90 - Suurada Al-balad ()

|

(1) 1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay magaaladan (Makkah ee xurmadda leh).

(2) 2. Waa kuu xalaal (Nabiyow inaad saacad ku dagaallanto) magaaladan1 (aad horey u degganeyd).
1. Nabigu s.c w. Wuxuu yidhi: Aniga waxaa la I banneeyey inaan kula dagaalo (gaalada mushrikiinta ah) saacad keliya, haddana xurmadeedda waa sidii hore." Ibnu Cabbaas a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi maalintii furashada Makkah: Beledkan Alle waa caagay, waa inaan la goyn qodaxdiisa, oo la didin ugaadhiisa, oo la qaadan wixii ku luma oo dad ka dhaca qof naadinaya oo carrifaya maahee. (Al-Bukhaari)

(3) 3. Waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo waxa uu dhalay (Ismaaciil)*.
*Fiiro gaar ah: Waxaa kaloo lagu fasiray Aadam iyo durriyadiisa.

(4) 4. Waxaan abuurnay aadmiga isagoo dhib iyo howl (kala kulmi nolosha adduunka).

(5) 5. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn?

(6) 6. Wuxuu leeyahay (isagoo ku faani): Waxaan lumiyey maal tiro badan.

(7) 7. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag?

(8) 8. Miyaannaan u yeelin labo indhood?.

(9) 9. Iyo carrab iyo labo bishimood?

(10) 10. oo aan tusin labada jidood (khayrka iyo sharka)?.

(11) 11. Ee muu ka gudbo jidka buurta ah?

(12) 12. Maxaa ku ogeysiiyey (waxa looga gudbo) jidkaa buurta ah?

(13) 13. Waa addoon la xoreeyo.

(14) 14. Ama siinta cunno maalin gaajo (abaar) jirto.

(15) 15. Agoon kuu dhow.

(16) 16. Ama miskiin dhulka yaal.

(17) 17. Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeeyey, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo sabarka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta).

(18) 18. Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada).

(19) 19. Kuwa ku gaalooba Aayadahayaga waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka).

(20) 20. Waxaa lagu dabooli Naar (dab aan dameyn ah).