9 - Suurada At-towbah ()

|

(1) 1. (Kani waa ogeysiis in) Allaah iyo Rasuulkiisu ay barii ka yihiin1 kuwaa ka midka ah Mushrikiinta, ee aad la gasheen heshiiska (ha yeeshee ka baxay).
1. Tawbah, u soo laabashada Ilaahay iyo toobad keenka, suuraddan sidoo kale waxaa la yidhaahdaa Baraa’ah, oo macnaheedu yahay iska barii yeelid, ka xor ahaansho, ama ka bixitaan. Bisinka laguma xusin billowga Suuraddan. Waxaa sidoo kale la yidhi Suuraddan iyo Suuradda Al-Anfaal waa isku hal Suurad sidaa awgeed ma leh Bisin.

(2) 2. Ee (ku) mara (gaaloy) dhulka (nabad) muddo afar bilood ah (meeshaad doontaanba), ogaadase inaydaan caajis gelin kareyn Allaah, iyo in Allaah uu dulleyn gaalada.

(3) 3. Waa ogeysiis xagga Allaah iyo Rasuulkiisa ah oo ku socda dadka maalinta Iidweynta Xajka2 inuu Allaah barii ka yahay (dhammaan heshiisyadii lala lahaa) gaalada Mushrikiinta ah, sidoo kale Rasuulkiisuna. Ee haddaad idinku (mushrikiintoy) toobad keentaan, waa sida idiin khayr roon, haddaad se jeesataan, ogaada inaydaan caajis galin kareyn Alle. Uguna bishaaree gaalada cadaab xanuun badan.
2. Waxay isku khilaafeen mufasiriinta macnaha iidweynta Xajka, qaarkood waxay yidhaahdeen waxaa loola jeedaa Maalinta Gowraca - Adxada, qaar kalena waxay yidhaahdeen: waa maalinta Carafa, waxaana loola jeedaa halkan Xajka weyn wixii dhacay sannadkii 10aad ee hijrada.

(4) 4. Waxaan ahayn kuwaa mushrikiinta ka mid ah ee aad la gasheen axdiga, markaasna aan idinka nuqsaamin waxba, aannana kaalmeyn cidna lidkiin. Ee u oofiya axdigooda intay muddadu dhammaaneyso. Hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa iska jira (xumaha oo dhowra Amarradiisa).

(5) 5. Markase ay Bilaha Xurmadda leh baxaan3, ku dila mushrikiintaa (idiinka baxay heshiiska) meeshaad ka heshaanba, oo qafaasha oo go’doomiya, una fariista suryo walba. Hadday toobad keenaan oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, u banneeya jidkooda. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
3. Waxaa loola jeedaa bilaha xurmadda leh afarta bilood ee kala ah: Dul-Qacadah, Dul Xijjah, Muxarram, iyo Rajab. Bilaha fursadda la siinayo mushrikiinta waxaa weeye laga billaabo 10ka Dulxijjah ilaa 10ka Rabiicul Aakhir.

(6) 6. Hadduu qof ka mid ahi mushrikiinta idin weydiisto magan galyo magan geliya si uu u maqlo hadalka Ilaahay (Qur’aanka), kaddibna gaarsiiya halkuu ku nabad helayo, sidani waxaa ku wacan waa qolo aan garasho lahayn.

(7) 7. Sidee bay ugu lahaan karaan mushrikiin- tu axdi Allaah agti iyo Rasuulkiisa aan aheyn kuwa aad kula gasheen axdiga Masjidka xurmadda leh? Ee intay idiin toosnaadaan, idinkuna u toosnaada. Hubaal, Allaah wuu jecel yahay kuwa ka cabsada (ee dhowra xilkuu saaray oo iska jira xumaha).

(8) 8.Sidee (baad axdi ula yeelan)halka markay idinka awood bataan, aysan dhowrin wax xiriir ah ha ahaado mid wada dhalasho ama axdi aad leedihiin midna? Waxay idinku raalli galiyaan afafkooda, halka quluubtoodu ayan oggolaan (inay oofi- yaan), intooda badanina waa caasiyaal.

(9) 9. Waxay siistaan qiimo yar Aayadaha Ilaahay, markaasay ka duwaan (dadka) Jidkiisa (Islaamka). Xumaa waxay falaan.

(10) 10. Uma dhowraan mu'min qaraabinnimo iyo axdi midna. Waana kuwaa kuwa ahi xad gudbayaasha.

(11) 11. Hadday se toobad keenaan oo oogaan salaadda, bixiyaanna Sakada waa walaalihiinna diinta. Waxaanu uga dhignaa Aayadaha caddaan ciddii garasho leh.

(12) 12. Haddayse jabiyaan dhaarahooda axdigooda kaddib, oo (si cad) u duraan diintiinna, markaa la dagaallama hoggaamiyayaasha kufriga – hubaal waa kuwo aan axdi tixgelin bal inay ka joogaan (colaadda ay wadaan).

(13) 13. Miyeydaan la dagaallamayn qolo burisay dhaarahooda (ballamahay idinla galeen) oo ku hammiyey saaridda Rasuulka, idinkuna billaabay weerarka markii horeba? Miyaad ka baqeysaan? Allaah baa mudan inaad ka baqdaan haddaad tihiin mu’miniin.

(14) 14. La dagaallama (gaalada duullaanka idinku ah), Allaah wuxuu ku cadaabi gacmihiinna oo ku dulleyn, idiinna gar- gaari oo bogsiin laabaha qolo mu’miniin ah.

(15) 15. Wuxuuna ka saari ciilkii hayey quluubtooda. Allena wuxuu ka toobad aqbalaa qofkuu doono, Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

(16) 16. Ma waxaad mooddaan in la idiinkaga tegi sidiinna isagoo uusan Alle muujin kuwiinna idinka mid ah ee jihaaday oo aan ka dhigan cidaan ahayn Allaah iyo Rasuulkiisa iyo mu'miniinta saaxiib. Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.

(17) 17. Ma laha mushrikiinta inay camiraan masaajidda Ilaahay iyagoo ku qiraya nafahooda gaalnimo. Kuwaasi waxaa buray acmaashooda, Naartayna ku dhex waari weligood.

(18) 18. Waxaa uun camira Masaajidda Ilaahay kuwa rumeysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro, oo ooga salaadda oo bixiya Zakada oo aan ka baqin cidna Allaah maahee. Kuwaa waxay u dhow yihiin inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan.

(19) 19. Ma waxaad la mid dhigtaan (kan u xil quma) waraabinta xujeyda iyo daryeelka Masjidka xurmadda leh sida kan rumeysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro oo u jihaada Jidka Ilaahay? Ma aha kuwo siman Alle agtiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).

(20) 20. Kuwa rumeeyey oo ka soo hijrooday (guryahooda) oo ugula jihaaday Jidka Ilaahay maalkooda iyo nafahooda baa darajo weyn Allaah agtiis. Waa kuwaas kuwa ah guuleystayaasha.

(21) 21. Rabbigood wuxuu ugu bishaareeyaa Naxariis Xaggiisa ah, iyo Raalli ahaansho iyo beero (Jannooyin) ay ku dhex leeyihiin barwaaqo ma guuraan ah.

(22) 22. Iyagoo ku dhex waaraya waligood. Alle agtiis waxaa yaal abaalgud Weyn (Janno).

(23) 23. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina aabbayaashiin ama walaalihiin sokeeyayaal hadday jeclaadaan gaalnimo halkii Iimaanka. Qofkii sidaa yeela oo idinka mid ah, kuwaas weeye kuwa ah daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

(24) 24. Dheh: Hadday aabbayaashiin, wiilashiinna, walaalihiin, xaasaskiinna, xigtadiinna; maal aad tabcateen, ganac aad uga baqeysaan iibsi la’aan, iyo guryo aad ka raalli tihiin ay idinkala weyn yihiin oo ka jeceshihiin Allaah iyo Rasuulkiisa, iyo u jihaadka Jidkiisa, marka suga inta Allaah ka fuliyo Amarkiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda caasiyaasha macangagga ah4.
4. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: “Qofkii dhinta isagoon u duulin Dar Ilaahay, oo aan u hanqal taagin ( macnaha aysan ku jirin) inuu duulo oo ka qayb qaato jihaadka Jidka Ilaahay ah, wuxuu dhintaa isaga oo ay ku jirto qayb munaafiqnimo ah.»

(25) 25. Allaah Wuxuu idinku gargaaray goobo dagaal oo badan, iyo Maalintii Xunayn markay idin cajabisey tiro badnaantiinnu hase ahaatee waxna idiin tari weydey, ee dhulku intuu ballaar le'eg yahay idinku cidhiidhi noqday, markaas aad carar dhabarka jeediseen.

(26) 26. Markaas Alle ku soo dejiyey xasillooni Xaggiisa ah Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba, oo u soo diray ciidammo (malaa’ig ah) aydaan arkayn, oo ciqaabay kuwii (Xaqa) rumeyn diiday.Taasina waa jazada gaalada.

(27) 27. Markaas Alle ka toobad aqbalo intaas kaddib cidduu doono. Alle waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(28) 28. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Mushrikiintu sidooduba waa Nijaas ee yeysan u soo dhowaan Masjidka xurmadda leh sannadkan kaddib5, haddaad ka cabsataan faqri, Alle baa idinka hodansiin Deeqdiisa hadduu doono. Hubaal, Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
5. Looma oggola inay soo xajiyaan ama soo cumreystaan maadaama ay mushrikiin yihiin. Mufasiriinta qaar waxay qabaan in mushrikiinta aan loo oggoleyn soo gelitaanka Xaramka hadday Xaj rabaan ama Cumro ama leeyihiin dan kale kaddib sannadkii sagaalaad ee Hijrada.

(29) 29. La dagaallama kuwa aan rumeysnayn Allaah, iyo Maalinta Aakhiro, aan xaaraameyn waxay xaaraameeyeen Allaah iyo Rasuulkiisu, ee aan ka diin dhigan oo raacin Diinta Xaqa ah ee ka mid ah ehlu Kitaabka, ilaa ay ka dhiibaan Jisyo6 si raalli leh iyagoo hoggaansan.
6. Jizyo waa canshuur laga qaado dadka aan muslimka ahayn iyagoo laga cafiyo shaqada millateriga, oo waxay ku mutaan sidaas ilaalinta iyo difaaca dawladda islaamka. Dhinaca kale sako lagama qaado gaalada, oo waxay saaran tahay inay sako bixiyaan muslimiinta oo keliya.

(30) 30. Yuhuuddii (Carbeed) waxay yidhaahdeen: Cuzayr waa wiilkii Ilaahay, Nasaaraduna waxay yidhaahdaan: Masiixu waa wiilkii Ilaahay. Kuwakani waa hadalkooda ay afafkooda ka yidhaahdaan. Waxay ku hadal dayanayaan kuwii hore u gaaloobay (mushrikiinta). Allaha halaagee, maxaa (xaqa) ka duway.

(31) 31. Waxay ka yeesheen qaysaskoodii iyo suufiyadoodii rabbiyo Allaah sokadi, iyo (sidoo kale) Masiixa ina Maryam, iyagoo la amray inaanay caabudin waxaan ahayn Allaah Keliya. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu ka sarreeyaa oo hufan yahay waxay wax la wadaajiyaan7.
7. Waxay ku talax tageen adeecidda qaysaska iyo suufida oo xadka kaga baxeen, way adeecayeen xitaa hadday amraan macsi ama xalaal uga dhigaan wax xaaraan ah, waana taasi midda uu Alle ku tilmaamay inay tahay caabudaad ay caabudeen, waxaana la yidhaahdaa arrinkan shirki xagga adeecidda ah, waana shirki weyn oo diinta looga baxo, qofku waa inuu uun adeecaa Allaah iyo Rasuulkiisa, oo waa inuusan cidna ku adeecin wax khilaafsan sharciga Ilaahay.

(32) 32. Waxay rabaan inay ku damiyaan Nuurka Ilaahay afafkooda, ha yeeshee Allaah ma oggola waxaan aheyn inuu dhammeystiro Nuurkiisu, gaaladu haba necbaystaane.

(33) 33. (Alle) waa Kan la soo diray Rasuulkiisa hanuunka iyo Diinta Xaqa ah (Islaamka), si uu uga kor mariyo diimaha (kale) oo dhan, Mushrikiintu haba necbaystaane8.
8. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Diinta Islaamka waxay gaari doontaa meeshay habeen iyo maalin jiraan, waxayna gali doontaa guri kasta”.

(34) 34. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! In badan oo ka mid ah qaysaska iyo suufidu waxay ku cunaan maalka dadka been, oo ka jeediyaan Jidka Ilaahay (Islaamka). Oo kuwa iyagu kaydsada dahabka iyo qalinka9 ee aan wax ku bixin Jidka Ilaahay ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
9. Dahabka iyo fiddada la kaydiyey waxaa loola jeedaa kuwa aan sakada laga bixin.

(35) 35. Maalinta lagu soo kululeyn dabka Naarta oo wajiyadooda, dhinacyadooda, iyo dhabarradooda lagu summadeyn; (oo lagu odhan): Kani waa waxaad u kaydiseen nafahiinna ee dhadhamiya waxaad idinku kaydsateen.

(36) 36. Tirada bilahu Ilaahay agtiis waa labo iyo toban bilood xagga Qaddarka Ilaahay tan iyo maalintii uu abuuray samooyinka iyo arlada, waxaa ka mid ah afar xurmad gaar ah leh (Dul-Qicdah, Dul-Xijjah, Muxarram iyo Rajab). Sidaasaa ah dowga toosan, ee ha dulminana nafahiina bilahan dhexdooda (gaar ahaan iyo bilaha kaleba guud ahaan), oo la dagaallama Mushrikiinta wadajir siday idiinla dagaallamaan wadajir. Ogaada in Alle uu la jiro kuwa iska jira xumaha (oo dhowra Amarradiisa).

(37) 37. Dib dhigidda (bil caaggan oo xurmo gaar ah leh) waa uun gaalnimo dheeraad ah10: ee lagu habaabiyey gaalada, waxay ka dhigaan waxaan caagganeyn oo bannaan sannad oo caagaan sannad kale si ay isugu toosiyaan tirada bilaha uu caagay, oo ka dhigtaan kuwa caaggan ee xurmadda gaar ah leh wax bannaan. Acmaashooda xun baa loo qurxiyey. Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada macangagga ah.
10. Hadday arkaan inay u faa’ido badan tahay inay buriyaan bil caaggan, way sameynayeen, iyagoo yeelayey bil kale halkeeda ay ku dhowraan caagganaanta dagaal gelidda.

(38) 38. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaa idiinku wacan, in marka la idinku yidhaahdo: U soo baxa jihaadka Arrinka Ilaahay aad isagu dhajisaan dhulka si culus? Ma waxaad ku raalli noqoteen nolosha adduunkan oo aad ka door biddeen Aakhirada? Ma aha raaxada noloshan adduunku marka la barbar dhigo Aakhirada waxaan ahayn wax yar.11
11. Anas bin Maalik a.k..r waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: “Ma jiro addoon dhinta ayna u taallo Alle agti kheyr oo jecel inuu u soo laabto adduunka iyadoo lagu siinayo adduunka iyo waxa yaal oo dhan marka laga reebo shahiidka, waxa uu arkayo darteed oo fadliga shahaadada ah, wuxuu jecleystaa inuu u soo laabto adduunka si loogu dilo mar kale Dar Ilaahay. W.w Al-Bukhaari

(39) 39. Haddaydaan u bixin (jihaadka), Wuxuu idinku cadaabi cadaab xanuun badan oo idinku beddeli qolo kale, waxbana kama dhimeysaan marnaba, Alle wax walba wuu Karaa.

(40) 40. Haddaydaan u hiillin (Nabiga), Allaah baa u hiilliyey, markay debedda u soo saareen gaalada, isagoo labo midkood ah12 markay labaduba ku jireen hogga, markuu (Nabigu) ku lahaa saaxiibki: Ha murugoon, Allaah baa na la jira'e. Kolkaas buu Alle ku soo dejiyey xasillooni, oo uu ku xoojiyey ciidammo (malaa’ig) aydaan arkin, oo ka dhigay mid hooseysa kelmedda gaalada, oo Kelmedda Ilaahay13, waa taa sarreysa, Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
12. Kan labeeya wuxuu ahaa saaxiibkiis Abuu Bakar. 13. Kelmedda waa Laa ilaaha illal laah (ma jiro ilaah xaq ah aan ahayn Allaah).

(41) 41. Baxa idinkoo fudud iyo idinkoo culusba, oo kula jihaada maalkiinna iyo nafahiinnaba Jidka Ilaahay14. Arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.
14. Waa da’ yar iyo duqow, idinkoo gaadiid fuushan, ama lugeynaya, ladnaan iyo lurnaanba – duruuf iyo xaalado kasta oo aad ku jirtaan waa inaad u baxdaan jihaadka Jidka Ilaahay ah.

(42) 42. Hadday ahaan lahayd dheef dhow iyo safar fudud (munaafiqiintu) way ku raaci lahaayeen, tubtiise (duullaankii Tabuuk) baa ku dheeraatay, waxay ku dhaaran Allaah (markaad laabataan idinkoo soo guuleystey, iyagoo leh): haddaanu kareyno waa idin la bixi lahayn; waxay halaagi nafahooda, Allena wuu Og yahay inay yihiin beenalayaal.

(43) 43. Allaha ku cafiyee! Maxaad u siisay idanka, ilaa ay kuu caaddaato kuwa runta sheegay, oo aad ogaato beenalayaasha?

(44) 44. Kaama idan qaataan kuwa rumeysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro, si looga dhaafo inay ku jihaadaan maalkooda iyo nafahooda. Alle waa og yahay kuwa iska jira (xumaha oo dhowra Amarradiisa).

(45) 45. Waxaase kaa idan qaata uun kuwa aan rumeysnayn Allaah iyo Maalinta Aakhiro ee uu shaki ku jira quluubtooda ee iyagu shakigooda ku jaha wareersan.

(46) 46. Hadday doonayaan inay (jihaad u) baxaan, way u qalab diyaarsan lahaayeen, wuxuuse Alle nacay bixiddooda, markaas buu wahsi galiyey oo lagu yidhi: La fadhiista fadhiidyada (guryaha).

(47) 47. Hadday idinla bixi lahaayeen, idiinma kordhiyeen waxaan aheyn qas, oo waxay ku degedegi lahaayeen fasahaadintiinna iyagoo raba (inay abuuraan) fidmo dhexdiinna, waxaana idinku jira kuwo maqalka u raariciya. Alle wuu yaqaan daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

(48) 48. Waxay idinla dooneen fidmo kal hore, oo ay kuu rogeen umuuraha15, jeer xaqu yimid oo Amarka Ilaahay (guusha) noqotay mid cad oo muuqata iyagoo nacaya aan raalli ka aheyn.
15. Waxay kuu geddiyeen arrimahii adiga kula xiriiray (iyagoo ka fakarayey siday kuu fashilan lahaayeen), sidaas awgeed bay ku halaagsameen.

(49) 49. Waxaa ka mid ah mid yidhaahda: Ii fasax (inaan guriga joogo) oo ha i fidmayn16. Waxayba ku dhaceen fidmo. Naar baana koobi Gaalada.
16. Munaafiqiinta waxay qabeen inay naftooda ku badbaadsasdeen ku hariddooda gadaal.

(50) 50. Hadday samaani ku heleesho, waa murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday musiibo kugu dhacdona, waxay yidhaahdaan: Waxaan qaadannay digtoonidayada kal hore, waxayna sii jeestaan iyagoo faraxsan.

(51) 51. Dheh: Waxba naguma dhacayaan wuxuu Allaah noo qoray maahee. Isagaa ah Gargaarahayaga. Allena ha isku halleeyaan oo ha tala saarteen mu'miniintu.

(52) 52. Dheh: Ma waad nala sugtaan waxaan aheyn labada wanaagsan middood (guul ama geeri)? halkaan innagu idinla sugno inuu Allaah idinku rido ciqaab Xaggiisa ah ama gacmahayaga ah. Ee suga (waxa nagu dhaca), innaguna la jirkiin waa sugeynaa (waxa idinku dhaca).

(53) 53. Dheh: Ku bixiya wax Jidka Ilaahay idinkoo oggol ama idinkoo karahsan, marnaba la idinkama aqbalee. Waayo waxaad tihiin qolo caasiyaal ah.

(54) 54. Waxna uma diidin in laga aqbalo wax bixintooda aan aheyn inay rumeyn diideen Allaah iyo Rasuulkiisa; mana yimaadaan salaadda iyagoo wahsanaya maahee17; waxnana ma bixiyaan iyagoo kahanaya maahee.
17. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma jirto salaad uga culus munaafiqiinta salaadda Subax iyo Cishe, haddayna ogaan lahaayeen waxa ku jira oo ajar ah, waa ay imaan lahaayeen kolay u soo guurguurtaan”. W.w. Al-Bukhaari

(55) 55. Ee yaanay maalkooda iyo carruurtooda ku cajab gelin; Allaah wuxuu uun doonayaa inuu ku cadaabo nolosha adduukan, iyo in nafahu ka baxaan iyagoo gaalo ah.

(56) 56. Waxay ku dhaartaan Allaah inay idinka mid yihiin, mana idinka mid aha, waase qolo baqi.

(57) 57. Hadday heli lahaayeen magan ama hog, ama meel ay galaan, way u jeesan lahaayeen iyagoo u kala dheereynaya.

(58) 58. Waxaa ka mid ah qaar kugu eedeeya arrin la xiriirta (qaybinta) sadaqooyinka. Haddii wax laga siiyo raalli ah, haddiise aan wax laga siin, mise way cadhoodaan.

(59) 59. Hadday raalli ku noqon lahaayeen waxay Alle iyo Rasuulkiisu siiyeen oo ay odhan lahaayeen: Allaah baa nagu Filan. Allaah baa na siin wax (badan) oo ka mid ah Fadlgiiisa18, iyo (sidoo kale) Rasuulkiisa. Innagu Alle uun baan rabnaa oo wax ka dooneynaa.
18. Waxaa loola jeedaa waxaan rabnaa Allaah iyo fadligiisa iyo aqbalkiisa, ama waxaan rabnaa wax kasta uu rabo Allaah inuu naga siiyo fadligiisa.

(60) 60. Sadaqooyinka (Zakada19) waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada, Masaakiinta, kuwaa lagu howl galiyey inay soo ururiyaan, kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa leh deymeysanayaasha, in lagu bixiyo Jidka Ilaahay (jihaadka), iyo musaafirka (go’doonsan), waa faral Alle uu gooyay. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
19. Sakada waxay ka daahirsaa qofka bakheylnimada iyo maal jaceylka zaa’idka ah. Waxay kobcisaa tilmaamaha wanaagsan ee la ammaano, oo sidoo kale waxay u kordhisaa maalkooda.

(61) 61. Waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwa dhiba Nabiga oo dhaha: Waa mid rumeysta (war kasta) uu maqlo20. Dheh: Waa khayr idiin maqlihiinna (ee) rumeysan Allaah; oo aamin ku qaba mu’miniinta; waana u naxariis kuwiinna idinka mid ah ee rumeysan. Kuwa se dhiba Rasuulka Ilaahay waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.
20. Waxaa loola jeedaa waa qof rumeysta wax kasta uu maqlo.

(62) 62. Waxay idiinku dhaaran Allaah si ay idiin raalli geliyaan, Allaah iyo sidoo kale Rasuulkiisa baase mudan inay raalli geliyaan hadday yihiin mu’miniin.

(63) 63. Miyaanay ogayn in qofkii colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa inuu mudan Naarta Jahannama uu ku dhex waarayo weligi. Kaasi weeye dufowga weyn.

(64) 64. Munaafiqiintu waxay ka baqaan in lagu soo dejiyo Suurad ugu sheegeysa si cad waxa ku jira quluubtooda. Dheh: Iska jees jeesa! Alle Wuu soo bixin waxaad ka digtoon tihiin oo ka baqdaan.

(65) 65. Haddaad weydiisona (duriddooda Muslimiinta iyo diintooda) waxay odhan: Wax kale ma ahayne waanu iska kaftameynay, oo aan iska cayaaraynay. Waxaad tidhaahdaa: Ma Allaah iyo Aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa ayaad ku jeesjeeseyseen?

(66) 66. Ha cudurdaarrannina; waad gaaloowdeen rumeyntiinnii kaddib. Haddaan cafinno koox idinka mid ah, Waxaan ciqaabi koox kale, maxaa yeelay waa denbiilayaal (ku adkeysta nifaaqa).

(67) 67. Munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka way is leeyihiin, waxay amraan xumaanta oo reebaan samaanta, oo laabaan gacmahooda21. Waxay illoobeen Allaah (macnaha inay camal san fashaan), markaasuu Isaguna iska illoobay (ku dac dareeyey Naarta oo uga tagey). Munaafi- qiintu waa iyaga kuwa caasiyaasha ah.
21. Diidaan inay wax ku bixiyaan jidka Ilaahay.

(68) 68. Allaah wuxuu u ballan qaaday munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo gaaladaba Naarta Jahannama iyagoo ku dhex waaraya weligood, iyadaa ku filan. Alle wuu nacladay, waxayna leeyihiin cadaab ma guuraan ah.

(69) 69. Sidii kuwii (gaaladii) idinka horreeyay, waxay ahaayeen kuwo idinka xoog badan awood ahaan, oo idinka badan maal iyo awlaadba. Marka waxay ku raaxaysteen calafkoodii, sidaas baad idinkuna ugu raaxaysateen calafkiinnii siday kuwii idinka horreeyey ugu raaxaysteen calafkoodii; waxaadna ku tiinbateen (xumaanta) siday ugu tiinbadeen. Kuwani waa kuwa camal- laadooda ay buraan adduun iyo Aakhiraba Waana kuwan kuwa khasaaray.

(70) 70. Miyaanu soo gaadhin warka kuwii ka horreeyay, ee lahaa qolooyinkii Nuux, Caad, Thamuud, qolodii Ibraahiim, reer Madyan, iyo kuwii korkooda hoos loo rogay22, Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad. Ma aheyn Allaah mid dulmiya, iyaga baase nafahooda dulmiyay.
22. Waa kuwaas loo diray Luud oo u soo jiiday nafahooda cadaabka Ilaahay. Eeg Q 11: 82-83.

(71) 71. Mu’miniintu iyo mu’mindahu, waa xigaalo iyo sokeeye midba kan kale23, waxay amraan samaanta, oo reebaan xumaanta; oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, oo adeecaan Allaah iyo Rasuulkiisa. Kuwani, Allaah wuu u naxariisan doonaa; hubaal Allaah waa Adkaade, Xakiim ah.
23. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Mu’minku wuxuu u yahay mu’minka sida dhista qaarkeed qaarka kale uu xoojiyo. Xadiis kalena wuxuu sheegay inay jir keliya yihiin isu damqada.

(72) 72. Allaah wuxuu u ballan qaaday mu’miniinta iyo mu’minooyinka beero ay hoostoodu webiyo qul-qulayaan ay ku dhex waarayaan weligood, iyo guryo san oo ku yaal Beeraha negaadiga iyo wax inaataba ka sii wanaagsan waa Raalli ahaanshaha Ilaahay. Arrinkani baa ah Liibaanta Weyn.

(73) 73. Nabiyow! La jihaad gaalada iyo munaafiqiinta, oo ha u nuglaanine, hoygooduna waa Naar - xumaa aayotiin ahaan iyo meel la ahaado.

(74) 74. Waxay ku dhaaran Alle inaanay odhan (hadal gaalnimo ah), waxayse yidhaahdeen erey gaalnimo ah, waxayna gaaloobeen kaddib markay islaameen, oyna goosteen waxay gaadhi kari waayeen24, kumana ayan nicin wax kale aan ahayn inay hodan ka noqdeen Fadliga Ilaahay iyo Rasuulkiisa. Hadday toobad keenaan iyagay u roon tahay, haddayse jeesadaan, Alle wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan adduun iyo Aakhiraba, kumana leh dhulka sokeeye iyo gargaare midna.
24. Waa dilka Nabiga s.c.w.

(75) 75. Waxaa ka mid ah kuwo axdi la galay Ilaahay25: Hadduu wax naga siiyo Deeqdiisa, waxaanu bixin Sadaqooyin, oo ka mid ahaan kuwa wanaagsan.
25. Waxaa loo halaagayaa sababta dhaartaas tiimbisada ah.

(76) 76. Markuu wax ka siiyey Deeqdiisa way ku bakhayleen, waxayna jeediyeen dhabarka oo durba siibteen.

(77) 77. Markaas buu ka yeelay munaafaqnimo inay gasho quluubtooda ilaa Maalinta ay la kulmayaan, ballankay kaga baxeen Alle iyo beenaha ay sheegayeen awgood.

(78) 78. Ma waysan ogayn inuu Allaah Ogsoon yahay sirtooda iyo faqoodaba iyo in Allaah yahay kan Og waxa qarsoon aan muuqan.

(79) 79. Kuwa ku ceebeeya kuwaa daacadda ah ee ka mid ah mu’miniinta sadaqada ay dar Ilaahay ula baxaan iyo kuwa aan heli karin inay baxshaan waxaan aheyn xoogsigooda oo ku jeesjeesa, Allaah baa ku jees jeesi, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

(80) 80. Ama u denbi dhaaf dalab ama ha u denbi dhaaf dalbin, xitaa haddaad u denbi dhaaf dalabto toddobaatan jeer, Alle uma denbi dhaafo, arrinkani waxaa ugu wacan waxay rumeyn diideen Allaah iyo Rasuulkiisa. Allena ma hanuuniyo qoloda caasiyaasha macangagga ah.

(81) 81. Kuwii dib u haray waxay ku farxeen fadhigooda ay kaga hareen Rasuulkii Ilaahay; waxayna naceen inay kula jihaad galaan maalkooda iyo Nafahooda Jidka Ilaahay, oo yidhaahdeen: Ha gurmad bixina kulaylaha. Dheh: Naarta Jahannama ayaa ka kuleyl daran, hadday wax garowsan.

(82) 82. Ee ha qoslaan wax yar (adduunka), hana ooyaan wax badan (Aakhiro) abaal gud ahaan waxay kasbadeen (oo denbiyo ah).

(83) 83. Hadduu kuu soo celiyo Alle koox iyaga ka mid ah, oo ay kaa idan qaataan inay kula baxaan (jihaadka), dheh: ila bixi meysaan waligay, lana dagaallami meysaan cadow la jirkeyga; waayo waxaad ku raalli noqoteen inaad fadhiisataan (oo ka hartaan jihaadka) markii horeba, ee la fadhiya (hadda) inta dib u hadhay (ee ka joogay jihaadka).

(84) 84. Ha ku tukan (salaad janaazo) weligaa mid ka mid ah (munaafiqiinta) oo dhinta, hana is dul taagin qabrigiisa. Waayo waxay rumeyn diideen Allaah iyo Rasuulkiisa, waxayna dhinteen iyagoo caasiyaal ah.

(85) 85. Oo yeysan maalkooda iyo carruurtoodu ku cajab gelin. Alle wuxuu uun rabaa inuu ku cadaabo adduunkan iyo inay nafaha ka baxaan iyagoo gaalo ah.

(86) 86. Marka la soo dejiyo Suurad amreysa: Rumeeya Allaah oo gala jihaad la jirka Rasuulkiisa, kuwooda hodonka ah ayaa kaa idan qaata (si looga dhaafo ka qayb galka jihaadka), oo yidhaahda: Na daa aan ka mid noqonno kuwa haree fadhiya(guryaha)

(87) 87. Waxay ku Raalli noqdeen inay ahaadaan la jirka kuwaa ku hara (gadaal guryaha ee ka hara jihaadka). Shaabad baana lagu daahay quluubtooda, marka waxba ma fahmaan.

(88) 88. Laakiin Rasuulka iyo kuwa rumeeyey ee la jira waxay ku jihaad galaan maalkooda iyo nafahooda. Kuwan weeye kuwa mudan khayraadka, waana kuwan kuwa liibaanay.

(89) 89. Alle wuxuu u diyaarshay beero ay hoos- toodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya weligood. Arrinkaasi baa ah Liibaanta Weyn.

(90) 90. Waxaa yimid cudurdaartayaashii ka mid ahaa reer miyiga iyagoo ku weydiisan Idan si looga dhaafo (ka qayb galka jihaadka), waxaana haray oo iska fadhiistay (guryaha) kuwii u sheegay beenta Allaah iyo Rasuulkiisa; waxaa ku dhici doona kuwa xaqa diiday ee ka mid ah cadaab xanuun badan.

(91) 91. Wax eed ah ma saarna korkooda kuwa tabarta yar26 ama bukaanka ah, ama kuwa aan heli karin waxay bixiyaan hadday daacad u yihiin Allaah iyo Rasuulkiisa27. Ma jiro jid lagu eed saari karo sama falayaasha. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
26. Haweenka iyo carruurta, iyo ducafada, iyo bukaanka iyo dadka da’da weyn. 27. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Diintu waa daacad ahaansho. Waxaanu nidhi : Yaa loo ahaan? Wuxuu yidhi: Allaah, Kitaabkiisa, Rasuulkiisa, madaxda Muslimiinta, iyo dadweynaha guud ahaan”. W.w. Muslim

(92) 92. Mana (saarna eed) kuwii markay kuu yimaadeen si aad u siiso gaadiid (ay ku dagaal galaan), aad ku tidhi: Idiinma heli karo wax (gaadiid ah) aan idinku qaado, markaasay dib u laabteen iyagoo ay ka qubaneyso indhahooda ilmo, murugo darteed ay ka qabaan in aanay helin wax ay bixiyaan.

(93) 93. Waxaa uun jid (eedeyn ah) lagu leeyahay kuwa idan kaa qaata (si looga dhaafo ka qayb galka jihaadka) iyagoo maal qabeen ah. waxay ku raalli noqdeen inay la joogaan kuwa dib u haray, wuxuuna Allah daboolay quluubtooda marka ma ay oga (waxa ay waayayaan).

(94) 94. Way idiin cudur daaran markaad u laabataan. Dheh: Ha cudurdaaranina, marnaba idinma rumaysaneyno. Allaah baa noo sheegay arrimo ku saabsan xaalkiinna. Allena wuu arki camalkiinna iyo Rasuulkiis. Markaas waxaa dib la idiinku soo celin Xagga (Alle) Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, markaasuu idiin sheegi waxaad fasheen.

(95) 95. Waxay idiinku dhaaran Allaah (inay cudur daar heystaan) markaad ka soo laabataan (dagaalka Tabuuk) si aad uga jeesataan. Ee isaga jeesta; waa qurune, hoygooduna waa Naar - abaal marin waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah).

(96) 96.Way idiin dhaaran si aad uga raalli noqo- taan, haddiise aad ka raalli noqotaan, Alle kama raalli noqdo qoloda caasiyaasha ah.

(97) 97. Reer miyigaa ugu gaalnimo iyo munaafaqnimo daran, oy u dhowdahay inaanay aqoon soohidmaha wuxuu Alle ku soo dejiyey Waxyi Rasuulkiisa; Alle waa walba Ogsoone, Xakiim ah.

(98) 98. Reer miyigaa waxaa ka mid ah kuwo u qaata waxay bixiyaan inuu yahay ganaax, oo idinla suga belaayo (idinku dhacda), dushooda (bay ahaan) belaayada wareegta. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

(99) 99. Reer miyigaana waxaa ka mid ah kuwo rumeysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro, oo ka yeesha waxay bixiyaan (habab ay ku mutaan) u dhowaansho Alle iyo ducooyinka Rasuulka. Waxay u ahaan dhowaansho. Alle wuxuu galin Naxariistiisa. Hubaal Allaah waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(100) 100. Kuwa u hormaray (Iimaanka iyo camallada san), ee horreeyey oo ka mid ah Muhaajiriinta28 iyo Ansaarta29 iyo kuwa ku raacay wanaagga. Allaah raalli buu ka yahay, iyana raalli bay ka yihiin. Wuxuuna u diyaariyey beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku dhex waari weligood. Kaas baa ah Liibaanta Weyn.
28. Muhaajiriin waxaa loola jeedaa halkan asxaabtii Nabiga s.c.w. ee ka soo haajiray Makkah oo degay Madiinah arrinka islaamka darteed. 29. Ansaarta waa kuwii degganaa Madiina ee aqbalay islaamka oo u gargaaray Nabiga s.c.w.

(101) 101. Waxaa ka mid ah kuwaa hareerihiinna ah ee ka mid ah kuwa reer miyiga ah munaafiqiin, reer Madiinana ( sidoo kale) waxaa ka mid ah kuwo ku madax adag nifaaqa, adigu ma taqaanid, Annagaase og. Waxaanu cadaabi labo jeer (adduunka iyo qabrigaba), markaasaa loo celin xagga Cadaab daran.

(102) 102.Kuwo kalena way qirteen denbiyadoo- da (ka haritaankooda jihaadka), waxay isku dareen camal wanaagsan (jihaad hore ay ka qayb galeen) iyo mid kale oo xun30. Waa intaasoo Alle ka toobad aqbalo. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
30. Waxay Aayaddan tilmaameysaa inay horay uga qayb qaateen Jihaadka ha yeeshee ay ka hareen duullaankii Tabuuk, oo ay leeyihiin camallo fiican iyo mid xunba.

(103) 103. Ka qaad (Nabi Muxammadow) maalkooda Sadaqo aad ku hufeyso oo ku daahirineyso, una ducee. Hubaal ducadaadu waa waxay ku xasilaan, Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

(104) 104. Mawaysan ogayn in Allaah ka aqbalo toobada addoomahiisa oo qaato sadaqooyinka iyo in Allaah yahay Toobad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.

(105) 105. Dheh: camal fasha; marka Allaah wuu arki camalkiinna iyo Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba. Waxaana dib la idiinku soo celin Xagga (Alle) Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqdaba, markaasuu idiin sheegi waxaad fasheen.

(106) 106. Kuwo kalena (oo ka haray jihaadka) waxaa dib loogu dhigay (arrinkooda) inay sugaan Amarka Ilaahay, hadduu cadaabayo ama hadduu ka aqbalayo toobada. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

(107) 107. Kuwase dhistay masjid ay dhibaato ku geystaan iyo gaalnimo iyo si ay tafaraaruq u dhex dhigaan mu’miniinta iyo inuu u ahaado dhufays kan isagu horay ula dagaal galay31 Allaah iyo Rasuulkiisa, waxayna ku dhaaran ma aanu rabin waxaan ahayn wanaag. Alle wuxuu markhaati ka yahay inay yihiin beenalayaal.
31. Waxaa loola jeedaa kii la dagaalay Allaah iyo Rasuulkiisa : Abuu Caamir, waxayna sugayeen inuu ka yimaado Suuriya oo kula tukado masjidkooda, isagoo ay la socdaan ciidammo Ruumaan ah oo u yimaada la dagaallanka muslimiinta, laakiinse Abuu Caamir ma imanoo wuxuu ku dhintay Suuriya, masjidkii ay dhiseen munaafiqiintana waxaa lagu dumiyey amarka Rasuulka s.c.w. waxyigii ku soo degay darti kaddib markuu ka soo laabtay dagaalkii Tabuuk.

(108) 108. Ha isdhex taagin (hana ku tukan masjidkaa oo kale) waligaa. Masjid32 aasaaskiisa lagu dhisay taqwo maalintii ugu horreysayba baa mudan inaad dhex joogsato (si aad ugu tukato). Waxaa jooga rag jecel inay isdaahiriyaan. Alle wuu jecel yahay kuwa is-daahiriya.
32. Masjidka halkan lagu tilmaamayo waa masjidka Qubaa.

(109) 109. Ma mid aasaas uga dhiga dhismihiisa cabsida Ilaahay iyo Raalli gelintiisa baa khayr roon, mise mid ka dhiga aasaaska dhismihiisa qarka god dumaya dushiis, kulana dhici Naarta Jahannama. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta macangagga ah.

(110) 110. Dhismahii ay dhiseen kama suulayo marnaba inuu ahaado sabab keenta walaac ku jira quluubtooda33 in maahee ay u kala go'go’aan quluubtooda qaybo34. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
33. Walbahaarka hayey darti. 34. Ilaa ay ka dhintaan. Sidaas awgeed ma toobad keenayaan.

(111) 111. Allaah wuxuu kaga gatay mu’miniinta nafahooda iyo maalkoodaba inay leeyihiin Janno, waxay u dagaallamaan Jidka Ilaahay35, markaasay dilaan (nabad diidyada) iyagana loo dilaa (Xaqa iyo Nabadda ay fidiyaan). Waa ballan dushiisa ah xaq ah oo ku cad Tawraadda iyo Injiilka iyo Qur’aanka. Yaa ka oofin og ballan uu qaaday Allaah? ee ku farxa beeciinna ee aad heshiiska ku gasheen; arrinkaasi weeye Liibaanta Weyn.
35. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Arrinka qofka u jihaada Ilaahay darti, Allaah baana ogsoon qofka u jihaada darti, wuxuu la mid yahay qof u sooma oo u salaada si aan hakad lahayn. Allaah kor ahaaye wuxuu u ballan qaaday qofkii u jihaada Jidkiisa inuu gelin Janno haddii la dilo, haddii kale wuxuu u soo celin gurgiisa isagoo nabad qaba oo ajar helay iyo qaniimo (maal)”. W.w. Al-Bukhaari.

(112) 112. Kuwa toobad keena, ee caabuda (Allaah Keliya), ammaana ee mahdiya, sooma ee u baxa diin fidinta, ee rukuuca, ee sujuuda ee amra waxa san ee reeba waxa xun, ee dhawra soohdimaha Ilaahay36 una bishaaree mu’miniintaa.
36. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Yaa ii ballan qaadaya (dhowrista) waxa labadiisa daan dhexdooda ah ( carrabkiisa) iyo waxa labadiisa lugood dhexdooda ah ( farjagiisa) waxaan aniguna u ballan qaadayaa Janno”. W.w. Al-Bukhaari

(113) 113. Kuma (habboona) Nabiga iyo kuwa rumeysan inay u denbi dhaaf dalbaan mushrikiinta qaraababa ha ahaadaane, kaddib kolkay u caddaatay inay yihiin ehlu Naar37 (ku dhinteen gaalnimo).
37. Qofna looma weydiin karo denbi dhaaf Ilahaay oo lama odhan karo Allaha u naxariisto, marba hadduu ku dhinto gaalnimo, ama isagoo ku jira shirki ama dhinta isagoo ma tukade ah.

(114) 114. Ma ahayn u denbi dhaaf dalabkii Ibraahiim uu u denbi dhaaf dalbay abbihiis waxaan ahayn ballan uu ka qaaday. Markiise ay u caddaatay inuu ahaa cadow Ilaahay, barii buu ka noqday; Ibraahiim wuxuu ahaa kal same, dulqaad badan.

(115) 115. Ma aha Alle Mid lumiya qolo kaddib markuu hanuuniyey, wuxuuse u caddeeyaa waxay tahay inay iska jiraan38. Alle waa Ogsoonaha wax walba.
38. Qofka looma cadaabo habowgiisa darti haddaan loo caddeyn waxaa inay denbi yihiin, oo uusan ku xadgudbin amarro loo caddeeyey.

(116) 116. Alle baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo aralda, Isagaa wax nooleeya oo dhinsiiya. Mana lihidin Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.

(117) 117. Wuxuu Allaah ka toobad aqbalay Nabiga iyo Muhaajiriinta iyo Ansaartii raacday waqtigii adkaa (ee dagaalkii Tabuuk), kaddib markii quluubta qaar ka mid ah ay ku sigteen inay weecdaan, markaasuu ka toobad aqbalay. Hubaal Alle waa mid u Turid iyo Naxariis Badan.

(118) 118. (Sidoo kale wuu cafiyey) seddexdii dib loo dhigay (arrinkooda ee ka xumaaday khaladkoodii)39, heer arladu ku ciriiryoontay waxay ballaar laheyd, nafahoodana sidoo kale ku ciriiryoomeen, waxayna hubeen in aanay jirin meel laga magan galaa Alle aan ahayn Xaggiisa. Markaasuu waafajiyey toobad keen, si ay u toobad keenaan. Hubaal Alle waa Toobad Aqbal Badanaha, Naxariista badan.
39. Aayadahani waxay ku soo dageen duullaankii Tabuuk, wuxuuna ahaa waqti aad u kulul, iyo socdaal dheer, waayo Madiina iyo Tabuuk waa kala dheer yihiin marka lug lagu socdo. Seddexdaas nin ee dib ku haray waxay ahaayeen: Kacab bin Maalik, Hilaal bin Umayyah, iyo Muraarah bin Rabiic., waxaana lagu eedeeyey inay ka hareen dagaalkii Tabuuk oo ayan ka soo qayb gelin.

(119) 119. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray), ahaadana la jirka kuwa runlowyada ah.

(120) 120. Kuma habboona reer Madiina iyo kuwa hareerahooda ah ee ka mid ah kuwa dega miyiga inay uga haraan gadaal Rasuulka Ilaahay, iyo inay ka jecleystaan nafahooda naftiisa. Maxaa yeelay ma jiro harraad ama daal ama gaajo ku soo gaadha Jidka Ilaahay40, ama goob ay cagaha dhigaan oy ku cadho gashaan gaalada, iyo waxay gaarsiiyaanba cadowga oo aan loogu qoreyn camal san. Hubaal Alle ma dayaco ajarka sama falayaasha.
40. Waqtiyada shiddada, waxay aheyd inay la sabraan oo la dul qaataan Nabiga s.c.w. oo qabtaan wax kastoo islaamka u baahan yahay.

(121) 121 Ma jiro wax yar ama weyn oo ay bixiyaan ama tog ay ka tillaabaan oo aan loo qorayn ajar, si uu Allaah ugu abaal mariyo si waafaqsan kan ugu fiicnaa camalladii ay faleen.

(122) 122. Ma aha mu’miniinta inay u soo wada baxaan (duullaanka) dhammaantood mar keliya. Ee waa inay iska soo saaraan qayb walba oo iyaga ka mid ah koox (u hareysa) inay fahmaan diinta si ay ugu digaan (oo waaniyaan) dadkooda markay u soo laabtaan, si ay u digtonaadaan.

(123) 123. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! La dagaallama kuwa idinku qabsan ee ka mid ah gaalada (duullaanlka idinku ah) hana idinka heleyn adadayg, ogaadana inuu Allaah la jiro kuwa iska jira (xumaha oo dhowra Amarradiisa).

(124) 124. Marka Suurad la soo dejiyo, waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo yidhaahda: Kiinnee bay tani u kordhisay Iimaan?. Kuwa rumeysan waxay u kordhisaa iimaan, oo waa bay ku farxaan oo bishaareystaan.

(125) 125. Kuwase quluubta ka buka41, waxay u kordhisaa fadaro42 (ka badan) fadaradoo- dii, waxayna dhintaan iyagoo gaalo ah.
41. Jirrada qalbiga waxaa halkan loola jeedaa gaalnimada, nifaaqa, shakiga, kibirka, iwm. 42. Rijz luqad ahaan waa xumaan, fadaro, najaaso waxaana loola jeedaa gaalnimo iyo munaafiqnimo.

(126) 126. Mawaysan arag in la jarribo sannad walba mar ama labo jeer? Sidaa oy tahay uma toobad keenaan (Allaah), mana waansamaan.

(127) 127. Marka Suurad la soo dejiyona, wuxuu eegaa qaarkoodba qaarka kale (oo isweydiiyaan): Cid ma idin aragtaa? markaasay jeesadaan. Allaah baa ka jeediyey quluubtooda (hanuunka), waayo waa qolo aan wax fahmin.

(128) 128. Waxaa dhab ahaan idiin yimid Rasuul idinka mid ah, ay murugo geliso waxa idin dhiba, idiin roon oo dadaal badan, mu’miniinta u turid iyo naxariis badan.

(129) 129. Haddayse jeesadaan, dheh: Waxaa igu Filan Allaah. Ma jiro ilaah (xaq ah) Isaga maahee. Isagaan isku halleeyaa oo tala saartaa, waana Rabbiga Carshiga Weyn.