25 - Suurada Alfurqaan ()

|

(1) 1. Waxaa Barako iyo Khayr badan (Allaah) ee ku soo dejiyey Furqaanka1 (Qur’aanka kala saara Xaqa iyo baadilka) addoonkiisa (Nabiga) si ugu noqdo caalamka dige2.
1. Al-Furqaan waa Magac kale ee lagu magacaabo Qur’aanka, macnaha Al-Furqaan waxaa weeye kala saaraha runta iyo beenta, samaanta iyo xumaanta. 2. Ku soo dejiyey addoonkiisa, waxaa loola jeedaa addoonkiisa Nabi Muxammad s.c.w. waana sharfid sidaas.

(2) 2. (Allaah) ee iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, aan yeelan wiil (ilmo) oo aan lahayn wax shariig ah (la wadaaga) Mulkiga (iyo maamulka uunka). abuurayna wax walba, oo u aheysiiyey si qiyaasan.

(3) 3. Waxay yeesheen Alle sokadi ilaahyo aan waxba abuuri karin balse iyaga la abuuray, oo aan u hanan karin nafahooda wax dhib ama dheef ah, oo aan laheyn wax awood ah (ay ku sababaan) dhimasho, ama (ku bixiyaan) noolaansho, ama mid dhintay kaga soo bixiyaan qabri isagoo nool.

(4) 4. Kuwa (Xaqa) diida waxay yidhaahdeen: “Kanu (Qur’aanka) ma aha waxaan aheyn been uu isagu (Muxammad) hal abuurtay, oo ay dad kale ku kaalmeeyeen, waxay dhab ahaan la yimaadeen dulmi iyo been abuur.”

(5) 5. Waxay yidhaahdeen: “Waa sheekooyinkii dadkii hore - waa uu soo qortay, marka waxaa loo soo yeedhiyaa subax iyo galabba.

(6) 6. Dheh (Nabiyow): “Waxaa (Qur’aankan) soo dejiyey (Allaah ee ah) Kan ogsoon sirta samooyinka iyo arlada. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(7) 7. Waxay (gaaladii) yidhaahdeen:“Muxuu yahay arrinka Rasuulkan uu u cuni cunto, una socon suuqyada (sidayada oo kale). Maxaa malag loola soo diri waayey ee ahaada mid la jirki wax u diga?

(8) 8. “Ama (maxaa) looga soo dejin waayey xagga samada khaznad maal (ka buuxo uu kaga maarmo xoogsiga), ama u ahaato beer uu wax ka cuno? Waxayna daalimiintu yidhaahdeen: Ma raacdaan (Mu’miniintoy) waxaan aheyn nin sixran.”

(9) 9.Bal eeg siday kuugu yeeleen tusaalooyin 3, oo ay u lumeen, una karin (qaadidda) Jid (Toosan - Islaamka).
3. Oo malahooda ah si ay kuu beeniyaan oo wax kuugu dhimaan.

(10) 10. Waxaa barako iyo khayr badan Alle ee hadduu doono ku siin wax ka khayr badan taasi - jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, wuxuuna ku siin daaro waaweyn (Jannada gudaheeda).

(11) 11. Waxayse beeniyaan Saacadda (Qiyaame), waxaana u diyaarinnay qofkii beeniya Saacadda dab huraya.

(12) 12. Markay (Naartu) ka aragto meel fog, waxay ka maqlaan cadho daran iyo cartan.

(13) 13. Marka lagu tuuro dhexdeeda meel cidhiidhi ah iyagoo isku xidhan, waxay u yeedhaan halaag4.
4. Waxay u rajeeyaan halaaggaa oo u yeertaan thubuur (dhimasho) si aan loogu cadaabin cadaabka daran ee Naarta.

(14) 14. (Waxaana la odhan): Ha u yeedhannina maanta halaag keliya, ee u yeedha halaag badan5.
5. Thubuuraa waa weedh ay Carabta odhan jireen markay la kulmaan cadow ka xoog badan ama ku dhacdo musiibo weyn, macnaheeduna waxaa weeye Allow naga soo gaadh oo na badbaadi ama nafta naga qaad.

(15) 15. Dheh: Ma taasaa wanaagsan - mise Jannada waaridda ee loo yaboohay kuwa iska jira (xumaha)? Taasi waa u abaal marin iyo aayo wanaagsan.

(16) 16. Waxay leeyihiin gudaheeda waxay doonaan iyagoo ku waadhaya; waa yabooh ku habboon in la weydiisto Rabbigaa6.
6. Waa yabooh ay malaa’igta u dalbaan mu’miniinta oo Alle uga baryaan, mu’miniintana sidoo kale Allaah weydiistaan.

(17) 17. (Xus) Maalintuu soo kulmin gaalada iyo waxay caabudayeen Allaah sokadi, markaas wuxuu odhan: “Ma idinkaa lumiyey addoomahaygaan, mise iyagaa iskood uga lumay Jidka (Toosan)?.”

(18) 18. Waxay odhan: “Xurmo oo dhan Adigaa (Allow) iska leh oo hufan! Naguma habboona inaan yeelanno awliyo (gargaarayaal) Adiga ka sokow, waxaadse u raaxeysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen waanada, waxayna ahaayeen qolo hoogay oo ba'ay.

(19) 19. Sidaasay dhab ahaan idiinku beenin waxaad sheegaysaan, markaasna ma kartaan is furasho iyo gargaar midna. Ciddiina wax dulmida oo idinka mid ah waxaanu dhadhansiin cadaab weyn.

(20) 20. Ma aan dirinna hortaa adiga (Nabiyow) wax Rusul ah oo aan cunayn cunnada, soconayna suuqyada (shaqeysanayeen). Waxaana uga yeelnay qaarkiinba qaar kale imtixaan ee ma samreysaan? Rabbigaana waa Mid Arka (oo u jeeda wax walba).

(21) 21. Kuwa aan rajeynayn la Kulankayaga waxay yidhaahdeen: “Maxaa malaa’ig na loogu soo diri waayey ama (maan) aragno Rabbigayo (Allaah)?” Xaqiiq isla weynaadeen (kibreen) oo ka madax adeygeen (Xaqa) madax adayg weyn.

(22) 22. Maalintay arki malaa’igta7 uma ahaan doonto farxad Maalintaas denbiilayaasha, waxayna (malaa’igtu) odhan:“Waa wax idinka xarriman (jannada) oo gebigeedaba idinka reebban8.
7. Waqtiga dhimashadooda. 8. Ma jiro war san iyo wanaag oo dhan.

(23) 23. Waxaanuna hor keeni9 waxay (mushrikiinta, gaalada) ay camal san faleen, oo ka yeeli sida boor hawada ku baabba’ay.
9. Maalinta Qiyaamaha

(24) 24. Ehlu-Jannuhu waxay Maalintaas ku sugnaan rug halka u khayr badan iyo meel harsimaysi iyo raaxo wanaagsan.

(25) 25. (Xus) Maalinta marka samada dillaac la furmi oo daruuro (cad ka soo baxayaan)10, lana soo dejin malaa’gta soo dejin.
10. Daruurahaasoo ay malaa’ig ku jiraan.

(26) 26. Boqortooyada Maalintaas waxaa run ahaan iska leh (Allaah) Raxmaanka, oo maalin daran bay u ahaan gaalada.

(27) 27. (Xus) Maalinta daalimku uu qaniini gacmihiisa (shallayti iyo qoomamo) isagoo leh: “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayey jid Rasuulka11.
11. Nabiga la soo diray, jidkaas oo ah Islaamka.

(28) 28. Hoogay oo ba'aye! Maxaan hebel saaxiib uga yeeshay12.
12. Wuxuu sheegayaa qofkii habaabiyey.

(29) 29. Wuxuu iga habaabiyey waanada13, intuu ii yimid kaddib. Shaydaanna wuxuu hagradaa dadka oo uga tagaa meel xun14 oo hungo ah.
13. Wuxuu ula jeedaa Qur’aanka ama Xusidda Ilaahay. 14. Wuu isaga tagaa oo cidla’ uga dhaqaaqaa markuu lumiyo kaddib oo u horseedo xumaanta.

(30) 30. Wuxuu Rasuulkuna yidhi: “Rabbiyow! Dadkeygii waxay ka yeesheen Qur’aankan wax laga tagey15.
15. Iyagoo iska dhinac mara, iyagoo aan dhageysan ama aan fahmin, aan sidoo kale ku dhaqmin, ama wax kale ka hormariya oo ka soo dhoweysta.

(31) 31. Sidaasaan ugu yeellay Nabi walba cadow ka mid ah denbiilayaasha. Kuna filan Rabbigaa Hanuuniye iyo Hiilliye uu ahaado.

(32) 32. Kuwii gaaloobay waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu16 (waxaa loogu soo dejiyey qaybqaybta), waa si aan ugu sugno laabtaada, waxaan u soo Waxyoonnayna qayb qayb(23sano gudahood).
16. Macnaha waxaa Qur’aanka looga dhigay Aayad Aayad iyo Suurad Suurad si aan ugu sugno laabtaada.

(33) 33. Ma jirto dood ay (gaalada) kuula iman (si ay u duraan Nabinnimadaada), waxaannu kuu keeni (mid) Xaq ah oo ka fasiraad wanaagsan (burin waxay sheegi).

(34) 34. Kuwa (gaalada) laysugu soo kulmin (iyagoo ku socda) wejiyadooda xagga Naarta, kuwaas baa ugu meel xun, kana sii lumid badan Jidka (Xaqa ah).

(35) 35. Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) waxaana ka yeellay la jirkiis walaalkiis Haaruun caawiye ahaan.

(36) 36. Waxaana nidhi: Aada qoladaa beeniyey Aayadahayaga, markaasaan baabbi’innay (qolodii Fircoon) baabbi’in dhan.

(37) 37. Qolodii Nuuxna, markay beeniyeen Rusushii baan qarqinnay ugana yeellay dadka calaamo. Waxaana u diyaarinnay daalimiinta (gar diidka) cadaab daran.

(38) 38. Caadna (waan halaagnay) iyo Thamuud iyo qoladii Ar-Rass17 iyo qaaruumo intaas u dhexeeya oo badan.
17. Ar-Rass wuxuu ahaa ceel la yaqaan oo caan ah oo biyuhu ka gureen. Waxaa la yidhi dadkii ceelkan waxay ahaayeen dadkii beeniyey Nabi Shucayb.

(39) 39. Dhammaan waxaanu siinnay oo u yeelnay tusaalooyin (mase rumeyn), dhammaanna waan halaagnay halaagid.

(40) 40. Waxayna (wax badan) soo ag mareen magaaladii (Sodom) ee lagu rogay roobka xun. Ee miyaanay ku arag (indhahooda)? Mayee waxa aanay rajeyneyn in la soo bixin doono iyagoo nool dhimasho kaddib (oo la xisaabin)18.
18. Marka kama ayan faa’ideysan oo kuma ay cibrad qaadan casharradii dadkii hore ee tagey iyo wixii ku dhacay.

(41) 41. Markay ku arkaanna (gaaladaa) kaama dhigtaan (Nabiyow) waxaan ahayn jees-jees (iyagoo leh): Ma kan baa kan uu Allaah u soo diray Rasuul uu ahaado?

(42) 42. Wuxuu u dhowaaday inuu naga lumiyo ilaahyadayada, haddaanan ku samrin oo sugnaanin. Wayse ogaan markay arkaan cadaabka kan ka lunsan Jidka (Toosan).

(43) 43. Ka warran kan isagu ka yeesha hawadiisa ilaahiisa? Ma waxaad adigu u noqon wakiil?

(44) 44. Mise waxaad mooddaa inay badankoo- du wax maqli ama wax fahmi? Ma aha waxaan xoolo oo kale ahayn 19, iyagaabase ka sii lunsan jid ahaan.
19. Geela, lo’da ama adhiga ee wax iska raaca weydiin la’aan meeshii loo kaxeeyaba.

(45) 45. Miyaadan arag sida Rabbigaa u fidiyo hadhka? Hadduu doonona wuxuu ka yeeli lahaa mid xasilan(taagan),markaasaan uga yeelnay qorraxda tilmaan ay leedahay20 .
20. Kaasoo tusineysa jiritaanka hadhka, ama ka yeesha wax u muuqda siyaalo kala duwan. Markaasaan soo qabannaa qabasho qarsoon oo soo ururinnaa oo xaggeena u soo noqdaa ilaa la waayo hadh oo dhan.

(46) 46. Markaasaan u soo qabannaa xaggayaga qabasho aayar ah oo yar21.
21. Marka qorraxdu ku aaddan tahay madaxayaga oo maalinta kala baranto.

(47) 47. (Alle) waa Kan idiin ka yeelay habeenka hu'22, hurdadana nasasho, kana dhigay maalinta foof23.
22. Macnaha waa idinku daboola oo qariya mugdigiisa. 23. Waxaa loola jeedaa cusbooneysiinta nolosha iyo dhaqdhaqaaqa.

(48) 48. (Alle) waa Kan soo dira dabeylaha bishaaro ahaan ka horreeya Raxmaddiisa (roobka), Waxaana ka soo soo dejinnaa daruuraha biyo daahir ah.

(49) 49. Si aan ugu nooleyno dhul dhintay, oo ugu waraabinno waxaan abuurnay oo duunyo iyo dad badanba leh.

(50) 50. Waana u kala duwnay (badinnay) qaybinta (roobka) bal inay waansamaan24, wayse diideen dadku badankiisu waxaan aheyn abaal dhac (gaalnimo).
24. Waa inuu Allaah awoodo inuu soo nooleyn karo meytida.

(51) 51. Haddaan doonnona, waxaan u soo diri laheyn magaalo walba dige25.
25. Laakiinse wuxuu Allaah doonay inuu soo diro Nabi Muxammad s.c.w. inuu ahaado Rasuulka lagu khatimo Rususha Ilaahay oo dhan, isagoo loo diray dhammaan dadka arlada jooga ilaa Qiyaamaha.

(52) 52. Ha adeecin gaalada, kulana jihaad (Qur'aanka) jihaad weyn.

(53) 53. (Alle) waa Kan isku dara labada badood, kan waa macaan lagu oon baxo, kanna waa qadhaadh (afka huriso), Wuxuuna yeelay xayir iyo xijaab kala dhex yaal.

(54) 54. (Alle) waa Kan ka abuuray dadka biyo, markaas u yeelay xigto iyo xididba. Rabbigaana waa Mid Wax Walba Kara.

(55) 55. Waxayse caabudaan Allaah sokadi, waxaan wax tari karin, waxna yeeli karin, gaalna waa sheydaan kalkaal ka soo hor jeeda Rabbigi.

(56) 56. Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn inaad bishaareeye iyo dige ahaato.

(57) 57. Dheh: “Idinkuma weydiisto wax ajar ah ( gaarsiinta Dhambaalkan), qofkiise dooni inuu ka yeesho xagga Rabbigi jid (Toosan ha raaco)".

(58) 58. Tala saaro Allaah, Noolaha (Daa’inka) ah aan dhiman, kuna tasbiixso Ammaana- hiisa, Rabbina ku Filan ogaanshaha denbiyada addommahiisa.

(59) 59. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood, markaas kor ahaaday Carshiga (si u qalanta). Naxariis Badanaha (Allaah) wax ka weydii mid Xog ogaal ah (waa Alle ama Rasuulkiisa).

(60) 60. Marka lagu yidhaahdo: “U sujuuda Raxmaanka.Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Muxuu yahay Ar-Raxmaan? Ma waxaan u sujuudeynaa waxaad nagu amreyso? Wuxuuna u kordhiyaa didmo.

(61) 61. Waxaa khayr iyo barako badan (Allaah) ee u yeelay samada xiddigo waaweyn, yeelayna dhexdeeda nal (qorrax) iyo dayax ifiya.

(62) 62. Waana (Alle) Kan uga yeelay habeenka iyo maalinta is dhaaf qofkii raba inuu waano qaato ama raba inuu mahdiyo(Alle).

(63) 63. Addoomaha Alle Raxmaanka waa kuwa ku mara dhulka miyir26, markayna maan-gaabyada kula hadlaan (ereyo xun) ku qaabila hadal ka maran gef ama xumaan 27.
26. Xasillooni si sharaf leh aan iskibrin lahayn. 27. Salaamaa macnaha waa hadal nabad ah ka maran gef ama xumaan.

(64) 64. Waa kuwa ku dhaxa habeenkii iyagoo u sujuudsan Rabbigood oo u taagan (salaad).

(65) 65. Kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Naga duw cadaabka Jahannama, hubaal! Cadaabkeedu waa wax joogta ah.

(66) 66. Hubaal waa hoy xun iyo meel baas ee la dego.

(67) 67. Waa kuwa markay wax bixiyaan aan xad gudbin ama aan wax ciriiryin, oo intaas dhexdooda ku toosnaada.

(68) 68. Ee ah kuwa aan baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Allaah, oo aan ku dilin nafta uu Alle xarrimay waxaan ahayn xaq, oo aan zineyzan, qofkii falana waxaa, wuxuu la kulmi eedsiin denbiguu galay ah.

(69) 69. Waxaa loo laba laabi Cadaabka Maalin- ta Qiyaamaha, wuuna ku dhex waari isagoo dulleysan.

(70) 70. Qofkii toobad keena oo rumeeya oo sama fala mooyee, kuwaas wuxuu Alle ugu beddeli xumaatadoodii xasanaad. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(71) 71. Qofkii toobad keenana oo sama fala, wuxuu hubaal u soo laaban xagga Ilaahay laabasho wanaagsan.

(72) 72. Waa kuwa aan furin markhaati been ah, markay maqlaanna wax uun hadal macno darro ah ku mara sharaf (ka jeesada).

(73) 73. Waa kuwa marka lagu waaniyo Aayadaha Rabbigood aan uga dhul dhicin dhega la’aan iyo indho la’aan.

(74) 74. Waa kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Naga sii xaasaskayaga iyo ubadkayaga waxay indhaheenna ku farxaan28, noogana yeel kuwa Alle ka cabsada iimaam (ku dayasho leh).
28. Macnaha waa aan ku faraxno oo il qabowsanno sababta toosnidooda darteed iyo Alle ka cabsigooda.

(75) 75. Kuwaasi waxaa lagu abaal marin dabaqyo sare (jannada gudaheeda)29 sabarkoodii dartiis, waxayna kula kulmi dhexdeeda salaan iyo soo dhoweyn sare.
29. Waa halka ugu sarreysa uguna fiican Jannada.

(76) 76. Iyagoo ku dhex waaraya weligood, wanaagsanaa hoy iyo degmo ahaan.

(77) 77. Dheh: “Rabbigay dan idiinma galeen haddaydaan barideen30. Haatanse waad beeniseen (Xaqa). Wuxuuna ahaan mid idin laasuma (cadaabka)31.
30. Codsigiinna in la idiin soo diro Rasuul. 31. Waa idinku lammanaan si joogto ah.