(1) 1. Amarka Ilaahay (Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada) waa wax iman (oo soo dhow) ee waxba ha doonina in la soo dedejiyo. Xurmo oo dhan Isagaa (Alle) iska leh oo hufan, waana ka Sarreeyaa1 waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
1. Ataa Luqad ahaan macnaheedu waxaa weeye waa yimid waxaana loola jeedaa muujin in la hubo oo yaqiin tahay oo ay aad u soo dhowdahay Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada iyo guusha ay heli doonaan Muslimiinta. Ataa Waa ficil maadi ( fal tagey) laakiin loogala jeedo mudaaric fal markaa lagu gudo jiro ama soo socda oo imanaya. Sideedana waxaa jira sagaal meelood oo falka tagey loogala jeedo fal soo socda ama markaa ah, waxaa ka mid ah hadalkii lagu billaabo fal tagey, falka tagey ee soo aroora kaddib mid ka mid ah xuruurfta sharadka sida idaa jaa’a, in makkaannaahum, ama kaddib mowsuul sidaa alladiina aamanuu, iwm falalka tagey halkan waxaa loola jeedi karaa fal jooga ama soo socda.
(2) 2. Wuxuu la soo diraa malaa’igta Waxyi Amarkiisa ah (uu ku soo dejiyo) cidduu doono oo addoomahiisa ka mid ah (Isagoo leh): Uga diga (dadka) inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan ahayn Aniga (Allaah) dhowrana xilkaan idin saaray.
(3) 3. (Alle) wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Waa ka Sarreeyaa oo ka Kor yahay shariig ama in wax lala mid dhigo.
(4) 4. Wuxuu ka abuuray aadmiga mino nool, mise, waa dood badane col cad ah2.
2. Durba marka uu xoog yeesho oo madax bannaanaado.
(5) 5. Xoolahana wuu idiin abuuray; waxaad ka heshaan dhar dugaal leh iyo manaafacaad kale3, xaggeedana wax ka cuntaan.
3. Dhar ahaan loo xidho, teendhooyin, alaabooyin, iwm.
(6) 6. Waxaana idiinku sugan (xoolaha) qurux markaad u soo celinaysaan galabnimada (guriga)iyo markaad u foofinaysaan daaqa.
(7) 7. Waxaadna ugu rarataan culeysyadiinna xagga gobollo aydaan gaari karteen nafa- hoo dhibtooda ma’ahee. Hubaal Rabbigiin waa Turid Badane, Naxariis Badan.
(8) 8. (Oo Wuxuu Alle idiin abuuray) Fardo, baqallo iyo dameerro inaad kortaan iyo qurux ahaanba. Wuxuuna abuuri wax aydaan ogeyn (oo gaadiid kale ah - gaadiidka dhulka, cirka iyo badda).
(9) 9. Allaah bayna saaran tahay xilka inuu caadeeyo Jidka Toosan (ee Islaamka), waxaase jira (jidad) qallooc ah. Hadduu doonona hubaal wuu idin wada hanuuin lahaa dhammaantiin.
(10) 10. Waa Isaga (Alle) Kan idiinka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, waxaad ka heshaan cabbitaan, biyahaasoo (soo saara sidoo kale) geedaha aad daaqsataan (xoolaha).
(11) 11. Wuxuu idiinku soo bixiyaa sarac, saytuun, geedaha timirta, canabyo iyo nooc walba oo midhaha ah. Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri.
(12) 12. Wuxuuna idiin sakhiray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa; xiddigu- huna waxay ku sakhiran yihiin Amarkiisa. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii garowsan.
(13) 13. Iyo wuxuu idiinku abuuray dhulka korkiisa oo midabbo kala duwan leh. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii xusuusan.
(14) 14. Alle Waa Kan idiin sakhiray badda si aad uga cuntaan hilib jilicsan (kalluun) iyo inaad kala soo baxdaan qurux aad xidhataan. Waxaadna aragtaan doonyaha oo dhex maaxaya badda gudaheeda, (wuuna idiin layliyey) si aad ugu raadsataan (sidaa) wax ka mid ah Deeqdiisa, iyo si aad ugu mahad naqdaan.
(15) 15. Wuxuuna (Alle) ku dhidbay si sugan buuro waaweyn dhulka, si uusan idiinla iilan (wuxuuna yeelay) webiyaal iyo waddooyin si aad toos ugu socotaan.
(16) 16. Iyo calaamooyin dhulka lagu garto, xiddigahayna ku helaan dhabbaha toosan (markay saxraha joogaan ama badda).
(17) 17. Ma mid (waa Alle'e) wax abuura baa la mid ah kuwo aan wax abuurin (sanamadaa)? Ma waydaan waansameyn?
(18) 18. Haddaad tirisaan Nicmooyinka Ilaahay, ma koobi kartaan. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(19) 19. Allaah wuu Og yahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba.
(20) 20. Kuwa ay baryaanna (caabudaan) Allaah sokadi waxba ma abuuraan, iyagaase la abuuraa.
(21) 21. (Waa) mayti aan nooleyn, mana oga goorta la soo bixinayo.
(22) 22. Ilaahiinnu waa Ilaah Mid Keliya ah. Kuwase aan rumeysneyn Aakhirada, quluubtoodu way diidaan (Towxiidka), wayna isla weyn yihiin.
(23) 23. Shaki ma leh, in Alle Ogsoon yahay waxay qariyaan iyo waxay muujiyaanba. Hubaal Alle ma jecla kuwa isla weyn.
(24) 24. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo: Muxuu soo dejiyey Rabbigiin? Waxay yidhaadaan: Sheekooyinka kuwii hore.
(25) 25. Si ay u xambaaraan culeysyadooda (denbiyadooda) oo dhan Maalinta Qiyaamaha, iyo culeysyada (denbiyada) kuwaa ay ku lumiyaan aqoon darro. Ogaada, wax xun waa waxay xambaaran.
(26) 26. Waxaa wax dhagray oo tab degay4 kuwii iyaga ka horreeyey, Wuxuuse Allaah uga yimid dhismayaashoodii xagga aasaasyada, markaasuu saqafkii ku soo dumay korkooda, cadaabkuna wuxuu uga yimid meel aysan ka fileyn.
4. Allaah wuxuu sababay qorshahoodu inuu fashilmo oo bannaanka keenay dhagartooda iyo shirqoolkooda xun.
(27) 27. Haddana Maalinta Qiyaamaha wuu dullayn5, wuxuuna odhan: Meeye shurakadii aad ila wadaajiseen ee aad iyaga awgood u noqoteen col? Kuwa cilmiga la siiyey waxay odhan: Dulli iyo dar xumo waxay maanta haysataa gaalada.
5. Macnaha waxaa weeye wuxuu ka yeeli inay mutaan ciqaab denbiyadooda badan dartood.
(28) 28. Ee ah kuwa ay malaa’igtu oofsan6 iyagoo ku dulminaya nafahooda (shirki iyo macaasi). Waxayna markaas muujiyaan hoggaansamid (iyagoo leh): Ma ba aanu fali jirin wax xume ah. Haayoo, Allaah baa ogsoon waxaad falayseen.
6. Imaanshaha malaa’igta si ay u qaadaan nafahooda.
(29) 29. Ee gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda. Xumaa hoyga isla weynayaasha.
(30) 30. Waxaa lagu yidhaahdaa kuwaa ka cabsada Ilaahay (ee u hoggaansan): Muxuu Rabbigiin soo dejiyey? Waxay yidhaahdaan: Khayr. Waxay leeyihiin kuwa sama ku fala adduunyadan samaan, Daarta Aakhiraana khayr badan. Wanaagsanaa Daarta kuwa iska jira (xumaha ee dhowra amarrada Ilaahay).
(31) 31. Beeraha negaadiga (jannatu cadan) bay gelayaan ay hoostoodu webiyo qulqulaan, waxay ku mudan gudaheeda waxay doonaan. Sidaasuu Alle ku abaal mariyaa kuwa iska jira ( xumaha ee dhowra Amarradiisa).
(32) 32. Ee ah kuwa ay malaa’igtu oofsato iyagoo ku sugan xaalad wanaagsan iyagoo ku odhan: Nabad korkiinna ha ahaato: Gala Jannada waxaad (samo) fasheen darteed.
(33) 33. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn inay malaa’igtu u timaaddo ama Amarka Rabbigaa7 u yimaado inuu fulo? Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey. Allena ma dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyay.
7. Ka imaanshaha cadaab xagga Ilaahay si uu ugu halaago.
(34) 34. Waxaana ku dhacay xumaantii waxay faleen, oo waxaa ku degay (ciqaabtii) waxay ku jeesjeesayeen.
(35) 35. Kuwa Alle u shariig yeela waxay yidhaahdaan: Hadduu Alle doono ma aanu caabudneen waxba Sokadi innaga iyo aabbayaashayo midna, mana xaaraamayneen waxbana (Amarkiisa) la’aanti. Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey: Ee ma waxaa saaran Rususha waxaan aheyn gaarsiin cad?
(36) 36. Waxaan ka soo bixinnay ummad walba Rasuul (leh): Caabuda Alle Keliya, kana dheeraada Dhaaquut (sheydaanka iyo cibaadada wax Alle ka soo hadhay). Waxaa ka mid ah kuwo Alle uu hanuuniyey, waxaana ka mid ah kuwo habowga ku waajibay. Ee mara dhulka oo fiiriya siday aheyd cidhibta beeniyayaasha.
(37) 37. Haddaad ku dadaashid hanuunkooda, Allaah ma hanuuniyo cid uu lumiyo8, mana helaan wax u soo gargaara.
8. Sababta doorashadooda inay diidaan hanuunka.
(38) 38. Waxay ku dhartaan Alle dhaarahooda kuwa ugu adag inuusan Allaah soo bixineyn cid dhimatay. Haayoo waa ballan saaran oo Xaq ah, laakiinse dadka badankiisu ma oga.
(39) 39. (Waa) si uu ugu caddeeyo (abbaarta) waxay isku khilaafsan yihiin, iyo inay ogaadaan kuwa (Xaqa) diida inay ahaayeen beenaalayaal.
(40) 40. Sideedaba Qowlkayagu markaan wax doonno waa oo Keliya inaan ku nidhaahno: "Ahaw” waana uu yahay.
(41) 41. Kuwa u soo haajira Ilaahay Darti, kaddib markii la dulmiyey, Waxaan ku siin meeqaan wanaagsan adduunka, ajarka Aakhiraana ka weyn, hadday ogaan lahaayeen.
(42) 42. Waa kuwa sabra oo Rabbigood isku halleeya ee tala saarta.
(43) 43. Ma aanu soo dirin adiga hortaa (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn rag aan u waxyoonno (oo ma soo dirin malaa’ig). Ee weydiiya ehlu Dikirka (yaqaan Towraadda iyo Injiilka), haddaydaan ogeyn.
(44) 44. Xujooyin cad iyo Kutub (baan la soo dirnay Rususha). Waxaana kugu soo dejinnay Waanada (Qur’aanka), si aad ugu caddaysid dadka waxa loo soo dejiyey, bal inay u fiiro yeeshaan oo ay wax ku qaataan.
(45) 45. Ma waxay kuwa qoola xumaha aamin ka yihiin in Alle la gooyo dhulka, ama uga yimaado cadaabka meel aanay ka fileyn?
(46) 46. Ama qabto iyagoo ku jira howlahooda, markaas ma ka baxsan karaan (Ciqaabka)?
(47) 47. Ama qabto iyagoo ku sugan cabsi isa soo tarta. Rabbiggiinna waa Turid Badane, Naxariis Badan9.
9. Isagoo dib ugu dhiga ciqaabka ay mudan yihiin oo siiya fursad ay ku toobad keenaan.
(48) 48. Ma waysan u fiirsan wax kastoo uu Allaah abuuray, (sida) hoosaskoodu ugu iishaan midig iyo bidix, oo ugu sujuudaan Allaah iyagoo u khushuucsan.
(49) 49. Waxa jira noole dhul ku socod ah ee ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada waxay u sujuudaan Allaah (Keliya), iyo malaa’igtaba iskamana weyneeyaan.
(50) 50. Waxay ka cabasadaan Rabbigood ka korreeya, waxayna falaan waxa la amro.
(51) 51. Allaah wuxuu yidhi: Ha yeelannina labo ilaah. Waa uun Ilaah Keliya. Ee Anigoo Keliya iga cabsada10.
10. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii qiraa inuusan jirin ilaah Xaq ah aan aheyn Allaah Keliya iyo inuusan laheyn wax shariik ah, iyo in Muxmmad yahay addoon Ilaahay iyo Rasuulki, iyo in Ciise yahay addoon Ilaahay iyo Rasuulki, iyo Kelmeddiisii uu Jabriil ku afuufay Maryam iyo ruux uu abuuray Allaah, iyo in Jannadu run tahay, Naartuna run tahay, Allaah wuxuu gelin Jannada si kastaba camalkiisa ha u yaraadee. W.w.Al-Bukhaari
(52) 52. Alle baana iska leh Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Waana in Isaga (Alle Keliya) loo gaar iyo gooni yeelo cibaadada oo la adeeco si joogta ah. Ee Ma waxaad ka cabsan wxaan ahayn Alle.
(53) 53. Wax kastoo nicmo ah ee (lagu galladeystey) dushiinna waa xagga Ilaahay, haddana marka dhibaato idin ku dhacdo, Xaggiisaad u calaacashaan idinkoo gargaar doon ah.
(54) 54. Markuu idinka faydo dhibaatadana, mise qaar idin ka mid ahi waxay u shariig yeelaan kuwo kale Rabbigood (ah Allaah).
(55) 55. Si ay uga abaal dhacaan waxaan siinnay. Ee iska raaxeysta, waadse ogaan doontaan (waxa idinku dhaca).
(56) 56. Waxay u yeelaan qayb ka mid ah waxa aanu siinnay wax aanay11garanayn (oo ilaahyo been ah). Tallaahi, waa la idin weydiin waxaad been abuurateen.
11. Waxaa loola jeedaa wax ayan cilmi u heysan oo ah ilaahyadaa baadilka ay sameysteen, bal waxay wax ku dhisaan malooyin iyo caadooyin ama raacidda dad habowsan.
(57) 57. Waxayna u yeelaan Allaah gabdho12. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), iyaguna waxay isa siiyeen waxay rabaan.
12. Waxay yidhaahdeen Allaah wuxuu leeyahay gabdho, iyagoo ula jeeda malaa’igta, iyagoo naf ahaantooda neceb inay yeeshaan gabdho siduu Allaah ku xusay Aayaddan iyo tan ka dambeysaba.
(58) 58. Marka loogu bishaareeyo midkood (dhalashada) dheddig, wuxuu noqdaa wejigiisa madow, isagoo tiiraanyeysan.
(59) 59. Wuxuu iska qariyaa dadka xumida waxa loogu bishaareeyey darteed. Ma wuxuu ku heystaa dulli mise ku aaasaa (iyadoo nool) carrada? Xumaa waxay xukumaan13.
13. Nabigu s.c.w. wuu xaaraanshay ku caasinta hooyooyinkiin, nolol xabaalidda gabdhaha , diidista bixinta xuquuqda dadka, baryada, ku tiri ku teenta iyo su’aasha badan, iyo luminta maalka. W.w.Al-Bukhaari.
(60) 60. Kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waxaa u sugnaaday tusaale xun14, Allena waxaa u sugnaaday tilmaanta wanaagsan ee sare, waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
14. Sida waxa lagu xusay labadii Aayadood ee hore.
(61) 61. Hadduu Alle durba u qaban lahaa dadka dulmigay galaan darti, kagama tageen (dhulka) guudki nafley qudh ahi, wuxuuse ugu dib dhigaa muddo magacaa- ban, marka ajalkoodu yimaadana ma dib dhigi karaan Saacad mana soo hor marin karaan.
(62) 62. Waxayna u yeelaan Alle (gabdho) ay (iyaguba) nacaan, carrabyadooduna waxay sheegaan beenta ah inay mudan midda wanaagsan; waxaa sugan inay leeyihiin Naar, oo loo hormarin doono15.
15. Macno kale waxaa weeye waxaa laga yeeli inay halkaasi kaga horreeyaan inta kale oo dhan.
(63) 63. Tallaahiye, Waxaan u soo dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyey, Wuxuuse u qurxiyey Shaydaanka camalladooda, Isagaana sokeeye u ah maanta, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
(64) 64. Kuugumana aan soo dejin Kitaabka (Qur’aanka) waxaan ahayn inaad u caddeyso iyaga waxyaalaha ay isku khilaafsan yihiin, iyo hanuun ahaan iyo Naxariis ciddii rumeyn.
(65) 65. Allaah waa Kan ka soo dejiyey biyo (roob) daruuraha, oo ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib. Arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax maqli.
(66) 66. Waxaana idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxaa ku jira uurarkooda uus iyo dhiig dhexdood, caano saafi ah, mari og hunguriga kuwa cabbi.
(67) 67. Iyo midhaha geedaha timirta iyo canabyada oo aad ka samaysataan cabbitaan culus16 iyo risiq wanaagsan. Arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii garowsan.
16. Aayaddan waxaa la soo dejiyey ka hor inta aan la xarrimin khamriga. Waxay muujineysaa xaqiiqda in waxyaalaha qaarkood ay ku jiraan dhibaato iyo in sidoo kale lahaan karaan xoogaa wanaag ah.
(68) 68. Wuxuu Rabbigaa u waxyooday shinnada: Ka sameyso buuraha guryo iyo geedaha iyo waxay dhisaanba.
(69) 69. Markaas wax ka cun midhaha oo dhan, oo qaad jidadka Rabbigaa idinkoo laylan. Waxaa ka soo baxa uurarkeeda sharaab kala midab ah oo caafimaad ugu jiro dadka. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii fikiri.
(70) 70. Allaah baa idin abuuray, misna idin oofsan, waxaana idin ka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita nolosha, si uu waxba aanu u ogaan kaddib waayo aqoontii. Hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan.
(71) 71. Allaah wuu uga roonaaday qaarkiinba qaar kale xagga risiqa, Marka, kuwa loo roonaaday sinnaba uma mulki siiyaan risiqooda kuwaa (addoomaha ah) oo ay midigtoodu hanato si ay isku mid ugu noqdaan17. Ee ma Nicmadda Alle (Islaamka) baa waxay diiddan yihiin?
17. Xujada lagu xusay Aayaddan waxaa weeye: Hadday u arkin waxyaalaha ay leeyihiin wax la siman iyaga, haddaba sidee bay ula simi karaan Allaah uunkiisa oo ugu dhigi shariikyo.
(72) 72. Allaah wuxuu idiinka yeelay nafahiinna xaasas idinla nooc ah, wuxuuna idinka siiyey xaasaskiinna ubad iyo ilmo ilmahood, wuxuuna ku galladeysatay korkiinna wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan. Ee ma baadil (shirki) baa waxay rumeysan yihiin, halka ay tahay Nicmadda Ilaahay (Towxiidka) waxay diidaan inay rumeeyaan?
(73) 73. Waxayna caabudaan Allaah sokadi, waxaan uga hanan karin wax risiq ah xagga samooyinka iyo arlada, oo aan wax awood ahi lahayn.
(74) 74. Ee ha u yeelina Alle wax aad la mid dhigtaan18. Hubaal, Alle wuu Og yahay (waxaad fashaan), idinkuse ma ogidin (cidhib xumidiinna).
18. Ma jiro wax loo dhigo.
(75) 75. Allaah wuxuu ka yeelaa tusaale19: addoon la leeyahay aan waxba awoodi karin, iyo mid aanu ka siinnay xaggeenna risiq wanaagsan, oo isagu wax ka bixiya sir iyo caddaanba. Miyey labadaasi siman yihiin? Ammaan oo idil waxaa mudan Allaah! Badankooduse ma oga.
19. Waxaa tusaalahan jawaab ahaan loo siiyey mushrikiinta la mid dhiga Alle ee arzaaqa ee awoodda badan sanamyada aan xoog iyo xeelad midna lahayn.
(76) 76. Wuxuu (kaloo) Alle tusaale ka yeelaa labo nin, oo midkood af la’yahay (hadli karin), kaasoo aan waxna karin inuu hagaajiyo, oo isagu ku ah culeys abaankiisa, meeshuu u diraba aan ka keenin khayr. Miyaa lala simi karaa mid amra caddaalad oo isagu (naf ahaantiisa) ku sugan Jid Toosan (Islaamka)?
(77) 77. Allaah baa iska leh waxaan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada. Arrinka Saacadda (Qiyaamana) ma aha waxaan ahayn sida il biriqsi, ama ka dhowba. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.
(78) 78. Allaah wuxuu idinka soo saaray uurarka hooyooyinkiin idinkoo aan waxba garanayn. Wuxuuna idin yeelay maqal iyo arag iyo qalbiyo inaad mahad naqdaan
(79) 79. Mawaysan arkayn shimbiraha loo sakhiray (oo ku duulaya) hawada samada? Cidina ma qaban karto aan ahayn Allaah. hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumayn.
(80) 80. Allaah wuxuu idiinka yeelay guryihiinna degaan aad ku xasishaan, wuxuuna idinku galladeystey teendhooyin laga sameeyey hargaha xoolaha idiin fudud qaadistooda maalinta geeddigiinna iyo maalinta negaadigiinnaba, idiinkana yeelay (idaha) duftooda iyo (geela) dhogortooda iyo (riyaha) timahooda alaabo guri iyo sahay ilaa muddo ah.
(81) 81. Allaah wuxuu idiinka yeelay wuxuu abuuray (geedaha) hoosas, wuxuuna idiinka yeelay buuraha gebiyo aad gashaan, idiin yeelayna dhar idinka celiya kuleylka (iyo qabowga) iyo dhar (jaakado bir ah) idinka celiya (dhibka) dirirtiinna. Sidaasuu idiinku iltiraa Nicmaddiisa inaad u hoggaansantaan (oo Xaqa raacdaan).
(82) 82. Haddayse jeesadaan, xilkaagu waa oo keliya Gaarsiinta cad (ee Fartiinta Alle).
(83) 83. Waxay gartaan Nicmadda Ilaahay (Islaamka), haddana way dafiraan, badankooduna waa gaalo.
(84) 84. (Xus) maalintaan ka soo saareyno ummad walba markhaati, markaas aan loo idmeyn kuwa (Xaqa) diida (cudur daarasho), oo aan laga yeeleyn inay axsaan fal dalbaan.
(85) 85. Markay kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) arkaan cadaabka, lagama khafiifinayo, lamana siinayo fursad.
(86) 86. Markay kuwa Alle u shariig yeela (kuwo kale)20 arkaan kuway la wadaajiyeen Ilaahay (cibaadada) waxay odhan: Rabbigayow! Kuwaanu waa kuwa aan kula wadaajinnay cibaadada ee aan baryi jirnay adiga Sokadaa21. Waxayse (kuwaa) dib ugu celin hadalka (iyagoo leh): Waxaad tihiin beenaalayaal.
20. Waxaa shirki loola jeedaa wixii lala barbar caabudo Alle, sheydaankuna wuxuu amraa cibaadada asnaamta .
21. Waa rumeysnaanta inuu Allaah leeyahay shuruko lala wadaajiyo cibaadada, shurkadaasina ay uga shafeeci Ilaahay agti.
(87) 87. Waxayna (gaaladaa mushrikiinta ah) ula imaan Alle maalintaas hoggaansan dhan, wayna waayi waxay been abuuran jireen.
(88) 88. Kuwa Xaqa diida oo ka hor istaaga dadka Jidka Ilaahay, waxaan ugu dari cadaab cadaabkooda, waxay fasaad fali jireen awgii.
(89) 89. (Xus) Maalinka aan ka soo saari ummad walba markhaati ku marag fura oo iyaga ka mid ah,oo aan kuu keenno adiga (Nabiyow) inaad ka ahaato markhaati kuwan - Waxaana kugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) u faahfaahinaya wax walba si cad , iyo inuu u ahaado Hanuun iyo Naxariis iyo bishaaro Muslimiinta22.
22. Muslimiin waa kuwa isu dhiiba Doonista Ilaahay ee u hoggaansan.
(90) 90. Allaaah wuxuu amraa caddaalad iyo axsaan fal iyo siinta qaraabada (xaqooda), wuxuuna reebaa xumaan iyo munkar iyo gardarro. Wuu idin waaninayaa, inaad ku waano qaadataan oo xusuusataan.
(91) 91. Oofiya Ballanka Ilaahay markaad gashaan, hana burinnina dhaaraha kaddib markaad adkeyseen, oo uga yeesheen Alle damiin. Alle wuu Og yahay waxaad fali.
(92) 92. Hana la mid noqonnina sida tan furfurta xadhiggeeda ay soohday iyadoo u googooneysa gabal gabal kaddib markuu yeeshay xoog. Waxaad ka yeeshaan dhaarahiinna dhagar dhexdiinna ah8, inay ummad ka tiro badan tahay ummad kale (darteed23). Allaah waa uun idinku imtixaami arrinkaas iyo inuu idiin caddeeyo Maalinta Qiyaamaha waxaad isku khilaafsaneydeen.
23. Muslimiinta tiro ahaan way yaraayen, waxayna la galeen gaalada heshiis., Markii ay arkeen Quryash inay tiro badan yihiin, oo ay muslimiinta dheer yihiin xoog iyo xeeladba iyo waayo aragnimo, waxay door bideen inay uga baxaan heshiiska Nabiga s.c.w., ficilkan oo kalena Allaah wuu reebay. Macnaha waa ha ugu dhaarannina been ama ha burinnina heshiis ama ka bixina ballan aad gasheen dano adduunyo darteed, si kastaba uga xoog badnaadee cadowgiinna.
(93) 93. Hadduu Alle doono, wuxuu idinka yeeli lahaa ummad keliya, wuxuuse lumiyaa cidduu doono oo hanuuniyaa cidduu doono. Waana la idin weydiin waxaad falayseen.
(94) 94. Ha ka dhigannina dhaarahiinna siyaalo aad isku khiyaantaan dhexdiinna, si aanay cagi u sidban kaddib sugnaashaheeda, oo aad dhadhamisaan xumaan (cadaab) inaad ka jeedsateen Jidka Ilaahay darteed, waxaadna mudan Cadaab weyn.
(95) 95. Hana ku qaadannina Axdiga Ilaahay qiimo yar (waxbana). Hubaal waxa Alle agtiis ah baa idiin khayr badan haddaad og tihiin.
(96) 96. Waxa aad haysataan way dhammaan, waxase Alle agtiis ah baa baaqi ahaanaya. Waxaana ku abaal marin kuwa sabra ajarkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen.
(97) 97. Qofkii sama fala lab ama dheddig oo mu’min ah waxaan hubaal ka yeeli inuu noolaado nolol fiican oo farxad leh, waxaanuna siin abaalgudkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen24.
24. Aayaddan waxay caddeysey inay ragga iyo dumarka ajar isku mid ah leeyiiin Ilaahay agtiisa markay la yimaadaan camal san oo iimaan u wehliyo.
(98) 98. Ee markaad akhriyeyso Qur’aanka, (hor iyo baataba) ka magan gal Allaah shaydaanka la fogeeyey.
(99) 99. Kuma dul laha awood kuwaa (Xaqa) rumeysan oo Rabbigood isku halleeya oo tala saarta.
(100) 100. Ee wuxuu awood ku dul leeyahay oo keliya kuwa sokeeye ka yeesha iyo kuwa la wadaajiya Alle cibaadada cid kale.
(101) 101. Markaan ku beddelno Aayad meel Aayad kale, Allaah baana Ogsoon wuxuu soo dejiyo, waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaad uun tahay been abuurte. Badankooduse wax ma oga.
(102) 102. Dheh: Ruuxa Daahirka ah (Jabriil) baa kaga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah, si uu ugu sugo kuwa (Xaqa) rumeysan, oo ugu ahaado hanuun iyo bishaaro Muslimiinta (u hoggaansan Rabbigood).
(103) 103. Waxaana ognahay inay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaa sideedaba wax bara qof aadmi ah. Carrabka midkay ku leexinayaan waa af shisheeye25, kanina waa af Carabi faseex ah.
25. Af cajami ah waa af aan Carabi ahayn , sidoo kalena waxaa la yidhaahdaa cajami afka carabiga ee la jajabiyo, waayo ninka ay ku tuhmayaan inuu baro Qur’aanka Rasuulka waa nimaan Carab ahayn, oo yaqaan xoogaa Carabi ah.
(104) 104. Kuwa aan rumeyn Aayadaha Ilaahay, Alle ma hanuuniyo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
(105) 105. Waxaa uun abuurta been sideedaba kuwa aan rumeyn Aayadaha Ilaahay, waana kuwaa kuwa ah beenaalayaasha.
(106) 106. Qofkii ku gaalooba Allaah rumeyn kaddib26, mid maahee lagu khasbay isagoo qalbigiisu ku xasilan yahay Iimaanka - kiise isagu u fura laabtiisa gaalnimo - kuwan dushoodu waxaa ah Cadhada Ilaahay, waxayna leeyihiin Cadaab daran.
26. Gunaanadka Aayadda iyo waxa ka go’an ee ka maqan ee la iska garan karo waxaa weeye wuxuu galabsaday Cadhadii Ilaahay.
(107) 107. Arrinkaasi waxaa ugu wacan inay jecel yihiin nolosha adduunkan wax ka badan Aakhirada, iyo inaan Alle hanuunin qoloda gaalada ah.
(108) 108. Kuwaa weeye kuwa uu Alle daboolay quluubtooda iyo maqalkooda iyo aragggooda.Waana kuwaa kuwa dhoohan.
(109) 109. Shaki ma leh inay Aakhirada ahaan kuwa khasaari khasaaro dhab ah.
(110) 110. Rabbigaase, kuwa soo haajira kaddib inta la dhibay markaas jihaaday ee samray, hubaal Rabbigaa intaas kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(111) 111. (Xusuuso) Maalintay naf walba imaan iyadoo u doodaysa nafteeda, oo naf walba loo oofin waxay fashay, iyagoo aan la dulmineyn.
(112) 112. Allaah wuxuu ka yeelay tusaale: magaalo nabad aheyd xasilloon; oo uu uga yimaado risiqeedu haqab la’aan meel walba, ha yeeshee ku gaalowday Nicmooyinkii Ilaahay. Sidaas darteed Allaah ka yeelay inay dhadhamiso gaajo daran iyo cabsi waxay samaynayeen darteed27.
27. Gaajo iyo cabsi u hareereyso sida dharku ugu hareersan yahay jirka.
(113) 113. Waxaana u yimid Rasuul ka mid ah, wayse beeniyeen, markaasaa waxaa ku dhacay Cadaab iyagoo ahaa daalimiin.
(114) 114. Cuna waxa Alle idin siiyey xalaasha fiican ah oo ka mahad cesha Nicmadda Ilaahay haddaad Isaga Keliya caabuddaan.
(115) 115. Wuxuu uun idinka xaaraameeyey baqti iyo dhiig iyo hilib doofaar iyo wixii lagu xusay (gowracay) waxaan aheyn magaca Alle. Qofkii se ay dani ku qabato isagoo aan caasooyobid u dan laheyn, oo xad gudbeyn, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(116) 116. Ha sheeginana waxay carrabyadiinnu tilmaamayaan oo been ah (idinkoo leh): Kani waa xalaal kanna waa xaaraan, si aad ugu been abuurataan Alle. Kuwa ku been abuurta Alle ma liibaanayaan.
(117) 117. Waa raaxo yar (adduunka) waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
(118) 118. Kuwa heysta (diinta) Yuhuudiyadda Waxaanu ka xaaraamaynay waxyaalaha aan horay kuugu soo sheegnay28. mana aanu dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyay.
28. Waa waxa ku soo arooray Suuradda Al –Ancaam Aayadda 146
(119) 119. Haddana Rabbigaa kuwa u fala xumaan jahli darti markaas toobad keena taa kaddib oo samaada, Rabbigaa intaas kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(120) 120. Hubaal Ibraahiim wuxuu ahaa hoggaamiye lagu daydo, adeeca Allaah, ka leexsan (diimaha gurracan oo dhan), mana aheyn mid ka mid ah Mushrikiinta29.
29. Waa leh dhammaan tilmaamaha wanaagsan ee ka yeeli karta qofka tusaale lagu daydo uu wax ku hoggaamiyo.
(121) 121. Ka mahad naqa Nicmooyika Ilaahay. (Allaah) baa doortay oo ku hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka).
(122) 122. Waxaanu ku siinnay samaan adduunkan. Aakhiradana wuxuu hubaal ka mid ahaan inta wanaagsan.
(123) 123. Markaas Waxaanu kuu waxyoonnay (Nabi Muxammadow): Raac diinta ibraahiim ee toosan, kamana mid aheyn Mushrikiinta.
(124) 124. Sabtida waxaa uun sideedaba loo waajib yeelay kuwii isku khilaafay arrinkeeda30, Rabbigaana wuu kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafayeen.
30. Waxaa loo yeelay maalinta Sabtida: waxaa loola jeedaa waxaa la faray inay la yimaadaan cibaado badan, iyo camallo wanaagsan oo iska daayaan maalintaas xoogsiga iyo maceeshad raadinta,laakiinse kama soo bixin, wayna isku khilaafeen, kaddibna waxaa lagu nasakhay xukunkii maalintaa shareecadii Nabi Ciise c.s. ee ka dambeeyey Muuse c.s.,. ugu dambeyn wuxuu Allaah ku hanuunshay maalinta abbaarta ah muslimiinta oo waa maalinta Jumcaha. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaan leennahay innaga Muslimiinta ah Jumcaha, Yuhuuddana maalintooda waa Sabtida, Kirishtaankuna Axadda, Annaga ayaa u horreyna, iyaguna waa naga dambeeyaan. Waxaannu nahay ummad tii u dambeysey ummadaha, waxaannuse ahaan ummadda u horreysa ee gasha Jannada.
(125) 125. Ugu baaqa (dadka) Jidka Rabbigaa si xikmad leh iyo waano wanaagsan, oo ula dood sida ugu fiican. Rabbigaa wuu Og yahay kuwa ka luma Jidkiisa, wuuna Og yahay kuwa hanuunsan.
(126) 126. Haddaad aar goosaneysaan, aar goosta in la mid ah intii la idin geystey oo kale, haddaadse sabartaan, sidaasaa u wanaagsan kuwa sabra.
(127) 127. Sabar, mana aha sabarkaada waxaan aheyn (wax lagu helo kaalmada) Alle. Oo ha u murugoon, hana ka welwelin waxay xume qoolaan.
(128) 128. Hubaal Alle wuxuu la jiraa kuwa iska jira (xumaha, dhowra Amarradiisa) ee ah sama falayaasha.