(1) 1. Xaa Miim2
1. Ghaafir – Denbi Dhaafaha, waa Allaah (Subxaanahu Watacaalaa). Suuraddan sidoo kale waxaa loo yaqaan Al-Mu’min (Mu’minka).
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1
(2) 2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) wuxuu ka yimi xagga Alle, Adkaadaha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.
(3) 3. Denbi dhaafaha, Toobad aqbalaha, Daran yahay Ciqaabkiisu, Rabbiga Nicmadda Badan. Ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Waa Xaggiisa meel Noqodka Dambe.
(4) 4. Cidina kama dooddo Aayadaha Ilaahay aan ahayn kuwa xaq diidka ah. Ee yeysan ku hodin gadgaddoonkooda iyo galoobaxooda magaalooyinka.
(5) 5. Qoladii Nuux iyo colalkii ka dambeeyay baa beeniyey (anbiyadii Ilaahay) iyaga hortood, ummad walbana waxay doontay Rasuulkoodii inay qabato (oo ay dilaan), waxayna ku doodeen baadil si ay ugu tirtiraan Xaqa, markaasaan qabtay, ee siduu mid daran u ahaa Ciqaabkaygii (aan ku ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).
(6) 6. Sidaasay Kelmedda Rabbigaa (Ciqaabtiisu) ugu waajibtay kuwa xaqa diida inay yihiin ehlu-Naarka.
(7) 7. Kuwa (malaa'igta) sida Carshiga iyo kuwa hareera jooga waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood oo ay rumaysan yihiin, waxayna u dambi dhaaf dalbaan kuwa rumeeyey (iyagoo leh): Rabbigayow! Waxaad ku koobtaa wax walba Naxariis iyo Ogaal ee u denbi dhaaf kuwa toobad keena oo raaca Jidkaaga, kana dhowr Cadaabka Naarta ololeysa.
(8) 8. Rabbigayow! Gali kuwaasi Beeraha negaya (Jannada) ee aad u ballan qaadday, iyo midkii wanaagsanaada oo ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda. Waxaad Adigu tahay (Allow) Adkaadaha Sarreeya, Xikmad Badanaha.
(9) 9. Oo ka dhowr xumo oo dhan, qofkaad ka dhowrto xumo Maalintaa, waad u naxariistaye, taasina waa Liibaanta Weyn.
(10) 10. Kuwa xaqa diida waxaa loogu dhawaaqi: Naceybka Alle idiin qabay (xilligii adduunka) goortii la idiinku yeedhay Iimaanka oo aad diiddeen, ayaa ka weynaa naceybka aad hadda u qabtaan nafahiinna.
(11) 11. Waxay odhan: Rabbigayow! Waxaad naga yeeshay meyd (aan nafi ku jirin) labo jeer, oo na siisay nolol labo jeer3. waan qirsannahay dunuubtayada’e, ee ma jiraa jid looga baxo (Naarta)?
3. Meyd labo jeer waa markuu qofka ku jiray uurka hooyadi ka hor intaan nafta la gelin iyo markuu dhinto. Nolol labo jeer waa marka nafta la geliyo isagoo uurka hooyadi ku jira iyo aakhirada marka la soo nooleeyo dhimasho kaddib.
(12) 12. (Cadaab)kaasi (aad mudateen gaaloy) waxaa u sabab ah marka la idiinku yeedho Towxiidka iyo in Alle loo Keliya yeelo cibaadada aad diiddaan, markase loo shariig yeelo aad rumaysaan. Xukunka waxaa iska leh Allaah, Sarreeyaha, Weyn.
(13) 13. (Alle waa) Kan idin tusiya Calaamooyin- kiisa oo idiinka soo dejiya risiq (roob) samada, cidise kuma waantowdo aan ahayn kawa u laabashada badan (Ilaahay) ee toobad keenka badan.
(14) 14. Barya Allaah (Keliya) idiinkoo u gaar yeelaya cibaadada,haba naceen gaaladuye.
(15) 15. (Allaah) waa Kan iska leh Darajada ugu Sarreysa ee Kaamilka ah, waa Rabbiga Carshiga (Weyn). Wuxuu ku soo dejiyaa waxyiga Amarkiisa ah qofkuu doono oo ka mid ah Addoomahiisa si uu ugaga digo (dadka) Maalinta kulanka (Qiyaamada).
(16) 16. Maalinta banka la keeni, ma jiro wax xaggooda ah oo ka qarsoon Alle: Yaa leh Boqortooyada Maanta? Allaah, Waaxidka, Awoodda Badan (uu wax ku Qahro).
(17) 17. Maalinta (Qiyaamaha) naf walba waxaa lagu abaal marin waxay kasbatay, dulmi ma jiro Maalintaa4. Hubaal Alle wuu ku Dhaqso badan yahay xisaabinta.
4. Xadiis qudsi ah: Alle wuxuu yidhi: “Addoomaheygow aniga waan iska xaaraanshay dulmiga, waxaana ka yeelay xaaraan dhexdiinna ee ha is dulmina".
(18) 18. Uga dig Maalinta dhow, markay quluubtu iman dhuumaha (cabsi darteed) iyagoo walbahaarsan. Ma leh daalimiinta saaxiib iyo shafeece midna la maqlayo.
(19) 19. (Alle) Wuu Og yahay khiyaanada isha loo dabo iyo waxay laabuhu qarsadaanba.
(20) 20. Allaah wuxuu wax ku xukumaa Xaq, kuwase ay u yeedhaan Isaga sokadi, ma xukumi karaan waxba, Hubaal, Allaah, waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
(21) 21. Mawaysan ku socdaalin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog badan iyo camiraadba arlada, wuxuuse Alle u qabtay denbiyaday faleen. Umana sugnaan iyaga wax ka difaaca Ilaahay.
(22) 22. (Cadaab)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, wayse diideen. Markaa Alle baa qabtay. Hubaal waa Xoog Badane, Ciqaabkiisu daran yahay.
(23) 23. Waxaanu dhab ahaan ula dirnay Muuse Aayadahayaga iyo awood cad.
(24) 24. Xagga Fircoon iyo Haamaan iyo Qaaruun, waxayse yidhaahdeen: (waa) Saaxir, beenaale.
(25) 25. Markuu u keenay Xaqa ka yimid Xaggayaga waxay yidhaahdeen: Dila wiilasha kuwa (xaqa) rumeeyey la jirki una daaya haweenkooda nolol (si aad ugu adeegataan oo u addoonsataan); dhagarta gaaladuna ma aha waxaan ahayn (wax ku dhammaada) khasaaro.
(26) 26. Fircoon wuxuu yidhi:I daaya aan dilee Muuse, hana u yeedho Rabbigiis, waxaan ka cabsan inuu idinka beddelo diinta (hab dhaqankiinna) ama uu ka muujiyo arlada fasahaad5.
5. Tafaraaruq idin geliyo ama dagaal sokeeye.
(27) 27. Wuxuu Muuse yidhi: Anigu Waxaan ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiinba mid kastoo islaweyn oo aan rumaysnayn Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).
(28) 28. Nin mu’min ah oo ka mid ah reer Fircoon (waa Xizqil, Fircoon ina Adeerki, khaznad hayahii dawladda) oo qarsanayey Iimaankiisa wuxuu yidhi: Ma waxaad ku dileysaan nin sababta ah inuu leeyahay: Rabbigay waa Allaah, wuxuuna idiinka keenay Xujooyin Cad xagga Rabbigiin? Hadduu been sheegayo, isagay dhibi beentiisu; haddiise uu run sheegayo, waxaa idinku dhici qaar waxaa uu idinku gooddiyo. Hubaal Alle ma hanuuniyo mid ah xad gudbe, been badne.
(29) 29. Tolkayow! Idinkaa leh xukunka maanta, una adag arlada. Yaase nooga gargaari Ciqaabka Ilaahay hadduu noo yimaado. Fircoon wuxuu yidhi: Idin tusi maayo waxaan aheyn waxaan anigu u arko wanaag, idinkumana hanuuniyo waxaan aheyn dhabbaha toosan ee abbaarta ah.
(30) 30. Kii rumeeyey (Xaqa) wuxuu yidhi: Tolkayow! Waxaan idiinka cabsan wax la mid ah wixii ku dhacay axzaabta6.
6. Waa maalmaha uu Allaah u soo diro Ciqaabkiisa kuwaasi diiday nabiyadii loo soo diray .
(31) 31. Wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey, Allena ma aha mid la doona dulmi addoomahiisa oo ku gardarrooda.
(32) 32. Tolkaygow! Waxaan anigu idiinka cabsan Maalinta isu Yeeridda7.
7. Waa maalinta Qiyaamaha, markay denbiilayaasha la qeylin argarax, dadku waa isu yeeran goobta Qiyaamaha iyagoo in loo shafeeco raba.
(33) 33. Maalinta aad jeedin dhabarradiinna idinkoo carari, ma jiro wax idinka badbaadin Ilaahay. Qofkuu Alle lumiyana ma uu laha wax hanuunin.
(34) 34. Wuxuu dhab ahaan Yuusuf idiinla yimid mar hore Xujooyin cad, kamase bixin shakigii aad ka qabteen wuxuu idiin keenay, jeer markuu dhintay aad tidhaah- deen: Alle ma soo dirayo wax Rasuul ah isaga kadambow. Sidaasuu Alle u lumiyaa kan ah xad gudbe, shaki qabeen.
(35) 35. Kuwa ka dooda Aayadaha Ilaahay iyagoon heysan wax xujo ah uu siiyey, waa wax uu Alle aad u neceb yahay (ka doodkaasi) oo (sidoo kale ay neceby yihiin) kuwaa rumeysan.Sidaasuu Alle u daboolaa qalbiga mid kastoo ah islaweyne, jujuubaa.
(36) 36. Fircoon wuxuu yidhi: Haamaanow! Ii dhis sar dheer si aan ugu gaadho waddooyinka8.
8. Waa siyaabo kor lagu aado.
(37) 37. Waddooyinka loo maro cirarka, si aan u soo dhugto ilaaha Muuse; waxaana u maleyn inuu yahay beenaale. Sidaasaa xumaanta camalkiisa loogu qurxiyey Fircoon, loogana duway Jidka (Toosan), mana ahayn dhagartii Fircoon waxaan ahayn (wax ku dhammaada) baabba’a isaga ku dhacay.
(38) 38. Oo kii (Xaqa) rumeeyey wuxuu yidhi: Tolkayow i soo raaca, waxaan idinku hagi Jidka hanuunka.
(39) 39. Tolkayow! Noloshan Adduunka waa uun raaxo (yar oo tageysa), Aakhiradaana ah Daarta negaadiga.
(40) 40. Qofkii falaa camal xun, laguma abaal mariyo waxaan aheyn wax la mid ah. Qofkiise fala wanaag lab ama dheddig oo mu’min ah, kuwan waxay geli Jannada, iyagoo lagu arsaaqi xisaab la’aan.
(41) 41. Tolkayow! Maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho badbaadada, halkaad iigu yeedhaan Naar.
(42) 42. Waxaad iigu yeedhaan inaan ku gaa- loobo Allaah oo la wadaajiyo (cibaadada) wax aan u heysan wax cilmi ah, aniguna waxaan idiinku yeedhaa xagga Adkaadaha Sarreeya, Denbi Dhaafka Badan.
(43) 43. Shaki ma leh, waxaad iigu yeedheysaan Xaggiisa ma hayaan (dhib iyo dheef) loogu yeedho iyo wax laga baryo adduun iyo aakhiraba, waxaana laynoo celin xagga Ilaahay, kuwa ahna xad gudbayaasha waa iyaga uun Ehlu-Naarka.
(44) 44. Marka waad xusuusan doontaan waxaan idinku leeyahay, waxaana u tala saartay arrinkayga Allaah. Hubaal Alle wuu Arkaa addoomahiisa.
(45) 45. Markaasuu Allaah ka dhowray xumaha waxay qooleen, oo cadaab tan u daran waxay ku degtay reer Fircoon.
(46) 46. Naarta, waxaa loo soo bandhigaa aroor iyo galab (kastaba)9, Maalintay Saacadda (Qiyaame) dhacdona (waxaa la odhan): Ka yeela reer Fircoon inay galaan cadaab tan ugu daran.
9. Laga billaabo markay dhintaan ilaa Maalinta Qiyaamaha, marka loo kaxeyn xagga Naarta.
(47) 47. (Xus) markay iskula doodayaan Naarta gudaheeda, waxay kuwii taagta darraa (raciyada ahaa) ku odhan kuwii ( madaxda ahaa) ee isla weynaa: Waxaan innagu ahayn kuwo idinka idin raacsan, ee ma naga qaadeysaan qayb ka mid ah Naarta?.
(48) 48. Kuwii isla weynaa waxay odhan: Waxaanu innagu dhammaan nahay kuwo ku jira; hubaal Alle waa kala xukumay addoomahiisa dhexdooda.
(49) 49. Oo kuwaas ku jira Naarta waxay ku odhan furahayeennada Naarta: Noo barya Rabbigiin hanaga fudaydsho maalin qura ee cadaabta.
(50) 50. Waxay odhan: Mawaysan Rusushiinnii idiinla iman Xujooyin cad? Waxay odhan: Haah, Waxay odhan: Marka barya idinku. Baryada gaaladuna ma aha waxaan aheyn mid ku dhacda meel baadi ah.
(51) 51. Annagaa (Alle ah) u gargaari Rusuhayada iyo kuwa rumeeyey noloshan adduunka iyo Maalintay markhaatiyadu istaagi.
(52) 52. Maalinta aysan waxba u tareyn daalimiinta cudur daarashadoodu. Waxayna leeyihiin nacalad oo waxay leeyihiin Daarta xun (Naar).
(53) 53. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse hanuun, dhaxalsiinnayna ilmahii Israa’iil Kitaabka (Towraadda),
(54) 54. Hanuun iyo waano u ah waxgaradka.
(55) 55. Samir yeelo; hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo ka istiqfaarso denbigaaga10, kuna tasbiixso ammaanaha iyo mahdinta Rabbigaa galab iyo aroorba.
10. Waxaa loola jeedaa wixii gef kaa dhaca xagga garsoorka, Waxaa laga qaadanayaa in dhammaan mu’miniinta weydiistaan dambi dhaaf Ilaahay.
(56) 56. Kuwa ka dooda Aayadaha Ilaahay xujo la’aan u timid ma ku jiro laabahooda waxaan ahayn (doonis) is weyneyn ayan weligood gaadheyn ee magan gal weydiiso Allaah, hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
(57) 57. Abuuridda samooyinka iyo arlada baa ka weyn abuuridda dadka, dadka badankiisuse ma oga.
(58) 58. Ma sinna kan indhaha la’ iyo kan wax arka, iyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala iyo kuwa xumaanta fala. Wax yar weeye intaad waantowdaan.
(59) 59. Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa, shaki kuma jiro, dadka badankiisuse ma ay rumaysna.
(60) 60. (Allaah) Rabbigiin wuxuu yidhi: I barya11 waan idinka aqbaliye (baryada); hubaal kuwa iska weyneeya baryadeyda12, waxay geli Naar iyagoo dullaysan.
11. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Barya Ilaahay idinkoo yaqiinsan in la idinka aqbalayo baryada, oo ogaada inuusan Allaah aqbalin baryada qof maahsan.
12. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Baryadu waa cibaado”.
(61) 61. Alle waa Kan idiin yeelay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana idiinka yeelay iftiin si aad wax u aragtaan. Alle waa u Roon yahay dadka, dadku badankooduse kuma mahdiyaan.
(62) 62. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Abuuraha wax walba, Ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. ee xaggee baa la idiinka iilay?
(63) 63. Sidaas oo kale baa loo iilay kuwii Aayadaha Ilaahay diidi jirey.
(64) 64. Allaah, waa kan idiinka dhigay dhulka meel aad degtaan, cirkana saqaf, oo idin suureeyey wanaajiyeyna suuradahiinna, oo idinku arsaaqay waxyaalo wanaagsan. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, ee waxaa khayr iyo barako badnaaday Allaah Rabbiga uumanka.
(65) 65. Waa Noolaha Daa'inka ah. Ma jiro ilaah (Xaq) ah aan Isaga aheyn, ee barya idinkoo u Keli yeelaya cibaadada. Ammaan idilkeed waxaa mudan Allaah, Rabbiga uumanka.
(66) 66. Dheh: Aniga waa la iga reebay inaan caabudo kuwaad u yeedhataan (baridaan) Alle sokadi, markay xujooyin cad iiga yimaadeen xagga Rabbigay, waxaana la i amray inaan isu dhiibo (Allaah) Rabbiga uumanka.
(67) 67. (Alle) waa Kan idinka abuuray carro, haddana mino nool, haddana xinjir, haddana wuxuu idin soo bixiyaa idinkoo ilmo ah, haddana (idinka yeelaa inaad kortaan) si aad u gaadhaan da'da xooggiinna dhan, haddana si aad u noqotaan odayo da’ ah, waxaase jira qaar idinka mid ah oo la oofsado intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan muddo magacaaban13 bal inaad garowsataan (inuusan jirin cid kaloo mudan cibaado isaga mooyaane).
13. Waa waqtiga loo qabtay dhimashadiinna.
(68) 68. (Alle) waa Kan wax nooleeya, waxna dhinsiiya, markuu arrin guddoomiyo wuxuu uun ku yidhaahdaa: Ahow, wuuna yahay.
(69) 69. Mawaadaan arag kuwaa ka dooda Aayadaha Ilaahay: Xaggee baa loo iilay?
(70) 70. Kuwa beeniya Kitaabka (Qur’aanka) iyo waxa aan la soo dirnay Rusushayada, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
(71) 71. Marka mareegyada birta ah iyo silsiladaha ahaan luqumahooda; waxaa lagu jiidi.
(72) 72. Biyo kulul oo karaya dhexdood, haddana Naar baa laga buuxin oo hurin.
(73) 73. Markaas baa lagu odhan, Meeye waxaad u shariik yeeli jirteen?
(74) 74. Allaah ka sokow? Waxay odhan: Way naga tageen: mayee, umaba aanu yeedhan jirin waxna kal hore. Sidaasuu Alle u lumiyaa gaalada.
(75) 75. (Cadaab)kaasi waxaa idiinku wacan waxaad ugu faraxi jirteen dhulka dhexdiisa xaq darro iyo waxaad la kibri jirteen.
(76) 76. Gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda, maxay meel baas tahay rugta isla weynayaasha.
(77) 77. Ee samir (adkayso Nabiyow), hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo haddaanu ku tusinno qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsanno (intaas ka hor),waa Xaggayaga halka loo soo celin.
(78) 78. Waxaanu soo dirnay Rusul hortaa; waxaa jira kuwo ka mid ah aan kaaga qisoonnay, iyo kuwo aanu kaaga qisoon, mana aha suura gal Rasuulna inuu la yimaado Calaamo (Mucjiso) Idanka Ilaahay ma’ahee. markase uu Amarka Ilaahay yimaado, waxaa lagu xukumi Xaq, waxaana ku khasaaray halkaa kuwa baadilka raaca ee xume falka ah.
(79) 79. Allaah waa Kan idiin yeelay nicmooley- da (xoolaha) si aad u fuushaan qaar ka mid ah qaar ka mid ahna aad wax ka cuntaan.
(80) 80. Waxaana jira Manaafacaad (kale oo badan) oo idiinku sugan, iyo inaad ku gaartaan dan aad leedihiin oo ku jirta laabihiinna, oo dushooda iyaga iyo doonyaha baa la idinku qaadaa.
(81) 81. Wuxuu (Alle) idin tusiyaa Calaamooyin- kiisa, ee middee baa Calaamooyinka Alle beenineysaan?
(82) 82. Mawaysan ku socdaalin arlada oo arag siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka tiro badan kuwani, oo ka xoog badan, iyo camiraadba arlada, waxbase uma tarin waxay kasbadeen.
(83) 83. Markay Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, waxay ku farxeen waxay heysteen oo cilmi ah14, waxaana ku degay (gaalada) waxay ku jeesjeesi jireen.
14. Waxay moodeen inuu ku filan yahay cilmigooda, oo ayan u baahneyn cilmiga kale ay keeneen Rususha Ilaahay.
(84) 84. Markay arkeen Cadaabkayagii waxay yidhaahdeen: Waxaanu aaminnay Allaah Keliya, diidnayna (haatan) waxaan cibaadada la wadaajin jirnay.
(85) 85. Iimaankooduse ma ahayn mid anfacaya markay arkeen Cadaabkayaga, waa xeerka Ilaahay oo horay ugu meel martay addoomahiisa. Waxaana ku khasaaray halkaas gaalada (xaq diid oo dhan).