(1) 1. Ku akhri Magaca (Alle) Rabbigaa, ee abuuray (wax waliba).
(2) 2. Ka abuuray aadmiga xinjir.
(3) 3. Akhri! Rabbigaana waa Sharaf Badnaha,
(4) 4. (Dadka) baray sida wax loogu qoro qalinka.
(5) 5. Baray Aadmiga wax uusan aqoon.
(6) 6. Mayee! Aadmigu (kan gaalka ahi) wuu xadgudbaa oo kibraa.
(7) 7. Markuu isku ogaado Hodantinnimo iyo deeqtoonaan.
(8) 8. Hubaal! Waa xagga (Alle) Rabbigaa noqodku.
(9) 9. Ka warran midka ka reeba.
(10) 10. Addoon (Alle) oo tukan salaad?
(11) 11. Bal ka warran hadduu ku sugan yahay (addoonkaa) jid toosan?
(12) 12. Amaba uu amro xume ka dhowrsiga?
(13) 13. Bal ka warran hadduu kaasina (gaalka ahi) beeniyo Xaqa, kana jeesado?
(14) 14. Mawuusan ogeyn in Alle arko?
(15) 15. Mayee! Haddii uusan meel joogin, waxaanu hubaal qaban foodda,
(16) 16. Food beenley ah oo gefley ah.
(17) 17. Ha u yeedho golihiisa.
(18) 18. Waxaannu u yeedhi malaa’ig daran.
(19) 19.Mayee, ha adeecin oo sujuud, una dhowow (Alle).