68 - Suurada Al-qalam ()

|

(1) 1. Nuun2. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qalinka iyo waxay (malaa’igtu) qoraan.
1. Al-Qalam: Qalinka, waxaa sidoo kale Suuraddan loo yaqaan Nuun. 2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.

(2) 2. Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) jinnoole.

(3) 3.Waxaa leedahay (Nabiyow) ajar aan weligii go'eyn.

(4) 4. Oo waxaa kuu sugnaaday dabeecad wanaagsan oo sare.

(5) 5. Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki,

(6) 6. Kiinna fidmeysan (ama la cadaabo).

(7) 7. Rabbigaa baa Ogsoon kan ka dhuma Jidkiisa, Isagaana Og kuwa hanuunsan.

(8) 8. Ha adeecin xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

(9) 9. Waxay jecel yihiin inaad u soo dabacdo, si ay iyaguna (sidoo kale) u soo dabcaan.

(10) 10. Ha adeecin mid kastoo dhaar badan qiimo laheyn.

(11) 11. Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah).

(12) 12. Khayr diid, xad-gudbe, denbi badan.

(13) 13. macangag madax adag - intaasoo dhan ka sokow mid liita ah (aan nasab ahayn).

(14) 14. Haba lahaadee maal iyo wiilal.

(15) 15. Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii kuwii hore.

(16) 16. Waxaanu ka calaameyn sanqaroorka dushiisa.

(17) 17. Waxaan u imtixaannay sidaanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, markay ku dhaarteen inay goosanayaan midhaha aroorta horeba.

(18) 18. Iyagoon qayb u dhigin (saboolka), dhihinna inshaa Allaah (haddii Alle idmo).

(19) 19. Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadiiba (oo gubatay) intay hurdeen.

(20) 20. Markaasay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay.

(21) 21. Wayna isu dhawaaqeen subaxnimadii,

(22) 22. iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddaad goosanaysaan midhaha.

(23) 23. Markaasay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah,

(24) 24. Inuusan qof miskiin ah idiin soo gelin maanta (beerta, waxnana siin).

(25) 25. Waxay kallaheen subaxii hore iyagoo go’aansan inay (beerta) ka celiyaan (masaakiinta).

(26) 26. Markayse arkeen beertii, waxay yidhaahdeen: Waanu soo dhunnay.

(27) 27. Mayee, waa la ina hoojiyey .

(28) 28. Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaana idinku odhan: (Alle) xurmo weyneeya oo hufa?

(29) 29. Waxay yidhaahdeen: Xurmoo idil waxaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan lahayn Rabbigeen. Waxaanu nahay daalimiin (gar diid).

(30) 30.Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday iyagoo is eedeynaya.

(31) 31. Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, waanu xadgudubnay.

(32) 32. Waa intaasoo Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan, Isagaan khayr ka rajeyne.

(33) 33. Waa sidaas cadaabku, Cadaabka Aakhiraana ka weyn, hadday ogaan lahaayeen.

(34) 34. Hubaal kuwa (ka) dhowrsada (xumaha) waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa beero barwaaqo ah (Janno).

(35) 35. Ma Muslimiinta (All u hoggaansan) baanu kala mid dhigi denbiilayaasha.

(36) 36. Maxaa idinku dhacay? Sidee baad wax u xukumeysaan?

(37) 37. Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan'.

(38) 38. Inaad heleysaan waxaad doorataanba?

(39) 39. Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad heleysaan waxaad doontaanba?

(40) 40. Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin.

(41) 41. Mise waxay leeyihiin shariigyo (ilaahyo u soo gargaaraya), marka ha keenaan shariigyadooda hadday run sheegayaan.

(42) 42. Maalinta (Qiyaamada) marka dhudhunka la feydo (dhudhunka Ilaahay)* oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase karayaan inay sujuudaan (waa gaalada iyo munaafiqiinta). *(Dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada, waa Maalinta Qiyaamaha).

(43) 43. Indhahoodu hoos u rogan yihiin, dulli baa dabooli; waxaana loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo fayow.

(44) 44. Isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan (Qur’aanka); waxaan ka qaban si heerar ah meel aysan ka fileynba.

(45) 45. Waan u seeto dheereyn, hubaal, tabteydu waa mid sugan.

(46) 46. Mise ma waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn?

(47) 47. Mise cilmiga waxaan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan?

(48) 48. Ku samir Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yuunus) rafiiqii nibiriga - markuu noo yeedhay isagoo walbahaarsan,

(49) 49. Haddaysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan.

(50) 50. Rabbigiis baase doortay, kana mid yeelay kuwa wanaagsan.

(51) 51. Kuwaa gaalada ahina waxay sigaan inay kugu gubaan indhahooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada (Qur’aanka); waxayna yidhaahdaan: Kani waa jinnoole.

(52) 52. Ma se ah (Qur’aanka) wax kale aan aheyn Waano ku socota ummadahoo dhan.