(1) 1. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka hor marinnina (qowlkiinna) (qowlka) Ilaahay iyo Rasuulkiisa2, dhowrana (xilkuu idin saaray) Allaah. Hubaal Allaah waa wax kasta Maqle, Wax kasta Og.
1. Al-Xujuraad macnaheedu waa qolalka gaarka ah, waxaana loola jeedaa qololkii ay ku noolaayeen xaasaskii Nabiga s.c.w.
2. Waxaa loola jeedaa ma bannaana mu’miniinta inay ka bixiyaan wax xukun ah arrin ay ahaataba haddii aanay oggolaansho iyo daliil ka heysan Allaah iyo Rasuulkiisa.
(2) 2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha u qaadina kor codadkiinna si ka sarreysa codka Nabiga, hana kula tannaagoogina hadalka sida uu ugula tannaagoodo qaarkiinba qaarka kale, si aan camalkiinna u burin idinkoo aan dreemeyn.
(3) 3. Kuwa hoos u dhiga cododkooda marka ay hor joogaan Rasuulka Ilaahay, waa kuwaas kuwa uu Quluubtooda Allaah imtixaanay xagga dhowrsashadooda, waxay leeyihiin denbi fhaaf iyo abaalgud weyn (Janno).
(4) 4. Kuwase kaaga dhawaaqa qololka gadaashood, badankoodu ma aha wax garad.
(5) 5. Haddayna samri lahaayeen intaad uga soo bixi,baa u khayr badnaan laheyd, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(6) 6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Hadduu mid caasi ah idiinla yimaado war, iska hubiya, si aydaan wax ugu yeelin dad ogaansho la’aan, markaasna aad ka shallaydaan waxaad fasheen.
(7) 7. Ogaadana inuu idinku dhex jiro Rasuul Ilaahay, hadduu idinka yeeli lahaa in badan oo arrimo ah, waa dhibtoon laheydeen, Alle baase idin jeclaysiiyey Iimaanka kuna qurxiyey quluubtiinna, oo ka yeelay wax aad neceb tihiin gaalnimo, faasiqnimo iyo caasin. Kuwaasi waa kuwa hanuunsan
(8) 8. Waa Fadli xag Ilaahay ah iyo Nicmad, Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
(9) 9. Hadday labo kooxood oo mu’miniinta ka mid ahi diriraan, ka sameeya heshiis dhexdooda, haddiise middood ku xadgudubto tan kale markaa la dirira tan xadgudubtay jeer ay u soo noqoto Amarka Ilaahay, hadday u soo noqoto, heshiisiiya dhexdooda si caddaalad ah, oo caadil ahaada. Allaah wuu jecel yahay kuwa caadilka ah.
(10) 10. Mu’miniintu waa uun walaalo3. ee heshiisiiya walaalihiin, Allena ka cabsada, si uu idiinku naxariisto.
3. Nabigu s.c w wuxuu yidhi: Muslimka waa walaalka Muslimka, waa inuusan ku gardarroon, hagran, u gacan gelin cadow, wax ka beensan, qofka muslimka ah waa ka xaaraan muslimka kale: maalkiisa, sharafkiisa, xoolahiisa xilahiisa, iyo dhiiggiisuba, waxaana shar ugu filan qof inuu quursado walaalki Muslimka ah”.
(11) 11. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qolona yey yasin qolo kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin, oo yey dumarna yasin dumar kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin; hana is ceebeynina, waxna ha iska sheegina (ha is nacina hana is xasdina), oo ha isugu yeedhina naaneysyo xun. Xumaa inaad magacyo iyo tilmaamo xun isugu yeedhaan kaddib Iimaanka. Qofkaan toobad keennina (oo Xaqa u soo laaban oo aan u muujin walaalladi maxabbad, maamuus iyo qalbi san) waa kuwaas kuwa ah daalimiinta (gar diidka).
(12) 12. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka dheeraada malaha badanki, malaha qaarki waa denbi. Hana is jaasuusina, qaarkiinna yaanay xaman qaar kale; miyuu jecel yahay midkiin inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah? Waad naceysaane (naca xanta). Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, hubaal Alle waa Toobad Aqbale, Naxariis Badan.
(13) 13. Dadow! Waxaanu idinka abuurnay lab (Aadam) iyo dhedddig (Xawwaa), idinkana dhignay shucuub iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan, hubaal, kan idiinku sharaf badan Alle agti waa kan idiinku dhowris badan (xilkuu Alle idin saaray ee ka jooga xumaha). Hubaal Allaah waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah Xeel Dheer.
(14) 14. Reer miyigii waxay yidhaahdeen: Waanu rumeynay (Xaqa). Dheh: Ma aydaan rumeynin (weli) dhahase, waanu islaamnay (hoggaansannay); waayo Iimaanku weli ma gelin quluubtiinna. Haddaad adeecdaan Allaah iyo Rasuulkiisa, waxba idinkama uu dhimayo ka mid ah acmaashiinna. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(15) 15. Mu’miniintu waa uun kuwa rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa (Nabi Muxammad s.c.w). markaas aan shakiyin, una hura maalkooda iyo nafahooda Jidka Ilaahay. Kuwaasi waa kuwa runlowyda ah.
(16) 16. Dheh: Ma waxaad u sheegeysaan Allaah (xaalka) diintiinna (iyo camalladiinna) Isagoo Alle og yahay waxaa ku sugan samooyinka iyo waxaa ku sugan arlada, Allena wax walba wuu Og yahay.
(17) 17. Waxay kuugu abaal sheegan inay islaameen darteed. Dheh: Ha iigu abaal sheegannina islaamiddiinna. Bal Allaah baa idiinku abaal sheeganaya idinku hanuunintiinna Iimaanka darteed, haddaad run sheegeysaan.
(18) 18. Hubaal Allaah baa ogsoon waxa aan muuqan ee ah samooyinka iyo arlada. Allena wuu Arkaa waxaad fashaan.