82 - Suurada Al-infidaar ()

|

(1) 1. Markay samada dildillaacdo.

(2) 2. Oo xiddiguhu daataan oo kala firdhaan.

(3) 3. Oo badaha laysku furo.

(4) 4. Oo qabuuraha la soo qufo.

(5) 5. Naf walbaa waxay ogaan waxay hormarsatay iyo (waxay) dib dhigatay (khayr ama shar oo laga jaazeyn).

(6) 6. Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan?

(7) 7. Kaasoo ku abuuray, kuna ekeeyey oo ku simay?

(8) 8. Suuradduu doonana kuu sameeyey?.

(9) 9. Mayee bal waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta (jaazeynta).

(10) 10. Waxaa korkiinna ah (oo idiin xil saaran malaa’ig) gaar idinka haya.

(11) 11.Sharaf leh, qoraya (acmaashiinna),

(12) 12. Ogsoon wax kastoo aad fashaan.

(13) 13. Hubaal baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo (Janno).

(14) 14. Xume falayaashuna waxay ku sugnaan Naar ololaysa.

(15) 15. Ay geli Maalinta Is abaalmarinta.

(16) 16. Kamana maqnaadaan marnaba xaggeeda (Naarta).

(17) 17. Oo maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?

(18) 18. Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?

(19) 19. (Waa) maalinta aysan nafi wax u tarin naf kale. Amarkana Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah.