(1) 1. Qaaf;2
Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka Sharafka Badan3.
1. Qaaf waa xarafka Qaaf ee ka mid ah alifbeetada afka Carabiga uu Qur’aanku ku soo degay, sidaas oo ay tahay ma jiro axad keeni kara xitaa Suuradda ugu kooban ee Qur’aanka Mucjisada weyn ah. Waana sidaas macnaha looga jeedo xuruufta kale sida alif laam miim, alif laam raa, taa haa, xaa miim, nuun, iwm ee ku soo arooray billowga 29 Suuradood ee Qur'aanka.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1
3. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 38: 1
(2) 2. Waxayse la yaabeen inuu u yimid dige (Nabi Muxammad) ka mid ah. Gaaladuna waxay yidhaahdeen: Kanu (inuu Alle soo diro aadmi) waa wax la yaab leh.
(3) 3. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro (miyaa na la soo nooleyn)? (arrin)kaasu waa soo Noqosho Fog.
(4) 4. Waxaan ognahay wuxuu dhulku ka dhimo (jidhkooda), agtannadana waxaa yaal Kitaab wax walba kooba oo xafidan (Looxa Maxfuudka).
(5) 5. Waxayba se beeniyeen Xaqa markuu u yimid, waxayna (gaaladu) ku sugan yihiin xaalad murugsan.
(6) 6. Mawaysan fiirin samada korkooda ah, sidaan u dhisnay oo u qurxinnay, mana laha wax duleello ah?
(7) 7. Dhulka waan fidinnay, oo ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa dhir qurxoon oo cayn walba leh.
(8) 8. Tusmo iyo waano u ah addoon kasta u soo noqda (Ilaahay) oo toobad keen badan.
(9) 9. Waxaanu ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob) barakaysan, oo aan ku soo saarnaa beero iyo baad.
(10) 10. Iyo geedo timireed dhaadheer leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.
(11) 11. Risiq ay leeyihiin addoomaha (Alle). Waxaana ku nooleynaa (biyahaa) dhul dhintay. Sidaasoo kale bay ahaan soo bixintu (Qiyaamada).
(12) 12. Qolodii Nuux baa beeniyey hortood4, iyo qoladii ceelka iyo Thamuud.
4. Waa ka hor gaalada reer Makkah.
(13) 13. Iyo Caad iyo Fircoon iyo Luud walaalihi.
(14) 14. Iyo reer hawdkii iyo qolodii Tubbac; dhammaan waxay beeniyeen Rususha, waxaana ku dhacay gooddigeyga.
(15) 15. Ma Waxaan ku daalnay abuuristii hore? Mayee, waxay ka shakisan yihiin abuuris cusub (Aakhirada).
(16) 16. Waxaan dhab ahaan abuurnay aadmiga, waana ognahay waxay naftiisu kula hadasho. Waxaana (waa Alle'e oo ku kooba Ogaal iyo Awood ahaan ama malaa’igtiisa) uga dhownahay xididka dhuunta.
(17) 17.Markay labada qorayaal (malaa’igta wax qoreysa) ku kulmi, iyagoo ka kala fadhiya dhinaca midig, iyo dhinaca bidix (ee qofka).
(18) 18. Ma jiro eray (aadmiga) ka soo baxa, oo uusan ag joogin ilaaliye (malag) u diyaar ah (inuu qoro).
(19) 19. Waxaa u iman sakaraadka mowdka oo xaq ah: kaasi waa waxaad ka carareysay.
(20) 20. Buunkii (Qiyaamana) waa la afuufi - kaasu waa Maalinkii laysu yaboohay.
(21) 21. Naf walbana waxay iman iyadoo uu la socdo (labo malag) mid hoggaaminaya iyo mid ku markhaati furaya.
(22) 22. (Waxaa la odhan): Waad ka dhoohnayd arrinkan, haatanse kaa qaadnay daboolkaagii, marka araggaagu maanta waa xoog badan yahay.
(23) 23.(Malagga) la xidhiidhayna wuxuu odhan: Kani waa waxa agteyda ku diyaarka ah.
(24) 24. (Alle wuxuu odhan) Ku tuura Naar gaal kastoo xaq diiddo ku madax adeegay.
(25) 25.Khayr diide, xadgudbe, shaki qabeen kasta.
(26) 26. Ee yeelay la jirka Alle, ilaah kale, ee ku tuura cadaab daran.
(27) 27. (sheydaankii) la xidhiidhay wuxuu odhan: Rabbigayow! Anigu ma aanan u horseedin xadgudub, isagaase naf ahaantiisa ku sugnaa habow fog.
(28) 28. (Alle) wuxuu odhan: Ha ku doodina Hortayda, waxaana horay idiinku soo diray gooddiga.
(29) 29. Qowlka (Qaddarka) iga soo fulaa lama beddelo, mana dulmiyo Addoomaha.
(30) 30. Maalinta aan ku odhan Naarta: Ma buuxsantay? Oo markaa ay dhihi: Ma jiraan wax dheeraad ah oo la soo wado?
(31) 31. Oo Jannada loo soo dhoweyn kuwa ka dhowrsada xumaha, iyadoo aan fogeynba.
(32) 32. Kani waa waxa loo yaboohay qof walboo toobad keen badan, dhowra (ballanka iyo wax kastoo Alle u dhoweyn).
(33) 33.Kan ka baqa Raxmaanka sir(iyo caadba) oo la yimaada qalbi toobad keen badan.
(34) 34. (Waxaa lagu odhan), "Ku gala nabad (Jannada); kaasi waa Maalinka waaridda".
(35) 35. Waxay ku leeyihiin gudaheeda waxay doonaan - waxaana u heynaa weliba wax intaa ka badan (Eegidda Wejiga Ilaahay).
(36) 36. Badanaana inta fac aan rognay iyaga hortood, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan oo dhulalka xulay. Mana jirto meel (Alle) laga magan galo oo looga cararo.
(37) 37. Arrinkani waxaa ugu sugan waano kan qalbi leh ama maqalka raariciya isagoo baraarugsan.
(38) 38. Waxaanu ku abuurnay samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood namana soo gaarin wax daal ah.
(39) 39. U samir waxay leeyihiin, kuna tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor intaanay dhicin.
(40) 40. Habeenka in ka mid ahna ku tasbiixso Ammaanahiisa iyo salaadaha ka dambow.
(41) 41. Dhageyso Maalinka markuu dhawaaquhu ka dhawaaqi meel dhow.
(42) 42. Maalinka ay maqli qaylo Xaq ah, kaasu waa Maalinka soo bixinta (Qiyaame).
(43) 43. Annagaa (Alle'e ah) wax nooleyna waxna dhinsiinna; waana Xaggayaga meel noqodka dambe (Aakhirada).
(44) 44. Maalinta uu dhulku ka dillaaci gaballo hoostooda, markaasay dhaqso ku soo bixi, kaasu waa soo kulmin noo fudud.
(45) 45. Annagaa (Alle ah) ogsoon waxay (gaaladu) leeyihiin; adiguna ma ahid mid qasab ku leh. Ee ku waani Qur’aanka, qofka ka cabsada Gooddigayga.