8 - Suurada Al-anfaal ()

|

(1) 1.Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) Qaniimooyinka waxaa leh Allaah iyo Rasuulka. Ee Alle ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray) oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaaf ah, adeecana Allaah iyo Rasuulkiisa, haddaad tihiin mu’miniin.

(2) 2. Sideedaba mu’miniintu waa uun kuwa ay baqo ka buuxsanto quluubtoodu marka la xuso Allaah, marka Aayadahiisa loo akhriyona ay u kordhiyaan Iimaan; Rabbigood (Keliyana) tala saarta oo isku halleeya.

(3) 3. Kuwa ooga salaadda oo waxa aan siinnay wax ka bixiya (sadaqaysta).

(4) 4. Kuwaasi waa mu’miniinta runta ah. Waxay leeyihiin darajooyin sharaf iyo maamuus ah Rabbigood agtiis, iyo denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Jannada gudaheeda).

(5) 5. Siduu Rabbigaa kaaga soo saaray gurigaaga si xaq ah (inaad u baxdo dagaalkii Badar waxay la mid tahay siduu kuu amray inaad ugu qaybiso qanoomiyin- ka dagaalka si xaq ah dhexdood, oo labaduba ahaa khayr), inkastoo qaar ka mid ah mu’miniinta ay kahanayeen.

(6) 6. Waxay kaala doodayeen1 xaqa kaddib markuu u caddaaday, (waxay baxeen) sidii iyagoo loo wado dhimasho iyagoo eegaya.
1. Waxay tilmaameysaa dooddii dhex martay muslimiinta xagga qaybinta qaniimada dagaalka. Allaah wuxuu u qaybshay qaniimooyinka si xaq ah sida uu u amrayba Nabiga s.c.w. inuu kaga baxo guriga oo u aado dagaalka Badar si xaq ah. Ad-Dabari waxaa ku qoran inay ka baxeen guriga iyagoo u socda dagaalka Badar.

(7) 7. (Xusuusta, mu’miniintoy) markuu Allaah idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood (colka ka yimid Makkah ama safarkii badeecada siday ee ka yimid Suuriya) inaad is-heli doontaan, waxaadna jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan2, Allena wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo gooyo cidhibta gaalada.
2. Abuu Sufyaan wuxuu ka yimid safar Suuriya ah isagoo badeecad aad u tiro badan ka keenay. Qolo hubeysanna waxay ka yimaadeen xagga Makkah, waxaana hoggaaminayey Cutba bin Rabiicah, iyo Abuu Jahal.

(8) 8. Si uu (Alle) u sugo Xaqa, oo u buriyo baa- dilka haba nacbeystaan denbiilayaashee.

(9) 9. (Xusuusta) markaad gargaar weydiisateen Rabbigiin ee uu idinka aqbalay (ee yidhi): Waxaan idinku xoojin kun malaa’igta ka mid ah oo is daba joogta.

(10) 10. Kama yeelinna Alle waxaan ahayn bishaaro, iyo inay ku xasisho quluubtiinnu, oo ma jirto guul aan ka imaan xagga Alle. Hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

(11) 11. (Xusuusta) markuu (Alle) sababay inay lulmo idin qabato, nabaadiino ahaan idiinka timid Xaggiisa, oo idiinkaga soo dejiyey biyo (roob) xagga daruuraha si uu idiinkugu daahiriyo, idiinkagana bi’iyo waswaaska Shaydaanka iyo si uu u xoojiyo quluubtiinna, oo idiinku sugo cagaha.

(12) 12. Markuu Rabbigaa u waxyooday malaa’igta: Anigu waa idin la jiraaye ee qalbi suga kuwa (Xaqa) rumeeyey. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaalada ah, ee ku dhufta luqumaha korkooda, kuna dhufta xubnaha far kasta oo ay leeyihiin3.
3. Tani waxay ka dhacday dagaalka, ujeeddadana waa gooya qoorta, laakiin haddii u cadowga xidho canbuur bireedyo oo ay adkaato in qoorta la gooyo, markaa waxaa la goyn gacanta si uu u qaadi kari waayo hubka, sida seefta, waranka, qoriga, iwm. Sidoo kale dacallada waxaa loola jeedaa xubnaha gacmahooda iyo cagahooda.

(13) 13. Maxaa yeelay waxay khilaafeen oo caasiyeen Allaah iyo Rasuulkiisa. Qofkii khilaafa Allaah iyo Rasuulkiisa, hubaal, Allaah ciqaabkiisu wuu daran yahay.

(14) 14. Arrinkaas (cadaabka adduunka ah gaaloy) dhadhamiya, waxay kaloo gaaladu leeyihiin cadaab Naar ah (Aakhirada).

(15) 15. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad la kulantaan gaalada oo duullaan ah dagaal dooni ha u jeedininna dhabarrada.

(16) 16. Qofkii u jeediya dhabarkiisa maalinkaa inay tahay maahee xeel dagaal, ama inuu ku biirayo ciidan (uu ka tirsan yahay) wuxuu ku mudan taasi Cadho ah xagga Ilaahay, hoygiisuna waa Naar, oo u xun meel la ahaado.

(17) 17. Ma aydaan layn idinkuye, Alle baase laayey. Mana aadan tuurin4 markaad tuurtay (cadowga), wuxuuse ahaa Alle Kan tuuray, waa si uu Xaggiisa uga jarribo mu’miniinta jarribaad wanaagsan; hubaal Alle waa wax kasta Maqle,wax kasta Og.
4. Markii uu Nabigu s.c.w. ku tuuray gacan muggeed oo carro ah wejiyada gaalada, Allaah wuxuu sababay inay buuxiso indhaha iyo sanka askari kasta oo ka mid ah gaalada, taasoo u diiday inay horay u soo dhaqaaqaan.

(18) 18. Arrinkaa (waa fal Ilaahay) welibana Alle waa liciifiyaha dabinka gaalada.

(19) 19. Haddaad (gaaloy) dalabteen xukun lagu kala baxo, haatan xukunka waa idiin yimid, haddaad joojisaanna (colaadda), waa sida idiin khayr roon, haddaad ku noqotaanna (dagaalka) innaguna sidoo kale waan soo rogaal celin, ciidamadiinnu- na waxba idiin ma tarayaan si kastaba ha u tiro badnaadaane, (ogaadana) in Alle uu la jiro mu’mimiinta.

(20) 20. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ha ka jeesannina Xaggiisa idinkoo maqlaya.

(21) 21. Ha noqonnina sida kuwii yidhi: Maqallay, iyagoon waxba maqlayn.

(22) 22. Hubaal, noole dhul ku socod ah waxaa Alle agtii ugu liita kuwa (ka) dhega la’ (xaqa), ee aan (xaq ku) hadlin ee aan waxba garanayn.

(23) 23. Hadduu Allaah ku og yahay wax khayr ah, wuu msqashiin lahaa (Xaqa), hadduu maqashiiyona, waa uun sii jeesan lahaayeen iyagoo sii siibanaya.

(24) 24. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ajiiba (baaqa) Ilaahay iyo Rasuul (kiisa) markuu idiinku yeedho wax idin nooleeya5, ogaadana inuu Alle kala dhex galo qofka iyo qalbigiisa, iyo in Xaggiisa la idin soo kulmin.
5. Wuxuu idiinku yeedhayaa jihaadka iyo dagaal galka si ay kor u ahaato Kelmedda Alle oo u cisoobaan muslimiinta, sidoo kale macnaha waxaa weeye wuxuu idiinku yeerayaa iimaanka iyo hanuunka iyo jihaadka, iyo arrin kasta oo lagu liibaano adduun iyo aakhiraba.

(25) 25. iska jira fidmo aan ugu dhaceyn si gaar ah kuwiinna idinka mid ah ee xumaha fala6; oo ogaada in Alle uu Daran yahay Ciqaabkiisu.
6. Tani waa digniin in ciqaabta ay mar walba sababteed tahay ku caasinta Ilaahay iyo Rasushiisa.

(26) 26. Xusuusta markaad aheydeen kuwo tiro yar oo lagu daciifsado dhulka, cabsanaya si aan dadku idiin kala dafin, markaasuu idin siiyey hoy aamin ah oo idinku xoojiyey Gargaarkiisa, oo idin siiyey wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan inaad ku mahdisaan.

(27) 27. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha khayaamina Allaah iyo Rasuulka, hana khayaamina ammaanooyinkiinna idinkoo ogsoon.

(28) 28. Ogaada in maalkiinna iyo carruurtiinu ay yihiin fidmo (imtixaan) iyo in Alle agtiisa yahay Abaalgud weyn (Janno).

(29) 29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad Alle ka cabsataan (oo dhwortaan xilkuu idin saaray), Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), idinkana tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin denbi dhaafi, Allena waa Rabbiga iska leh Fadliga Weyn.

(30) 30. (Xusuusta, Nabiyow) markay galaadu kuu tab dhigeen si ay kuu xidhaan, ama kuu dilaan ama kuu saaraan debedda; way tab dhigeen, Allena wuu tab dhigay, Allena waa kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa.

(31) 31. Marka loo akhriyo Aayadahayaga, waxay yidhaahdaan: Waan maqallay (Qur’aanka); haddaan doonno waxaan odhan karnaa kanoo kale. (Waxa)kani ma aha waxaan aheyn sheeko - xariirtii dadkii hore.

(32) 32. (Xusuusta) markay yidhaahdeen (jees jees ahaan): Allahayow! Hadduu (Qur’aan)kani xaq yahay Adiga kaa yimid, nagaga soo daadi dhagaxyo roob oo kale ah xagga cirka ama noo keen cadaab xanuun badan (inaan beeninnay darteed).

(33) 33. Ma ahase Allaah mid cadaabaya – adigoo dhex jooga, mana aha mid ca- daabaya iyagoo denbi dhaaf dalbi7.
7. Ibnu Cabbaas a.k.r. wuxuu yidhi: Waxaa jiray labo ammaan, Nabiga iyo denbi dhaaf dalabka, Nabigii waa tagay oo Allaah baa oofsaday, marka waxaa haray denbi dhaaf dalabka.

(34) 34. Maxay se (cudur daar) leeyihiin si uusan Alle u cadaabin iyagoo ka hor istaaga (dadka) Masjidka Xurmadda gaarka ahi leh, umana suubbadaan inay ahaadaan ehelkiisa? Ehelkiisu ma aha waxaan aheyn kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha), badankooduse ma oga.

(35) 35. Salaaddooda Beytka (Kacbada) agtiisa ma ahayn waxaan aheyn foodhi iyo sacabbo tun. Ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinna darteed.

(36) 36. Kuwa gaaloobay waxay ku bixiyaan maalkooda si ay uga hor istaagaan (dadka) Jidka Ilaahay, sidaasayna wax ugu bixin doonaan; misna waxay ku noqon qoomamo daran, misna waa laga adkaan. Gaaladana xagga Naarta baa loo taxaabi.

(37) 37. Waa si uu Allaah uga sooco kuwa xun, kuwa wanaagsan, oo kuwa xun is dul saaro qaarkoodba qaarka kale, oo isku raseeyo dhammaantood, markaas ugu tuuro Naar. kuwaa weeye kuwa khasaaray.

(38) 38. Ku dheh kuwa (Xaqa) diida, hadday ka haraan (xaq diiddada iyo dagaalka) waxaa loo dhaafi wixii horay uga dhacay (8) . Hadday se u noqdaan (dagaalka), waxaa sugaya jidka kuwii hore (ee la rogay).
8. Ibnu Mascuud a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nin baa wuxuu yidhi: Rasuul Allow, Miyaa naloo raacanayaa wixii aynu falnay waagii jaahiliyadda (gaalnimda)? Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofkii ay fiicnaato islaamnimadiisu oo u dhaqma Islaamka gudahiisa si suubbanaan ah, looma raacanayo wixii uu falay waagii jaahiliyadda. Qofkiina kula yimaada shirki iyo waxyaalo xun oo macaasi ah Islaamka gudahi waxaa loo raacanayaa kii hore iyo kii dambeba. (Al-Bukhaari)

(39) 39. La dagaallama (gaalada) jeer la waayo fidno (shirki, gaalnimo, caddibaad), oo diinta (daacadda iyo cibaadada) uu yeesho Allaah Keliya.Haddiise ay joojiyaan (kufriga iyo shirkiga), Alle waa arkaa waxay falaan.

(40) 40. Hadday jeesadaanna, ogaada in Allaah yahay Mudanahiin, Wanaag badanaa mudanuhu,wanaag badanaana gargaarahu.

(41) 41. Ogaada in waxaad qaniimeysataan, in Alle leeyahay shan meeloodoo meel9, iyo Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka) iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), haddaad rumeysan tihiin Allaah iyo waxa aanu ku soo dejinnay oo Waxyi ah addoonkayaga (Nabi Muxammad) maalintii kala baxa10, maalintay kulmeen labadii ciidan, Allena wax walba wuu Karaa.
9. Qaniimo waa maalka lagaga helo gaalada dagaal jihaad ah Jidka Ilaahay, maalkase laga helo gaalada dagaal la’aan waxaa la yidhaahdaa fay, qaybinta Aayaddan waxay ka hadleysaa oo keliya qaniimada dagaalka: Shan meel marka loo dhigo, meel waxaa leh oo la siinayaa: 1- Allaah iyo Rasuulkiisa (waxaa lagu bixin arrinka ilaahay iyo xoojinta diinta). 2. Agoomaha 3. Musaafirka go’doonsan 4. Qaraabada Rasuulka (Banuu haashim iyo Banuu Muddalib) 5. Masaakiinta. Afarta meeleedoo kale waxaa loo qaybin dagaal yahnnada ka soo qayb galay dagaalka. 10. Maalinta kulanka labo kooxood ay ku kulmeen dagaalkii Badar waxay ahayd maalin Jumca ah bisha Ramadaan tahay 17 sannadkii labaad ee Hijrada, mufasiriinta qaarkood waxay qabaan in Aayaddan ay tilmaameyso markii u horreysey uu soo dego Qur’aanka oo ahayd 17 bishii Ramadaan.

(42) 42. (Xusuusta) markaad idinku joogteen docda soke (ee togga)11, iyaguna ay joogeen docda shishe, halka safarkii badeecadda siday idinka hooseeyay. Haddaad goosan laheydeen waqti aad dhexdiinna ku ballantaan, waad seegi laheydeen ballankaas, laakiinse (waad is hesheen) si Allaah u fuliyo arrin horey uu u qaddaray; si ciddii halaagsami si cad ugu halaagsanto, ciddii noolaanna si cad ugu noolaato. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
11. Muslimiinta waxay ku sugnaayeen waqtigaa dhinaca togga u dhow Madiina, halka gaalada joogeen dhinaca kale ee togga ee ka fog Madiina, safarkiise badeecadda siday ee Abuu Sufyaan wuxuu soo marayey xeebta badda oo 5 mayl u jirta Badar.

(43) 43. Markuu Allaah idinku tusay riyaadada inay tiro yar yihiin, hadduu idiin tusi lahaa iyagoo tiro badanna, waad qalbi jabi laheydeen, oo aad isku qabsan lahaydeen arrinka. Allaah baase (idinka) badbaadshay. Hubaal (Alle) waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha (dadka).

(44) 44. (Xusuusta) markuu idinku tusayey, markaad kulanteen wax tiro yar oo kale indhihiinna, wuxuuna idinka yeelay inaad ugu muuqataan wax tiro yar indhahooda, si uu Alle u fuliyo arrin horay uu u qaddaray, Alle baana loo celiyaa umuurahoo dhan.

(45) 45. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad la kulantaan ciidan (cadow ah) sugnaada, xusana Alle in badan inaad liibaantaan.

(46) 46. Adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, hana murmina, yeydaan niyad jabine xooggiinnu- nu tegin, oo samra. Hubaal Alle wuxuu la jiraa kuwa samree.

(47) 47. Ha la mid noqonnina sidii kuwaa uga soo baxay guryahooda kibir iyo istuska dadka, oo ka hor istaaga (dadka) jidka Alle 12. Alle wuu koobaa waxay falaan.
12. Dagaalkooda Muslimiinta wuxuu ahaa si ay u difaacaan diinta iyo qaadasho Amarka Ilaahay, halka gaalada ay u dagaalamayeen kibir iyo qooq iyo qabyaalad iyo arrimo jaahiliyad iyo ujeeddo adduunyo iyo faan.

(48) 48. (Xusuuso) markuu shaydaanku u qurxiyey acmaashooda oo yidhi: Ma jiro maanta cid ka mid ah dadka oo idinka adkaan karta, anigaana ah ilaaliyahiinna. Markayse is arkeen labadii kooxood ayuu u gurtay cidhbahiisa oo yidhi, anigu barii baan idinka ahay. Waxaan anigu arkaa wax aydaan arag. Waxaan anigu ka cabsan Alle, Allena Ciqaabkiisu wuu daran yahay.

(49) 49. Markay munaafiqiintu iyo kuwa uu ku jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) quluubtooda yidhaahdeen: kuwaani diintooda baa hodday. Qofkiise isku halleeya oo tala saarta Allaah, hubaal, Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

(50) 50. Haddaad arki lahayd markay malaa'igtu nafta ka qaadeyso gaalada iyagoo ka garaacaya wajiyadooda iyo dhabarradooda (oo ku leh): Dhadhamiya cadaabka gubashada13.
13. Weedha waxaa laga tagay iyadoo aan la dhammeystirin waana si loo fahmo inta ka harsan iyadoo aan la xusin. Gunaanadkeeda waxaa looga tagay inay suureystaan akhristaha ama dhageystaha, waxayna u dhaceysaa: waxaad arkeysaa muuqaal naxdin leh.”

(51) 51. Arrinkaasi waa waxay gacmihiinnu hormarsadeen awgii, iyo in Allaah aanu ahayn mid dulmiya addoomahiisa.

(52) 52. Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: waxay rumeyn diideen Aayadaha Ilaahay, markaasuu Allaah u halaagay denbiyadoodii awgood. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Ciqaab Adag.

(53) 53. Arrinkaa wa inaan Allaah marnaba beddelin nicmad uu siiyey qolo jeer ay beddelaan iyaga xaalkooda; iyo inuu Allaah yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

(54) 54. Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: Waxay beeniyeen Aayadahii Rabbigood, markaas baan u halaagnay denbiyadoodii awgood, waxaana qarqinnay qolodii Fircoon, oo waxay kulligood ahaayeen daalimiin.

(55) 55. Kuwa u sharka badan noolayaasha dhulka ku socda Alle agtii waa gaalada (madaxa adag),marka ma ay rumeynayaan.

(56) 56. Kuwaa aad la gasho axdiga, haddana jebiya axdigooda mar waliba, oo aan iska jirin (Cadaabka Ilaahay iyo Cadhadi).

(57) 57. Ee haddaad ku hesho dagaal kala firdhi (adigoo tusaale uga dhigaya) kuwa ka dambeeya14, bal inay waantoobaan.
14. Waa dila oo laaya oo tusaale ka dhiga lagu cibrad qaaato si aad u niyad jebisaan kuwa soo raaci lahaa.

(58) 58. Haddaad ka cabsatona khiyaano xagga qolo (axdi idinka dhexeeyey)15, u tuur (axdigooda), oo u sheeg si aad uga sinnaataan wargelinta (in axdi idin dhex yaalla jirin). Alle ma jecla khaa’imiinta.
15. Markaad ka aragto calaamado muujinaysa khiyaano kuwaas aad la gashay heshiiska, ogeysii inaad ka baxday ballantii idiin dhexeysey si ay u ogaadaan halka ay istaagayaan.

(59) 59. Yeysan moodin gaalada inay fakan karaan. hubaal kama fakan karaan (Alle).

(60) 60. U diyaarsada waxaad kartaanba oo xoog ah (sida shiishka, gantaallada) iyo fardo u heegan ah (dagaal iyo gawaari gaashaaman iyo diyaarado iyo doomo dheereeya) si aad ugu cabsi gelisaan cadowga Ilaahay iyo cadowgiinna iyo kuwo kale oo ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Alle baase og. Waxaad ku bixisaanna Jidka Ilaahay waa la idiin gudi si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmin.

(61) 61. Hadday u iishaanna gaalada xagga nabadda, markaa adiguna u iilo, oo isku hallee Allaah. hubaal, waa wax Kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

(62) 62. Hadday doonaan inay ku dhagraan, waxaa kugu Filan Allaah, Isaga weeye Kan kugu xoojiyey Gargaarkiisa iyo mu’mu'miniintaba.

(63) 63. Oo isu soo dumay quluubtooda. Haddaad bixin lahayd waxa yaal dhulka oo dhan, ma aadan karteen inaad mideyso quluubtooda, Alle baase mideeyey. Hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

(64) 64. Nabiyow! Waxaa kugu Filan Allaah, adiga iyo mu’miniinta ku raacdayba.

(65) 65. Nabiyow! Ku guubaabi mu’miniinta inay dagaallamaan. Hadday idinka mid yihiin labaatan samir iyo adkeysi leh (iyo tababar fiican), waxay ka adkaan labo boqol, hadday idinka mid yihiin boqol (tababar fiican leh iyo samir iyo adkeysi), waxay ka adkaan kun kuwa gaalada ah (macnaha waa qofkii wuxuu ku aadi toban iyaga ah), waayo waa dad aan wax fahmayn.

(66) 66. Haatan Alle wuu idinka fududeeyey cuelyskiinna, wuxuu og yahay inay tabar yari idin heyso. Ee hadday idinka mid yihiin boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan labo boqol, oo hadday idinka mid yihiin kun idinka mid ah (oo samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan labo kun Ilaahay Idankii (waa qofkii wuxuu ku aadi labo iyaga ah). Allena wuxuu la jiraa kuwa ah samrayaasha.

(67) 67. Kuma habboona Nabi inuu soo qaato qafaal (dagaal) ilaa uu horta ku laayo (cadowyada Ilaahay) arlada oo ka jilciyo. Waxaad rabtaan (waa muslimiinta qaar) alaabta dhammaaneysa ee nolosha adduunyadan, wuxuuse Allaah (idinla) rabaa Aakhirada. Allena waa Adkaade, Xakiim ah (odhaah iyo fal san).

(68) 68. Haddaanu jiri lahayn xukun xagga Alle ah ee hore uu u gooyey16, waxaa idinku soo gaari lahaa waxaad qaadateen cadaab daran.
16. Seddex siyaalood baa loo fasiray weedha xukun oo aan halkan ku xuseyno: 1.kaasoo lagu cafiyey asxaabtii Badar,2. in gefafka aan ula kaca ahayn loo ciqaabin, 3. in la idiin banneeyey qaniimooyinka dagaalka.

(69) 69. Cuna waxa xalaasha ah wanaagsan aad heshaan ee qaniimo dagaal ah, Allena ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Hubaal, Allaah waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(70) 70. Nabiyow! Ku dheh kuwaad soo qafaalateen ee ku jira gacmahiinna: haddii Alle ku og yahay wax khayr ah quluubtiinna, wuxuu idin siin wax ka khayr badan waxa la idinka qaaday, oo idiin denbi dhaafi, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(71) 71. Hadday doonaan inay ku khiyaamee- yaanna waxay horeba u khiyaameeyeen Alle. Markaasuu lib idin siiyey. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

(72) 72. Kuwa (Xaqa) rumeeyay ee soo haajiray ee ugu jihaaday si adag maalkooda iyo nafahoodaba jidka Ilaahay iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray - kuwaa ayaa qaarkoodba sokeeye u ah qaarka kale. Kuwase rumeeyey aanse soo haajirin idinkama saarna xil xigaaleysigooda jeer ay soo haajiraan, hadday se idiinku hiishadaan Diinta, waa idinku waajib inaad u soo hiillisaan, marka laga reebo qolo uu dhexdiinna idinka iyo iyaga axdi yaal, Allena wuu arkaa waxaad fashaan.

(73) 73. Kuwaa gaalada ah qaaroodba xulufo buu u yahay qaarka kale, haddii aydaan sameyn sidaa oo kale, waxaa jiri dhulka fasahaad weyn17.
17. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddii la magaacabo labo madaxweyne (oo ay isku qabsadaan xukunka) dila labada midkoodii dambeeyey”. W.w. Muslim

(74) 74. Kuwa rumeeyey ee soo haajiray ee ku jihaaday Jidka Ilaahay, iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, kuwaa waa mu’miniinta dhabta ah, waxay leeyihiin dambi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Janno).

(75) 75. Kuwa rumeeyey waa’ dambe, oo soo hijrooday oo jihaaday la jirkiin, kuwaani waa idinka mid. Qaraabada baana qaarkoodba ka mudan yahay qaarka kale sida Kitaabka Ilaahay qoray18. Hubaal, Alle wax kasta wuu Ogsoon yahay.
18. Tani waxay ku gaar tahay oo keliya qaraabada muslimiinta ah. Kuwa aan muslimka ahayn waxaa wax lagu siin karaa saami in loo dardaarmo.