(1) 1. Waxaa khayr iyo barako badan (Allaah) ay Gacantiisu ku jirto Mulkiga (iyo maamulka uunka oo dhan), wax walbana Kara.
1. Al-Mulk: Xukunka, Boqortooyada, Hanashada, Lahaanshada, maamulka, agaasinka, iwm.
(2) 2. Alle waa Kan abuuray geeri iyo nololba, si uu idiin imtixaano kiinna idiinku camal wanaagsan. Waana Adkaadaha sare, Denbi Dhaafka Badan.
(3) 3. Kan abuuray toddobo samooyin dabaqyo ah kala korreeya, ku arki meysid wax isdhaafsanaan ah abuurka (Ilaahay) Raxmaanka. Ee ku celi araggee: Miyaad ku aragtaa wax dillaac ah iyo duleello.
(4) 4. Misna ku celi aragga mar labaad, araggaagu adiga buu kugu soo noqon isagoo dulleysan oo daallan.
(5) 5. Waxaan dhab ahaan ku qurxinnay samada dhow nalal (xiddigo), Waxaana ka dhignay (xiddigahaa) gantaallo lagu gano shayaadiinta2, waxaanuna u diyaarinnay cadaab Naar hureysa.
2. Xiddigahaa waa qurux iyo ilaalo.
(6) 6. Kuwa ku gaaloobana Rabbigood waxay leeyihiin cadaab jahannamo, oo u xun aayotiin iyo meel la ahaado.
(7) 7. Marka (gaalada) lagu tuuro Naarta, waxay ka maqli cartan daran iyadoo karaysa.
(8) 8. Waxay ku sigan inay la kala dildillaacdo cadho. Mar kastoo guuto lagu tuuro, wuxuu waardiyaheeda weydiin: Ma wuusan idiin imaan dige (Rasuul Alle)?
(9) 9. Waxay odhan: Haayoo waa noo yimid dige, waanse beeninnay oo nidhi: Allaah ma soo dejin wax (Waxyi ah), waxaad uun idinku ku sugan tihiin habow weyn.
(10) 10. Waxay odhan: Haddaan wax maqli laheyn ama garowsan laheyn, kama aanu mid ahaaneyn ehlu Naarka.
(11) 11. Marka waxay qiran denbigooda, ee ha fogaadeen3 qolada Naarta Hureysa.
3. Iyagoo laga fogeeyey wax khayr ah oo dhan ama wax Naxariis Ilaahay ah.
(12) 12. Kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba) waxay leeyihiin Denbi Dhaaf iyo Ajar Weyn (Janno).
(13) 13. Hoos u dhiga hadalkiinna ama kor u qaada. (Alle) wuu Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
(14) 14. Ma wuusan Ogeyn Kan abuuray (uunkiisa iyo arrimahooda)4? Waana Roonaan Badanaha, Xog Ogaalka ah.
4. Tafsiirka kale waxaa weeye: miyuusan Alle ogeyn xaalka kuwa uu abuuray?
(15) 15. Alle waa Kan idiinka dhigay dhulka hayin ee ku socda aagaggiisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa, Xaggiisa bayna ahaan u soo Bixiddu (Qiyaamada).
(16) 16. Ma waxaad ka aamin tihiin in Kan (Alle) ka kor ah cirka idinla gooyo arlada, ayna idin la dhaqdhaqaaqdo5.
5. Sida dhul gariirka.
(17) 17. Mise ma waxaad aamin ka tihiin in Kan (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata? Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu?
(18) 18. Waxaa dhab ahaan beeniyey (Xaqa) kuwii ka horreeyey,ee sidee aheyd Ciqaabtii ku dhacday?
(19) 19. Mawaysan arag shimbiraha korkooda ah ee fidinaya (baalashooda) oo isku soo laabaya? Ma jiraan wax haya iyaga aan aheyn Raxmaanka (Allaah). hubaal, wax walba wuu Arkaa.
(20) 20. Ama waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka (Allaah) sokadi? Gaaladu kuma sugna waxaan aheyn hodnaan.
(21) 21. Ama waa kee kaa idin siin risiq haddii uu (Alle) heysto Risiqiisa? Waxayse ku adkeystaan kibir iyo didmo.
(22) 22. Ma mid socda wejigiisoo foorara baa hanuunsan, mise mid ugu socda si quman Jid Toosan?
(23) 23. Dheh: (Alle) waa Kan idin uumay idiinna yeelay maqalka iyo aragga iyo laabaha. Yaraa intaad (ku) mahdisaan (Alle).
(24) 24. Dheh: (Alle) waa Kan idinku fidshay (abuuray) dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin (Qiyaamada).
(25) 25. Waxay odhan: Waa goorma waqtiga gooddigani la fulin haddaad run sheegi?
(26) 26.Dheh: Alle baa Og (waqtigay tahay), waxaanse ahay anigu dige cad.
(27) 27. Markayse arkaan (cadaabka Ilaahay) oo ku soo dhow, waxaa xumaan wejiyada gaalada, waxaana lagu odhan: Waa kan waxaad u yeedhan jirteen (in la idiin soo dedejiyo).
(28) 28. Dheh: Bal ka warrama haddii Allaah i halligo aniga (Nabi Muxammad) iyo inta ila jirta (mu'miniinta), amaba noo naxariisto, yaa ka badbaaadin gaalada cadaab xanuun badan?
(29) 29. Dheh: Alle waa Raxmaanka, waanu rumeynay, Isagaana isku halleynaa oo tala saarannaa. Waadna ogaan doontaan waa kee kan ku sugan habow cad.
(30) 30. Dheh: Bal ka warrama hadday biyihiin- nu dhulka ku guraan, waa kee kan idiin keeni kara biyo socda oo dur dur ah?.(Ma jiro waxaan Alle ahayn oo keeni kara).