84 - Suurada Al-inshiqaaq ()

|

(1) 1. Markay samadu dildillaacdo (Qiyaamada).

(2) 2. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo;

(3) 3. Marka arlada la fidiyo,

(4) 4. Oo u soo tuurto debedda waxa ku hoos jira oo ka marnaato,

(5) 5. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo (wuxuu la kulmi qof walba camalkiisa).

(6) 6. Qofyahow! Waad dhibtoon kuna jiri dhib. iyo howl ilaa aad Rabbigaa (kala kulanto oo ay kuu timaaddo geeri), waadna la kulmi (natiijada camalkaaga khayr ama shar wuxuu yahayba Maalinta Qiyaamaha).

(7) 7. Ee ma kan lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig,

(8) 8. Waxaa la xisaabin xisaab fudud.

(9) 9. Wuxuu u laaban ehelkiisa (Jannada ku sugan) isagoo faraxsan.

(10) 10.Kanse laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa,

(11) 11. Wuxuu u yeedhan hoog iyo ba'.

(12) 12. Oo geli naar ololeysa oo hur badan.

(13) 13. Wuxuu ahaa mid Ehelkiisa dhexdooda (waagii adduunka) kibirsan.

(14) 14. Wuxuu moodayey inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga).

(15) 15. Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday.

(16) 16. Mayee, Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac;

(17) 17. Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo;

(18) 18. Iyo dayaxa markuu buuxsamo.

(19) 19. Waxaad (dadow) mari heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba).

(20) 20. Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn?

(21) 21. Marka Qur’aanka loo akhriyana uma sujuudaan Rabbigood (umana hoggansamaan)?

(22) 22. Waxayse kuwa gaalooba beeniyaan (Xaqa).

(23) 23. Alle waa og yahay waxay qarsan.

(24) 24. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.

(25) 25. Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’eynin (waa Jannada'e).