(1) 1. (Waqtiga) xisaabintooda (Qiyaamaha) baa ku soo dhow dadka halka ay dhoohnaan la sii jeedaan.
(2) 2. Ma jiro Xus (Waxyi) uga yimaada xagga (Alle) Rabbbigood, waxayse dhegaystaan iyagoo iska cayaaraya.
(3) 3. Qalbiyadoodu shuqloon tahay, kuwaana fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxay qariyaan faqooda (iyagoo leh): Kani (Muxammad) ma wax aan ahayn baa qof idinkoo kale ah ? Ma waxaad aqabaleysaan sixir idinkoo arka?
(4) 4. Wuxuu (Nabigu s.c.w) yidhi: “Rabbigay baa ogsoon qowl1 (kasta oo lagaga hadlo) samooyinka dhexdooda iyo arladaba. Waana wax kasta Maqlaha, wax kasta Og.”
1. Sixir waxay ku sheegayaan halkan waa Aayadaha Qur’aanka, Inkastoo ay shaahideen calaamooyin iyo mucjisooyin dhab ah.
(5) 5. Bal waxay yidhaahdaan: “(Waxyigu wax kale maahee) waa hawaawi hadal hurdo! mayee isagaa hal abuuray - mayee waa gabyaa! Ee ha noo keeno mucjiso la mid ah (mucjisidihii) lala soo diray (anbiyadii) hore.
(6) 6. Ma ayna rumeynin hortaa magaalo aan halaag la doonnay (inkastoy shaahideen calaamooyin iyo mucjisooyin) ee ma iyagaa rumeyn?.
(7) 7. Ma aanu soo dirinna hortaa adiga (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn rag aan u waxyoonnay (Dhambaalka), ee bal weydiiya ehlu Kitaabka haddaydaan ogeyn.
(8) 8. Umana aan yeelin (anbiyada) jirar aan cunin cunto2 (sida malaa’igta), mana aheyn kuwo aan dhiman oo ku waadha (arlada).
2. Sida malaa’igta, balse waxay ahaayeen aadmi leh tilmaamaha dadka.
(9) 9. Markaas, Waanu u rumaynay ballankaan u qaadnay waana badbaadinnay iyagii iyo ciddaan doonno, waxaana hallignay xad gudbayaashii.
(10) 10. Waxaan idiin soo dejinnay (dadow) Kitaab (Qur’aan) idiinku sugan3 xuskiinna (iyo sharaftiinna) miyeydaan garasho lahayn?.
3. Kitaabka waa Qur’aanka, xuskiinna waxaa loola jeedaa la idinku sharfay ama la idinkula hadlay. Macno kale waa idiinku sugan waano.
(11) 11. Badanaa intaan haalgnay4 magaalo ay dadkeedu faleen dulmi (shirki iyo macaasi) oo aan soo saarnay iyaga kaddib qolo kale.
4. Macnaha waa dadkeedu ay ku adkeysteen xumaan falidda.
(12) 12. Markay dareemeen cadaabkayagii, mise waxay billaabeen inay ka cararaan.
(13) 13. Ha cararina (haatan) ee dib ugu soo laabta wixii la idiinku raaxeeyey iyo guryihiinna, si wax la idiin weydiiyo5.
5. Waxa idinku dhacay. Waxaa hadalkan loo yidhi ku digasho ahaan.
(14) 14. Waxay yidhaahdeen: Hooggeenee! Waxaanu nahay daalimiin (gar diid).
(15) 15. Ma ay deyn calaalcalkoodaas ilaa aan dabar goynay oo baqtiyeen (dambas noqdeen).
(16) 16. Uma aan abuurin samada iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel.
(17) 17. Haddaan rabno inaan yeelanno wax aan isku maaweelinno6, waxaan ka yeelan lahayn (malaa’igta) Agtannada ah, haddaan sidaas falayno.
6. Sida xaas ama carruur.
(18) 18. Waxaanse Xaqa ku gannaa baadilka, markaas buu madaxa kala jabiyaa, mise durba wuu baabba’aa. Hoog baadna leedihiin beentaasi aad naga sheegtaan darteed7.
7. waa odhaahdooda baadilka ah in Allaah leeyahay xaas iyo ilmo.
(19) 19. Allaah baa leh wax kasta oo ku sugan samooyinka iyo arlada; kuwa (Alle) agtiisa ahna ee u dhow (malaa’igta) iskama wey- neeyaan cibaadadiisa, kamana daalaan.
(20) 20.Waxay xurmo weyneeyaan oo nazahaan habeen iyo maalinba, kamana noogaan.
(21) 21. Mise waxay yeesheen si ay u caabudaan ilaahyo dhulka jooga oo wax soo nooleeya?
(22) 22. Hadday jiri lahaayeen dhexdooda (cirarka iyo dhulka) ilaahyo aan ahayn Allaah, way fasaadi lahaayeen. Wuu ka nazahan yahay Alle, Rabbiga Carshiga Weyn leh oo ka Sarreeyaa waxay ku tilmaami.
(23) 23. (Alle) lama weydiiyo wuxuu Falo, iyagase (dadka) waa la weydiin.
(24) 24. Mise waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo (kale) ay la barbar caabudaan? Dheh: “Keena Xujadiinna. Kani waa Xuska kuwa ila jooga iyo Xuska kuwii iga horreeyay8. Badankooduse ma gartaan Xaqa, marka way ka sii jeestaan.
8. Dhammaan Rusushii hore waxay dadku ugu yeereen Towxiidka - caabudaadda Allaah Keliya aan cid kale lala wadaajin cibaadada.
(25) 25. Ma aanu soo dirin hortaa Rasuulna oo aan u waxyoon (Annagoo leh), "ma jiro Ilaah (Xaq ah oo) aan Aniga (Allaah) ahayn, ee i caabuda (Anigoo keliya).”
(26) 26. Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Raxmaanku wuxuu yeeshay ilmo. Subxaanah! Wuu ka nazahan yahay, waase addoomo (malaa’igta) la sharfay9.
9. Kuwaa ay ku andoocadaan inay yihiin ilaah ama ilmahii Ilaahay sida ruuxul qudus, Ciise, malaa’igta, iwm waa addoommo la sharfay.
(27) 27. Kagama hormaraan hadal, iyaguna amarkiisa uun bay ku camal falaan.
(28) 28. Wuxuu og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah, umana shafeecaan mid uu isagu oggolaado maahee iyaguna cabsidiisay la digtoon yihiin.
(29) 29. Mid kastoo ka mid ah (uunka Ilaahay sida Ibliis ama qeyrki) ee yidhaahda: “Waxaan anigu ahay Ilaah la jirkiis Isaga,” kaas oo kale waxaan ku abaal marin Jahannama. Sidaas oo kale baan ku abaal marinnaa daalimiinta.
(30) 30. Miyaanay kuwa Xaqa diida arag in samooyinka iyo arladu ay ahaayeen mid isku dheggan oo aan kala bixinnay, Waxaana ka abuurnay biyo wax kasta oo nool. Ee miyaanay rumayneyn10.
10. Halka ay dalbi lahaayeen si gaalnimo iyo jeesjees leh in loo soo dedejiyo oo la tuso Cadaabka.
(31) 31. Waxaanu yeellay buuro adag dhulka gudahiisa si aanay ula dhaqdhaqaaqin, waxaana yeellay dhexdeeda waddooyin ballaaran oo ay ku toosaan.
(32) 32. Waxaanu ka yeelnay samada saqaf ilaashan, iyaguna calaamadaheeda way ka jeesadaan .
(33) 33. (Alle) waa Kan Abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa, dhammaan (meertooyinka) ay si dhakhso badan ugu socdaan garangartooda.
(34) 34. Kama aanu yeelin qofna kaa horreeyey (Nabiyow) mid waadha. Ee haddaad adigu dhimato ma iyagaa waadhi?.
(35) 35. Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri, waxaana idinku imtixaani shar iyo khayrba kala saar darteed, Xaggayagaana la idiin soo celin.
(36) 36. Markay ku arkaan kuwa diida (Xaqa), kaama dhigtaan waxaan ahayn jeesjees (waxayna yidhaahdaan):” Ma kan baa kan wax ka sheega ilaahyadiinna?” Halka iyagu ay diidaan xuska Alle Raxmaanka.
(37) 37. Waxaa lagu abuuray aadmiga degdeg, waxaan idin tusi calaamooyinkayga ee ha iga dalbina inaan idiin soo dedejiyo.
(38) 38. Waxay odhan: Waa goorma gooddigani (cadaabka) haddaad run sheegaysaan?”
(39) 39. Hadday kuwa (Xaqa) diida ogaan lahaayeen markaan laga celinayn wejiyadooda Naarta iyo dhabarradoodaba oo aan loo gargaareyn (ma degdegsadeen Cadaabka).
(40) 40. Waxayse ugu iman Saacadda Qiyaame kedis, wayna jahawareerin, mana karayaan celinteeda, lamana siiyo fursad (toobad keen ama cudur daarasho).
(41) 41. Waxaa lagu digtay Rusul (badan) oo kaa horreeyey, markaasaa waxaa ku dhacay kuwii ku jeesjeesay (oo gaalada ahaa) wixii (cadaabka) ay dheel dheesha u heysteen.
(42) 42. Dheh: “Yaa idinka ilaalin kara habeen iyo maalinba (Cadaabka) Naxariistaha (Allaah)? Waxayse iyagu ka jeesadaan xusidda Rabbigood.
(43) 43. Mise ma waxay leeyihiin ilaahyo ka dhicin kara Ciqaabkayaga? Ma leh awood ay ugu gargaaraan nafahooda, mana ahaan doonaan kuwo nalaga difaaco innaga.
(44) 44. Mayee, waxaan u raaxaynay kuwani iyo aabbayaashoodba jeer uu la dheeraaday cimriga (markaasay wax is bideen)11. Miyaanay arag inaan nimaanno arlada oo ka naaqusinno cirifyadiisa? Ma iyagaa adkaan?.
11. Eeg sharaxa aan ku xusnay Suuradda 13: Aayadda 41.
(45) 45. Dheh waxaan uun idiinku digi Waxyiga (ka yimid Alle). Kuwase dhegaha li’i ma ay maqlaan dhawaaqa mar kastoo loo digo.
(46) 46. Hadduu taabto wax yar oo ka mid ah cadaabka Rabbigaa, waxay odhan: Hooggeennee! Innagaa daalimiin ah.
(47) 47. Waxaanu dhigi miisaan caadil ah Maalinta Qiyaamaha, lagamana dulmiyo nafna waxba, haba ahaado wax le’eg iniinta sisinta (ama wax ka yar ama wax ka weyn) waanu keeni. Annagaana ugu filan Xisaabiye ahaan.
(48) 48. Waxaanu dhab ahaan siinaay Muuse iyo Haaruun Furqaanka (kala sooce samaanta iyo xumaanta), iyo iftiin iyo waano ay12 leeyihiin kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarradiisa).
12. Kuwani waa seddex tilmaamood oo lagu sifeeyey isla Towraadda.
(49) 49. Kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba), iyagoo13 Saacadda (Qiyaame) ka cabsan.
13. Waxaa loola jeedaa Iyagoo aan arag Allaah ama iyagoo keli ah aan cidna u jeedin, ka cabsada Allaah sir iyo saaqba.
(50) 50.Kani (Qur'aanku) waa waano barakaysan aanu soo dejinnay, ee miyaad diideysaan?14.
14. Idinkoo iska yeelaya inaydaan aqoon, inkiraya ama diidaya inaad qirtaan.
(51) 51. Waxaanu dhab ahaan siinnay goor hore Ibraahiim (saamigiisa) hanuunka,15 Waxaaanuna uga war qabnay si dhan.
15. Ka hor Muuse, Allaah wuxuu hanuunshay Ibraahiim tan iyo yaraantii.
(52) 52. Markuu ku yidhi aabbihii iyo qoladiisii: “Waa maxay sanamyadan aad idinku dul fadhidaan (ee aad caabudeysaan)?”
(53) 53. Waxay yidhaahdeen: “Waxaan hellay aabbayaashayo oo caabudaya.”
(54) 54. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “ Waxaad idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin habow caddaan ah?.”
(55) 55. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid xaq, mise adigu waad nagu ciyaari?.”
(56) 56. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Mayee’ Rabbigiin waa Rabbiga samooyinka iyo arlada ee ah Kan abuuray, aniguna waxaan ka mid ahay kuwa arrinkani ka marag kaci.
(57) 57. Tallaahi, Waxaan u degi qorshe (tab) (si aan u baabbi’iyo) asnaamtiinna markaad jeedsataan idinkoo tegi 16
16. Ibraahiim c.s. wuxuu ka yidhi hadalladaa qalbigiisa oo keliya inuu tab u degeyo baabbi’inta sanammadooda.
(58) 58. Wuxuu ka dhigay digada (dhammaan) koodii u weynaa maahee, bal inay xaggiisa u noqdaan (oo ay weydiiyaan).
(59) 59. Waxay yidhaahdeen: “Yaa ku falay sidan ilaahyadayada?, Kaasi waa daalime?”
(60) 60. Waxay yidhaahdeen: Waxaan maqallay wiil hadal-haya oo la yidhaahdo Ibraahiim.”
(61) 61. Waxay yidhaahdeen: “Keena oo soo hor joojiya dadka si ay ugu arkaan indhahooda bal inay ku markahaati furaan17?.”
17. Wuxuu sidoo kale macnaha u dhici karaa: si ay markhaati iyo goob joog uga ahaadaan waxa lagu dhigo oo ciqaab ah.
(62) 62. Waxay yidhaahdeen: “Ma adigaa kan si- daan ku falay ilaahyadayada, Ibraahiimow?
(63) 63. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Mayee waxaa falay (fale uun) kooda u weyn (sanamyada) waa kane, ee weydiiya hadday hadli karaan!
(64) 64. Markaasay dib isugu noqdeen oo ay yidhaahdeen: Xaqiiq idinkaa daalimiin ah.”
(65) 65. Markaasaa laga yeelay inay madaxa hoos u rogtaan18 (oo yidhaahdeen): Waad og tahay inayan kuwakani hadlin"!
18. Kaddib markay qirteen gefkoodii, waxaa galay kibir iyo cinaad markaasay haddana ka horyimaadeen oo is rogeen.
(66) 66. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Ma waxaad caabudeysaan Alle sokadi waxaan waxba idin tari karin waxbana idin yeeli karin?
(67) 67. “Uf baad leedihiin idinka iyo waxaad caabudeysaanba Allaah sokadi. Miyeydaan garasho lahayn?”
(68) 68. Waxay yidhaahdeen: “Guba oo u gargaara ilaahyadiinna, haddaad (wax) falaysaan.”
(69) 69. Waxaanu nidhi: Dabkow! U noqo qabow iyo nabad Ibraahiim!”
(70) 70. Waxay la dooneen shirqool (dhib), waxaanse ka yeelnay kuwo khasaaray.
(71) 71. Waxaanu badbaadinnay isaga iyo Luudba (innagoo u wareejinnay xagga) arladii19 aan u barakaynay dadka oo dhan.
19. Dhulkaa waxaa loola jeedaa arlada Shaam (oo ah: Falastiin, Urdun, Suuriya, Lubnaan iyo dhulalka hareerahooda ah). Wuxuuna Allaah ku barakeeyey inuu ka soo diray badi anbiyada dhulkaasi, iyo inay sidoo kale tahay dhul wanaagsan oo barako iyo khayr badan.
(72) 72. Waxaan siinnay Isxaaq iyo Yacquub oo wiil wiilki ah, waxaan ka yeelnay dhammaan kuwo wanaagsan.
(73) 73. Waxaanu ka yeelnay hoggaamiyeyaal ku hanuuniya (dadka) Amarkagaya, Waxaana u waxyoonnay falidda khayraadka, oogidda salaadda, iyo bixinta sakada, waxayna ahaayeen kuwo na caabuda (Allaah Keliya caabuda).
(74) 74. Luudna Waxaanu siinnay garsoorid wanaagsan iyo cilmi, Waxaana ka badbaadinnay magaaladii (Soodom) ahayd mid fasha xumaha20. Waxay ahaayeen qolo xun oo caasiyaal ah.
20. Xumahaas oo ahaa shirki, gaalnimo, fuulitaanka ragga, khaniisnimo, tuugo, boob, dhac, jid gooyo, iwm iyagoo waxaasi oo idil u fali jiray si bareer ah.
(75) 75. Waxaana gelinnay Naxariistayada, wuxuu ka mid ahaa inta wanaagsan.
(76) 76. Nuuxna waa badbaadinnay, markuu noo dhawaaqday kol hore21. Waana ka ajiibnay bariyadii, oo ka samatabixinnay isaga iyo intii raacday musiibadii weyneyd (hafintii qoonkiisii).
21. Macnaha uu habaaray qolodiisii kuwaasoo ku adkeystey shirkiga iyo macaasida.
(77) 77. Waana uga gargaarnay qoonkii beeniyey Aayadahayaga, waxay ahaayeen dad xun, mrkaasaan hafinnay dhammaan.
(78) 78. (Xus) Daawuud iyo Sulaymaan, markay ka garsooreen arrinkii beerta markuu daaqay (beerta) adhi dad leeyihiin (goor habeen ah), Waxaanu aheyn Kuwo garsoorkoodii u marag ah (arka).*
* Wuxuu Daawuud xukumay in adhigaa beertaa daaqay la siiyo ninkii lahaa beerta khasaarahii loo geystey darteed.
(79) 79. Waxaana fahansiinnay Sulaymaan, mid walbaana waxaan siinnay garsoorid wanaagsan iyo cilmi, Waxaana u sakhirnay Daawuud buuraha iyo shimbiraha inay la tasbiixsadaan oo Alle amaanaan. Waana Annaga kuwa falay (waxaasi oo idil) 22.
22. Macnaha waa inuu Allaah mar waliba karo inuu fuliyo waxa uu doono. Nabi Sulaymaan wuxuu islaa arrinkaa u xukumay si ka duwan xukunkii Nabi Daawuud, wuxuu Sulaymaan guddoonshay in ninkii adhiga lahaa falo beertii adhigiisu halleeyey oo sideedii ku soo cesho, ninkii beerta lahaana uu ku sii intifaaco adhigiisa inta beertiisa looga hagaajinayo, kaddibna mid walbaa wixiisa qaato kii adhiga lahaa adhigiisa, kii beerta lahaana beertiisii oo loo hagaajiyey.
(80) 80. Waxaana barnay Daawuud sameynta jaakado bir ah aad labbisataan si ay idiinka dhowrto dhibaatada dagaalkiinna. Ee ma tihiin kuwa mahad naqaya?
(81) 81. Sulaymaanna (waxaan u sakhirnay) dabaysha sida xoogga leh u socota, ee ugu ordeysa si xowli ah amarkiisa xagga dhulkii aan barakaynay (ee Falastiin iyo Suuriya). Waxaana nahay kuwo wax walba Ogsoon.
(82) 82. Shaydaammadana (dadka iyo jinkaba leh waan u sakhirnay) waxaana ka mid ahaa kuwo u quusa (badda) una fala camallo kale oo taa barbarkeed ah: Waana Annaga kuwa dhowrayey23.
23. Innagaa ka dhowrnay inay caasiyaan oo khilaafaan amarka Sulaymaan, oo ka dhowrnay Sulaymaan inay u geystaan wax waxyeello ah.
(83) 83. (Xus) Ayyuub markuu u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): Waxaa I taabtay dhib (jirro iyo dad iyo duunyo beel), Adiguna waxaad tahay Kan ugu Naxariista Badan inta naxariista.”
(84) 84. Waana ajiibnay, Waxaana ka feydnay dhibtii haysey (jirradii iyo faqrigii), waxaana siinnay ehelkiisii (uu waayey) iyo in le’eg oo wehlisa - Naxariis Xaggayaga ah, iyo xusuus ay u ahaato kuwa na caabuda.
(85) 85. (Xus) Ismaaciil, iyo Idriis, iyo Dul- Kifil, kulli waxay ka mid ahaayeen kuwa sabra.
(86) 86. Waxaana dhex gelinnay Naxariistayada. Waxay ka mid ahaayeen kuwa suubban.
(87) 87. (Xus qisada) rafiiqii nibriga (Yuunus) markuu tegay isagoo (u) cadheysan (dadkii loo diray) 24, wuxuuna mooday inaanan cidhiidhyeyn (aanu qabanayn)25! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyo dhexdooda26 (isagoo leh): Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn (Allow). Adigaa Nazahan, waxaan anigu ka mid ahay geflowyada.
24. Ka cadheysan gaalnimada iyo caasiyoobidda dadkiisa.
25. Macne kale waa aan ku cidhiidhyi doonin (caloosha nibriga).
26. Mugdiyadaas oo ah mugdiga habeenka, kan badda, iyo kan caloosha nibriga.
(88) 88. Waana ajiibnnay baryadiisii, kana badbaadinnay murugadii. Sidaasaana u badbaadinnaa mu’miniinta.
(89) 89. (Xus) Zakariya, markuu u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh):” Rabbiyow! Ha igu dhaafin keli, Adigaana u Kheyr roon cid wax dhaxasha (u hadha)”.
(90) 90. Waana ajiibnay baryadiisii, oo siinnay Yaxyaa, una hagaajinnay xaaskiisii. Waxay ahaayeen kuwo u degdega inay falaan camallo wanaagsan oo na barya (caabuda) si rajo iyo cabsiba leh, waxayna ahaayeen kuwo noo nugul (oo kal san).
(91) 91. (Xus) tii xafidday jirkeeda (Maryam), oo aan ka afuufnay (jeebka canbuurkeeda ama maradeeda) Annagoo u xil saarnay (afuufidda iyo ku abuuridda ilmo uurkeeda) Ruuxayaga (Jabriil), Waxaana uga yeelnay iyada iyo wiilkeedii (Ciise) calaamo caalamka.
(92) 92. Hubaal, diintiinnani (Islaamka) waa diin mid ah27, Oo Anigu (Alle ah) waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda ( Anigoo keliya).
27. Ummah waxaa loola jeedaa diin :hab nololeed ay jamaaco dhan wada qaataan oo raacaan, ama dhaqan iyo hannaan wanaagsan ay ummadi raacdo.
(93) 93. Waxayse u kala goosgoosteen diintoodii (kooxo) dhexdooda28. Xaggayagay dhammaan u soo wada noqon
28. Iyagoo noqday dariiqooyin iyo kooxo kala duwan.
(94) 94. Qofkii fala camallo wanaagsan isagoo mu’miin ah, lama duudsiyo ajarka camalkiisa. Oo hubaal Waan u qoreynaa.
(95) 95. Waxaa ka reebban magaalo aan halaagnay inayan dib u soo laabaneyn29 .
29. Uma soo laaban karaan adduunkan, mana u toobad keeni karaan Allaah.
(96) 96. Ilaa laga soo furo (moos xirkii) Yuug iyo Yamaayuug, waxayna ka soo dhici taag walba si degdeg ah.
(97) 97. Markuu soo dhowaado Yabooha Xaqa ah (Qiyaamada la gaadho) mise indhaha kuwii Xaqa diiday way dhaygagi (iyagoo leh): Hoogeennee! Waxaan aheyn kuwo kaga sugan dhoohnaan waxakani; waxaanuna aheyn daalimiin (gar diidayaal).
(98) 98. Hubaal, Idinka iyo waxaad caabud- daanba Alle sokadi, waxaad ahaan shidaal- ka Naarta, xaggeedaad ku arooreysaan.
(99) 99. Hadday kuwakani ahaan lahaayeen ilaahyo ma ay galeen (Naarta), dhammaanna way ku waadhi.
(100) 100. Waxay ku leeyihiin gudaheeda cartan iyo hiinraag, oo waxna gudaheeda kuma maqlaan.
(101) 101. Hubaal, kuwa (Nabi Ciise, hooyadi Maryam, iyo addoomaha Ilaahay ee kale ee wanaagsan) ay hor u martay xaggayaga wanaagga, kuwaasu xaggeeda (Naarta) waa laga fogeyn.
(102) 102. Ma maqlaan shanqarteeda, iyagoo ku dhex waadhi waxay nafahooda rabaan.
(103) 103. Argagaxa weyn (ee Maalinta Qiyaamada) ma murugo geliyo, malaa’igtuna waxay ku soo dhoweyn (salaan diirran iyagoo ku leh): Kani waa Maalinkiinnii la idin yaboohay.
(104) 104. Maalinka aan u duubeyno samada sida loo duubo waraaqaha waxa lagu qoro, sidaan u billownay abuuriddii hore baan ku soo celineynaa, (waa) ballan aan qaadnay oo na saaran, hubaal waanu fali.
(105) 105. Waxaanu ku qornay Zabuurka30 kaddib (markaan horay ugu) xusnay Kitaabka31 in arlada (Jannada) ay dhaxli addoomahyaga wanaagsan.
30. Zabuur waa kitaabkii loo waxyooday Nabi Daawuud c.s.Waxaa sidoo kale la yidhi waxaa loola jeedaa Kutubta Ilaahay oo dhan.
31. Waa Towraadda, waxaa sidoo kale lagu fasiray Looxa Maxfuudka.
(106) 106. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan Gaarsiin cad qolo na caabudda.
(107) 107. Kuumana aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn Naxariis aad u ahaato uumanka oo idil.
(108) 108. Dheh: Waxaa uun la ii waxyooday inuu Ilaahiinnu yahay ilaah Keliya (Allaah),ee ma u hoggaansameysaan Muslimiin ahaan?.
(109) 109. Haddiise ay jeesadaan, ku dheh waxaan idin siiyey digniin cad ee xaq ah. Mana ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay ama fog yahay.”
(110) 110. Hubaal Wuxuu (Alle) Og yahay hadalka kii kor loo qaado, wuxuuna Og yahay waxaad qarineysaan.
(111) 111. Aniguse ma ogi, waa intaaso ay idiin tahay fidmo (imtixaan dib u dhigidda cadaabka) iyo raaxo ku eg ilaa muddo.
(112) 112. (Nabigu isagoo baryaya Rabbigi) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Noogu kala garsoor xaq. Rabbigayona waa (Allaah) Raxmaanka ee laga kaalmaysto waxaad sheegeysaan32.
32. Waa beenahooda iyo gaalnimadooda iyagoo ku sheega inuu Allaah leeyahay ilmo, iyo in Muxammad s.c.w. yahay saaxir, jin hayo, gabyaa, iyo in Qur’aanka yahay gabay, sheeko xariir, sixir, iwm