69 - Suurada Al-xaaqah ()

|

(1) 1. Xaqiiqda dhabta ah ee sugan1!
1. Al-Xaaqqah: Xaqiiqda dhabta ah,waa magac kale oo loo yaqaan Qiyaamaha.

(2) 2. Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi?!

(3) 3. Maxaad ka og tahay waxay tahay xaqiiqdaa dhabta ahi ee sugan?!

(4) 4. Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaame).

(5) 5. Ma Thamuud, waxaa lagu halaagay Qeylo Daran2.
2. Qarax xoog leh oo ay la dhinteen dadkii.

(6) 6. Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl daran oo qabow badan.

(7) 7. (Alle) uu ku salliday toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay.

(8) 8. Ma aragtaa wax ka hadhay?

(9) 9. Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la rogay (ee qowmu Luud) waxay joogto ula yimaadeen gefaf weyn.

(10) 10. Waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood, markaasuu(Alle) ku ciqaabay ciqaab daran.

(11) 11. Markay biyihii xad dhaafeen waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux).

(12) 12. Si aan idiinkaga dhigno waano, oo una xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto.

(13) 13. Marka Buunka (Qiyaame) la afuufo afuufid keliya (tan hore),

(14) 14. Dhulka iyo buurahana laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah.

(15) 15. Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici (Qiyaamada).

(16) 16. Samadu Maalintaa u kala dillaaci gaballo, marka waxay ahaan mid jilicsan.

(17) 17. Malaa’igtu waxay ahaan agagaar- keeda, waxaana ku xambaari Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah).

(18) 18. Maalintaas waa la idiin soo bandhigi, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan.

(19) 19. Kan laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa midig, wuxuu odhan: Waa kane, akhriya kitaabkeyga.

(20) 20. Anigu waan hubay inaan la kulmi Xisaabteyda.

(21) 21. Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh.

(22) 22. Beer sare gudaheed ah (Janno),

(23) 23. Midhaheedu dhow yihiin.

(24) 24. Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye.

(25) 25. Kanse laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa bidix, wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen kitaabkeyga.

(26) 26.Oo aan ogaadeen, waxay xisaabteyduba tahay?

(27) 27. Alla hadday taa (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga.

(28) 28. Maalkeygii waxba iima tarin.

(29) 29. Awooddeydii waa iga baabba’een.

(30) 30.(Waxaa la odhan): Qabta oo xidha.

(31) 31. Markaas ku tuura dabka ololoya.

(32) 32. Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood.

(33) 33. Ma uu rumeynsneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn.

(34) 34. Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka.

(35) 35. Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah.

(36) 36. ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee.

(37) 37. Aanay cidi cunin geflowyada Maahee.

(38) 38. Mayee, waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay waxaad aragtaan.

(39) 39. Iyo wax aydaan aragba,

(40) 40. Kani waa hadal (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf leh (Nabi Muxammad s.c.w.)

(41) 41. Ma ahana hadal gabyaa, yaraa intaad rumeysaan.

(42) 42. ama hadal curraafle, yaraa intaad waantowdaan.

(43) 43. Waa waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka (Allaah).

(44) 44. Hadduu (Nabi Muxammad) naga been sheegi lahaa;

(45) 45. Waxaan ku qaban laheyn gacanta Midig.

(46) 46. Oo waxaan goyn laheyn halbowlaha.

(47) 47. Ma jiro qof idinka mid ahi oo naga celin lahaa.

(48) 48. (Qur'aanku) waa u waano kuwaa ka dhowrsada xumaha ee Alle u hoggaansan.

(49) 49. Waan ognahay inay idinka mid yihiin kuwa beeniya (Xaqa).

(50) 50. (Qur’aanku) waa qoomamada gaalada (Maalinta Qiyaame).

(51) 51.Oo waa xaq dhab ah.

(52) 52. Ee huf oo xurmo weynee Magaca Rabbigaa (Allaah), Weynaha, Sharafta Badan.