(1) 1. Alif Laam-Miim1
1. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda 1.
(2) 2. Ma waxay dadku moodaan in loogaga tegayo inay yidhaahdaan: “Waan rumeynay (Xaqa) iyagoo aan la imtixaameyn?
(3) 3. Waxaanu imtixaannay kuwii ka horreeyey iyaga. Allena wuu muujin kuwa uu run ka yahay (Iimaanka), wuuna muujin beenlowyada.
(4) 4. Mise ma waxay moodaan kuwa fala xumaha (shirkiga iyo macaasida) inay naga fakan karaan? Xumaa waxay xukumi.
(5) 5. Qofkii rajeyn la kulanka Ilaahay, hubaal ajasha uu Alle (qoray) way imaan (ee ha isu diyaariyo), Allena waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
(6) 6. Qofkii dadaala (xagga diinta), wuxuu u dadaalayaa naftiisa. Hubaal Alle waa ka deeqtoon yahay uumanka.
(7) 7. Kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaan u asturi xumahooda, waxaana u abaal marin si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falayeen.
(8) 8. Waxaan ku waajibannay aadmiga inuu wanaajiyo labadiisa waalid, haddiise ay kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso (cibaadada) waxaad u heysan cilmi2, ha ku adeecin. Waa Xaggayga noqodkiinnu, waxaana idiin sheegi (abaal marin) waxaad camal fali jirteen (oo dhan).
2. Waa aydaan wax xujo ah u heysan ilaahnimadooda. Ma jiraan wax cilmi ah oo loo heli karo waxaan jirin ama aan run ahayn.
(9) 9. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, Waxaan dhex gelin kuwa wanaagsan (Jannada gudaheeda).
(10) 10. Waxaa ka mid ah dadka kuwo yidhaahda: Waxaanu aaminnay Allaah, markiise lagu dhibaateeyo Ilaahay darti, mooda fidmada dadka sida Cadaabka Ilaahay, hadduuna ka yimaado gargaar xagga Rabbigaa, waxay (munaafiqiintaa) hubaal odhan: Waxaanu aheyn la jirkiin. Ma wuusan Allaah ahayn kan dhab u Ogsoon waxa ku jira laabaha dadka.
(11) 11. Allena wuu muujin kuwa rumeeyey (Xaqa), wuuna muujin munaafiqiinta.
(12) 12. Kuwa Xaqa diida waxay ku yidhaahdaan kuwa (Xaqa) rumeeyey: Soo raaca jidkayaga waxaan idinka qaadi denbiyadiinna3. Mana aha kuwo ka qaadi denbiyadooda waxba; waa beenlawyo.
3. Macnahu wuxuu sidoo kale noqon karaa: Markaa aan qaadnee denbiyadiinna, macnaha waa innagaa nala weydiin oo mas’uul ka ah denbiyadiinna.
(13) 13. Waxayna qaadi culaysyadooda4, iyo culaysyo kale oo la jira culaysyadooda, waxaana la weydiin Maalinta Qiyaamaha waxay been abuuran jireen.
4. Waxay qaadi doonaan denbiyadooda, ay u dheer yihiin denbiyada dadka ay lumiyeen, iyagoo kuwaasi dambe aan iyagana denbiga sidaa uusan kaga dhaceyn oo lagaga naaqusineyn.
(14) 14. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii, wuxuuna dhex joogay kun sano oo dhimman konton sano, waxaana qaaday Duufaan iyagoo ah daalimiin.
(15) 15. Oo waan badbaadinnay (Nuux) iyo kuwii kula jiray Doonnida, waxaana uga yeelnay calaamo5 (digniin) ummadaha.
5. Waxaa loola jeedaa doonnida, ama dhacdadaasi weyn.
(16) 16. (Waxaana soo dirnay) Ibraahiim markuu ku lahaa qolodiisii: Caabuda Allaah (Keliya) oo dhowra (xilkuu idin saaray), arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.
(17) 17. Waxaad uun caabuddaan asnaam halkii Ilaahay, oo been abuur sameysaan. Kuwaad caabuddaan Allaah sokadi idiin ma hanan karaan risiq, ee ka doonta risiqa Allaah agtiis (oo keliya) oo caabuda Isagoo Keliya oo ku mahdiya. Xaggiisaa la idiin soo celin.
(18) 18. Haddaad beenisaan (Xaqa), waxaa beeniyey ummado idinka horreeyey. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn Gaarsiin cad (ee Dhambaalka Ilaahay)6.
6. Mufasiriinta waxay isku khilaafeen Aayaddan inay tahay mid la socota hadalkii Nabi Ibraahiim, ama hadal uu Allaah ku samirsiinayo oo ugu laab qaboojinayo Nabi Muxammad s.c.w., sidase ka muuqata hal dhaca hadalka waa inay u tahay samirsiin iyo laab qaboojin Nabi Muxammad s.c.w.
(19) 19. Mawaysan u fiirsan sida Allaah u billaabo abuuridda (uunka), haddana u soo celin? Arrinkaasi Alle wuu u fudud yahay.
(20) 20. Dheh: Ku socdaala dhulka oo fiiriya sida (Allaah) u billaabay uunka, haddana Allaah u ahaysiinayo abuuridda dambe. Hubaal, Allaah wax walba wuu Karaa.
(21) 21. Wuxuu cadaabaa qofkuu doono, oo u naxariistaa qofkuu doono, Xaggiisaana la idiin celin.
(22) 22. Idinku ma ku fakan kartaan dhulka iyo cirka midna, mana lihidin Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.
(23) 23. Kuwa rumeyn diida Aayadaha Ilaahay iyo la Kulankiisa, kuwaasi waxay ka quusteen Naxariistayda, waxaana kuwaa u sugnaaday cadaab xanuun badan.
(24) 24. Ma ahayn jawaabtii qolodiisii waxaan aheyn inay yidhaahdeen:'Dila isaga ama guba'. Markaas buu Allaah ka bad- baadiyey dabkii. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn.
(25) 25. Wuxuuna (Ibraahiim) ku yidhi: Waxaad u samaysateen (caabudid darteed) asnaam Allaah sokadi, jaceylka dhexdiinna ah waa oo keliya inta nolosha adduunkan ah, Maalinta Qiyaamahase, wuxuu qaarkiinba dafiri qaarka kale, oo qaarkiin lacnadi qaarka kale, hoygiinnuna waa Naar, mana jiro wax idiin soo gargaari.
(26) 26. Waxaa rumeeyey Luud. Wuxuuna (Ibraahiim) yidhi: Waxaan u haajirayaa xagga Rabbigay. Hubaal, Alle waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
(27) 27. Waxaanu u hibeynay Isxaaq iyo Yac- quub, oo waxaan ka yeelnay Nabinnimada iyo Kitaabka inay ahaadaan ubadkiisa dhexdooda, Waxaana ku siinnay abaal- gudkiisa adduunkan, Aakhirana wuxuu hubaal ka mid yahay inta wanaagsan.
(28) 28. (Waxaan kaloo soo dirnay) Luud, markuu ku lahaa qolodiisii: Waxaad la timaaddeen xumaan uusanba idiinka horrayn axad ka mid ah ummadaha.
(29) 29. (Waa yaabe) ma waxaad u tagtaan ragga, oo aad goysaan jidka7, oo kula timaaddaan Munkar (shirki, gaalnimo, xumaano) kulamadiinna dhexdood, Mase aheyn jawaabtii qoonkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Noo keen Cadaabka Alle haddaad run sheegeyso.
7. Idinkoo jidka gooya oo burcad ah oo u geysta dhac iyo boob socotada. Wuxuu sidoo kale macnaha u dhici karaa gooya taranka u tegidiinna ragga darteed halkii dumarka, taasoo keeneysa tarmid la’aan dadka.
(30) 30. (Luud) wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar qolodan wax fasahaadiya.
(31) 31. Markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd) ula yimaadeen Ibraahiim bishaarada8 waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu halaagaynaa dadka magaaladan (Sodom), waayo dadkeedu waa daalimiin.
8. Waa dhalashada Isxaaq, iyo wiil wiilki Yacquub.
(32) 32. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaa ku sugan Luud. Waxay yidhaahdeen: Innaga baa kaa ogsoon cidda dhexdeeda ah, waanu badbaadin (Luud) iyo ehelkiisaba - marka laga reebo marwadiisa, waxay ahaan mid ku harta gadaal (cadaabka)9.
9. Waxaa lala cadaabay dadkeeda maadaama ay ku kaalmeyneysey xumahooda.
(33) 33. Markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd)u timid Luud wuu ka murugooday10, oo cidhiidhi dareemay dartood; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan hana murugoon. Waanu ku badbaadin adiga iyo ahelkaaga- ba marka laga reebo marwadaada, waxay ahaan mid ka mid ah kuwaa ku hari gadaal.
10. Eeg sharaxa Suuradda 11: Aayadda 77.
(34) 34. Waxaanu ku soo dejin dadka magaaladan cadaab kaga iman samada caasintooda darteed.
(35) 35. Waxaana uga tagnay halkaa calaamo cad (haraaga burburkii magaaladaa) ciddii garasho leh.
(36) 36. Reer Madyanna (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb, wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Allaah Keliya oo (ku) rajeeya (cibaadadiinna abaal marinta) Maalinta Aakhiro hana ku bi'innina (hallaynina) arlada fasahaad.
(37) 37. Wayse beeniyeen, markaasaa waxaa qabtay dhul gariir daran (iyo qarax weyn), waxayna noqdeen kuwo (baqti) ah oo degaankooda daadsan.
(38) 38.Oo (waxaan rognay) Caad iyo Thamuud. (Halaaggooduna) wuxuu idiinka muuqdaa guryahoodii. Wuxuuna shaydaan u qurxiyey camalladoodii oo ka duway Jidka, inkastoo ay ahaayeen dad il bax ah.11
11. Hadday waantoobayaan yacni waxay ahaayeen kuwo reer magaal ah leh aqoon hab agaasin ku dhisan oo loola jeedo in arrimaha adduunka baxaalligooda iyo salkooda la gaaro, si fiicanna dhulka loo camiro, oo saro dhaadheer loogaga dhiso, wax kastana maamul fiican loo sameeyo.
(39) 39. Qaaruun, Fircoon iyo Haamaanna (waa la halaagay). Wuxuuna Muuse ula yimid Aayado cad cad, waxayse ku qooqeen oo kibreen arlada, mase aheyn kuwo ka baxsan kara (Cadaabkayaga).
(40) 40. Mid walbaa (oo ka mid ah) waxaan ku qaadnay denbigiisa, waxaa ka mid ahaa kuwo aan u dirnay dabeyl daran (qoonkii Luud), waxaa ka mid ahaa kuwo uu qabsaday qarax weyn (Thamuud iyo qoonkii Shuacyb), waxaa ka mid ahaa mid aan la goynay dhulka (Qaaruun); waxaana ka mid ahaa kuwo aan qarqinnay (Qoonkii Nuux iyo Fircoon). Mana aheyn Alle inuu dulmiyey, iyagaase nafahooda dulminayay.
(41) 41. Mataalka kuwaa sameysta awliyo (sokeeye uu gargaar ka dalbo) aan aheyn Allaah waa sida mataalka caadho yeelatay guri, waxaana ugu liita guryaha, guriga caadhada; hadday og yihiin.
(42) 42. Hubaal Allaah wuu ogsoon yahay waxay baryaan Isaga sokadi. Waana Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
(43) 43. Tusaalooyinkanna waxaan u soo qaadannaa dadka, cidise ma fahanto aan aheyn kuwaa cilmiga leh.
(44) 44. Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamo mu'miniinta.
(45) 45. Akhri (Nabi Muxammadow) waxaa laguu soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka), oogna salaadda. hubaal, salaaddu waxay ka reebtaa (qofka) xumaanta iyo munkarka, xusidda Alle baana weyn. Allena wuu Og yahay waxaad sameyneysaan.
(46) 46. Ha la doodina ehlu Kitaabka si wanaagsan maahee, marka laga reebo kuwa dulmiga fala oo ka mid ah, dhahana: Waxaanu aaminsannahay waxa nalagu soo dejiyey Waxyi ahaanta iyo waxa la idinku soo dejiyey ee Waxyi ah; Ilaahayaga iyo Ilaahiinnuna waa Mid Keliya (Allaah), innaguna Isagaan u hoggaansannahay.
(47) 47. Sidaasaan kuugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka). Kuwa aanu siinnay Kitaabka (ee aqoonsaday) way rumeysan yihiin, kuwaana (Carabta iyo qeyrkoodba) waxaa ka mid ah kuwo rumeysan, mana diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn gaalada macangagga ah.
(48) 48. Ma aad akhriyin horti (Nabiyow) wax Kitaab ah, mana aad ku qorin gacantaada midig, markaas kuwa ehlu baadilka ahi waa ay shakiyi lahaayeen.
(49) 49. Waase Aayado cad cad Qur’aanku oo ku sugan laabaha kuwa la siiyey cilmiga, mana diidaan Aayadahaga waxaan ahayn daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
(50) 50. Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Maxaa calaamooyin (mucjiso) loogaga soo dejin waayey xagga Rabbigiis? Dheh: Calaamooyinka sideedaba waa uun xagga Alle, aniguse waxaan uun ahay dige cad.
(51) 51. Miyaanay ku fillayn inaan kugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) loo akhriyo? Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan naxariis iyo waano ciddii rumayn (Xaqa).
(52) 52. Dheh: Allaah baa ku filan markhaati ahaan aniga iyo idinka noo dhexeeya. Wuxuu Ogsoon yahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. kuwase rumeysan waxyaalaha aan jirin ee beenta ah oo ku gaalooba Allaah, waa kuwaa uun kuwa iyagu ah hoogayaasha.
(53) 53. Waxay ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, haddii aanay lahaan lahayn muddo go'an, wuu u iman lahaa cadaabka. Wuxuuna ugu iman kedis iyagoo aan dareemayn.
(54) 54. Waxay ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, oo hubaal Naarta waxay ku hareersan tahay gaalada.
(55) 55. Maalinta marka cadaabka ka dabooli (gaalada) dushooda iyo lugahooda hoostoodaba, wuxuuna Alle ku odhan: Dhadhamiya waxaad camal fali jirteen.
(56) 56. Addoomahayga (Xaqa) rumeeyow! dhulkaygu wuu ballaaran yahaye, ee Anigoo (Keliya) i caabuda.
(57) 57. Naf walbaa waa tii dhadhamisa geerida. Xaggayagaana la idiin soo celin.
(58) 58. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxaanu ka siin hoy rugaha sare ee Jannada dhexdeeda, ay webiyadu hoostoodu qul-qulaan iyagoo ku waaraya weligood, Wanaagsanaa abaalka kuwa camal fiican fasha.
(59) 59. Ee ah kuwa sabra oo Rabbigood ku kalsoon oo tala saarta.
(60) 60. Badanaa noole dhul socod ah oo aan xambaarsaneyn risiqeeda, Allaah baa arsaaqa iyo idinkaba. Allena Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
(61) 61. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa? Waxay odhan: Allaah. Ee xaggee baa loo iilay?
(62) 62. Allaah wuxuu u waasiciyaa risiqa kuu doono ee ka mid ah addoomahiisa, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay.
(63) 63. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib? Waxay odhan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa iska leh Allaah. Badankooduse wax ma gartaan.
(64) 64. Ma aha noloshatan adduunku waxaan aheyn maaweelo iyo madaddaalo. Oo hubaal Daarta dambeysa - taasi weeyaan nolosha dhabta ah (ee waarista), waase hadday og yihiin.
(65) 65. Markay koraan doonyaha, waxay baryaan Allaah (Keliya), iyagoo u keli yeelaya cibaadada, markase uu nabad ku keeno barriga, markaasay u shariik yeelaan.
(66) 66. Sidaasay uga abaal dhacaan waxaanu siinnay, sidaas darteed ha iska raaxeystaan 12, wayse ogaan doonaan.
12. Waxaa sidoo kale Aayadda loo fasiri karaa gooddin ahaan: “Ee ha ka abaal dhacaan waxa aanu siinnay oo ha iska raaxeystaan, wayse ogaan doonaan waxa ku dhaca.
(67) 67. Miyaanay arkayn (gaaladii Quraysheed) inaanu yeellay (dejinnay) Xaram Aamin ah, halka dadka laga dafo hareerahooda13? Ee ma baadil (shirki) bay rumeyn, oo ku gaaloobi Nicmadda Ilaahay (Towxiidka)?
13. Macnaha waa in la dilo oo loo soo qaato qafaal ahaan.
(68) 68. Yaase ka dulmi badan kan ka been sheega Allaah ama beeniya Xaqa markuu u yimid? Miyaanay ahayn Naarta hoyga gaalada?
(69) 69. Kuwase aad ugu dadaala Arrinkayaga (diinta oo ku camal fala), waxaanu ku hanuunin Jidadkayaga (lagu nabad galo), Allena wuxuu la jiraa sama falayaasha.