7 - Suurada Al-acraaf ()

|

(1) 1. Alif Laam Miim Saad.

(2) 2. (Kani) waa Kitaab (Qur’aan) laguu soo dejiyey (Nabiyow), ee yeysan ahaan wax cidhiidhi ah laabtaadu xaggiisa, si aad ugu digto (dadka), waana u waano mu’miniinta.

(3) 3. Raaca (dadow) waxa (Qur’aanka) la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin, hana raacina sokadii awliyo (aad la barbar caabuddaan). Yaraa inta aad xusuusataan.

(4) 4. Badanaa intaan magaalo hallignay (denbiyadoodii darteed) oo Cuquubadaya- da ay u timid habeennimo ama iyagoo hurda goor barqo ah.

(5) 5. Calaacalkoodu markuu u yimid Ciqaabkayaga ma ahayn waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Waxaanu ahayn daalimiin (gar diid).

(6) 6. Waxaanu weydiin kuwa loo soo diray (Rususha waxay ku Jawaabeen) waxaanuna sidoo kale weydiin Rususha (inay gaadhsiiyeen Farriimahii iyo waxa loogu jawaabay).

(7) 7. Waxaanu hubaal ugu aqoon warrami (camalladoodii oo dhan), mana aanaan ahayn (marnaba) kuwo maqan.

(8) 8. Miisaanku Maalintaasi (Qiyaamada) waa Xaq. kuwa uu ahaado miisankooda (camallada wanaagsan) culeys, waa kuwaasi kuwa liibaani.

(9) 9. Kuwa se uu ahaado miisaankooda (camallada wanaagsan) fudeyd, waa kuwaasi kuwa khasaariyey nafahooda waxay Aayadahayaga dulmeen darteed.

(10) 10. Waxaan idinku awood siinnay dhulka, waxaana idiinku dhex yeelnay asbaab noolaansho.Yaraa intaad mahdisaan.

(11) 11. Waan idin abuurnay, oo idin suuraynay, markaasaan ku nidhi Malaa’igta u sujuuda Aadam (sujuud salaan ah). Markaasay sujuudeen, Ibliis mooyee, kama uu mid ahayn kuwa sujuuday (xasad darti).

(12) 12. (Allaah) wuxuu yidhi: Maxaa kuu diiday inaad sujuuddo markaan ku amray? (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka wanaaagsan, Waxaad iga abuurtay dab, halka aad isaga ka abuurtay dhoobo.

(13) 13. (Alle) wuxuu yidhi: Ka deg xaggeeda (Jannada), waayo ma lihid inaad isku dhex kibriso halkan. Ka bax (Jannada), waxaad ka mid tahay kuwa dulleysan.

(14) 14. (Shaydaan) wuxuu yidhi: I sii fursad ilaa maalinta marka la soo bixinayo .

(15) 15. (Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la siiyey fursadda.

(16) 16. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Sidaad u sababtay inaan lumo darteed, Waxaan aniguna u fadhiisan (aadmiga) Jidkaaga Toosan (ee Islaamka).

(17) 17. Waxaana kaga iman hortooda iyo gadaashooda, iyo xagga midigtooda iyo xagga bidixdoodaba, mana heleysid badankood oo mahad naqi.

(18) 18. (Allaah) wuxuu yidhi: Ka bax (Jannada) adigoo dulleysan oo dayro ah, qofkii ka mid ah oo ku soo raaca, waxaan idinka buuxin Naarta dhammaantiin.

(19) 19. Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaga Jannada gudaheed, oo wax ka cuna meeshaad doontaan, hase u dhowaannina geedkan, haddii kale waxaad labadiinnuba ka mid noqon daalimiinta (gar diidka ah).

(20) 20. Ha yeeshee shaydaanka baa si hoos ah wax ugu sheegay, si uu ugu muujiyo waxa laga qariyey oo cowradooda ah; wuxuuna yidhi: Idiinkama reebin Rabbigiin geedkan waxaan ahayn inaydaan noqon labo malag ama inaydaan ka mid noqon kuwa waadha.

(21) 21. (Magaca Alle buuna) ugu dhaartay (isagoo leh): Waxaan anigu wallee idiin ahay daacad.

(22) 22. Markaasuu dhiirra geliyey oo hoday: markay dhadhansheen geedka, waxaa u muuqday cowradooda, waxayna isla markiiba billaabeen inay ku asturaan nafahooda caleemaha Jannada; Rabbigood baana u yeedhay: Miyaanan idinka reebin geedkaa oo idiin sheegin in Shaydaanku idiin yahay cadow iska cad?

(23) 23. Waxay (Aadam iyo Xawwaa) yidhaahdeen: Rabbigayow! Waxaan dulminnay nafahayaga, haddaadan noo denbi dhaafin, oo aad noo Naxariisan, waxaan ahaaneynaa kuwo khasaaray.

(24) 24. (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannada), idinkoo cadow isu ah. Waxaana idiinku sugan dhulka degaan iyo sahay ilaa muddo

(25) 25. Wuxuu (sidoo kale Alle) yidhi: Halkaas (arlada) ayaad ku noolaan, oo gudaheed ayaad ku dhiman, xaggeedaana la idinka soo bixin.

(26) 26. Ilma Aadamow! Waxaan idiin soo dejinnay dhar astura cowradiinna iyo dhar xarrago, dharkase dhowrsashada, kaas baa khayr roon. Kuwani waxay ka mid yihiin Aayadaha Ilaahay, bal inay xusuustaan.

(27) 27. Ilma Aadamow! Yuusan idin fidnayn shaydaanku, siduuba uga soo saaray labadiinnii waalid Jannada, isagoo ka siibaya dharkooda, si uu u qaawiyo oo u tuso cowradooda. Wuu idin arkaa isaga iyo qabiiladiisuba, idinkuse ma aragtaan. Waxaan Annagu uga dhignay shaydaadiin- ta sokeeye kuwa aan (Xaqa) rumeyn.

(28) 28. Markay falaan xumaanna waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo falaya (waxa)kani, Alle baana nagu amray. Dheh: Allaah ma amro xumaan. Ma waxaad ka sheegeysaan Allaah waxaydaan cilmi u lahayn?

(29) 29. Dheh: Wuxuu Rabbigay amray caddaalad iyo inaad u jeedisaan wejiyadiinna Xaggiisa keliya (waa inaydaan caabudin cid kale Isaga mooyee una jeesataan qibladda, Kacbada Makkah ku taal waqti kasta oo salaad) meel kastoo cibaado (gaar ahaan masaajidda), baryana idinkoo u keli yeelaya cibaadada. Siduu ifka idinku keenay billowgii hore yaad u soo noqoneysaan.

(30) 30. Koox wuu hanuunshay, koox (kalena) habow baa xaq ugu dhaboobay; waxay iyagu ka dhigteen sheydaammada sokeeye halkii Allaah, waxayna isu heystaan inay hanuunsan yihiin.

(31) 31. Ilma Aadamow! Qaata quruxdiinna (inaad xidhitaan dhar nadiif ah) markaad ku tukaneysaan masjid kasta, cuna oo cabbana, hana xadgudbina, hubaal Alle ma jecla kuwa xad gudba.

(32) 32. Dheh: yaa xaareemeeyey isku qurxinta dharka uu Allaah u soo saaray addoomahii- sa iyo riziqyada wanaagsan? Dheh: Kuwani waxaa iska leh mu’miniinta nolosha adduunkan, gaarna (u leeyihiin) Maalinta Qiyaamaha. Sidaasaan ugu yeelnaa Aayadaha caddaan ciddii garasho leh.

(33) 33. Dheh: Wuxuu uun Rabbigay xaareemee- yey xumaha oo dhan (zinada, iwm), kuwooda muuqda iyo kuwo qarsoonba, iyo denbiga (cabbista khamrada) iyo gar darrada, iyo inaad (cibaadada) la wadaajisaan Allaah wax aanu wax xujo ah u soo dejin iyo inaad ka sheegtaan Allaah waxaydaan aqoon u laheyn .

(34) 34. Ummad walba waxay leedahay ajal (muddo) go’an; markay ajashoodu timaaddo kama dib dhacaan saacadna, kamana soo hor maraan.

(35) 35. Ilma Aadamow! Hadday idiin yimaadaan Rusul idinka mid ah, idin soo gaadhsiinaya Aayadahayga, ciddii ka cabsata Alle oo toosnaata, ma qabi doonaan wax cabsi ah, mana murugoon doonaan.

(36) 36. Kuwase beeniya Aayadahayaga oo iska kibriya, waa kuwaa ehlu Naarku; way ku dhex waadhi doonaan weligeed.

(37) 37. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Allaah ama beeniya Aayadahiisa? Kuwaasi, qaybtooda loogu qoray Kitaabka (Qaddarka) way gaadhi, ilaa markay Rusushayadu (malakul mowdka iyo kalkaaliyayaashiisa) u yimaadaan si ay u oofsadaan, waxay odhan: Meeye waxaad baryi (caabudi) jirteen Allaah sokadi?. Waxay odhan: Way naga dhumeen: waxayna ku marag furi nafahooda inay ahaayeen gaalo (Xaq diid).

(38) 38. Wuxuu odhan: Gala Naarta dhexdood ummado tegay hortiin oo leh jin iyo dadba. Mar kastoo ay ummad hor leh gashaba, waxay nacladi ummad tii ka horreysey, jeer markay isugu wada yimaadaan dhammaantood wadajir. Middooda dambeysay waxay ka odhan middoodii horreysay: Rabbigayow! Kuwaan baa na lumiyeye, ee ku sii cadaab labo laab ah Naarta. Wuxuu odhan: Mid walbaa waxay leedahay (cadaab) labo laab ah, mase ogidin.

(39) 39. Middoodii horreysay waxay ku odhan midda dambeysay: Wax nama dhaantaane, dhadhansha cadaabka waxaad kasbateen darteed (oo denbiyo ah).

(40) 40. Kuwa beeniya Aayadahayaga ee iska weyneeya, looma furayo albaabbada samada, mana galayaan Jannada jeer rati maro daloolka irbadda. Sidaasaan u abaal marinnaa denbiilayaasha.

(41) 41.Waxay leeyihiin gogol dab ah, korkoo- dana daboollo dab ah. Sidaasaan u abaal marinnaa daalimiinta (gar diidka).

(42) 42. Kuwase (Xaqa) rumeysan oo samaha fala ma saarno nafna wax dhaafsiisan karaankeeda, kuwaasu waa ehlu Jannaha, way ku dhex waadhi weligood.

(43) 43. Waxaan ka siibi wixiiba ku jira laabahooda oo xumaan kala tirsi ah; webiyadu waxay qulquli hoostoodu, waxayna odhan: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee nagu hanuuniyey (Islaamka), kumana aan hanuuneen (jidka toosan ee Islaamka) haddii uusan Allaah nagu hanuunsheen. Waxay la yimaadeen Rusushii Rabbigeen Xaq. Waxaana loogu dhawaaqi: Tani waa Jannadii la idinku dhaxal siiyey waxaad camalsan fasheen.

(44) 44. Ehlu jannuhu waxay u dhawaaqi ehlu Naarka: Waanu hellay wuxuu noo ballan qaaday Rabbigayo oo xaq ah; ee idinkuna ma hesheen wuxuu Rabbigiin idiin ballan qaaday oo xaq ah? Waxay odhan: Haah. Markaas dhawaaqe baa ka dhawaaqi dhexdooda: in Lacnadda Alle ay dushooda tahay daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

(45) 45. Kuwa ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay (Islaamka), ee doona inay ka dhigaan mid qalloocan, waana kuwo aan Aakhiro rumeysneyn.

(46) 46. Dhexdoodana waxaa ahaan xijaab, meelaha sarena waxaa ahaan rag ku garanaya cid kasta astaamahooda, waxayna u dhawaaqi ehlu Jannaha: Nabad korkiinna ha ahaato, waqtigaana iyagu weli ma ay gelin (Jannada), inkastoo damac ka hayo.

(47) 47. Marka loo jeediyo indhahooda xagga ehlu Naarka, waxay odhan: Rabbigayow! Ha naga mid dhigin qoloda daalimiinta ah.

(48) 48. Qoladii ku sugnaa Al Acraaf (meelaha sare) waxay u dhawaaqi rag ay ku garan astaamahooda iyagoo ku odhan: Waxba idiin ma ay tarin urursigiinnii maalka, iyo iska weyneyntiinnii (Xaqa).

(49) 49. Ma kuwani baa kuwii aad dhaar ku marteen, in aanu Allaah ku galladeysaneyn Naxariis dushooda? Gala Jannada, (ehlu acraafow) ma qabi doontaan cabsi, mana murugoon doontaan.

(50) 50. Ehlu Naarku waxay u dhawaaqi ehlu Jannaha (oo ku odhan): Nagu soo shuba wax ka mid ah biyaha ama wax ka mid ah wuxuu Allaah idin siiyey. Waxay odhan: Allaah wuu ka xaaraameeyey gaalada.

(51) 51. Ee ah kuwa ka yeesha diintooda madaddaalo iyo cayaar ay hoddayna noloshan adduunku. Marka maanta waanu hilmaami (uga tegi Naarta) siday u hilmaa- meen la kulankooda Maalintooda tani iyo siday Aayadahayaga u beenin jireen.

(52) 52. Waxaan u keennay Kitaab (Qur’aan) aanu u caddeynay si cilmi leh, oo u ah hanuun iyo naxariis ciddii rumayn.

(53) 53. Ma waxay sugi waxaan aheyn fulinta (wuxuu ka digay Qur’aanka)? Maalinta (Qiyaamada) marka fulintiisa la gaadho, kuwii hore u hilmaamay waxay odhan: Waxay Rususha Rabbigayo keeneen xaq, ee ma leennahay wax shafeecayaal ah oo noo shafeeca qaada? Ama dib mana loo celin (adduunka mar kale) si aanu u falno (camallo) aan ahayn oo ka duwan waxaan falnay? Waxay khasaareen nafahooda, wayna ka dhumeen waxay been abuuran jireen.

(54) 54. Rabbigiin waa Allaah, ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, dabadeed dul ahaaday Carshiga. Wuxuu ku daboolaa habeenka maalinta, uu raacdo hayo si xowli leh, (wuxuuna abuuray) qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha ku laylan Amarkiisa. Ogaada, Isagaa leh abuurista iyo amarkaba. Waxaa khayr iyo barako badan Allaah, Rabbiga uumanka.

(55) 55. U barya Rabbigiin si khushuuc leh iyo qarsoodiba. hubaal, Alle ma uu jecla kuwa xadgudba.

(56) 56. Hana ku falina fasahaad arlada, inta la hagaajiyey kaddib, baryana idinkoo baqdin iyo rajoba qaba, hubaal, Naxariista Alle waxay u dhowdahay sama falayaasha.

(57) 57. (Alle) waa Kan soo dira dabaylaha bishaaro ahaan ka horreeya Naxariistiisa (roobka) jeer markay soo qaadaan daruuro culus, waxaan u kaxeynaa korka dhul dhintay, kolkaas baan ku hoorinnaa biyo, waxaana ku soo saarnaa miro nooc walba. Sidaasaannu u soo saari maytida, bal inaad xusuusataan.

(58) 58. Dhulka wanaagsani naqiisa wuxuu ku soo baxaa (si fudud oo badan) Idanka Rabbigiis, midkase xun (daaqiisu) kuma soo baxo waxaan dhib ahayn. Sidaasaan ugu caddeynaa Aayadaha ciddii shukrin.

(59) 59. Waxaan u soo dirnay Nuux tolkiisii markaasuu wuxuu yidhi: Tolkaygiyow! Caabuda Allaah Keliya! Ma lihidin ilaah (xaq ah) aan Isaga ahayn. Waxaan anigu idiinka cabsan Cadaab Maalin daran.

(60) 60. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: waxaan kugu aragnaa inaad ku sugan tahay habow cad.

(61) 61. (Nuux) wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Kuma sugni habow, waxaanse ahay Rasuul ka socda Rabbiga uumanka.

(62) 62. Waxaan idin soo gaarsiiyaa Farriimaha Rabbigay, waana idiin naseexeyn, waxaana ka ogahay xagga Alle waxaydaan ogayn.

(63) 63. Ma waxaad la yaabtaan inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin uu soo faray nin idinka mid ahi, si uu idiinku digo oo aad Alle uga cabsataan, si la idiinku naxariisto.

(64) 64. Wayse beeniyeen, markaasaan badbaadinnay isaga iyo kuwii kula jiray Doonnida, oo qarqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Hubaal waxay ahaayeen qolo indha la’ (aan Xaqa arag).

(65) 65. Xagga Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud, Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Allaah Keliya! Ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Ma waydaan Alle ka cabsaneyn.

(66) 66. Xildhibaannadii gaaloobay oo ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu kugu aragnaa caqli xumo, waxaana kuu maleynaynaa inaad ka mid tahay beenalayaasha.

(67) 67. Wuxuu yidhi: Tolkaygiyow! Ima heyso caqli xumo, laakiin waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga uumanka.

(68) 68. Waxaan idin soo gaarsiiyaa Farriimaha Rabbigay, waxaana idiin ahay nasteexeeye aamin ah.

(69) 69. Ma waxaad la yaabtaan inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin, uu soo faray nin idinka mid ah si uu idiinku digo? Xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxla (dhulka) qolodii Nuux kaddib, oo idiin kordhiyey abuur ahaan lixaad. Ee xusa Nicmooyinka Ilaahay si aad u liibaantaan.

(70) 70. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid inaan caabudno Allaah Keliya oo aan ka tagno waxay caabudi jireen aabbayaashayo? (ma jirto) ee noo keen waxaad noogu gooddido haddaad ka mid tahay runlowyada.

(71) 71. Wuxuu yidhi: Waxaa idiinkaga dhacay xagga Rabbigiin Cadaab iyo Cadho. Ma waxaad igala doodaysaan arrinka magacyo (sanamo) aad bixiseen idinka iyo aabbayaashiin? Allaah uma soo dejin wax xujo ah; ee suga (cadaabka), anigana sidoo kale waan idinla sugiye.

(72) 72. Markaasaan waxaan ku badbaadinnay isaga iyo intii la jirtayba naxariis ka ahaatay Xaggayaga, waxaana cidhib tirnay kuwii beeniyey Aayadahayaga, mana ay aheyn mu’miniin.

(73) 73. Xagga Thamuudna (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Allaah Keliya, ma lihdin ilaah kale Isaga maahee. Xujo cad baa idiinka timid xagga Rabbigiin. tani waa Hal Ilaahay aad leedihiin, oo ah Calaamo; ee iska daaya ha daaqdo’e arlada Ilaahay, hana u geysannina wax waxyeello ah, haddii kale waxaa idin qaban cadaab xanuun badan.

(74) 74. Xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxlay (dhulka) (reer) Caad kaddib, oo uu idin dejiyey dhulka idinkoo ka sameeya dooxooyinkeeda daaro waaweyn, kana qodataan buuraha guryo. Ee xusa Nicmooyinka Ilaahay, hana ku bi'innina dhulka fasahaadka aad ku falaysaan.

(75) 75. Waxay xildhibaannadii kuwaa isla weynaa ee ka mid ahaa qolodiisii ku yidhaahdeen kuwii loo arkay daciif ee ahaa kuwoodii rumeeyey dhexooda: Ma waxaad ogtihiin in Saalix laga soo diray xagga Rabbigi? Waxay yidhaahdeen: Innagu waxa lala soo diray waanu rumeynay.

(76) 76. Kuwii isla weynaa waxay yidhaahdeen: Innagu waxaad rumeyseen waanu diidnay.

(77) 77. Markaasay gowraceen Hashii; oo ay ka hor yimaadeen Amarkii Rabbigood, waxayna yidhaahdeen: Saalixow! Noo keen cadaabka aad noogu gooddisay haddaad ka mid tahay Rususha (Ilaahay).

(78) 78. Markaasuu qabtay dhul gariir, waxayna noqdeen (baqti) ugu dhex daadsan degaankooda dhaqdhaqaaq la’aan.

(79) 79. Markaasuu ka jeestay oo yidhi: Tolkaygiyow! Waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii Rabbigay, idin siiyeyna naseexo wanaagsan, ma se jeclidin kuwa idiin naseexeeya.

(80) 80. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku yidhi tolkiisii: Ma waxaad la timaaddaan xumaato aanu idinka horreyn cidna ka mid ah caalamka?

(81) 81. Idinku waxaad ugu tagtaan ragga shahwad (macaansi), halkii haweenka. Waxaadse tihiin qolo xad gudub badan.

(82) 82. Jawaabtii qolodiisii ma ay ahayn wax kale aan ahayn inay yidhaahdeen: Ka saara (Luud iyo inta rumeysay) magaaladiinna, waa dad is daahirinayee.

(83) 83. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba marwadiisii maahee; waxay ka mid aheyd kuwii ku haray gadaal.

(84) 84. Waxaana roob uga dhignay korkoodii roob (dhagaxyo dab ah). Ee eeg siday aheyd cidhibta denbiilayaasha.

(85) 85. Xagga Madyanna (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Allaah keliya, ma lihidin ilaah kale Isaga maahee. Xujo cad waxay idiinka timid xagga Rabbigiin; ee oofiya beegga iyo miisaanka hana ka dhimina dadka waxyaalahooda, hana ku falina fasahaad arlada inta la hagaajiyey kaddib, sidaasaa idiin khayr badan, haddaad tihiin mu’miniin.

(86) 86. Ha fadhiisannina jid kasta idinkoo gooddiyaya, oo ka leexinaya Jidka Ilaahay (Islaamka) kan isagu rumeysan, idinkoo dooonaya inaad ka dhigtaan mid qalloocan, xusuustana markaad aheydeen kuwo yar, markaas uu idin badiyay. Oo eega siday ku dambeysey cidhibta kuwa wax fasahaadsha.

(87) 87.Haddayse koox idinka mid ah rumeysay waxa la ila soo diray, kooxna ayan rumeyn, sabra (suga) ilaa intuu Alle noo kala garsooro dhexdeenna, Isagaana u wanaagsan inta wax garsoorta.

(88) 88. Xildhibaannadii, kuwii isla weynaa ee ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Waxaanu kaaga saari debedda Shucaybow iyo (sidoo kale) kuwa rumeysan la jirkaa magaaladayada ama waa inaad u soo noqotaan diintayada. Wuxuu yidhi: Ma xataa haddaanu dooneyn.

(89) 89. Waxaan ka been sheegnay Alle haddaan u soo noqonno diintiinna, kaddib markuu Alle naga badbaadiyey.Nagumana habboono inaan u noqonno inuu Allaah, Rabbigayo doono ma’ahee. Rabbigayo wuxuu ku koobaa wax walba Cilmi. Allaah baanu ku kalsoonnahay oo tala saarannay; Rabbigayow! Noogu kala garsoor innaga iyo tolkayaga xaq, Adigaa u wanaagsan inta wax kala saarta.

(90) 90. Xildhibaannadii kuwaa (Xaqa) diiday oo ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Haddaad raacdaan Shucayb, waxaad idinku markaasi tihiin kuwo ku khasaaray.

(91) 91. Markaasuu dhul gariir qabtay, waxayna noqdeen (baqti) daadsan degaankoodii.

(92) 92. Kuwii beeniyey Shucayb, waxay noqdeen sidii inayan marnaba ku negaanin halkaas. Kuwii beeniyey Shucayb, waxay ahaayeen kuwa khasaaray.

(93) 93. Markaasuu ka jeestay oo yidhi: Tolkaygiiyow! Waxaan idin soo gaarsiiyey Farriimahii Rabbigay, oo idin siiyey waano wanaagsan. Ee sidee baan ugu diir naxaa qolo xaq diid ah (gaalo).

(94) 94. Ma jirto magaalo aan u soo dirnay Nabi oo aanaan ku qaban dadkeeda (markay caasiyoobeen) faqri daran iyo jirrooyin, bal inay soo nuglaadaan oo na baryaan.

(95) 95. Haddana waxaanu ugu beddelnay halkii dhibka, wanaag, ilaa ay bateen oo yidhaahdeen: Lurnaan iyo ladnaanba way soo mareen aabbayaashayo (sidoo kale). Markaasaan qabannay si kedis ah iyagoo aan dareemeyn.

(96) 96. Hadday dadka magaalooyinka (Xaqa) rumeeyaan oo iska jiraan (xumaha), waxaan uga soo furi laheyn barakooyin samada iyo arladaba, wayse beeniyeen, markaasaan qabannay waxay kasban jireen darteed (oo denbiyo ah).

(97) 97. Ee ma waxay reer magaaluhu aamin ka yihiin Ciqaabkayaga inuu u yimaado habeennimo iyagoo hurda?

(98) 98. Ma waxay reer magaaluhu aamin ka yihiin Ciqaabkayaga inuu u yimaado goor barqo ah iyagoo iska cayaaraya?

(99) 99. Ma waxay aamin ka yihiin Tabta Ilaahay, cidise ma dareento inay ka yihiin aamin Tabta Ilaahay aan aheyn kuwa khasaaray.

(100) 100. Ma waysan u caddaanin kuwaa dhaxla dhulka oo uga haray dadkeedii (hore) oo lahaa, in haddaan doonno, aan u ciqaabi laheyn denbiyadooda? Waxaanu yeelnaa shaabbad daahda quluubtooda sidaa darteed wax ma maqlaan.

(101) 101. Magaalooyinkan, waxaan kuu soo tebinnaa wax ka mid ah wararkooda, waxayna Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, mase aheyn kuwo rumeynaya waxay horey u beeniyeen. Sidaasuu Alle u yeelaa shaabbad daahda quluubta gaalada.

(102) 102. Mana aanu ka helin badankooda (daacadnimo iyo dhowris ) ballan, waxaan hellay badankood inay yihiin caasiyaal.

(103) 103. Markaasaan soo dirnay iyaga kaddib Muuse oo wada Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, wayse rumeyn diideen. Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwa wax fasahaadsha.

(104) 104. Wuxuuna Muuse yidhi: Fircoonow! Anigu waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga Caalamka.

(105) 105. Waxaan mudanahay inaan ka sheegin Alle waxaan Xaq ahayn. Waxaana idiinka la imid Xujo Cad xagga Rabbigiin. Ee igu dar ha ila tageene ilmaha Israa’iil.

(106) 106. Wuxuu yidhi: Haddaad la timid Calaamo, keen haddaad run sheegayso.

(107) 107. Markaasuu wuxuu tuuray ushiisii mise! Waa mas cad (muuqda).

(108) 108. Wuxuuna u soo saaray debedda gacantiisa, mise! Waa caddahay (oo u ifeysey) eegayaasha.

(109) 109. Waxay xildhibaannadii ka mid ahaa qolodii Fircoon yidhaahdeen: Kani waa saaxir xeel dheer.

(110) 110. Wuxuu rabaa inuu idinka saaro dhulkiinna, ee maxaad ku talineysaan?

(111) 111. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig (xaalkiisa) isaga iyo walaalkiba (in muddo ah)oo u dir ergooyin xagga magaalooyinka.

(112) 112. Kuu keena saaxir kasta oo xeel dheer.

(113) 113. Sixiroolayaashii waxay u yimaadeen Fircoon (oo) yidhaahdeen: Ma leennahay mushaar haddaan innagu adkaanno?.

(114) 114. Wuxuu yidhi: Haa yoo, waxaad ahaaneysaan kuwa la ii soo dhoweeyo.

(115) 115. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Ma adigaa (hor) tuuran mise innagaa ahaanna kuwa (hor) tuurta?

(116) 116. (Muuse) wuxuu yidhi: Tuurta. Markay tuureen, waxay sixreen indhihii dadka oo argagax geliyeen, waxayna la yimaadeen sixir weyn.

(117) 117. Waxaana u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Tuur ushaada. Mise! waxay liqliqday isla markiiba waxay been dhoobdhoobeen oo ay soo bandhigeen.

(118) 118. Marka xaqii baa sugnaaday, oo baabba' iyo balaan jirin waxaa noqday waxay falayeen.

(119) 119. Sidaasaa (Fircoon iyo dadkiisii) looga adkaaday halkaa, oo ay noqdeen kuwo la jabiyey.

(120) 120. Sixiroolayaashiina ula dhaceen (dhulka) sujuud (xagga Alle).

(121) 121. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumeynay Rabbiga caalamka.

(122) 122. Rabbiga Muuse iyo Haaruun.

(123) 123. Fircoon wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen ka hor intaan idiin idmin? Arrinkani waa shirqool aad ku soo degteen si qarsoodi ah magaalada si aad uga saartaan dadkeeda, waadse ogaan doontaan.

(124) 124. Waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna is dhaaf, waana idin wada dal-dali dhammaantiin.

(125) 125. Waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu u noqon xagga Rabbigayo.

(126) 126. Ma jiro waxaad nagu naceyso aan ahayn inaan rumeynay Calaamooyinka Rabbigayo markay noo yimaadeen! Rabbigayow! Nagu shub samir oo na oofso innagoo kuu hoggaansan Muslimiin ah.

(127) 127. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodii Fircoon waxay yidhaahdeen: Ma waxaad u deynaysaa Muuse iyo qolodiisa inay fasahaadiyaan arlada, oo ka tagaan adiga iyo ilaahyadaadaba? (Fircoon) wuxuu yidhi: Waxaan dili wiilashooda, oo deysan haweenkooda (si ay noogu adeegaan), waxaanu nahay kuwa ka sarreeya oo maquuniya.

(128) 128. Muuse wuxuu ku yidhi qolodiisii: Ka barya kaalmo Alle oo sabra, arlada waxaa iska leh Allaah, Wuxuu dhaxalsiiyaa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, cidhibta (sanna) waxaa iska leh kuwa iska jira (xumaha oo ku dhaqma diinta Alle).

(129) 129. Waxay yidhaahdeen: Waxaa na soo gaaray dhibaatooyin ka hor intaad noo imaan iyo kaddib intaad noo timidba. Wuxuu yidhi: Waa intaasoo uu Rabbigiin halligo cadowgiinna oo idiinka yeelo madax arlada, markaas wuxuu eegi sida aad u dhaqantaan.

(130) 130. Waxaana ku qabannay reer Fircoon abaaro iyo mirahoo ka yaraada bal inay waansamaan.

(131) 131. Markay samaan u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Innagaa leh tani. Haddii (xaalad) xun ku dhacdona, waxay baaseystaan Muuse iyo kuwa la jira. Ogaada, nasiibkooda waxaa haya Allaah oo keliya, badankooduse ma ogsoona.

(132) 132. Waxayna yidhaahdeen: Wax kastoo calaamo ah aad noola timaaddo si aad noogu sixirto, innagu kuma rumeyneyno.

(133) 133. Markaasaan ku soo dirnay dushooda: daad (qaada oo keena dhimasho baahsan), iyo ayax iyo injiro iyo rah iyo dhiig, calaamooyin cad, wayse isweyneeyeen, waxayna ahaayeen denbiilayaal.

(134) 134. Markuu daacuunku ku dhacay waxay yidhaahdeen: Muusow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kugula ballamay darteed. Haddaad daacuunka naga kor qaaddo, waanu ku rumayn, waxaana kugu dari Ilmaha Israa’iil.

(135) 135. Markiise aan ka kor qaadnay daacuunka ilaa muddo go’an oo ay aheyd inay gaadhaan, bay markaas ka baxeen ballanka.

(136) 136. Markaasaan ka aargudannay oo aan ku qarqinnay badda, waayo waxay beeniyeen Aayadahayaga, waxayna ahaayeen kuwo ka dhoohan.

(137) 137. Waxaana dhaxalsiinnay qolodii loo arkay kuwo tabar daran gobollada bari ee dhulka iyo kuwa galbeedba ee aan barakaynay1. Kelmadda wanaagsan ee Rabbigaana waa loo oofiyey Ilmahii Israa’iil, sabarkooda awgi iyo u dul qaadashadooda (dhibaatooyinka). Waxaana baabbi'nnay waxay Fircoon iyo qolodiisii sameeyeen iyo waxay dhismooyin taageenba2.
1. Suuriya, Masar iyo magaalooyinka hareerahooda ah uu Fircoon xukumayey, waxaa dhaxlay Ilmihii Israa'iil kaddib markii ay dhaceen masaarida dawladahoodii. 2. Ee lagu dhisay xoogga ilmihii Israa'ill sida magaalada Ramsiis, iyo taalladdii uu ku dhisay Haamaan amarka fircoon.

(138) 138. Waxaana ka yeelnay Ilmaha Israa’iil inay ka tillaabbaan (si nabad ah) badda, markaasay waxay ku yimaadeen dad dul yuurarsan sanammadooda (oo caabudaya). Waxay yidhahadeen: Muusow! Noo yeel ilaah innagana siday iyaguba u leeyihiin ilaahyo. Wuxuu yidhi: Waxaad tihiin qolo jaahiliin ah.

(139) 139. Kuwani waxaa ay ku sugan yihiin waa baabbi’i, waana baadil waxay falaan.

(140) 140. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaan idiin doonaa ilaah kale aan aheyn Allaah, isagoo idinka kor mariyey caalamka.

(141) 141. Xusuusta markaan idinka samata bixinnay reer Fircoon ee idin dhadhansii- yey cadaab daran, iyagoo dilayey wiilashiin- na, oo u deynayey haweenkiinna nolol (si ay ugu adeegtaan). Arrinkaana waxaa ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah.

(142) 142. Waxaan la ballannay Muuse muddo soddon habeen ah, kuna taam yeelnay inaan ku darno toban dheeri ah, marka muddada ballanka Rabbigi waxay ahayd afartan habeen oo buuxda. Muuse wuxuu ku yidhi walaalki Haaruun: Qabo xilkeyga qolodeyda dhexdood intaan maqnahay , una dhaqan si wanaagsan, hana raacin jidka kuwa wax fasahaadsha.

(143) 143. Markuu u yimid Muuse ballankayagii oo Rabbigi la hadlay, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iskay tus aan ku eegee. Wuxuu yidhi: Ima arki kareysid (adduunka oo ma awooddid), laakiinse eeg buurta, hadday ku sugnaato meesheeda markaas ayaad i arki. Markiise uu Rabbigi isu muujiyey buurtii3, wuxuu ka yeelay burbur, Muusena dhulkuu ugu dhacay suuxdin. Markuu soo miyirsaday wuxuu yidhi: Xurmo oo dhan Adigaa leh oo Nazahan (Allow), waan kuu toobad keenay, waxaana ahay kan ugu horreeya mu'miniinta.
3. Wuxuu Allaah isu muujiyey buurta qaddar dhan ciddida far yarada, markaasay buurtii burburtay oo budo noqotay. Muuqashada Ilaahay la mid ma aha muuqashada Aadmiga, ee waa si ku habboon oo u qalma Weynida Ilaahay, dadku ma ay qiyaasi karaan arrintaasi.

(144) 144. (Alle) wuxuu yidhi: Muusow! Waxaan kaa doortay dadka (waqtigan si aad u qaaddo) Farriimaheyga aan kuula soo diray iyo Hadalkeyga ee qaado waxaan ku siiyey oo ka mid ahow kuwa mahdiya.

(145) 145. Waxaan ugu qornay alwaaxda wacdi la xiriira wax kasta iyo faah faahinta waxyaalaha oo dhan ee ku qaado si sugnaansho leh, amarna qolodaada inay qaataan kan ugu wanaagsan. Waxaan idin tusi daarta caasiyaasha.

(146) 146. Waxaan ka duwi Aayadahayga kuwa isku kibriya arlada xaq darro; hadday arkaan calaamo kasta ma rumeynayaan. Hadday arkaan jidka hanuunka (Islaamka) kama yeeshaan jid, haddayse arkaan jidka habowga waxay ka yeeshaan jid, arrinkani waxaa ugu wacan waxay beeniyeen Aayadahayaga, oo ahaayeen kuwo ka dhoohan.

(147) 147. Kuwa beeniya Aayadahayaga iyo la kulanka Aakhirada, waxaa buray acmaashooda. Miyaa laga abaal marin waxaan aheyn waxay faleen?

(148) 148. Qolodii Muusena markuu tagey kaddib, waxay ka sameysteen dahabkoodii, dibi qolof ah leh cod beynaax ah4. Miyaanay arkaynin inaanu la hadleyn, kuna toosineynin jid? Wayse qaateen (si ay u caabudaan) waxayna ahaayeen daalimiin.
4. Sameyntooda sanam leh muuqaal dibi iyo caabudaadda ay caabudeen waxay ahayd imtixaan laga imtixaanay xagga Ilaahay si uu u muujiyo qofka iimaankiisu sugan yahay oo xoog leeyahay iyo kan shakiga qaba. Kuwa iimaankooda daciifka ahaa waxay raaceen Saamiri,. Halka kuwa iimaankoodu xoog lahaa ay ku sugnaadeen Xaqa.

(149) 149. Markay ka shallaayeen oo ay arkeen inay lumeen ayey (toobad keeneen oo) yidhaahdeen: Haddaanu Rabbigayo noo naxariisan oo noo denbi dhaafin, waxaanu ka mid noqon kuwa khasaaray.

(150) 150. Markuu Muuse ku soo noqday qolodiisii isagoo cadhaysan oo walbahaar-san buu yidhi: Xumaa waxaad fasheen kaddib (tagisteydii). Ma waxaad ka degdegsasteen amarka Rabbigiin?Wuxuuna tuuray looxyadii, oo soo qabtay madaxa walaalki isagoo u soo jiidaya xaggiisa. (Haaruun) wuxuu yidhi: Ina hooyoow! Qolodani waxay ii arkeen daciif, waana I dili gaareen, ee ha igu farax gelin cadowga, hana igala mid dhigin qoloda daalimiinta ah.

(151) 151. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii denbi dhaaf aniga iyo walaalkayba, oo na gali Naxariistaada, Adigaa U Naxariis Badan inta naxariisata.

(152) 152. Kuwii u sameystay dibiga (ilaah ahaan) Cadho xagga Rabbigood ah iyo dulli baa noloshan adduunka ku dhici.Sidaasaan u abaal marinnaa been abuurtayaasha.

(153) 153. Kuwase fala camallo xun markaas toobad keena intaas kaddib, oo rumeeya (raacana xaqa), Rabbigaa intaas kaddib waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(154) 154. Markay Muuse Cadhadii ka degtay, wuxuu soo qaatay looxyadii, waxaana ku qornaa wax hanuun iyo naxariis u ah kuwa Rabbigood ka cabsada.

(155) 155. Wuxuu ka soo doortay Muuse qolodiisii toddobaatan nin ballankayaga dartiis, markuuse qabtay dhul gariir daran, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaad doonto, Waxaad rogi laheyd iyaga awal hore iyo anigaba; ma waxaad noo rogeysaa waxa kuwa maan gaabka ah ee nagu jira ay faleen? Wax kale maahee waa oo keliya jarribaaddaada aad ku habaabiso qofkaad doonto, uguna sugtid hanuunsanaanta qofkaad doonto. Adigaa ah Gargaarahaya- ga, ee noo dembi dhaaf noona naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta denbi dhaafta.

(156) 156. Oo noo qor samaan adduunyadan iyo Aakhiradaba, waan kuu soo noqonnay si aan u hanuunno. Wuxuu yidhi: Cadaabkay- ga waxaan ku ridi kaan doono, Naxariis- tayduna waxay koobtaa wax kasta, waxaana u qori (gaar ahaan) kuwa iska jira (xumaha) ee qaata daahirsanaanta (Towxiidka Islaamka, ee salaadda ooga, sakadana bixiya); ee iyagu ah kuwa Aayadahayaga rumeysan.

(157) 157. Kuwa raaca Rasuulka-Nabiga Ummiga ah oo ay ka helayaan isagoo ku qoran Tawraadda iyo Injiilka - kaasoo amra wanaagga kana reeba xumaanta, oo u xalaaleeya waxyaalaha wanaagsan kana xaaraameeya Waxyaalaha xun oo ka dejiya culayskooda iyo xargihii korkooda ahaa5. Kuwa rumeeya (Nabigaa) oo sharfa, oo u gargaara oo raaca Nuurka (Qur’aanka) lala soo diray, waa kuwaa kuwa ah liibaanayaasha.
5. Shareecada Nabi Muxammad ma leh iskallifaad culus oo adag sida xilalka adag ee la saaray ilmihii Israa’iil. Haddii aynu tusaale ka bixinno taa waxaa sharcigooda ka mid ahaa in la dilo qofka si ay u ansaxdo toobadiisa, iyo in la dilo qofkii qof dila ha u dilo kas iyo ula kac am ula kac la’aan, iyo in la gooyo xubinta uu ka sameeyo xumaanta, in la gooyo marada meeshay najaaso gaarto.

(158) 158. Dheh: Dadow! Anigu waxaan ahay Rasuul Ilaahay ee loo soo diray idinka oo dhan, waana Allaha iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Ma jiro Ilaah (xaq ah) Isaga Maahee; Isagaa wax nooleeya waxna dhinsiiya. Ee rumeeya Allaah iyo Rusuulkiisa, Nabiga Ummiga ah ee rumeysan Allaah iyo Kelmadihiisa, raacana si aad u hanuuntaan.

(159) 159. Waxaa ka mid ahaa qolodii Muuse qayb ku hanuunineysey (dadka) si xaq ah oo ku oogayey caddaaladda.

(160) 160. Waxaana u qaybinnay labo iyo toban qabiilood oo ummado ah. Waxaana u Waxyoonnay Muuse markay qolodiisii weydiisteen biyo: Ku dhufo dhagaxa ushaada, markaasaa waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood: qolo walba waxay ogaatay meeshay biyaha ka cabbi laheyd. Waxaana ka yeelnay daruuraha inay harsiiyaan dushooda, oo ku soo dejinnay Manna (wax macaan oo malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimbir wanaagsan - Samaan): Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan ee aan idin siinnay. Nama ayan dulmin innagee, waxayse dulmeen nafahooda (oo u soo jiideen shar).

(161) 161. Markii lagu yidhi: Dega magaaladan (Qudus)6 oo wax ka cuna meeshaad doontaan, oo dhahaya,’ (Allow naga) rid culayska na saaran’; kana gala albaabka idinkoo sujuudsan (hoggaansan), aan idiin dhaafnee gefefkiina: Waana u ziyaadin (ajarka) sama falayaasha.
6. Magaalada Eliyah (Qudus) ee ku taal gacanka badda cas ee u dhexeysa magaalada Madyan iyo buurta Siinaay.

(162) 162. Waxayse kuwoodii ka midka ahaa ee dulmiga falay ku beddeleen hadal ka duwan midkii lagu yidhi7. Markaasaan kaga soo dejinnay cirka cadaab dulmigoodii dartiis.
7. Waxaa la amaray inay yidhaahdaan xiddah Allow noo denbi dhaaf, waxayse u beddeleen jeesjees ahaan inay yidhaahdaan xindah gallay tin ku jirta,

(163) 163. Weydii (Yuhuudda) magaaladii (Eila) ee ku ag tiil badda (cas), markay ku xad-gudbeen arrinkii (Maalinta) Sabtida, oo kalluunkoodu u imanayey maalinta Sabtida ah isagoo muuqda, maalintaan Sabti aheynna uma timaaddo. Sidaasaan ugu imtixaannay caasintoodii awgii.

(164) 164. Markay ummad ka mid ahi tidhi: Maxaad u waanineysaan qolo uu Allaah halligayo, ama ku cadaabi cadaab daran? Waxay yidhaahdeen: Waa si aan eed naloogu raacan Rabbigiin horti, iyo bal inay Alle ka cabsadaan.

(165) 165. Markayse iska halmaameen waxa lagu waaniyey, Waxaan badbaadinnay kuwii reebayey xumaanta, waxaana ku dhignay kuwii dulmiga falay cadaab daran caasintoodii awgeed.

(166) 166. Markay ku madax adeygeen wixii laga reebayey, waxaan ku nidhi: Noqda daayeerro dulleysan.

(167) 167. (Xusuusta) markuu Rabbigaa ogeysiiyey inuu ku soo dirayo (Yuhuudda) ilaa Maalinta Qiyaamaha kuwo dhadhansiinaya cadaab xun. Hubaal Rabbigaa waa ku Dhakhsi Badan yahay Ciqaabka, waana Denbi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay.

(168) 168. Waxaana ugu kala googaynay arlada iyagoo qaybo ah, waxaa ka mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo (kale) oo ka mid ah aan sidaas ahayn. Waxaana ku imtixaannay wanaag iyo dhibba bal inay u soo laabtaan (adeecidda Ilaahay).

(169) 169. Markaa baa waxaa yimid iyaga kaddib dad (xun) oo dhaxlay Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) oo qaadanaya waxyaalaha (aan bannaaneyn ee) nolosha tani soke (ee adduunyada), iyagoo leh: waa naloo denbi dhaafi. Hadduu u yimaado (mar kale) alaabo (raaxo adduunyo aan bannaaneyn) oo la mid ahi, way qaadanayaan (sidoo kale). Miyaan lagaga qaadin ballan Kitaabka (Towraadda) in aanay ka sheegin Alle waxaan ahayn xaq, iyagoo akhristay waxa ku yaalla (Kitaabka), Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Cadaabkiisa). Ee miyeydaan wax fahmeyn?

(170) 170. Kuwa qabsada Kitaabka oo iyaga ka mid ah (kuwooda soo islaamay) oogana salaadda, Annagu Marnaba ma dayacno abaalgudka kuwa camalkooda hagaajiya.

(171) 171. (Ka warran) markaan gilgilnay buurtii (Siinaay) dushooda sidii isagoo harayn dallad oo kale, waxayna moodeen inuu ku soo kor dhacayo. (Waxaanu ku nidhi): Ku qaata waxaanu idin siiinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusuusnaada waxa ku yaal si aad uga dhowrsataan (xumaha).

(172) 172. Oo (xus) markuu Rabbigaa ka soo saaray ilma Aadam dhabarradooda durriyadooda oo uu uga markhaati dhigay nafahooda: Miyaan Anigu ahayn Rabbigiin? Waxay yidhaahdeen: Haayoo! Markhaati baan ka nahay. Waa si aydaan u odhan Maalinta Qiyaamaha: Waxaan Innagu ahayn kuwo arrinkani moogganaa.

(173) 173. Ama aydaan u odhan: Waxaa wax la shariig yeelay (Allaah) oo keliya aabbayaashayadii awal hore8, waxaan innaguna aheyn durriyad timid iyaga kaddib; ma waxaad nagu rogeysaa waxay faleen baadil raaca?
8. Si aanay u odhan mushrikiinta in aabbayaashood ay yihiin kuwa la wadaajiyey cid kale (cibaadada) Allaah. Mana ay garaneyn inuu shirkigu yahay denbi iyo gef weyn iyo gardarro, ma garanayn dariiq kale aan ahayn inay raacaan aabbayaashood,sida awgeed waxay iyagu qabaan inaysan mudneyn cadaab sbabta gefka aabbayaashood.

(174) 174. Sidaasaan u caddeynaa Aayadaha, bal inay u soo laabtaan (Xaqa).

(175) 175. U akhri (Nabiyow) warka ninkii (reer banii Israa'iil ahaa waa Balaam ina Bocor) aan siinnay Aayadahayaga, ha yeeshee ka siibtay iyagii oo sheydaan duufsaday, ee ka mid noqday kuwa habowsan.

(176) 176. Haddaan doonno kor ayaan ugu soo qaadi laheyn, laakiinse dhulka buu isku dhajiyey oo raacay hawadiisa. Marka waxaa uu ka dhigan yahay sida Eeyga, haddaad eryato carrabka laalaadsha; haddaad iska deysana laalaadsha carrabkiisa; kani waa mataalka dadka beeniya Aayadahayaga. Ee uga qisee qisooyinka bal inay fakaraan.

(177) 177. Xumaa mataalka qoloda beeniya Aayadahayaga, nafahoodana dulmiya.

(178) 178. Qofkii Allaah hanuuniyo uun baa hanuunsan, qofkiina uu dhumiyo (ku adkeysashadiisa denbiga iyo diiddadiisa Xaqa darteed),waa kuwaa kuwa khasaaray.

(179) 179. Waxaan u abuurnay Naarta in badan oo ka mid ah jinka iyo dadka. Waxay leeyihiin quluub aysan wax ku fahmin, indho aysan wax ku arag, iyo dhego aysan wax ku maqal. Waa sida xoolo oo kale, mayee waa bay ka sii habow daran yihiin; kuwaa waa kuwa ka dhoohan (Xaqa).

(180) 180. Allaah baa iska leh Magacyada wanaagga iyo quruxda badan. Ee ku barya, oo iskaga taga kuwa leexsha ee ku xadguba xurmadda Magacyadiisa9. Waa laga abaal marin doonaa waxay falayeen.
9. Ha siin wax tixgelin ah iyo mudnaan oo isaga tag kuwa ku caabuday Allaah xusid magacyo aan ku haabboneyn sida Kiristhaanka ugu yeera: aabbe ama eebbe ” iyo mushrikiinta Carbeed ee ugu yeera Laat, Cuzzaa, iyo Manaat, iwm magacyadaasoo aan ku habbooneyn Allaah ama magacyada wanaagsan ee Ilaahay inay beddelaan macnahooda ama sifadooda oo ku fasiraan waxaalo kale sida inay Gacanta Ilaahay ku fasiraan awood, indhahana ilaalin, Imaanashaha Ilaahayna, ku fasiraan imaanshaha Amarkiisa, iwm, taasoo aan bannaaeyn.

(181) 181. Waxaa ka mid ah waxaan abuurnay ummad wax ku hanuunisa xaqa (ummadda Nabi Muxammad), kuna ooga caddaaladda

(182) 182. Kuwase beeniya Aayadahayaga, waxaanu ugu soo dhoweyn (baabba’a) si heerar ah (oo ka qaban) meel aanay ogeyn.

(183) 183. Waxaana siin waqti, hubaal Tabteydu waa sooh adag tahay.

(184) 184. Miyeyna ka fikirin inaan saaxiibkood (Nabi Muxammad) qabin wax saameyn jin ah. Wax kalena maahee waa dige cad.

(185) 185. Miyaanay fiirin boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo wax kastoo uu Allaah abuuray, iyo in laga yaabo in muddadoodu soo dhowaatay, ee hadalkee bay rumaynayaan kani kaddib?

(186) 186.Qofkii Allaah lumiyo ma leh hanuuniye; wuxuuna ku daayaa xadgudubkooda ay ku jaha wareersan yihiin indha’ la' aan.

(187) 187. Waxay ku weydiin Saacadda (Qiyaame) goormay dhici? Dheh: Cilmigeedu Rabbigay keliya buu la jiraa. Ma jiro waxaan Isaga ahayn oo soo saari waqtigeeda loo qabtay. Waxay ahaan wax ku culus cirarka iyo dhulka (arrinkeedu). Idiinkuma imaan doonto waxaan aheyn kedis. Waxay kuu weydiin sidiiyoo aad adigu cilmi dheer u leedahay. Dheh: Cilmigeedu waxaa uu la jiraa oo keliya Allaah, badankooduse dadku ma oga.

(188) 188. Dheh: Uma hanto naftayda dheef iyo dhib midna, wuxuu Alle doono ma’ahee. Haddaan ogaan lahaa cilmi Ghaybka, waxaan badsan lahaa khayrka, oo wax xume ah ima taabteen. Anigu waxaan ahay oo keliya u dige iyo u bishaareeye qolo (Xaqa) rumeysan.

(189) 189. (Alle) waa Kan idinka abuuray naf keliya (Aadam) oo isla xaggeeda ka abuuray xaaskiisa (Xawwaa), si uu u weheshado. Markuuse (mid ka mid ah aadmiga) ku hagoogto (xaasaskiisa) bay qaaddaa uur yar, oo halkaas ka sii waddo, markay cuslaato, waxay labaduba baryaan Allaah, Rabbigood, (oo ay yidhaahdaan): Haddaad na siiso (dhal) wanaagsan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahdiya.

(190) 190. Markase uu siiyo (tafiirta Aadam iyo Xawwaa) dhal hagaagsan, waxay u yeelaan wax la wadaaga (shariigyo) wuxuu siiyey10. wuuse ka sarreeyaa Alle waxay u shariig yeelaan (oo la wadaajiyaan cibaadada).
10. Mushrikiinta waxay ka yeeleen ilmahooda uu abuuray Allaah addoomo ay leeyihiin asnaamta, sida awgeed bay waxay u bixiyeen magacyo aan bannaaneyn sida Cabdul Cuzzaa iyo Cabdul Manaat iyo Cabdu- Shams, iwm.

(191) 191.Ma waxay la wadaajin Alle (cibaadada) waxaan waxna abuurin,iyagana la abuuray?

(192) 192. Oo aan u gargaari kareyn, bal aan nafahooda u gargaari karin.

(193) 193. Haddaad ugu yeerto hanuunkana idinma raacaan. Waana isku mid haddaad u yeertaan ama haddaad ka amustaan.

(194) 194. Kuwa aad baridaan (caabuddaan) Allaah sokadi waa addoomo idin la mid ah. Ee bal barya ha idin ajiibeene haddaad run sheegaysaan.

(195) 195. Ma waxay leeyihiin cago ay ku socdaan? Mise gacmo ay wax ku qabsadaan? Mise indho ay wax ku arkaan? Mise dhego ay wax ku maqlaan? Dheh, U yeerta shurakadiinna oo ii tab dhiga, hana i siinnina wax fursad ah (kansho).

(196) 196. Gargaaraheyga waa Allaah ee ah Kan soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka, Tawraadda, iyo Injiilka), Isagaana u gargaara kuwa wanaagsan.

(197) 197. Kuwase aad baridaan (caabuddaan Alle) sokadi, ma karaan gargaarkiinna, nafahoodana uma gargaari karaan.

(198) 198. Haddaad ugu yeedhaan hanuunkana ma maqlaan, waxaadna aragtaa iyagoo ku soo eegaya, haddana aan waxba arkayn.

(199) 199. Muuji cafis (iyo masaamax oo qaado waxa fudud ee la heli karo dhib la’aan), amarna wanaagga, kana jeeso jaahiliinta.

(200) 200. Hadduu fikrad xun kuu soo jeediyona shaydaan, ka magan gal Allaah. Isagaa ah wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

(201) 201. Kuwa ka cabsada Ilaahay, markay taabato meerto Shaydaan, way ku baraarugaan oo kolkiiba (xaqa) arkaan.

(202) 202. Walaalahood se (dadka xun), waxay (shaydaammadu) u kordhiyaan habow, markaa innaba kama gaabiyaan.

(203) 203. Haddaad (Nabiyow) ula iman weydo calaamo (mucjiso siday rabaan ah) waxay yidhaahdaan: Maxaad u keeni weydey? Dheh: Waxaan anigu sideedaba raacaa waxa la iiga waxyoodo xagga Rabbigay. Kuwakani waa caddeymo ka yimid Rabbigiin, oo u ah hanuun iyo naxariis ciddii rumayn.

(204) 204. Marka la akhrinayo Qur'aanka dhegaysta oo aamusnaada, si la idiinku naxariisto.

(205) 205. Ku xus Rabbigaa naftaada si khushuuc iyo cabsi leh adigoon kor ugula tanaagooneyn codka aroor iyo galabba, hana ka mid noqon kuwa dhoohan.

(206) 206. Kuwa ah Rabbigaa agti (waa malaa’igta) marnaba iskama weyneeyaan cibaadadiisa, wayna nazahaan oo xurmo weyneeyaan, Isagayna u sujuudaan11.
11. Tani waa mid ka mid ah Aayadaha la sujuudo marka la akhriyo, waa sida wanaagsan ee door roon in la sujuudo marka la akhriyo Aayad sajda leh, laakiinse ma aha waajib in la sujuudo marka la akhriyo ama la maqlo ha ahaato salaad gudaheed ama debeddeed , waxaana sujuuddan la yiraahdaa sujuud at-tilaawah.