66 - Suurada At-taxriim ()

|

(1) 1. Nabiyow! Maxaad uga xarrimeysaa (Naftaada) wuxuu Allaah kuu xalaaaleeyey si aad u raalli geliso xaasaskaaga? Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.
1. At-Taxriim: Iska xaaraantinimeyn.

(2) 2. Allaah wuxuu horeyba idiinku jideeyey dhaar furyo2.Allena waa gargaarahiin, waana wax walba Ogsoonaha,Xakiimka ah.
2. Inaad sameysaan kafaara gud:. Xagga kafaara gudka la bixinayo: akhri Suuradda 5: Aayadda 89

(3) 3. (Xusuuso) markuu Nabigu ku qarsaday war sir ah mid ka mid ah xaasaskiisa (Xafsah a.k.r), markayse u sheegaty (mid kale, Caa'ishah a.k.r) warkaa, Allena u daahiriyey (Nabiga),wuxuu xusay qaar ka mid ah waxay sheegtay oo iska daayey qaar. Markuu u sheegay arrinkaa, waxay tidhi: Yaa kuu sheegay arrinkani? Wuxuu yidhi: Waxaa ii sheegay Wax walba Ogsoonaha, Xog Ogaalka ah.

(4) 4. Haddaad labadiinnu (Xafsah iyo Caa'ishah) Alle u noqotaan (oo toobad keentaan) inkastoo quluubtiinnu iilatay (Alle wuu idiin denbi dhaafi); haddaadse isu kaalmeysataan (Nabiga) dhibkiisa, hubaal, Alle baa ah Gargaarahiis iyo Jabriil iyo mu’miniinta wanaagsan - malaa’igta (kale) baana intaas kaddib garab u ah.

(5) 5. Waa intaasoo, Rabbigi, hadduu (Nabigu) idin furo, siiyo beddelkiin xaasas idinka khayr badan, muslimooyin ah,mu’minooyin, daacad, soo noqosho badan, caabidooyin, soomanooyin3, leh garoobbo iyo bikrooyin.
3. Saa’ixaat waxaa lagu fasiray soomanooyin. Waxaa sidoo kale lagu fasiray kuwa u socda khayrka iyo fidinta diinta Ilaahay (Islaamka).

(6) 6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka dhowra nafahiinna iyo eheladdiinaba Naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxaan, ay u xilsaaran yihiin malaa’ig adag oo daran, kuma ay caasiyaan Allaah wuxuu ku amraba, waxayna falaan wixii la amro.

(7) 7. Gaaloy! Ha cudur daarannina Maanta. Waxaa la idinku abaal marin uun wax waafaqsan waxaad fasheen.

(8) 8. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! U toobad keena Allaah toobad san, si uu Rabbigiin idinka tirtiro xumaatooyinkiinna, idin geliyona Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, Maalinta uusan Alle hoojineyn Nabiga iyo kuwa (Xaqa) la rumeeyey, Nuurkoodu socon hortooda, iyo xagga gacmahooda midig, waxay odhan: Rabbigayow! Noo dhammeystir Nuurkayaga oo noo ceeb astur. Adigu wax walba waad Kartaaye.

(9) 9. Nabiyow! Aad ula halgan gaalada (nabad diidka ah) iyo munaafiqiinta kuna ad- adkow, hoygooduna waa Naar - oo u xun meel la ahaado.

(10) 10. Allaah wuxuu tusaale uga dhigay kuwa gaalada ahi, xaaskii Nuux iyo xaaskii Luud; waxay hoos joogeen labo addoon oo ka mid ah addoomahayaga wanaagsan, waxayse u dhaqmeen si khiyaano ah xaggooda4, marka waxba iyagu ugama ay tarin (xaasaskoodii) xagga Ilaahay. Waxaana la yidhi: La gala Naarta kuwa gala.
4. Xagga arrimaha diinta ee ma aha gogosha, iwm.

(11) 11. Wuxuuna Alle tusaale uga dhigay kuwa (Xaqa) rumeeyey, xaaskii Fircoon; markay tidhi: Rabbiyow! Iiga dhis guri agtaada jannada gudaheeda, oo iga samata bixi Fircoon iyo camal xumadiisa, igana samata bixi qoloda daalimiinta (gar diidka) ah.

(12) 12. Iyo sidoo kale Maryam, gabadhii Cimraan, taasoo xafidday farjigeeda; waxaana ka afuufnay (jeebka cambuurkeeda) uu ka afuufay (malag Jabriil), waxayna rumeysay Kelmedihii Rabbigeed iyo Kutubtiisa, kana mid aheyd kuwa Alle adeeca.