Nasaaro. taasi waa hididdiiladooda maran21. Dheh: Keena caddayntiinna haddaad run sheegaysaan.
21. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii fala camal cibaado ah aan waafaqsaneyn amarkayaga lagama aqbalayo.”
W.w. Al-Bukhaari.
(112) 112. Haayoo! Qofkii isu dhiiba isagoo wada dhan Allaah oo isagu sama fale ah (raaca dowga Nabi Muxammad), wuxuu ka heleyaa abaalgudkiisa (ah Janno) xagga Rabbigiis, mana ahaaneyso cabsi dushooda (xagga waxa soo socda ee arrinka Aakhirada) mana ka murugoodaan (waxa ku seega adduunka).
(113) 113. Oo Yuhuudi waxay yidhaahdaan: Nasaaradu (Kirishtaanku) ma raacaan wax wanaagsan; Nasaaraduna waxay yidhaahdaan: Yuhuudi ma raacaan wax wanaagsan; iyagoo akhriya isku hal kitaab. weliba sidaasoo kalay yidhaahdaan kuwaasi aan cilmiga lahayn (mushrikiinta), sida waxay yidhaahdaan oo kale. Ee Allaah baa kala xukumi doona dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsan yihiin.
(114) 114. Yaa ka dulmi badan kan u diida (dadka) Masaajidda Ilaahay, in lagu xuso Magaciisa, oo ku dadaala inuu kharaabiyo? Kuwani kuma habbooneyn inay soo galaan iyagoo cabsanaya ma’ahee. waxay la kulmi dulli adduunkan, waxayna leeyihiin cadaab weyn Aakhirada.
(115) 115. Allaah baana iska leh bariga iyo galbeedkaba, sidaas awgeed meel kastoo aad u jeedsataan waxaa jira Wejiga Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Deeq Ballaarne, wax kasta Ogsoon. Fiiro gaar ah: Waxaa sidoo kale lagu fasiray qowlka Alle: فَثَمَّ وَجۡهُ ٱللَّهِۚ : "Meel walba oo aad u jeedsataan waa qiblo ilaahay", sida abbaarta ahse ee sii saxsan labada qowl waa in lagu fasiro Wajiga Ilaahay, inkastoo labadaa qowl ee culimadu ku wada fasireen Aayadda is diidaynin.
(116) 116. Waxay (Yuhuudda, Nasaarada iyo mushrikiinta) yidhaahdaan: Allaah wuxuu leeyahay wiil (ilmo). Xurmo oo dhan Isagaa iska leh oo hufan. bal wuxuu leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada, dhammaan Isagay adeecsan yihiin.
(117) 117. Waa unkaha samooyinka iyo arlada. markuu arrin gooyo, Wuxuu uun ku yidhaahdaa, Ahow, markaa wuu yahay.
(118) 118.Kuwa aan waxba ogeyni (mushrikiinta) waxay yidhaahdeen: Muxuu Allaah noola hadli waayey si toos ah ama calaamo ay noogu iman weydey (inaad Rasuul Alle tahay)? Weliba sidaas oo kalay yidhaahdeen kuwii ka horreeyay, wax la mid ah hadalkooda oo kale, Quluubtooda baa dhammaan ah kuwa isa shabbaha. Waxaanu uga dhignay Aayadaha caddaan ciddii yaqiinsan.
(119) 119. Waxaan Annagu kula soo dirnay (Nabiyow) Xaqa, bishaareeye iyo dige ahaan, waxnana lagaa weydiin maayo asxaabta dabka ololaya (ehlu Naarka, waayo xilkaagu waa gaarsiinta diinta keliya oo xil kaama saarna rumeyntooda).
(120) 120. Kaama raalli noqonayaan Yuhuuddda iyo Nasaaradu (Kirishtaanku) jeer aad raacdo diintooda (iyo dhaqankooda). Dheh: Hanuunka Ilaahay (Islaamka), kaasaa ah hanuunka (Xaqa ah). Haddaad raacdona hawadooda kaddib cilmiga kuu yimid, heli meysid xagga Ilaahay ilaaliye iyo gargaare midna.
(121) 121. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Qur’aanka) baa u akhriya siday tahay in loo akhriyo22, kuwaa baana rumeysan. Qofkii rumeyn diida kuwan weeye kuwa khasaari.
22. Kuwa u akhriya Qur’aanka si xaq ah waa kuwa ku dhaqma waxa uu Qur’aanku amro, oo ka jooga waxa uu ka reebay oo u akhriya sida uu Allaah u soo dejiyey.”
(122) 122. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddeyda aan idiinku nicmeeyey iyo inaan idinka kor marshay ummadahii (jiray waqtigiinnii).
(123) 123. Iska jirana Maalin aanay nafi abaal u galeyn naf kale, madax furashona laga aqbalayn, shafeecona aanay wax u tareyn loona gargaareyn.
(124) 124. (Xusna) markuu Rabbigi ku imtixaanay Ibraahiim ereyo cayiman, markaasuu wada oofiyey. Wuxuu yidhi: Waxaan kaaga dhigi Imaam (hoggaamiye) dadka. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Iyo qaar ka mid durriyadeydaba. (Alle) wuxuu yidhi: Axdigeyga kuma jiraan daalimiinta.
(125) 125. (Xus) markaan ka dhignay Beydka (Kacbada) rug ay dadku ugu soo qasdaan (Xaj iyo Cumro) iyo meel aamin ah. Kana yeesha meel lagu tukado maqaamkii Ibraahiim. Waxaanu u xil saarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil Annagoo leh: U daahiriya Beydkayga kuwa soo siyaarta, iyo kuwa ku ictikaafa, iyo kuwa rukuuca (oo) sujuuda.
(126) 126. (Xus) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow, ka dhig beledkani (Makkah) magaalo nabad ah, kuna galladeyso dadkeeda midho, kuwooda rumeysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro.(Alle) wuxuu yidhi: Qofkiise Xaqa diida, waxaan u raaxeyn in yar, markaas kaddib waxaan ku dirqin cadaab Naar ah, oo ugu xun hoy.
(127) 127. (Xus) markuu Ibraahiim kor u qaadayey aasaaska Beydka iyo Ismaaciilba (iyagoo leh): Rabbigayow! Naga aqbal, hubaal Waxaad Adigu tahay Maqlaha wax kasta ee wax kasta Ogsoon.
(128) 128. Rabbigayow! Naga yeel kuwo kuu hoggaansan (kana soo saar) durriyaddaya- da ummad kuu hoggaansan, nana tus hababkayaga cibaadeysiga, nagana toobad aqbal. Hubaal Waxaad Adigu tahay Toobad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.
(129) 129. Rabbigayow! U soo bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya Aayadahaaga, barana Kitaabka iyo Xikmadda oo daahiriya. Hubaal Waxaad Adigu tahay Adkaadaha, Xakiimka ah.
(130) 130. Yaa isaga taga diinta Ibraahiim (Islaamka), mid is caqli tira maahee? Waxaan hubaal ku doorannay (Ibraahiim) adduunkan, Aakhirana wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan.
(131) 131. (Xus) markuu Rabbigii ku yidhi: Hoggaansan, (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaan u hoggaansamay (Allaah) Rabbiga uumanka.
(132) 132. Wuxuu u dardaarmay isla arrinkaa Ibraahiim ilmahiisii, Yacquubna wuu u dardaarmay (wuxuuna yidhi): Wiilashaydow! Alle wuxuu idiin doortay diintan (Islaamka) ee ha dhimannina idinkoo aan Muslim ahayn.
(133) 133. Mise ma waxaad aheydeen goob joog markay geeridu u timid Yacquub? Markuu ku yidhi wiilashiisii: Maxaad caabudeysaan aniga kaddib? Waxay yidhaahdeen: Waxaan caabudeynaa Ilaahaaga iyo Ilaaha aabbayaashaa Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo isxaaq, oo ilaah keliya ah, Isagaaanu u hoggansannahay Muslimiin ahaan.
(134) 134. Taasi waa ummad tagtay: Waxay leedahay waxay kasbatay, idinkuna waxaad leedihiin waxaad kasbataan. Mana la idin weydiinayo inaad ka jawaab bixisaan waxay faleen.
(135) 135. Waxay (gaaladii) yidhaahdeen: Noqda Yuhuud ama Nasaaro, waad hanuuni. Dheh: Mayee, (waxaanu raaceynaa) diintii Ibraahiim (Islaamka), toosnahii, kamana aanu mid aheyn mushrikiinta.
(136) 136. Dhaha: Waxaanu aaminnay Allaah iyo waxa nalagu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii firkiisa ahaa, iyo wixii la siiyey Muuse iyo Ciise, iyo wixii laga siiyey Nabiyada xagga Rabbigood. Mana kala sooceyno axad ka mid ah, oo (Alle) baan u hoggaansannahay.
(137) 137. Hadday rumeeyaan waxaad rumeysan tihiin oo kale, waa kuwo hanuunsan, haddiise ay jeestaan waxay uun ku sugan yihiiin collaytan iyo cinaad. Allaah baana kaaga filnaan doona. Waana Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
(138) 138. Qaata Aslidda (diinta) Ilaahay, yaana ka wanaagsan Allaah aslid (diin) ahaan. Isagoo (Keliya) baanuna caabudnaa.
(139) 139. Dheh: Ma waxaad nagala doodeysaan arrinka Ilaahay Isagoo ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba? Waxaanu leennahay acmaashayada, idinkuna waxaad leedihiin acmaashiinna. Innaguna Isagaan daacad u nahay oo u Keli yeelnaa cibaadada.
(140) 140. Mise waxaad leedihiin in Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii ahaa firkiisa ahaayeen Yuhuud ama Nasaaro? Dheh: Ma idinkaa ogsoon mise Allaah? Yaa ka dulmi badan kan qariya marag uu ka heysto xagga Ilaahay? Allena ma mooga waxaad fashaan.
(141) 141. Taasi waa ummad tagtay. Waxay leedahay (abaalka) waxay kasabtay, idinkuna waxaad leedihiin waxaad kasbataan. Mana la idin weydiinayo inaad ka jawaab bixisaan waxay faleen.
(142) 142. Maangaabyada ku dhex jira dadka (Yuhuudda iyo mushrikiinta qaarkood) waxay odhan: Maxaa ka duway qibladdooda ay lahaayeen23? Dheh: Bariga iyo galbeedkaba waxaa leh Allaah; Wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jidka Toosan (ee Islaamka).
23. Ka hor amarka ku soo arooray Aayadda 144 in Nabiga s.c.w. iyo asxaabtiisa u jeedsadaan Kacbada Makkah ku taal markay tukanayaan, waxay u jeedsan jireen Muslimiinta Qudus oo xagga waqooyiga ah. Hirgelinta beddelidda qiblada waxaa lagu xusay Aayadaha xiga.
(143) 143. Sidaasaan idiinka dhignay ummad dhexdhexaad (caadil) ah, si aad marag uga ahaataan dadka24, iyo (si) uu Rasuulku marag idiinka ahaado. Kamana aanaan dhigin qibladdaad qaabili jirtay, waxaan ahayn inay kala muuqato qofka raaca Rasuulka iyo kan cirbihiisa rogta (gaalooba). Waxayna aheyd wax ku adag marka laga reebo kuwa uu hanuuniyey Alle. Allena ma aha mid ajar tiraya iimaankiinnii (salaadahiinnii). hubaal, Alle dadka waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay.
24. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi waxaa loo yeedhi doonaa Nuux c.s.Maalinta Qiyaamaha oo dhihi: Waa I kan oo adeeggaaga ahay, khayr oo dhanna waa xaggaaga Rabbiyow. Allaah wuxuu odhan: Ma gaarsiiyey Fartiinteydii ummaddaadii? Wuxuu odhan: Haah. Waxaa la weydiin doonaa ummaddiisa: Miyuu idin soo gaarsiiyey Fartiinteydii? Waxay ku jawaabi: mayee, nooma iman wax dige ah. Allaah wuxuu ku dhihi Nuux: Yaa haddaba kuu markhaati ah? Nuux wuxuu odhan: Muxammad iyo ummaddiisa, markaasay uga marag kacayaan inuu gaarsiiyey Fartiintii Ilaahay, Rasuulkuna s.c.w. idinku marag furi idinka, waana sidaas Qowlka Ilaahay : "Waa si aad ugu ahaataan marag dadka, Rasuulkuna (Muxammad s.c.w.) ugu ahaado marag korkiinna". W.w. Al-Bukhaari
(144) 144. Waan aragnaa ku gedgeddinta wejigaaga (eegidda) xagga samada. Ee Waxaan kuu jeedin Qiblad aad raalli ku tahay, ee u jeedi wajigaaga dhanka Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada), meel kastoona aad joogtaan, u jeedsha wejiyadiinna xaggiisa. Kuwa la siiyeyna Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) way og yihiin inuu yahay xaq ka yimid xagga Rabbigood. Allena ma mooga waxaad fashaan.
(145) 145. Haddaad u keento kuwa (madaxa adag) ee la siiyey kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) calaamo kasta ma ay raacayaan Qibladdaada. Adiguna ma ahid mid raacaya qibladdooda. Iyaguna ma aha kuwo raacaya Qibladda mid walbaa midka kale. Haddaad raacdo (gaalada) hawadooda kaddib Cilmiga kuu yimid, markaa waxaad ka mid noqon gar diidka.
(146) 146. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaaan (Nabi Muxammad ee ku yaal Kutubtooda) siday u gartaan wiilashooda. Koox ka mid ahna waxay qariyaan xaqa iyagoo ogsoon.
(147) 147. Xaqu wuxuu ka yimid Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabayaasha.
(148) 148. Mid walba wuxuu leeyahay jiho uu u jeesto (iyo hadaf uu higsado) uu Alle u jeediyey. Ee u tartama sama falka. Meel kastoo aad joogtaan, Allaah wuu idin wada keeni idinkoo dhan. Hubaal Allaah wax walba wuu Karaa.
(149) 149. Meel kastoo aad u baxdo (si aad u tukato) u jeedi wejigaaga xagga Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada); oo hubaal waa xaq kaaga yimid xagga Rabbigaa, Allena ma mooga waxaad fashaan.
(150) 150. Meel kastoo aad u baxdana (si aad u tukato) u jeedi wejigaaga jihada Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada), meel kastoo aad joogtaanna u jeediya wejiyadiinna jihadiisa (markaad tukanaysaan) si aanay dadku idiinku helin wax xujo ah kuwaa ka midka ah ee gar diidka ah mooyee, ee ha ka baqina, ee iga Baqa (waa Alle Keliya), si aan idiinku dhammeystiro Nicmaddayda korkiinna, iyo si aad u hanuuntaan.
(151) 151. Waliba sidaan u soo dirnay dhexdiinna Rasuul idinka mid ah oo idiin akhriya Aayadahayaga oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka iyo Xikmadda, oo idin bara wax aydaan hore u aqoon.
(152) 152. Ee i xusa aan idin Xusee25, oo ii mahad naqa hana iga abaal dhicina26.
25. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Allaah kor ahaaye wuxuu yidhi: Haddaad keli igu xusto, waan ku xusi si keli ah Nafteyda, haddaad I xusto adigoo dad la joogana waxaan kugu xusi kulan ka khayr badan kiinna.”
26. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Allaah wuxuu jecel yahay inay nicmadda raadkeeda ka muuqato addoomahiisa.”
(153) 153. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Kaalmaysta sabarka iyo salaadda. Hubaal! Allaah wuxuu la jiraa kuwa sabarka badan.
(154) 154. Ha ka odhannina kuwa lagu dilo jidka Ilaahay waa meyd; mayee way nool yihiin, laakiinse waydaan dareemeyn.
(155) 155. Waxaan idinku imtixaani wax xoogay cabsi ah iyo gaajo iyo nusqaamin maalka iyo nafaha iyo midhahaba ah, ee u bishaaree kuwa sabra.
(156) 156. Kuwa markay ku dhacdo musiibo, yidhaahda: Alle baa na leh27 oo Xaggiisaana u noqon.
27. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa la yaab leh xaalka mu’minka, hadduu kheyr helo wuu mahdiyaa, waana u kheyr, haddii dhib ku dhacana wuu ku sabraa, waxayna u noqotaa khayr. W.w. Al-Bukhaari
(157) 157. Kuwaasi weeye kuwa ay korkooda yihiin barakooyin xagga Rabbigood iyo naxariis, oo kuwaas weeye kuwa hanuunsan.
(158) 158. Saffa iyo Marwa waxay ka mid yihiin calaamooyinka uu cayimay Allaah. Ee qofkii u soo Xajiyaa Beydka (Makkah ku yaal) ama u soo siyaarta (Cumro inuu guto), ma jiro wax eed ah oo ka saarani inuu ku dawaafo labadaa (buur) dhexdood28, qofkii iskiis u falana khayr, hubaal Allaah waa Mahad naqe, wax kasta Ogsoon.
28. Mu’miniinta qaar waxay ka baqeen inay arritani tahay wax ka mid ah dhaqankii jaahiliyadda, markaasuu Allaah sheegay in sacyigu ka mid yahay acmaasha diinta. socodka iyo rucleynta toddob jeer Safa iyo Marwa dhexooda marka la xajinayo ama la cumraysanayo, wuxuu Ilaahay u sheegay inaysan denbi lahayn dawaafka labadaas buurood dhexdooda, waayo saxaabada qaarkood waxay ka dareemeen culays inay ku sacyiyaan halkaas, waayo waxay ahayd meel uu ka taagnaa sanam, oo waagii jaahiliyadda lagu sacyin jirey, si looga suuliyo dareenkaas buu Ilaahay u soo dejiyey Aayaddaas.
(159) 159. Kuwa qariya29 xujooyinka cad (imaanshaha Nabi Muxammad, Aayadda in dhagax shiid lagu dilo kuwa zinaysta iyagoo horay guur u soo maray ama reer leh) iyo hanuunka aan soo dejinnay, kaddib markaanu ugu caddeynay dadka Kitaabka (Towraadda), kuwani weeye kuwa uu Alle nacladi, oo kuwaa wax naclada (malaa'igta, iyo mu'miniinta) ay nacladi.
29. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii la warsado cilmi oo qariya isagoo yaqaan, waxaa lagu faruur xidhi Qiyaamaha faruur xidh dab ah”.
(160) 160. Kuwa toobad keena mooyee ee wanaagsanaada, oo si cad u muujiya (Xaqa ay qariyeen). Kuwani weeye kuwa aan ka toobad aqbali. Waxaana ahay Toobad Aqbale Badanaha, Naxariista Badan.
(161) 161. Kuwa (Xaqa) diida oo dhinta iyagoo xaq diid ah, kuwan weeye kuway korkooda tahay Nacaladda Ilaahay, iyo malaa’igta, iyo dadka oo dhan.
(162) 162. Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabka lagama khafiifinayo, mana la siiinayo nafis.
(163) 163. IIaahiinnu waa Ilaah keliya (Allaah), ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Naxariistaha, Naxariista Badan.
(164) 164. Abuurista samooyinka iyo arlada iyo is dhaafka habeenka iyo maalinta iyo doonyaha kula dhex maaxa badda wax anfaca dadka, iyo wuxuu Allaah ka soo shubo daruuraha oo biyo (roob) ah ee uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, oo uu ku fidsho gudaheeda (nooc) kasta ee nafleyda ah, iyo isbeddelka dabaylaha iyo daruuraha la sakhiray samooyinka iyo arlada dhexdooda, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii garasho leh.
(165) 165. Dadka waxaa ka mid ah kuwo yeesha Allaah sokadi wax ay la mid dhigaan oo u shariig yeelaan ayna u jecel yihiin siday u jecel yihiin Allaah. Kuwaase (Xaqa) rumeysan ayaa ka daran oo xooggan jaceylka ay u hayaan Allaah. Hadday arki lahaayeen kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), markay arkaan cadaabka, in Xoog oo dhan uu leeyahay Allaah, iyo in Allaah uu Daran yahay Cadaabkiisu.
(166) 166. Marka kuwii la raacay (ee madaxda ahaa) iska barii yeelaan kuwii raacay, oo ay arkaan cadaabka, oo uu kala go'o xidhiidhkoodii.
(167) 167. Kuwii raacayna waxay odhan: Haddii uun aan lahaan laheyn dib u laabasho (adduunka), markaa waxaan uga barii noqon lahayn siday nooga barii noqdeen. Sidaasuu Alle u tusi acmaashooda oo qoomammo daran ku ah. Mana aha kuwo laga soo bixin Naarta.
(168) 168. Dadow! Ka cuna xalaasha wanaagsan waxa laga helo dhulka30, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad.
30. Waxaa la soo weriyey in Sacad bin Abii Waqqaas a.k.r. ku yidhi Nabiga s.c.w.: Allaah ii bari inuu ducadayda aqbalo. Markaasuu Nabigu s.c.w. ku yidhi: Ahow xalaal quute, markaas ducadaada waa la aqbali.
(169) 169. Wuxuu (Shaydaan) uun idinku amraa xume fal iyo wax xille oo fool xun (sida zinada, xatooyada, cabbista khamrada, iwm), iyo inaad ka sheegtaan Allaah wax aydaan u lahayn aqoon.
(170) 170. Marka lagu yidhaahdona, raaca waxa uu Allaah soo dejiyey oo Waxyi ah, waxay yidhaahdaan: Mayee! Waxaanu raaci waxaan ka hellay Aabbayaashayo. Ma walow aanay aabbayaashood waxba garaneyn, oo ayan hanuunsanayn.
(171) 171. Mataalka gaalada waa sida mataalka mid u dhawaaqa (xoolo) aan maqlayn waxaan ahayn qaylo iyo dhawaaq. Waa kuwo (gaaladaa) dhego la’, af la’, oo indho la’. Marka wax ma fahmaan.
(172) 172. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan31 oo aan idinku galladeysannay, una mahad naqa Allaah, hadduu Isagu yahay Kan aad caabuddaan.
31. Xadiis wuxuu leeyahay: “Allaah wuu wanaagsan yahay, mana aqbalo waxaan ahayn wax xalaal lagu shaqeystey oo wanaagsan”.
(173) 173. Wuxuu uun idinka xaaraameeyay xoolaha iskood u dhinta (baqtiga), iyo dhiig, iyo hilib doofaar, iyo waxaa dushooda lagu xusay magac kale aan ahayn kaa Allaah. Qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanan dooneyn oo aan xad gudbeyn, ma jiro wax denbi ah oo saaran korkiisa. Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(174) 174. Kuwaa (Yuhuudda) qariya wax ka mid ah Kitaabka (Towraadda) uu Allaah soo waxyooday (inta ku saabsan tilmaamaha Nabi Muxammad iyo Aayadda Rajmiga) siistana qiimo yar, kuwaas ma cunaan oo geliyaan caloolahooda waxaan dab ahayn. Allaah lama hadlayo Maalinta Qiyaame, mana daahirinayo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
(175) 175. Kuwaa weeye kuwa iibsada habow halkii Hanuunka, iyo cadaab halkii Dambi Dhaafka. Ee intee buu yahay adkeysigoodu ay ku qaabilaan Naar.
(176) 176. Arrinkani waa inuu Allaah ku soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) Xaq. Kuwana isku khilaafa Kitaabka waxay ku sugan yihiin collaytan iyo cinaad fog.
(177) 177. Ma aha samahu inaad u jeedisaan wejiyadiinna bariga iyo galbeedka; waxaase sama ah inuu qofku rumeysan yahay Allaah, Maalinta Aakhiro, Malaa’igta, Kitaabka (Kutubta Alle) iyo Nabiyada, ee siiya maalka isagoo jecel32 kuwaa qaraabada ah, agoomaha, masaakiinta, musaafirka (go’doonsan), kuwa wax weydiista, iyo ku xoreynta addoomaha, ooga salaadda, oo bixiya Sakada, oofiyana ballantooda markay ballan galaan, oo samir yeesha waqtiga faqriga iyo jirrada iyo waqtiga dagaalka- Kuwaa weeye kuwa run sheegga ah, oo kuwaa weeye kuwa iska jira (xumaha).
32. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Sadaqo waxaa u fiican taad bixiso adigoo fayow, xoolo yar, rajeyn hodantinnimo, ka cabsan faqri”. W.w. Al-Xaakim.
(178) 178. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Waxaa la idiin qoray Qisaas xagga dilalka, xorka xor, addoonkana addoon, dheddigtana dheddig. Qofkiise laga siiyo cafis xagga walaalki (lagu tacaddiyey) markaa waa u raacasho ( diyo) si gar ah, waana in qiimaha magta loogu gudo si wanaagsan. Arrinkani waa fududeyn iyo Naxariis xagga Rabbigiin ah. Ee qofkii xadgudbaa intaas kaddib, wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan.
(179) 179. Waxaa idiinku sugan nolol xeerka dhaawac simidda dadka wax garadkow, si aad u dhowrsataan.
(180) 180. Dardaaran baa la idinku waajibiyey33 markay geeri ku soo dhowaato midkiin hadduu ka tagayo maal uu u dardaraamo labada waalid iyo qaraabada xigta si la yaqaan ah. Waa xil saaran kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Ciqaabkiisa) 34.
33. Dardaaranka waa inaysan dhaafin seddex maaleedoo meel maalka,
34. Aayaddanna lama xiririto warasada, waayo waxaa lagu nasakhay Aayadda dhaxalka ee Suuradda An-Nisaa Aayadaha 11-12.
(181) 181. Qofkii beddela (dardaaranka) inta uu maqlay kaddib, denbigeedu markaa wuxuu saaran yahay uun kuwa beddela. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Og.
(182) 182. Qofkiise uga cabsada eex ama denbi dardaaramaha ee ka sameeya heshiis35 qolooyinkaa dhexdooda oo wax hagaajiya, ma saarna denbi korkiisa. hubaal Allaah waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
35. Hagaajinta iyo sama ka talinta Aayaddu xustay waa amar in dardaarmaha uu ku caddaalad falo dardaarankiisa si waafaqsan xuduudda sharciga.
(183) 183. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Waxaa la idinku faral yeelay soon36 sidii loogu faral yeelayba ummadahii idinka horreeyay, si aad (u dhowrtaan amarrada ilaahay oo) isaga jirtaan xumaha.
36. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo denbiyo (yar yar) ah”.
(184) 184. Maalmo tirsan, ee qofkii idinka mid ah ee buka ama safar ah, markaa waxaa saaran (inuu soomo) isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. kuwaa aan awoodinna (inay soomaan)37 waxaa saaran fidyo ah inay quudiyaan miskiin38. Qofkii iskii u falaa khayr isagay u roon tahay. Inaad soontaan baa idiin khayr badan haddaad og tihiin.
37. Sida qofka buka ama kuwa da’da ah iyo haweenta uurka leh iyo tan ilmo nuujineysa
38. Inuu quudiyo miskiin maalin walba uu afuro.
(185) 185. Bisha Ramadaan ee Qur’aanka la soo dejiyey dhexdi, hanuun u ah dadka iyo xujooyinka cad ee leh hanuunka iyo kala saaridda (Xaqa iyo baadilka). Qofkii idinka mid ah ee goob joog ah bisha waa inuu soomo inta lagu jiro, qofkiina buka ama safar ah waxaa saaran isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. Allaah wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays, (wuxuu rabaa) inaad dhammeystirtaan tirada (maalmaha) iyo inaad xurmo weyneysaan Allaah inuu idin hanuuniyey darteed, iyo inaad mahdisaan.
(186) 186. Markay addoomahaygu i kaa weydiiyaan, Anigu waan dhowahay, waxaan ajiibaa baryada baryootamaha markuu i baryo (dhexeeye la'aan). Ee ha i ajiibeen hana i rumeeyeen, si ay u hanuunaan.
(187) 187. Waxaa la idiin banneeyay inaad u galmootaan xaasaskiinna habeenka soonka. Waxay idin yihiin hu’, idinkuna hu’ baad u tihiin. Allaah waa uu ogaa inaad khiyaamayseen39 nafahiinna, wuuna idinka toobad aqbalay oo idinka cafiyey (oo qaaday culeyskan). Ee haatan u taga (galmooda) iyaga oo doona waxa Allaah idiin qaddaray (oo ilmo ah), oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii, markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka. Hana u tegina (galmoonina xaasaskiinna) idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwani waa xudduudaha (uu dhigay) Allaah ee ha u dhowaanina. Sidaas buu Allaah ugu cadddeeyaa Aayadihiisa dadka si ay isaga jiraan (xumaha).
39. Intayan soo degin Aayaddan, galmada ninka iyo naagtiisa ma bannaaneyn habeennada ka horreeya maalinta la soomayo. Qaarkood way ku adkaatay inay ka joogaan xaasaskooda oo si qarsoodi ah u caasiyeen, mase khiyaameyn Allaah. Kaddib waa la idmay inuu habeenkii u tagi karo, maalintase aysan bannaaneyn.
(188) 188. Hana ku cunina maalkiinna dhexdiinna si xaq darro ah, idinkoo siin (laaluush) madaxda, si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah maalka dadka denbi idinkoo ogsoon.
(189) 189. Waxay wax kaa weydiinayaan Bilaha dhasha. Dheh: Waa waqtiyo loo cayimay dadka iyo Xajka. Mana aha samahu inaad guryaha ka soo gashaan duleedkooda40, waxaase sama ah in qofku iska jiro (xumaha), ugana imaada guryaha albaabbadooda, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle si aad u liibaantaan.
40. Waagii jaahiliyaddda qofka u xarman Xajka wuxuu ka soo gali jirey guriga duleedka iyo halka dambe, oo kama soo geli jirin horay, markaasay asxaabtii wax ka weydiiyeen taasi Rasuulkii Ilaahay, markaasay soo degtay Aayaddan.
(190) 190. Kula dagaallama Jidka Ilaahay kuwa idinla dagaallama, hana xadgudbina. Alle ma jecla xad gudbayaasha.
(191) 191. Ku dila (kuwaa weerarka idinku ah) meeshaad ka heshaanba, kana saara meeshay idinka saareenba. Fidnada (faafinta shirkiga iyo gaalnimada) baana ka daran dilka. Hana kula dagaallama Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi agtiisa in maahee ay iyugu (marka hore) idinkula dagaallamaan. Haddiise ay idinkula dagaallamaan la dagaallama. Waa sidaas abaal marinta gaaladuye.
(192) 192. Haddiise ay ka joogaan (xumaha), Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.
(193) 193. La dagaallama (gaalada) si ayna u jirin wax dambe oo fidmo ahi iyo dulmi, Diintuna u ahaato tan Alle oo keliya. Hadday ka joogaan (shirkiga iyo macaasida), markaa waa inaan colaad loo qaadin waxaan ahayn daalimiinta.
(194) 194. Bisha xurmadda gaarka ahi leh waxay u go’daa bisha xurmadda gaarka ah leh, dhammaanna waxyaalaha xurmadda gaarka ahi lihi waxaa jira qaanuunka dhaawac simidda. Qofkii idin ku soo xadgudba, idinkuna ku xadgudba in la mid ah intii uu idinku xadgudbay oo kale 41. Dhowra (xilkuu idin saaray) Allaah, ogaadana inuu Alle la jiro kuwa iska jira (xumaha ee ka amar qaata).
41. Haddii la soo wareero muslimiinta bilaha leh xurmmadda gaarka ah ee dagaalku caaggan yahay markaas waxaa u bannaan inay ka hortagaan weerarka isla bishaas.
(195) 195. Ku bixiya wax jidka Ilaahay, hana isugu tuurina gacamahiinna tahluko (wax bixin la'aan), una sama fala (dadka); hubaal Alle wuu jecel yahay sama falayaasha.
(196) 196. U dhammeystira Xajka42 iyo Cumrada Allaah darti. Haddiise la idinka xannibo (dhammeystirkooda), gowraca Hadyi43 waxaad heli kartaan ah, hana xiirina madaxyadiinna jeer hadyigu gaaro meesha gowraciisa. Qofkiise idinka mid ah ee buka ama ka qaba cudur oogada madaxiisa (oo xiira timahiisa isagoo xarman), waxaa saaran fidyo ah soomid44 ama bixin sadaqo45 ama neef gowracid46, markaadse aamin tihiin, Qofkii ka faa’ideysta inuu ku daraa Cumrada Xaj, waa inuu gowraco hadyi wuxuu heli karo ah, qofkiise aan heli karin (hadyi), waa inuu soomo seddex maalmood inta lagu jiro Xajka iyo toddobo maalmood markaad laabataan, intani waa toban buuxda. Arrinkani wuxuu ku gaar yahay midka aanay reerkiisu deggeneyn Masjidka Xaramka. Oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle. Ogaadana in Allaah ciqaabkiisu daran yahay.
42.Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii xajiya isagoo aan xajkiisa kula iman galmo iyo af lagaaddo, wuxuu noqdaa isagoo denbi ka ah sida maalintay hooyadi dhashay.” W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim.
43. Hadyi waxaa la yidhaahdaa waxa la gowraco si loogu kabo ka tegista waajib ka mid ah waajibyada Xajka, ama bixin kaffaarad haddaad fasho mid ka mid ah waxyaalaha ku caaggan Xajka.
44. Soomid seddex maalmood.
45. Quudin lix miskiin.
46. Gowrac neef ari ah ama ido.
(197) 197. Xajka (waxaa la gutaa) bilaha la yaqaan47. Ee qofkii goosta inuu guto Xaj dhexdooda markaa waa inaysan ka dhicin galmood48 iyo macsi iyo muran midna Xajka gudahiisa. Waxaad fashaan oo khayr ah, Allaah wuu og yahay, ee sahay qaata, hubaal sahayda ugu wanaagsan waa qofka oo iska ilaasha (xumaha). Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, dadka wax garadka ahow!
47. Bilaha xajka waa bisha Shawwaal, Dul Qacdah iyo Xajka. 48. Ar-Rafath waxaa loola jeedaa hadalka dareenka shahwada kiciya ama af lagaaddada ah ama galmada.
(198) 198. Ma aha korkiinna wax eed ah inaad doonataan Deeqda Rabbigiin49. Markaad ka soo dareertaan Carafaat, markaa ku xusa Allaah Mashcaril-Xaramka (Muzdalifa) agtiisa. Oo xusa sidii uu idiin hanuuniyeyba, inkastoo arrinkani ka hor aheydeen kuwo ka mid ah kuwa lunsan.
49. Ku sameynta ganacsi Xajka.
(199) 199. Markaas ka dareera meeshuu dadku ka dareero, weydiistana denbi dhaaf Ilaahay, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(200) 200. Markaad dhammeysataan cibaadoo- yinkiinna, Xusa Allaah sidaad u xustaan aabbayaashiin50 bal xusid ka badan51. Dadkase waxaa ka mid ah kuwo yidhaah- da: Rabbigayow! Wax nagu sii adduunka oo aan ku lahayn Aakhirada qaybna.
50.Waxaa caado u ahayd Carabta kaddib gudashada Xajka xuska awoowooyinkood, markay soo degtay Aayaddan waxaa lagu beddelay caadadan xusidda Ilaahay.
51. Waxaa loola jeedaa dikirga halkan qowlka Allaahu akbar, Subxaanallaah, Al-Xamdu Lillaah, iwm
(201) 201. Waxaana ka mid ah kuwo yidhaahda: Rabbigayow! Nagu sii wanaag adduunka , iyo wanaag Aakhirada, nagana badbaadi cadaabka Naarta.
(202) 202. Kuwaasi waxay leeyihiin qayb(tooda) ka mid ah waxay kasbadeen. Allena wuu ku Dhakhso Badan yahay xisaabta.
(203) 203. Xusa Alle inta lagu jiro maalmaha tirsan52; qofkiise degdega si uu u tago labo maalmood gudahood (waa maalinta 12aad ee Xajka), ma jiro wax denbi ah oo saaran, qofkiina dib u hara (Maalinta 13aad) ma jiro wax denbi ah oo saaran, (kani) waxaa iska leh kan iska jira (xumaha), oo dhowra (xilkuu idin saaray) Allaah, ogaadana in Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.
52. Maalmo tirsan waa seddexda maalmood ee xiga maalinta Ciidda Adxada waana maalinta kow iyo tobnaad iyo maalinta labo iyo tobnaad iyo maalinta seddex iyo tobnaad , waxaana loo yaqaan ayaamu tashriiq maalmaha hilba waradka.
(204) 204. Dadka waxaa ka mid ah mid uu ku cajab gelin hadalkiisu noloshan adduunka, oo u marag gashada Allaah waxa ku jira qalbigiisa, isagoo waliba ah kan u muranka badan colka53.
53. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Allaah wuxuu dadka u neceb yahay qofka dabciga xun, qallafsan, ee muranka badan”.w.w. Al-Bukhaari.
(205) 205. Markuu jeesadana wuxuu ku socdaa arlada si uu u fasaahadiyo oo u baabbi’iyo tallaalka iyo taranka, Allena ma jecla fasahaadka.
(206) 206. Marka lagu yidhaahdo, iska jir (Ciqaabka) Ilaahay; qabweyni u geyso denbi. Ee Naar baa ku filan, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo.
(207) 207. Dadkana waxaa ka mid ah mid iibsha naftiisa isagoo doonaya Raalli gelinta Ilaahay54, Allena wuu u Turid Badan yahay addoomahiisa.
54. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaan u ballan qaadayaa guri ooggagga jannada ah qofkii iska daaya doodaha iyo muranka gartaba ha lahaadee, iyo guri jannada dhexdeeda ah qofkii iska daaya beenta kaftanba ha ula jeedee, iyo guri halka jannada u sarreysa ah qofkii dabciga iyo dhaqankiisu wanaagsan yahay. (Abuu Daawuud).
(208) 208. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! U soo gala Islaamka si dhan waaxid iyo wadarba, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal! Wuxuu idiin yahay cadow cad.
(209) 209. Haddiise aad sidbataan kaddib iyadoo ay xujooyin cad idiin yimaadeen, ogaada inuu Allaah yahay Adkaade, Xakiim ah.
(210) 210. Ma waxay sugi (kuwaa aan u hoggaansaneyn Allaah) waxaan ahayn inuu Allaah ugu yimaado hogollo daruuro cad ah (si uu u kala xukmiyo uunkiisa) iyo malaa’igtu (si ay u fuliyaan Amarradiisa)? Arrinka (horey) baa loo gooyey. Xagga Alle baana loo celiyaa umuurahoo idil.
(211) 211. Weydii ilmahii Israa’iil intee baan calaamo cad siinnay. Qofkii beddela Nicmadda Ilaahay kaddib intay u timid, Alle Ciqaabkiisu wuu daran yahay.
(212) 212. Nolsoha adduunkan baa loo qurxiyey kuwa (Xaqa) diida, waxayna ku jeesjeesaan kuwa rumeysan, kuwase iska jira (shirkiga iyo xumefalka), iyaga baa ka sarreyn doona oo ka kor ah Maalinta Qiyaamaha. Allena wuxuu arzaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan.
(213) 213. Dadku (dhammaan) wuxuu ahaa ummad keliya (ka hor weecashadooda), markaasuu Allaah soo diray Nabiyada bishaareeyaal iyo digayaal ahaan,Wuxuuna la soo dejiyey Kitaabka oo Xaq ah si uu ugu kala xukumo dadka dhexdooda arrimaha ay isku khilaafeen, oo iskuma khilaafin waxaan ahayn isla kuwii (Kitaabka) la siiyey kaddib markay u yimaadeen Xujooyin cad xasad dhexdooda ah dartiis. Markaa- suu Allaah Idankiisa ugu hanuuniyey kuwaa rumeysan Xaqa waxay gudahooda isku khilaafeen. Allena wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jidka Toosan (ee Islaamka).
(214) 214. Mise ma waxaad mooddaan inaad gelaysaan Jannada iyadoo aanay idiin iman wax la mid ahi wixii u yimid kuwii tegay ee idinka horreeyey? Waxaa taabtay faqri iyo jirro oo la gilgilay jeer uu Rasuulku iyo kuwii rumeeyay la jirki ay yidhaahdeen: Goormuu iman Gargaarka Alle? Ogaada, Hubaal, Gargaarka Alle wuu dhow yahay.
(215) 215. Waxay ku weydiiyaan waxay tahay inay bixiyaan (nafaqo ahaan). Dheh: Wax kastoo aad bixisaan oo maal ah waxaa u mudan waalidiinta, qaraabada, agoomaha, masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), waxaad fashaanna oo khayr ah, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.
(216) 216. Waxaa la idinku waajibiyey inaad dagaallantaan inkastoo aad neceb tihiin, waxaa laga yaabaa inaad wax nacdaan isagoo khayr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad wax jeclaataan isagoo shar idiin ah, Allaah baana ogsoon, idinkuse ma ogidin.
(217) 217. Waxay wax kaa weydiinayaan bisha xurmadda gaarka ahi leh in la dagaallamo. Dheh: In dagaal la galo waa (xad gudub) weyn, (waxaase ka sii daran) Allaah agti ka hor istaagidda dadka raacidda Jidka Ilaahay iyo ku gaaloobiddiisa, in laga hor istaago dadka gelidda Masjidka Xaramka, iyo ka saaridda dadkeeda, fidnadaana55 ka daran dilka. Ma dayn doonaan (gaaladu) la dagaallankiinna jeer ay dib idiinka celiyaan diintiinna, hadday awoodaan. Qofkii idinka mid ah ee ka riddooba diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah, kuwaa weeye kuwa ay buri camalladooda adduunka iyo aakhiradaba, waana iyaga ehlu Naarka; wayna ku waari dhexdeeda.
55. Fidno waxaa soo galaya macnooyinkeeda gaalnimo, khilaaf, kala tag, dagaallo sokeeye, dulmiga, caddibaadda, caddaalad darrada, isku dirka, iwm.
(218) 218. Kuwa rumeeyay (Xaqa) ee soo haajiray (Ilaahay darti) ee ku jihaaday Jidka Ilaahay, kuwani waxay rajayn Naxariista Ilaahay. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(219) 219. Waxay wax kaa weydiin Khamriga56 iyo Qamaarka57. Dheh: Waxaa labadaba ku jira denbi weyn iyo wax tar ay dadka u leeyihiin, denbigoodase ka weyn waxtarkooda. Waxay ku weydiin maxay tahay inay bixiyaan. Dheh: Wixii dheeraad idinku ah. Sidaasuu Alle idiin ka dhigaa wax cad Aayadaha si aad uga fakartaan.
56. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma zineysto zaaniga isagoo mu’min ah, mana cabbo qof khamri markuu cabbayo isagoo mu’min ah, qofna wax ma xado markuu wax xadayo isagoo mu’min ah. Mana boobo oo ma wax dhaco isagoo mu’min ah”.
57. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii dhaarta oo ku yidhaahda dhaartiis waa igu Allaat iyo Al-Cuzzaa ha yidhaahdo: Laa ilaaha illal Laah, qofkii ku yidhaahdana saaxiibki kaalay aan qamaarnee, ha ka joogo (qamaarka) oo ha la baxo sadaqo. W.w Al-Bukhaari.
(220) 220. Noloshatan adduunka iyo Aakhirada- ba. Waxay wax kaa weydiin agoomaha. Dheh: Inaad u hagaajiso (arrimahooda) baa khayr badan, haddaad shuruko la noqotaanna waa walaalihiin. Allena wuu og yahay kan wax bi’iyaha ah iyo kan wax hagaajiyaha ah. Hadduu Alle doono, wuxuu idin hor dhigi lahaa dhibaatoooyin; hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
(221) 221. Ha guursannina haweenka mushrikadaha ah jeeray (Xaqa) rumeeyaan, addoonad mu’minad ah baana ka khayr roon mushrikad haba idin cajabisee. Hana u guurinnina (gabdhihiinna mu’mindaha ah) ragga mushrikiinta ah jeeray (Xaqa) rumeeyaan. Addoon mu’min ah baana ka khayr roon Mushrik haba idin cajabiyee. Kuwani waxay idiinku yeedhi Naar, Allena wuxuu idiinku yeedhi Janno iyo denbi dhaaf si idankiisa ah, wuxuuna u caddayn Aayadahiisa dadka si ay u xusuustaan.
(222) 222. Waxay wax kaa weydiin xaylka (dhiigga caadada ee dumarka ku dhaca). Dheh: Waxaa weeye waxyeello, ee ka fogaada dumarka waqtiga xaylka, hana u dhowaanina intay ka daahir noqdaan. Markay daahir noqdaan uga taga meesha Allaah idinku amray; Hubaal Alle wuxuu jecel yahay kuwa toobad keenka badan, wuxuuna jecel yahay kuwa isdaahiriya.
(223) 223. Xaasaskiinnu waxay idiin yihiin beer, ee u taga beertiinna markaad doontaanba, una hormrsada (khayr) nafahiinna. Dhowra (xilkuu idin saaray) Allaah, ogaadana inaad la kulmi doontaan, oo u bishaaree mu'miniinta.
(224) 224. Ha ka dhigina ku dhaarashadiina Alle wax idinka xanniba inaad sama fashaan oo ka joogtaan (xumaha), iyo inaad kala maslaxdaan dadka. Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
(225) 225. Allaah Idiin ma qabanayo dhaaro qasad la'aaneed aan niyad aheyn, wuxuuse idiin qabanayaa waxay quluubtiinna goostaan oo u bareeraan (dhaar niyad ah). Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
(226) 226. Kuwa ka dhaarta xaasaskooda (in muddo ah inaysan u galmooneyn), waxaa la sugayaa afar bilood58, Hadday ka soo noqdaan (Muddadaa ka hor), hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
58. Markay dhammaato muddada afarta bilood ah uu ka dhaartay xaaskiisa, waa in la joojiyo ilaa uu ka furo. Mana dhacayo furriinka jeer uu furo.
(227) 227. Hadday goostaanna furid, Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
(228) 228. Haweenka la furay waa inay u sugaan (guursigooda) saddex xayl (ama ka daahiroobid dhiigga caadada), mana u bannaaana inay qariyaan wuxuu Allaah ku abuuray riximyadooda, hadday rumeysan yihiin Allaah iyo Maalinta Aakhiro. Nimankoodaana u xaq leh inay soo ceshadaan muddadaas dhexdeeda, hadday rabaan heshiis; waxayna (haweenku) leeyihiin xuquuq inta lagu leeyahay oo kale oo si wanaagsan ah, nimankuse waxay dheer yihiin darajo (mas'uuliyad ah). Allena waa Adkaade, Xakiim ah.
(229) 229. Furitaan waxaa (lagu dhawaaqi karaa) labo goor, ee u haysta (haweenka) si wanaagsan, ama u sii daaya si wanaagsan. Idiinmana bannaana (raggow) inaad dib uga qaadataan wax ka mid ah waxaad siiseen (oo meher ah), in maahee ay labada dhinac ka cabsadaan inay oogi waayaan xuduudaha (uu dhigay) Alle, haddaad ka cabsataan inay dhowri waayaan xuduudaha (uu dhigay) Alle, markaa ma saarna wax eed ah korkooda waxa ay isku furato si ay u madax bannaanaato. Kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Alle, ee ha ku xadgudbina. Qofkii ku xadgudbaa xuduudaha (uu dhigay) Alle, waa kuwaa daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
(230) 230. Haddiise uu furo (mar seddexaad) uma bannaana wixii taa ka dambeeya jeer ay soo guursato nin kale. hadduu (ninkaasi dambe) furo (ama dhinto), ma saarna wax eed ah dushooda (haweentaa iyo ninkeedii hore) inay isku noqdaan, hadday dareemaan inay dhowri karaan xuduudaha (uu dhigay) Alle. Kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Alle, uu uga dhigo caddaan ciddii garasho leh.
(231) 231. Markaad furtaan haweenka, oo ay gaaraan muddadda loo qabtay, markaa ama u heysta si wanaagsan ama u sii daaya si wanaagsan. Hana u heysannina dhibaateyn si aad u xadgudubtaan, qofkii sidaas fala, wuxuu dulmiyey naftiisa. Ee ha ka dhigannina Aayadaha Ilaahay dheel-dheel, oo xusuusta Nicmadda Ilaahay korkiinna, iyo wuxuu idiin soo dejiyey oo ka mid ah Kitaabka iyo Xikmadda oo uu idinku waaninayo, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, ogaadana in Allaah wax walba Ogsoon yahay.
(232) 232. Markaad furtaan haweenka oo ay dhammeystaan muddadooda sugitaanka (ciddada), markaa ha ka hor istaagina guursiga nimankooda, markay ka heshiiyaan dhexdooda si la yaqaan. (Arrinkan) waa mid lagu waaniyo qofkii idinka mid ah ee rumeysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro. Arrinkani baa idiin wanaagsan oo idiin daahirsan. Allaah baana ogsoon oo idinku ma ogidin.
(233) 233. Hooyooyinku waa inay nuujiyaan ilmahooda labo sano oo kaamil ah, xagga kan isagu doonaya inuu taam yeelo muddada nuujinta, masruufkooda iyo marashadooda waa inuu xilkeeda qaado aabbaha si la yaqaan. Ma saarna nafna waxay awooddo maahee. Hooyona waa inaan laga yeelin inay dhibtooto ilmaheeda dartood iyo aabbe ilmaha uu dhalay dartood. Oo xil la mid ah (wuxuu saaran yahay) warasada (aabbaha). Haddayse labaduba doonaan inay ka gooyaan naaska raalli iyagoo ku ah wada tashi kaddib, ma jiro wax eed ahi oo saaran. Haddaad u doontaan hooyo nuujiso ah oo kale ilmahiinna, ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad siisaan (hooyada) waxaad ku heshiisaan (inaad siisaan) si la yaqaan. Oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Alle uu Arko waxaad fashaan.
(234) 234. Kuwiinna idinka mid ah ee dhinta oo ka taga xaasas gadaashood, waa inay sugaan afar bilood iyo toban maalmood, markay gaaraan muddadooda ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo si la yaqaan ah. Allena waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
(235) 235. Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxaad sarbeebtaan59 ee la xiriira u doonashada guur haweenkaa ama aad ku qarsataan (doonistaa) nafahiinna, Allaah wuu og yahay inaad xusi doontaan, laakiinse ha ugu ballan qaadina si qarsoodi ah guur inaad ku dhahdaan maahee hadal wanaagsan, hana tala goosannina inaad guur gashaan jeer ay dhammaato (ciddadu) muddada la qabtay ee qoran. Ogaadana inuu Allaah ogsoon yahay waxa ku jira nafahiinna, ee ka digtoonaada. Ogaadana inuu Allaah yahay Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
59. Waa haweenka ay ka dhinteen raggii qabay ama kuwo la furay furriin kama dambays ah, kuwase la furay furriin la soo ceshan karo ma aha in la doono ama xitaa si aan toos aheyn oo sarbeeb ah loogu muujiyo doonis guur.
(236) 236. Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad furtaan haweenka idinkoo aan weli taaban, ama aydaan u goyn wax meher ah, siiyana sahay, kan ladan tabarti, faqiirkuna tabarti, sahay la yaqaan, (kani) waa waajib saaran sama falayaasha.
(237) 237. Haddaad furtaan haweenka ka hor inta aydaan taaban, aadna u goyseen Meher, markaa siiya meherka aad u goyseen barki, inay iyagu cafiyaan maahee, ama uu cafiyo (ninka_waliga) uu ku jiro gacantiisa xarigga nikaaxa. Inaad cafidaan (waa ninka oo siiya meherkii oo kaamil ah ama inay iyadu iska cafido meherkaa nuskiisa ay leedahay) baa u dhow samaha (iyo Alle ka cabsiga). Hana halmaamina wanaagga dhexdiinna. Hubaal Allaah wuu Arkaa waxaad fashaan.
(238) 238. Dhowra (ilaaliya) salaadaha iyo salaadda dhexe60 una istaaga (salaadda) dar Alle idinkoo si run ah u adeecsan.
60. Salaadda dhexe sida ku cad xadiis saxiix ah waa salaadda Casarka. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii ay si ula kac ah u dhaafto salaadda Casar ilaa uu waqtigeedu baxo waa sida inuu waayey oo dhaafeen ehelkiisa iyo maalkiisa”. Werin kale waxay leedahay: “waxaa qofkaasi bura camalkiisa san oo dhan”.
(239) 239. Haddaad ka cabsataan (cadow, markaa tukada) idinkoo lug ku socda ama fuushan gaadiid. Markase aad nabad tihiin, markaa (ku) xusa Allaah (salaadda) siduu idiin baray waxaydaan aqoonin (u tukada sida caadiga ah).
(240) 240. Kuwaa dhinta ee idinka mid ah oo ka taga xaasas gadaashood, waa inay u dardaarmaan xaasaskooda masruuf sannad ah iyo guri ay degaan oo aan laga saareyn61, haddayse iskood u baxaan, ma jiro wax eed ah oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo gar ah. Allena waa Adkaade, Xakiim ah.
61. Arrinkan waxaa lagu nasakhay Aayadahaa dib laga soo dejiyey ee ku soo arooray 2: 234 iyo 4: 12
(241) 241. Haweenka la furo (waa in la siiyo) sahay la yaqaan. Kani waa xil saaran kuwa Alle ka cabsada ee iska jira (xumaha).
(242) 242. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadahiisa, si aad u fahantaan.
(243) 243. Miyaadan ogaan (qisada) kuwii (reer Israa'iil) ka soo baxay guryahoodii (ku yiil Masar) iyagoo kumanyaal ah iyagoo ka baqaya geeri (oo diiddan jihaadka)? Markaasuu Allaah ku yidhi: U Dhinta (silic iyo saxariir), oo nooleeyey (facii ka dambeeyey tiiha, markay oggoladeen jihaadka). Allaah waa u Roon yahay dadka, dadkuse badankiisu ma mahad naqaan.
(244) 244. Ku dagaallama Jidka Ilaahay, ogaadana inuu Alle yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
(245) 245. Kee baa amaahin Alle amaah wanaagsan (sadaqo la bixi ama siin deyn qof baahan kor saar la'aan) uu u labo laabaa laban laab badan? Allena wuu (ku) cidhidhiiyaa (risiqa cidduu doono) ama u ballaariyaa. Xaggiisaana la idiin soo celin.
(246) 246. Miyaadan ogaan (arrinka) xildhibaannadii ilmahii Israa’iil ee ka dambeeyey (waqtigii) Muuse? Markay ku yidhaahdeen Nabi loo soo diray: Noo magacow boqor, waxaanu u dagaallami Jidka Ilaahay. (Nabigooda) wuxuu yidhi: Ma laga yaabaa inaad dagaallami weydaan, haddii la idinku waajibiyo dagaal gal? Waxay yidhaahdeen: Maxaanaan ugu dagaalamayn Jidka Ilaahay innagoo nalaka soo saaray guryahayagii iyo carruurtayadii. Markiise lagu waajibiyey dagaalka dhabarkay jeediyeen, in yar oo ka mid ah maahee. Allena wuu og yahay daalimiinta.
(247) 247. Nabigoodii (Samuel) wuxuu ku yidhi: Allaah wuxuu idiin soo baxshay Daaluut boqor ahaan. Waxay yidhaahdeen: Sidee buu noogu noqon karaa boqor, innagoo uga xaq leh boqortooyada, lana siinin hayd iyo hanti ballaaran? Wuxuu yidhi: Allaah baa idinka xushay, wuxuuna siiyey kororsiin cilmi iyo jidhba ah. Allena wuxuu siiyaa boqortooaydiisa qofkuu doono. Allena waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon.
(248) 248. Nabigoodii (Samuel) wuxuu ku yidhi: Astaanta mulkigiisa waxaa weeye inuu idiin yimaado taabuut (sanduuq) ay ku jidho xasilooni ka timid Rabbigiin iyo haraa ah waxay ka tageen reer Muuse iyo reer Haaruun oo ay siddo malaa’ig. Arrinkani waxaa idiinku sugan calaamo haddaad tihiin mu’miniin.
(249) 249.Markuu Daaluud la baxay ciidammadii, wuxuu yidhi: Allaah wuxuu idinku imtixaani webi. Ee qofkii ka cabbaa, iga mid ma aha, qofkiise aan dhadhamin waa iga mid, mid isagu mar ku darsada gacantiisa ma’ahee; markaasay ka cabbeen in yar maahee. Markaasuu markuu ka gudbay (webigii) isaga iyo kuwii rumeeyay ee la jiray, waxay yidhaahdeen: Ma lihin maanta awood aan kaga hor tagno Jaaluut iyo ciidammadiisa. Kuwiise yaqiinsanaa inay la kulmayaan Rabbigood,waxay yidhaahdeen: Badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan Idanka Ilaahay, Allena wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha.
(250) 250. Markay u soo muuqdeen Jaaluut iyo ciidammadiisii, waxay yidhaahdeen: Rabbigayow! Nagu shub samir oo noo sug cagahayaga, oo guul naga sii qolodan gaalada ah.
(251) 251. Markaasay ku jabiyeen Idanka Ilaahay, Daawuudna dilay Jaaluut, wuxuuna Allaah siiyey (Daawuud) boqortooyo iyo xikmad, uuna baray wax ka mid ah wuxuu doono. Haddayan jirin ku celin Alle dadka qaarba qaar kale, waxaa fasaadi lahaa arlada. Laakiinse Allaah waa u Roonaan badan yahay uumanka.
(252) 252. Kuwani waa Aayadaha Ilaahay, aanu kuugu akhrinno si xaq ah. Hubaal adiguna (Muxammadow) waxaad xaqiiq ka mid tahay Rususha (Ilaahay).
(253) 253. Rusushan waxaan ka yeelnay qaar ka mid ah inay dheer yihiin fadli qaar kale oo iyaga ah; waxaa ka mid ah kuwo uu Allaah (toos) ula hadlay (sida Aadam, Muuse, iyo Muxammad); wuxuuna kor u qaaday qaarkood darajooyin (Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise iyo Muxammad); Waxaanuna siinnay Ciise, ina Maryam, Xujooyin cad, oo ku xoojinnay Ruuxda Daahirka ah (Jibriil). Hadduu Allaah doono, facyadaas xigsaday ma ay is dagaaleen, kaddib markay Xujooyin cad u yimaadeen, laakiinse (wuxuu siiyey akhyaar xagga diinta, sidaa awgeed) way iskhilaafeen – marka waxaa jiray qaar ka mid ahaa ee rumeeyey, iyo kuwo (Xaqa) diiday. Hadduu Alle doonona, ma ay is dagaaleen, laakiinse Allaah wuxuu falaa wuxuu doono.
(254) 254. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wax ka bixiya waxa aan idinku arsaaqnay ka hor inta aanay imaan Maalin aanay jirin beecshuro, saaxiibtinnimo iyo shafeeco midna, gaaladuna waa iyaga daalimiinta.
(255) 255. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Weligi Noolaha, Daryeelaha waxa uunka jira, ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Wuxuu leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada. Waa kuma kan agtiis shafeeco qaadi kara Isagoo idmo maahee? Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah. Mana koobi karaan (uumankiisa) wax ka mid ah Cilmigiisa wuxuu doono ma’ahee. Kursigiisu62 wuu ka ballaadhan yahay oo koobaa samooyinka iyo arlada, mana cusleeyaan ilaalintoodu63, waana Sarreeyaha weyn64.
62. Kursiga waa halka cago dhigashada Ilaahay Cazza Wajalla, mana jiro cid og sida uu yahay, waana inaan la isku khaldin Kursiga iyo Carshiga, Carshiga waa ka weyn yahay Kursiga oo wuxuu u yahay sida farraati yar ee lagu tuuray dhul hayjad ah. waxaa sidoo kale lagu fasiray Kursiga Cilmiga Ilaahay.
63. Nabigu s.c.w. wuxuu mar weydiiyey Ubay bin Kacab: Aayaddee baa u weyn Qur’aanka? Ubay wuxuu ku jawaabay: Allaah iyo Rasuulkiisa baa iga sii ogsoon. Markaasuu Nabigu s.c.w. mar kale weydiiyey: Ubay wuxuu yidhi: Aayatul Kursi. Markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha kuu shifoobo cilmiga Abuu Mundirow.
64. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii akhrista Aayatul Kursi habeenka marka uu seexanayo wuxuu Ilaahay u yeelaa malag waaridiya ah oo ilaaliya, umana soo dhowaado shaydaan ilaa waagu baryo”.
(256) 256. Ma jirto wax isku khasbid ah (aqbalaadda) diinta. Hanuunka wuxuu noqday mid si cad uga muuqda habowga. Ee qofkii diida Daaquudka65 (shaydaanka) oo rumeeya Allaah, wuxuu ku dhagey siddada adag ee aan go’ayn. Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
65. Daaquud waa shaydaan iyo wax kastoo la caabudo Allaah sokadi oo ku raalli ah arrinkaa. Waxaa soo galaya sidoo kale sanammada, arwaaxda, dadka la caabudo, iwm.
(257) 257. Allaah waa waliga66 (gargaaraha) kuwa rumeysan. Wuxuu kaga saaraa mugdiyada xagga Nuurka67. Kuwase aan (Xaqa) rumeysneyn gargaarayaashoodu waa shaydaammada Waxay kaga saaraan Nuurka xagga mugdiyada. Kuwani weeye ehlu Naarka, gudaheeda bay ku dhex waari.
66. Wali waxaa halkan loola jeedaa difaace, taageere, gargaare, sokeeye, iwm.
67. Nuurka waa mid oo waa Xaqa, halka mugdiyada badan yihiin sida shirkiga, gaalnimada, shakiga, nifaaqa, macaasida, iwm.
(258) 258. Ma waadan u fiirsan kaa (Namruud) ee kala dooday Ibraahiim arrinka Rabbigi, inuu Alle siiyey boqortooyo darteed? Markuu Ibraahiim yidhi: Rabbigay waa Kan bixiya nolol ee sababa dhimasho. wuxuu yidhi: Aniguba waxaan bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho68. Ibraahiim wuxuu yidhi: Allaah wuxuu qorraxda ka soo saaraa xagga bari ee adigu ka soo saar xagga galbeed. Markaasuu kaa gaaloobay amakaag aamusay. Allena ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.
68. Nooleyn isagoo midna sii daayey midna dilay, wuxuuna sidaas u yidhi oo u yeelay ku jeesjees Ibraahiim c.s.
(259) 259. Ama sida kaa (Cuzayr) ee soo ag maray magaalo, oo iyadu iskula soo kor duntay saqafyadeedii; wuxuu yidhi: Goorma buu Alle nooleyn tani dhimashadeeda kaddib? Markaasuu Allaah sababay inuu mowtanaado boqol sano, markaas soo nooleeyey. Wuxuu yidhi: Intee baad negaatay? wuxuu yidhi: Waxaan negaaday maalin ama maalin gelinkeed. Wuxuu yidhi: Mayee, waxaad negaatay boqol sano, ee eeg cuntadaadii iyo cabbitaankaagii, waayuhu ma doorin; eegna dameerkaagii, waxaanuna kaaga dhigaynaa calaamo dadka. Eeg lafaha, sidaan isugu soo ururinno, markaas aan u huwinno hilib; markay u caddaatay wuxuu yidhi: Waxaan ogahay inuu Alle wax walba Karo.
(260) 260. Oo (xus) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! I tus sidaad u nooleyso meytida. Wuxuu yidhi: Miyaadan rumaynin? Wuxuu yidhi: haayoo, laakiinse, inuu ku sii dego (Iimaanka) qalbigeyga. Wuxuu yidhi: Soo qaado afar shimbirood, iskuna camuuji, markaas dhig buur walba korkeeda qayb ka mid ah (googga'a) shimbiraha, markaas u yeedh, waxay kuu imaan iyagoo duulaya. Ogowna in Alle yahay Adkaade, Xakiim ah.
(261) 261. Mataalka kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Ilaahay, wa sida mataalka iniin bixisa toddobo madax, madax walba bixiyo boqol xabbo. Allena wuxuu u labo laabaa (ajarka) qofkuu doono69. Allena waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon.
69. Waxaa ku soo arooray xadiis in Nabigu s.c.w. yidhi: Qofkii ku bixiya maal jidka Ilaahay waxaa loo labo laabi toddobo boqol oo jeer.
(262) 262. Kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Ilaahay, markaas aan raacinin waxay bixiyeen waxtar sheegasho70 iyo waxyeello midna, waxay abaalgudkooda ka heli Rabbigood agti, ma cabsi qabi doonaan, mana murugoon doonaan.
70. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma gali doono janno caasi waalidka, kan ugu faana dadka waxtar uu u sameeyey iyo abaal uu u galay ee sheegsheega, iyo khamriya cabka iyo beeniyaha Qaddarka. W.w. Axmad
(263) 263. Hadal san iyo saamaxaad baa ka roon sadaqo ay raacdo waxyeello. Allena waa Deeqtoone, Dulqaad Badan.
(264) 264. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku burinnina sadaqooyinkiinna waxtar sheegasho iyo waxyeello, sida kan u bixiya maalkiisa istuska dadka, oo aan rumeysnayn Allaah iyo Maalinta Aakhiro. Marka mataalkiisu wuxuu ka dhigan yahay sida sallax ciidi kor saaran tahay, oo uu helo mahiigaan roob ah oo markuu qaado soo baxo meel maran. Ma kari doonaan in waxba ay ku helaan waxay kasbadeen, Allena ma hanuuniyo qoloda gaalada ah.
(265) 265. Mataalka kuwa u bixiya maalkooda doonista Raalli gelinta Ilaahay iyo sugitaanka nafahooda darteed, waa sida beer ku taal meel taag ah oo uu helo mahiigaan roob ah oo soo saarta midhaheeda labolaab. haddiise aanu helin mahiigaan roob weyn ah uu ku fillaado roob yar. Allena waxaad fashaan wuu Arkaa.
(266) 266. Miyuu midkiin jecel yahay inuu lahaado beer timir iyo canab leh, oo ay hoostoodu qulqulayaan webiyo, oo ay ugu yaallaan midho kasta, oo da’i hesho, uuna leeyahay ilmo tabar yar, markaas ay ku dhacdo beertii xiisad dabeyl ah oo dab wadata oo ay gubato? Sidaasuu Alle idiinka dhigaa Aayadaha caddaan, si aad uga fikirtaan?
(267) 267. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wax ka bixiya waxyaalaha wanaagsan aad kasbataan iyo waxaanu idiinka soo saarnay arlada, oo ha u kas bixinnina kiisa xun71, oo idinkuba aydaan ku qaadateen indho isku qabsasho maahee. Ogaadana inuu Allaah yahay Deeqtoone, Ammaanan.
71. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii sadaqeysta maal xaaraan ah lagama aqbalo, hadduu ka tagana maal xaaraan ah wuxuu ku noqon dab naareed”.
(268) 268. Shaydaan wuxuu idiinku gooddiyaa faqri, wuxuuna idin amraa inaad ahaataan bakhayllo masuug badan; Allena wuxuu idiin ballan qaadaa denbi dhaaf Xaggiisa ah iyo deeq badan, Allena waa Deeq Ballaadhane, wax kasta Ogsoon.
(269) 269. Wuxuu siiyaa xikmad qofkuu doono, qofkii la siiyona xikmad, waxaa la siiyey khayr tiro badan. mana xusuustaan waxaan aheyn wax garadka.
(270) 270. Waxaad bixisaan oo sadaqo ah ama aad nadartaan oo nadar ah, Allaah wuu ogsoon yahay. Daalimiintana ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).
(271) 271. Haddaad u bixisaan sadaqooyinka si caddaan ah, waa hagaag, haddaadse qarisaan, oo aad siisaan fuqurada, waa sida idiin khayr badan. Waxaana la idiinku dhaafi wax ka mid ah camalladiinna xun. Allena waxaad fashaan waa u Xog Ogaal.
(272) 272. Hanuunkoodu ma aha xil ku saaran, Alle baase hanuuniya qofkuu doono. Waxaad bixisaan oo khayr ah, idinka naf ahaantiinnay u roon tahay, oo idinku wax ha u bixinnina aan ahayn doonista Wajiga Ilaahay. Waxaad bixisaan oo khayr ahna waa la idiin oofin si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmineyn.
(273) 273. (Sadaqada) waxaa ugu mudan in la siiyo Fuqarada u heegan xayirmay Jidka Ilaahay, ee aan kareyn dhoof iyo dhaqdhaqaaq dhulka (ay xoogsi ku raadsadaan) midka aan aqooni uu moodayo inay hodan yihiin naf samaantooda awgeed iyo ka dhowrsigooda (baryada), waxaad ku garan kartaan astaamahooda, ma ay baryaan dadka sideedaba. Waxaad bixisaan oo khayr ah, Allaah wuu Ogsoon yahay.
(274) 274. Kuwa bixiya maalkooda habeen iyo maalinba, qarsoodi iyo caddaanba, waxay ka heli abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan.
(275) 275. Kuwa Ribada qaata kama soo kacaan (qubuurahooda) waxaan aheyn sida mid uu sheydaan ku daandaanshay taabashadiisa u kaco72. Sidaasi waxaa ugu wacan inay yidhaahdaan: Beecshurada wax kale maahee waxay uun la mid tahay ribada; Allaah wuu xalaaleeyey beecshurada oo xaaraameeyey Ribada. Qofkii waano uga timaaddo Rabbigi markaa iska daaya, wuxuu leeyahay wixii horreeyay; arrinkiisana Alle buu la jiraa; qofkiise u noqda, waa kuwan kuwa ehlu Naarka ah, way ku dhex waari doonaan.
72. Riba qaataha ma xasilo, ma deggana, oo waa sida qof waalan oo dhacdhacaya. 73. Ribadii la qaatay ka hor soo degidda Aayaddan way bannaan tahay inaan la soo celin.
(276) 276. Alle ma barakeeyo Ribo, oo sababaa Sadaqooyinka inay bataan. Allena ma jecla mid kastoo abaal laawe ah, denbi badan.
(277) 277. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo ooga salaadda oo bixiya Zakada, waxay ka heli abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan.
(278) 278. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (xilkuu idin saaray) Allaah oo iskaga taga waxa ka baaqi ah (kor saarka) ribada, haddaad tihiin mu’miniin.
(279) 279. Haddiise aydaan falin sidaa, markaa ku tala gala dagaal uu idinku qaado Allaah iyo Rasuulkiisu, haddaad toobad keentaan, waxaad leedihiin raasumaalkiinna, waa inaydaan wax u dhimin (deyn qabaha) oo kor saar ka qaadan, idinkana waa inaan waxba la idinka dhimin (raasumaalkiinna ka mid ah)74.
74. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaan ku imid habeenkii lay dheelmay dad aad u caloolo waaweyn oo xaalad xun ku jira, waxaan idhi waa kuwama kuwaani? Wuxuu yidhi: waa kuwa cuna ribada.”
(280) 280. Haddii (deymeysanuhu) daneynsan yahay waa in laga sugo (deynta) intay uga fududaato (bixinteeda), oo inaad u dhaaftaan baa idiin khayr badan, haddaad ogaan lahaydeen75.
75. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaa jirey nin ganacsade ah oo dadka wax amaahin jirey, markiise uu arko nin daneysan wuxuu odhan jirey: “U dhaafa oo iska cafiya si Allaah noo cafiyo oo noogu dambi dhaafo, markaasuu Allaah u dambi dhaafay.” Al-Bukhaari.
(281) 281. Iska jira Maalin la idiin soo celin xagga Alle. markaas naf walba loogu oofin si dhan waxay kasabtay iyagoo aan la dulmineyn.
(282) 282. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad kala deynsanaysaan deyn ilaa muddo magacaaban ah, qora. Hana idiinku kala qoro dhexdiinna qore si caddaalad ah. Oo yaanu qorahu diidin inuu u qoro sida uu Allaah u baray, ee ha qoro, oo ha yeedhiyo (waxa la qorayo) kan xaqa (deynta) qaadan, oo ha dhowro (xilkuu saaray) Alle, Rabbigi, oo yaanu ka dhimin wax ka mid ah waxa lagu yeesho. Haddiise kan xaqa lagu leeyahay uu yahay mid makas ama daciif ah ama aanu awoodin inuu wax yeedhiyo, kan ugu dhow xigaalo ahaan ha u yeedhiyo si caddaalad ah, marag gashadana labo markhaati oo Raggiinna ka mid ah. Haddaanay joogin labo nin, marag gashada nin iyo labo haweenood oo aad ku raalli tihiin marag ahaan, si hadday middood u hilmaanto, ay u xusuusiso tan kale. Waa inaysan diidin markhaatiyadu haddii loogu yeedho (markhaati). Hana ka caajisina inaad qortaan (deynta aad kala qaadataan) ha yaraado ama ha badnaado ilaa muddadiisa la qabtay, tan baa caddaaladsan Allaah agtiis oo toosan markhaati ahaan, oo ugu dhow si loo reebo shakiyo dhexdiinna gala, inay tahay maahee ganacsi joogta ah oo aad isku dhaafsataan isla meeshaa dhexdiinna, markaa ma jiro wax eed ahi korkiinna haddaydaan qorin. Ee marag u yeela markaad wax kala gadanaysaan. Oo yaan loo geysan wax dhibaato ah qore ama markhaati midkoodna, haddaad fashaan (dhibaato) waa caasinnimo idinku jirta. Dhowrana (xilkuu idin saaray) Allaah; Allena wuxbuu idin bari, Allena wax waliba wuu Og yahay.
(283) 283. Haddaad safar tihiin oo aydaan helin qore, markaa ha la qaato rahan (curaar damaanad ahaan), haddiise uu midkiin aamino midka kale, markaa waa inuu kan la aaminay u guto ammaanadiisa (si daacad ah) oo ha dhowro (xilkuu saaray) Alle, Rabbigi. Hana qarinnina marag furka, qofkii qariya, qalbigiisu waa denbiile. Allena waxaad fashaan wuu Og yahay.
(284) 284. Allaah baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo wax ku sugan arlada, haddaad muujisaan waxa ku jira nafahiinna ama aad qarisaan. Allaah wuu idin ku xisaabin, markaas wuxuu u dhaafi qofkuu doono, oo u cadaabi qofkuu doono. Allena wax walba wuu Karaa.
(285) 285. Rasuulku wuxuu rumeeyey waxa lagaga soo dejiyey Waxyi ahaan xagga Rabbigi, oo (sidaas bay yeelaan) mu’miniintu. Waxay kulligood rumeeyeen Allaah, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa iyo Rusushiisa; Ma kala soocno midkoodna ka mid ah Rusushiisa dhexdooda, waxayna yidhaahdaan:Waanu maqallayoo adeecnay. Rabbigayow! Denbi Dhaafiddaada (yaanu kaa baryi), waana Xaggaaga meel noqodka dambe.
(286) 286. Allaah ma saaro nafna wax dhaafsiisan karaankeeda. Waxay leedahay (khayrka) waxay kasabtay, oo ka go’an tahay dusheeda waxay (denbi) kasabtay Rabbigayow! Ha noo qaban haddii aanu illowno ama gefno (ula kac la’aan). Rabbigayow! Ha na saarin culays sidaad u saartay kuwii naga horreeyey. Rabbigayow! Ha na saarin wax tabar aanaan u lahayn qaadistooda. Oo na cafi, oo noo ceeb astur, oo noo naxariiso76. Adigaa ah Gargaarahayaga na xafida, ee nooga gargaar qoloda gaalada ah77.
76. Wuxuu Allaah swt ku soo gunaanuday Suuraddan u tilmaamidda addoomahiisa sida loo baryo iyo waxyaalo u fiican inay ka baryaan, siduu ugu barayba suuradda Faatixada sida loo ammaano oo looga dalbo hanuun.
77. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waa ay ku filan tahay qofkii akhirsta habeenkii labada Aayadood ee u dambeeya Suuradda Al-
Baqarah ”. Waxaa la yidhi waxay ugu filan tahay dhowris iyo xafidid, ama ka kaafisaa Salaatu Leylka.