56 - Suurada Alwaaqicah ()

|

(1) 1. Markay dhacdada weyni dhacdo (waa Qiyaamada).1
1. Al-Waaqica: Dhacdada dhici doonta, waxaa loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha.

(2) 2. Ma jiro dhiciddeeda wax beenin.

(3) 3. Hoos u dhigeysa (ehlu Naarka) kor u qaadeysa (ehlu Jannaha)2.
2. Hadba sida camalkoodu yahay oo looma eegayo maal iyo jago uu hayo siduu yahay xaalka adduunkan.

(4) 4. Marka la gilgilo dhulka gilgilid daran.

(5) 5. Buurahana la ridqo ridqin daran.

(6) 6. Oo ay noqoto sida boor firdhisan.

(7) 7. Oo aad ahaataan (dadow) saddex nooc.

(8) 8. Kuwa ah Gacanta Midig (ehlu jannaha), nasiib badanaa kuwa ah Gacanta Midig.

(9) 9. Kuwase ah Gacanta Bidix (ehlu Naarka), ayaan darnaa kuwa ah Gacanta Bidix.

(10) 10. Kuwa u hor mara (Iimaanka iyo falashada camallada wanaagsan) iyagaa horreyn3.
3. Sida anbiyada Ilaahay iyo kuwa horey ka rumeeyey iyagaa hor geli doona Jannada.

(11) 11. Waa kuwa loo soo dhoweyn (Ilaahay).

(12) 12. Waxay Ku sugnaan Beero barwaaqo ah gudahood (jannooyin).

(13) 13.(Ay geli)jameeco badan oo ah horraankii (ummadan iyo ummadaha kaleba).

(14) 14.Iyo in yar oo ka mid ah facyadii dambe4.
4. Waxaa loola jeedaa kuwii ahaa aakhirka ummaddan.

(15) 15. Iyagoo ku sugnaan sariiro dahab lagu qurxiyey.

(16) 16. Ku dangiigsan korkeeda,fool ka fool ah.

(17) 17. Waxaa u adeegi wiilal waaraya aanay da’ doorin, kuwaa oo kula wareegi doona,

(18) 18. Koobab iyo kirliyo iyo galaasyo (khamri saafi ah) xagga il socota (Jannada).

(19) 19. Aanu marnaba madaxu ku wareerin kuna maan guurin.

(20) 20. Iyo midho waxay doortaan ah.

(21) 21. Iyo hilib shimbiro kay rabaanba.

(22) 22. Oo (ay u wehelin doonaan) xuurul cayn.

(23) 23. La moodo luul la dhowray.

(24) 24. Waa abaalgud waxay camalsan fali jireen.

(25) 25. Kuma maqlaan (Jannada) hadal macno darro ah iyo denbi midna.

(26) 26. Waxaan ahayn odhaahda nabad nabad.

(27) 27. Kuwa ah Gacanta Midig, nasiib badanaa kuwa ah Gacanta Midig?.

(28) 28. (Waxay dhex ahaan) geedo gob aan qodax lahayn.

(29) 29. Iyo geedo Muus ah midho karooran.

(30) 30. Iyo har fidsan,

(31) 31. Iyo biyo u socda joogto,

(32) 32. Iyo midho tiro badan.

(33) 33. Marnaba aan go’eyn, la isuna diideyn.

(34) 34. Iyo sariiro (boqoreed) la kor yeelay.

(35) 35. Waxaan Annaga (Alle ah) ka yeeli inay soo baxaan iyaga (haweenkii adduunka ee Jannada galay) soo bixid gaar ah.

(36) 36. Kana dhigi bikrooyin ugub ah.

(37) 37. Gacalooyin, isku wada da’ ah.

(38) 38. Oo ay leeyihiin kuwa ah Gacanta Midig.

(39) 39. Kuwo badan oo ka mid ah waa facyadii hore.

(40) 40. Kuwo badan oo ka mid ahna facyada dambe.

(41) 41.Kuwase ah Gacanta Bidix-ayaan darnaa kuwaa ah Gacanta Bidix (ehlu Naarka)?

(42) 42. Waxay dhex ahaan hanfi kulul iyo biyo karkaraya.

(43) 43. Iyo hoos qiiq badan.

(44) 44.Aan laheyn qabow iyo arag fiican midna.

(45) 45. Waxay ahaayeen taa horteed (adduunka) kuwo ku raaxeysta (xaaraan).

(46) 46. Waxay ku adkeysan jireen Denbiga weyn (shirkiga).

(47) 47. Waxay odhan jireen: Ma markaan dhimanno oo noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo nooleyn?.

(48) 48. Sidoo kale miyaa aabbayaashayadii hore (la soo nooleyn)?

(49) 49. Dheh, kuwii hore iyo kuwa dambaba.

(50) 50. Waxaa hubaal loo soo kulmin wada jir madal Maalin la yaqaan.

(51) 51. Markaas idinka kuwiinan habowsana- yaasha ahow, ee beeniyow (Qiyaamaha).

(52) 52. Waxaad wax ka cuneysaan geed xun oo Zaqquum ah5.
5. Waa geed Naarta ku yaal oo u keena xanuun daran qofkii cuna.

(53) 53. Oo ka buuxineysaan caloolihiinna.

(54) 54. Waxaad ku cabbeyssan biyo kulul oo karkaraya.

(55) 55. U cabbeysaan sida cabbidda geel asqoobay.

(56) 56. Kaasi waa waxa lagu soori (gaalada) Maalinta Abaal marinta (Qiyaamaha).

(57) 57. Annagaa (waa Alle'e) idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen?

(58) 58. Ma u fiirsateen minada idinka timaadda?

(59) 59. Ma idinkaa abuura mise waa Annaga (Allaah ah) Abuurayaasha?

(60) 60. Annagaa idiin qaddarnay dhimashada dhexdiinna,mana jiro qof naga baxsan kara

(61) 61. Inaan idinku beddelno kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo saarno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn.

(62) 62. Waadna og tihiin abuuriddii hore, ee miyeydaan waantoobeyn?

(63) 63. Ma u fiirsateen waxaad beertaan?;

(64) 64. Ma idinkaa soo bixiya, mise waa Annaga (Alle ah) Kuwa soo Bixiya?

(65) 65. Haddaan Doonno,waxaan ka dhigeynaa xaabo engagan, markaasaad ka xumaan.

(66) 66. (idinkoo leh): Waa nala khasaariyey.

(67) 67. Mase waa nala hoojiyey.

(68) 68. Ma u fiirsateen biyahaad cabtaan?

(69) 69. Ma idinkaa kuwa ka soo dejiya daruura- ha, mise Annaga weeye kuwa soo dejiya?

(70) 70.Haddaan doonno, Waxaan ka dhigeynaa jaan dhanaan oo milix ah (aan la dhami karin),ee maad ku shukridaan (Alle)?

(71) 71. Ma u fiirsateen dabka aad madagta ka shiddaan.

(72) 72. Ma idinkaa kuwa u soo saara geedaha, mise Annaga (Alle ah) weeye soo saarayaasha?

(73) 73. Annaga (Alle ah) baa waxaynu ka dhignay xusuus; iyo waxay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha (iyo qeyrkoodba)6.
6. Musaafiriinta ama socotada waxaa halkan loogu xusay gaar ahaan inuu arrinkaasi mudnaan gaar ah u leeyahay iyaga, inkastoo uu yahay sahay ay u baahan yihiin dadka guud ahaan. Dabkana waxaa lagu xusuustaa Naarta Aakhiro.

(74) 74. Ee xurmee oo huf Magaca (Allaah) Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.

(75) 75. Mayee, Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan.

(76) 76. Waana dhaar weyn, haddaad ogaan lahaydeen.

(77) 77. Hubaal kani waa Qur'aan Sharaf Badan.

(78) 78. Ku yaal Kitaab aad la dhowray (Looxa Maxfuudka).

(79) 79. Cidina taaban kuwa la daahiriyey mooyee (malaa’igta).

(80) 80. Waa soo dejinta Rabbiga uumanka.

(81) 81. Ma warkan (Qur’aanka) baad (gaaloy) u qaadataan wax fudud aan qiimo lahayn?

(82) 82. oo aad ka yeeleysaan (mahaddii) risiqiinna beenin (Xaqa).

(83) 83. Ee maxaydaan markay (naftu) dhuunta gaadho.

(84) 84. Idinkuna markaas aad u jeeddaan (qofka dhiman).

(85) 85. Annaguna (Alle ah Ogaal iyo Awood ahaan iyo malaa’igtayada) idiinka dhownahay, laakiinse aydaan arkayn.

(86) 86. Ee haddaad tihiin kuwo aan la soo bixineyn oo la xisaabineyn (Aakhirada).

(87) 87. Maxaad Ugu soo celin (weydeen) nafta (jirkeedii) haddaad run sheegeysaan?

(88) 88. Hadduu ka mid yahay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah).

(89) 89. Waxaa u ahaaday raaxo, reynreyn, reexaan udgoon iyo Janno barwaaqo ah.

(90) 90. Hadduu ka mid yahay kuwa ah gacanta midig (ehlu Jannada).

(91) 91. Nabad baa idiin sugnaatay kuwa ahow gacanta midig.

(92) 92. Haddiise uu ka mid yahay (Xaq) beeniyayaasha, habowsanaaysaha ah.

(93) 93. Waxaa lagu sooryeen biyo kulul oo karaya.

(94) 94. Iyo ku gubasho Dabka aan dameyn ee ololka badan (Naarta).

(95) 95. Arrinkani waa run la hubo oo xaqiiq ah.

(96) 96. Ee xurmee oo huf Magaca (Allaah) Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.