41 - Suurada Fussilat ()

|

(1) 1. Xaa Miim.2
1. Fussilat : (Aayado cad).Waxaa sidoo kale Suuraddan lagu magacaabaa Xaa Miim As-Sajdah. 2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.

(2) 2. Soo dejinta (Waxyigan) waa xagga (Alle) Naxariistaha, Naxariista Badan.

(3) 3. Waa Kitaab Aayadihiisu cad yihiin, Qur'aan af Carabi ah ciddii wax garan.

(4) 4. Ugu bishaareynaya (Janno Qofkii rumeeya Towxiidka Alle oo camal san fasha) una digaya (qofkii u shariig yeela Alle oo xuma fala), waase ka jeesadeen badankoodu, marka wax ma maqlaan.

(5) 5. Waxay yidhaahdeen: Quluubtayadu waa ka daboolan yihiin waxaad noogu yeedhi (Islaamka), waxaana ah culeys dhegahayaga, daah baana xidhan dhexdeenna innaga iyo adiga, ee camal falo; innaguna sidoo kale waanu camal falan3.
3. U shaqeeya diintiinna, innaguna waynu u shaqeyn.

(6) 6. Dheh: Anigu waxaan uun ahay qof idinla mid ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah keliya (Allaah aan wax shariig ah lahayn), ee raaca dhabbaha toosan Xaggiisa ah, weydiistana denbi dhaaf, Hoogna waxaa leh Mushrikiinta.

(7) 7.Kuwa aan (ka daahirin naftooda shirkiga, salaad tukan oo aan) bixin Zakada, ahna kuwo aan Aakhiro rumeysnayn (iyo Janno iyo Naar).

(8) 8. Kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Waxay leeyihiin abaal gud aan go’eynin (Janno).

(9) 9. Dheh: Ma waxaad ku gaaloobeysaan Kan (Allaah ee) ku abuuray arlada labo maalmood oo u yeeleysaan shariigyo (xagga cibaadada)? Kaasi waa Rabbiga uumanka.

(10) 10. Wuxuu yeelay dhulka dhexdiisa buuro ka kor ah, wuuna barakeeyey oo u qaddaray cuntooyinkeeda afar maalmood gudahood siman ciddii ku weydiisa(uunka).

(11) 11. Kaddib Wuxuu u qasday xagga samada oo aheyd qiiq, markaasuu wuxuu ku yidhi iyada iyo arladaba: "Ku noqda (ahaada samo iyo arlo Amarkayaga) oggolaansho ama khasab; waxay yidhaahdeen: Waxaanu nimid innagoo ku adeecsan oo ku gogol.

(12) 12. Wuxuu ku dhammeystiray toddoba samood ahaan labo maalmood gudahood, wuxuuna u waxyooday samo waliba arrinkeeda. Waxaanu ku qurxinnay samada soke xiddigo, isla markaana xafid4 u ah. Arrinkaasi waa Qaddarka (Alle) Adkaadaha Sarreeya, Wax kasta Ogsoon.
4. Waxaa lagaga dhowray shayaadiinta isku daya inay ka soo maqlaan war malaa’igta cirka jira oo waxaa lagu soo ganaa dambaaburo dab ah.

(13) 13. Hadday ka jeesadaan (Xaqa), markaa dheh: Waxaan idiinka digay cadaab daran la mid ah cadaabkii ku dhacay (reer) Caad iyo Thamuud.

(14) 14. Markay Rusushu ugaga yimaadeen hortooda iyo gadaashoodba5 (iyagoo ku leh): Ha caabudina cidaan ahayn Allaah. Waxay yidhaahdeen: Hadduu Rabbigayo doono6, wuxuu soo diri lahaa malaa’ig. Ee innagu waxa la idinla soo diray ma aanu aaminsanin oo diidnay.
5. Waxa loola jeedaa hortooda iyo gadaashooda waxay uga yimaadeen dhinac kasta. 6. Inuu soo diro Rusul.

(15) 15. Ma Caad, waxay isku kibriyeen arlada xaq darro, oo yidhaahdeen: Yaa naga xoog badan? Mawaysan arag in Allaah ee abuuray uu ka xoog badan yahay? Waxayna ahaayeen kuwo Aayadahayaga diida.

(16) 16. Markaasaan u dirnay dabayl hugmaysa maalmo baas u leh, si aan u dhadhansiinno cadaabka dulliga nolosha adduunka, cadaabka Aakhiraana ka sii dulli badan, loomana gargaaro.

(17) 17. Ma Thamuud se, waxaan tusnay dhabbaha toosan (ee Islaamka), waxayse ka jeclaadeen indha la'aan (habow) halkii hanuunka, markaasaa waxaa ku dhacay cadaab daran wax dulleysa waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah).

(18) 18. Waxaan badbaadinnay kuwii (Xaqa) rumeeyey ee (xumaha ) ka dhowrsaday.

(19) 19. (Xus, Nabiyow) Maalinta cadowyada Ilaahay (gaalada) loo soo wada kulmin Naarta, iyagoo loo wado saf saf oo is cidhiidhyi.

(20) 20. Markay yimaadaan (Naarta oo dafiraan denbiyadooda), waxaa ku marag furi maqalkooda iyo araggooda iyo jidhkooda waxay fali jireen.

(21) 21. Waxay ku odhan jidhkooda: Maxaad noogu marag furteen? Waxay odhan: Allaah baa naga hadliyey ee ka hadliya wax walba, Isagaana idin abuuray kal horeba, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin.

(22) 22. Mana aydaan ahayn kuwo isku astura (ka cabsashada Ilaahay oo dhowrsada) si aysan maqalkiinnu7 iyo araggiinnu iyo jidhkiinnu idiinku markhaati furin, waxaadse mooddeen inaanu Alle ogeyn in badan oo waxaad fashaan ah.
7. Ma dareensanayn in maqalkooda iyo araggooda iyo oogadooda ku marag furi doonaan waxay faleen oo dhan.

(23) 23. Kaasi Malihiinna (xun) aad ku maleyseen Rabbigiin, waa waxa idin halligay, marka waad khasaarteen.

(24) 24. Marka hadday sabri oo adkaysan (iyo haddii kaleba) waa Naarta hoygooda, haddayna dalbaan in loo cudur daaro, lagama aqbalo cudur daarasho.

(25) 25. Waxaana u yeellay (gaalada) saaxiibbo 8 ku xidhiidha, markaasay u qurxiyeen waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda9 (oo denbiyo) ah, waxaana ku dhaboobay Qawlka (cadaabka) siduu ugu (dhaboobayba) kuwo ka mid ahaa ummadahii hortood tegay oo jin iyo insiba leh – inay iyagu yihiin kuwo khasaaraya.
8. Adduunkan gudahi ee ka mid ah jinka iyo dadka. 9. Waxa hortood ah ee leh macmacaanno, barwaaqooyin, waxaana loola jeedaa waxa gadaashood ah hididdiilooyin been ah.

(26) 26. Kuwa xaqa diiday waxay yiraahdeen: Ha dhegaysannina Qur’aankan oo ku fura buuq10 waa intaasoo aad adkaataane.
10. Waxay arrintan uga dan lahaayeen inay dadka ka celiyaan dhageysiga ama fahmidda Qur’aanka

(27) 27. Waxaanu dhadhansiin kuwa xaqa diida cadaab daran, waxaana u abaal marin si waafaqsan wixii u xumaa ay fali jireen.

(28) 28. Kaasu waa abaalka cadawyada Ilaahay (gaalada): Naar, ay ku leeyihiin daar lagu waaro, waa jazaha waxay Aayadahayaga beenin jireen darteed.

(29) 29. Kuwa xaqa diida waxay odhan: Rabbigayow! Na tus kuwii na lumiyey oo jin iyo insiba lahaa si aanu u marinno cagahayaga hoosteeda, oo ay u noqdaan halka ugu hooseeysa (Naarta)11.
11. Halka u hooseysa dabaqyada Naarta. Ama macnaha waa si aan cagta u marinno oo ugu dul soconno aar goosi ahaan.

(30) 30. Kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaa haya oo ku socda jidka toosan (ee Islaamka) malaa’igtaa ku soo degta (waqtiga dhimashadooda iyagoo leh): Ha cabsannina, hana murugoonnina, kuna bishaareysta Jannadii la idiin yaboohay.

(31) 31. Annagaa ah gargaarayaashiin nolosha adduunkan iyo Aakhiradaba, waxaadna leedihiin gudaheeda waxay nafahiinnu doonaan, oo waxaad leedihiin gudaheeda waxaad dalabtaan.

(32) 32. Waa martiqaad xagga (Ilaahay) ah, Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.

(33) 33. Yaa ka hadal wanaagsan kan ugu baaqa (dadka) xagga Ilaahay, kaasoo isagu naf ahaantiisa sama fala oo yidhaahda: Waxaan anigu ka mid ahay Muslimiinta.

(34) 34. Ma sinna samaanta iyo xumaantu, ku qaabil (xumaha) waxa wax u wanaagsan (cafis iyo masaamax iyo asxaan fal), markaas eeg! Kii ay idiin dhexeysay isaga iyo adiga cadaawadi (wuxuu noqonayaa) sidii saaxiib aad isku weyn tihiin.

(35) 35. Lama siiyo (tilmaantaa la soo xusay) waxaan ahayn kuwa samir yeesha, oo lama siiyo waxaan aheyn mid leh nasiib weyn.

(36) 36. Hadduu ku waswaasiyo shaydaan waswaasin (kuugu yeedho xume fal ama kaa cadheysiiyo) ka magan gal Ilaahay. Hubaal (Alle) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

(37) 37. Calaamooyinka (Ilaahay ee muujin Weynadiisa iyo Waxdaaniyadiisa) waxaa ka mid ah habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa. Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa midna ee u sujuuda Allaah (Keliya) ee abuuray, haddaad Isaga uun caabudi12.
12. Macnaha waa ha caabudina Allaah idinkoo u maraya uumankiisa, e caabuda si toos ah Keligi idinkoo aan waxba la wadaajin cibaadada.

(38) 38. Hadday iska kibriyaan (cibaadada), kuwaa ah Rabbigaa agtiisa (malaa’igta) baa xurmo weyneeya oo hufa habeen iyo maalinba kamana daalaan (caabudiddiisa).

(39) 39. Calaamooyinka Alle waxaa ka mid ah inaad aragto dhulka oo bas (abaar) ah, markase aan ku soo da’inno biyo (roob) uu noolaado oo soo kor noqdo. Hubaal Kan (Allaah ee) nooleeya wuxuu nooleyn maytida. Wax walba wuu Karaa.

(40) 40. Kuwa iiliya Aayadahayaga13 nagama qarsoona. Ma mid lagu tuuri Naarta baa khayr badan, mise mid Iman isagoo nabad ah Maalinta Qiyaamaha? Fala waxaad doontaan,(Alle)waxaad fashaan wuu arkaa.
13. Iyagoo u akhriyaya si leexsan ama u fasiraya si khaldan.

(41) 41. Kuwa rumeyn diida Waanada14 (Qur’aanka) markuu u yimid (waa laga jazayn)15 oo (kani Qur’aanka) waa Kitaab sharaf weyn leh.
14. Kuwa diida xaqa ama door bida tafsiirka qalloocan Allaah ma hanuuniyo. 15. Hadalka inta ka go’an waa la iska garan karaa oo waxaa weeye: Waxay la kulmi doonaan ciqaab aan la suureysan karin.”

(42) 42. Baadil ugama yimaado hortiisa ama gadaashiisa16; waa Waxyi laga soo dejiyey xagga Xikmad Badane, Ammaanan (Alle).
16. Aan isagoo kale la keeni karin, aan waxba looga qaadin in wax laga sheego, uuna yahay Kitaab uu Alle dhowray.

(43) 43. Waxba lagu odhan maayo (Nabi Muxammadow) aan ka aheyn wixii lagu yidhi Rusushii kaa horreysay. Hubaal Rabbigaa waa Rabbiga Denbi dhaafka leh, iyo Rabbiga leh Ciqaab Xanuun Badan.

(44) 44. Haddaan ka dhigi lahayn Qu’raan af shisheeye ku soo dega, waxay odhan lahaayeen: Maxaa Aayadihiisa looga dhigi waayey kuwo cad? Waa maxay acjami (carrab) shisheeye isagoo Carab ah? Dheh: Wuxuu u yahay kuwa rumeysan hanuun iyo caafimaad. Kuwase aan rumeysnayn waxaa ah culeys dhegahooda, waana ka indha la' yihiin, kuwaa waxaa looga yeedhaa meel fog.

(45) 45. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waase la isku khilaafay. Haddiina aysan jiri lahayn erey ka hormaray Rabbigaa (in dib loogu dhigo cadaabka) waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, waxayse ka qabaan (Qur’aanka) shaki walaac leh.

(46) 46. Qofkii sama fala naftiisay (dan) u tahay, kii xumaan falana isagay u daran tahay, Rabbigaana (Alle) ma aha mid dulmiya addoomaha.

(47) 47. Xaggiisaa loo celiyaa cilmiga Saacadda (Qiyaame)17, kamana soo baxaan wax ka mid ah midhaha galalkooda, mana jirto dheddig uur qaaddaa, kumana dhasho waxaan aheyn Ogaalkiisa. Maalinta markuu u yeedhi: Meeye kuwaad ila wadaajiseen (cibaadada)18? Waxay odhan: Waxaan ku ogeysiin naguma jiro mid ka markhaati kici (inay yihiin shariigyadaada).
17. Ma jiro axad ogsoon goorta ay dhici doonto Qiyaamaha aan ahayn Allaah. 18. Asnaamta waxay ka dhigeen kuwo la shuruko ah ama la siman Allaah.

(48) 48. Waxay waayi waxay horey ugu dhawaaqan jireen (oo ilaahyo been ah), waxayna yaqiinsan inaysan laheyn meel ay u baxsadaan.

(49) 49. Aadmigu marnaba kama daalo khayr bariga, hadduuse shar taabto, markaas waa quustaa, rajo beel ah.

(50) 50. Haddaan dhadhansiinno naxariis Xaggayaga ah kaddib dhibaato taabatay, wuxuu odhan: Kan anaa leh19, mana filayo inay dhici Saacadda (Qiyaame), haddii la ii celiyona xagga Rabbigay, waxaan ka heli agtiisa wanaag. Waxaan u sheegi kuwa gaaloobay waxay faleen, waxaana dhadhansiin Cadaab Adag.
19. Macnaha waa waxaan ku helay xoogsigeyga, aqoonteyda, iyo wanaagga aan leeyahay, fadliga aan dheerahay dadka kale darteed, iwm.

(51) 51. Markaan u nicmeyno Aadmiga, wuu jeesadaa oo dhinac u baxaa, markuuse dhib taabto, wuu baryootan badan yahay.

(52) 52. Dheh: Bal ka warrama hadduu ka yimid (Qur’aanka) xagga Ilaahay, markaas aad ku gaalowdaan - yaa ka lunsanaan badan kan ku talax taga collaytan iyo cinaad fog.

(53) 53. Waxaan ka tusi doonnaa Calaamooyin- kayaga koonka iyo xagga nafahoodaba ilaa ay uga caddaato inuu (Alle, Qur’aanka) yahay Xaq. Ma wuusan ku fillayn Rabbigaa inuu u jeedo wax walba oo ka yahay marag.

(54) 54. Waxayse (gaaladu) ka shaki qabaan la kulanka Rabbigood, (Allena) wuu koobaa wax kasta oo Ku Xeeran yahay.