(1) 1. Maxay isweydiinayaan (gaaladu)?
(2) 2. Ma Warka Weyn (Qur’aanka ka waarami Qiyaamada).
(3) 3. Ay isku khilaafsan yihiin (mid rumeysan iyo mid beeninaya)?
(4) 4. Mayee, way ogaan doonaan (waxa ku dhaca beenintooda Xaqa darteed).
(5) 5. Misna, mayee way ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
(6) 6. Mawaanaan ka yeelin dhulka gogol?
(7) 7. Buurahana tiirar (dhulka lagu adkeeyey)?
(8) 8. Oo idinka abuurin noocyo (lab iyo dheddig)?,
(9) 9. oo ka yeelin hurdadiinna nasiino?,
(10) 10. Oo ka dhigin habeenka hu’ oo kale (idinku daboola mugdigiisa)?,
(11) 11.Oo ka dhigin maalinta maciishad raadin,
(12) 12. Oo ka dhisin korkiinna toddobo (samo) oo adadag?.
(13) 13. Oo yeelin nal shidan aad u ifi (qorrax)?.
(14) 14. Oo ka soo dejinin daruuraha biyo badan oo shubmaya (roob)?.
(15) 15. Si aan ugu soo saarno haruur iyo naq.
(16) 16. Iyo beero isku maran.
(17) 17. Hubaal Maalinka kala baxu (Qiyaamaha) waa waqti go’an.
(18) 18.Maalinka marka Buunka la afuufi, oo aad iman idinkoo ummado kala duwan ah;
(19) 19. Samada la furi oo yeelan albaabbo.
(20) 20.Buuraha la rujin oo noqon dhalanteed oo kale.
(21) 21. Hubaal Naartu waa heegan sugeysa,
(22) 22. Xad gudbayaasha, meel noqod u ah.
(23) 23. Iyagoo ku negaadi waayo badan,
(24) 24. Ma ku dhadhaminayaan dhexdeeda wax qabow ah iyo cabbitaan midna.
(25) 25. Biyo kulul oo karaya iyo malax maahee (dhacaanka ehlu Naarka ah)
(26) 26.Waa abaal marin ku habboon (gaalada).
(27) 27. Waxay ahaayeen kuwo aan fileyn Xisaab (Aakhiro).
(28) 28. Oo waxay beeniyeen Aayadahayaga beenin cad.
(29) 29. Wax walba se (oo camalladooda ah) waxaan ku koobnay qoraal.
(30) 30. Dhadhamiya (ciqaabka); idiinma kordhineyno waxaan ahayn Cadaab.
(31) 31. Hubaal kuwa (ka) dhowrsada (xumaha) waxay leeyihiin meel lagu liibaano (Janno).
(32) 32. Beero iyo canabyo.
(33) 33. Iyo gashaantiyo da' yar oo isla eg.
(34) 34.Iyo galaas buuxa (oo khamri saafi ah).
(35) 35.Kuma maqlayaan (Jannada) gudaheeda hadal macno darro ah ama wax been ah.
(36) 36. Abaal marin xagga Rabbigaa; deeq (daa'in ah badan) oo ku filan.
(37) 37. Rabbiga samooyinka iyo arlada, iyo waxa u dhexeeya, Raxmaanka, ma jiro wax ku soo celin karaa hadal (Qiyaamada).
(38) 38. Maalinka uu Ruuxu (Jabriil) iyo malaa’igtuba u istaagi saf saf, ma jiro wax hadli, mid maahee Raxmaanku u idmo, oo ku hadla hadal toosan oo abbaar ah.
(39) 39. Kaasi waa Maalinka la hubo ee xaqa ah, ee qofkii doona, ha u maro Rabbigi jid toos ah uu ugula laabto (caqiido sax ah iyo camallo san).
(40) 40. Waxaanu idiinka dignay cadaab dhow - Maalinka uu qofku arki waxay gacmihiisu hormarsadeen (oo khayr ah ama shar), oo gaalku odhan:Hoogaye! Maan ciid ahaado.