(1) 1. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Oofiya ballamaha1 aad gashaan. Waxaa la idiin xalaaleeyey xoolaha nicmooleyda ah marka laga reebo waxa la idiinku yeedhin (halkan), waana inaydaan banneysaneyn ugaarsiga marka aad xidhataan(Xajka ama Cumrada), Allaah wuxuu xukumaa wuxuu doono.
1. Ballamaha, waxaa halkan loola jeedaa ballanta laga qaado Alle, iyo ballamaha dadka dhexdooda ah, cahdiyada la galo, heshiisyada la kala saxiixdo, dhaaraha la maro, xilalka la qaado, iwm waa in aad loo dhowro.
(2) 2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha banneysan- nina xurmadda calaamooyinka uu dhigay Alle iyo bisha xurmadda leh midna, hana ( fara gelina) hadyiga, iyo xoolaha la luqan xidhay (ee qurbaanka ah) iyo dadka u socda Baydka Xurmadda leh (Kacbada), iyagoo doonaya Fadliga Rabbigood iyo Raalli gelintiisa. Markaad bogtaan howlaha (Xajka ama Cumrada), markaa ugaarsada (haddaad doontaan), yeysanna naceybka dad idinka hor istaagay Masjidka xurmadda gaarka ahi leh idinku xambaarin inaad xad gudubtaan. Isuguna kaalmeeya samaha iyo ka dhowrsiga (xumaha), oo ha isu kaalmeynina denbiga iyo duullaanka (gardarrada ah). Allena ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Hubaal, Alle ciqaabkiisu wuu Daran yahay.
(3) 3. Waxa la idinka xaaraameeyay waa baqtiga, dhiig, hilib doofaar, iyo wixii lagu xuso (gowraco) waxaan magac Alle ahayn, iyo xoolahaa lagu dilo ceego, ama jug, ama meel ka soo dhacay, ama hirdin - iyo wuxuu cuno dugaag2 - waxaad (awood u yeelataan inaad) gowracdaan mooyee (dhimashadooda ka hor), iyo waxa loo (gowraco) asnaamta, (waxaa kaloo reebban) inaad wax ku kala qaybsataan ama ku nasiib doonataan faal iyo qori tuur, kaasi waa fisiq. Maantayna gaaladu ka quusteen diintiinna, ee ha ka baqina, ee Aniga (Alle) Keliya iga baqa. Maantaan3 idiin dhammeystiray diintiinna, oo idin taam yeelay Nicmaddeyda korkiinna, oo idiinka raalli noqday Islaamka diin ahaan. Qofkii se ay ku qasabto gaajo daran (inuu cuno baqtiga) isagoo aan u dan laheyn u iilasho denbi, hubaal, Allaah waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.
2. Wixii ay idiin soo qabtaan dugaagga oo uusan dugaaggu wax ka cunin.
3. Waxaa loola jeedaa maanta Xajkii Sagootinta uu Nabigu s.c.w. gutay Xajka, wax yar kaddibna uu dhintay markuu u soo laabtay Madiina.
(4) 4. Waxay ku weydiin waxa loo xalaaleeyey. Dheh: Waxaa la idiin xalaaleeyey waxyaalaha wanaagsan iyo waxaad barteen dugaagga iyo shimbiraha wax dhaawaca idinkoo u laylinaya ugaarsiga – aad bartaan wuxuu idin baray Ilaahay; ee cuna waxay idiin soo qabtaan, oo ku xusa Magaca Ilaahay korkooda, Allena ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Alle waa ku Dhakhsi Badan yahay xisaabta.
(5) 5. Maanta (dhammaan) waxyaalaha wanaagsan waa la idiin xalaaleeyey; cuntada (xoolaha ay gowracaan) kuwa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waa idiin xalaal, cuntadiinnuna waa u xalaal iyaga. (Oo waa idiin xalaal) dhowrsanooyinka ka mid ah mu’minaadka iyo dhowrsanooyinka ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiiin, markaad siisaan meherradooda idinkoo ku qaadanaya (guur) aan gaabsi ka dooneyn kana yeelanayn saaxiibbooyin qarsoodi ah. Qofkii beeniya Iimaanka, waxaa bura camalkiisa, Aakhiradana wuxuu ka mid ahaan kuwa ku sugan khasaaraha.
(6) 6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad u kacdaan salaad meyra wajiyaddiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada, oo masaxa madaxyadiinna (meyrana) lugahiinna ilaa canqawyada. Haddaad qasli (janaaba) qabtaan, meyrta, haddaad bugtaanna ama safar tihiin ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro ama aad taabateen haween oo aydaan heli karin biyo, doonta carro daahir ah oo ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Ma rabo Allaah inuu idin kor dhigo wax dhib ah, wuxuuse rabaa inuu idin daahiriyo, iyo inuu idiin dhammeystiro Nicmaddiisa dushiinna; si aad u mahdisaan.
(7) 7. Xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna (waa Islaamka) iyo axdigiisa uu idiin ku guntay si adag, markaad tidhaahdeen: 'Waan maqallay waana adeecnay,' oo Alle ka cabsada (dhowrana xilkuu idin saaray). Hubaal Allaah wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
(8) 8. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo toosan oo u taagan Ilaahay Darti, markhaatiyo caadil ah, yeysanna naceybka dad kale idinku xambaarin inaydaan caddaalad falin. Caddaalad fala: sidaasaa u dhow dhowrsanaanta, Allena ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Hubaal Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
(9) 9. Allaah wuxuu u ballan qaaday kuwa rumeeyey oo samaha fala inay leeyihiin denbi dhaaf iyo Ajar weyn (Janno).
(10) 10. Kuwase Xaqa diida oo beeniya Aayadahayaga, waa kuwaa ehlu Naarka.
(11) 11. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna, markay qolo (Carab ah) goosteen inay idiin soo fidshaan gacmahooda xaggiinna, wuuse idinka qabtay gacmahooda ee Alle ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Allena ha tala saarteen mu’miniintu.
(12) 12. Wuxuu dhab ahaan Alle la galay axdi Ilmahii Israa'iil, waxaana ka soo saarnay dhexdooda labo iyo toban oday. Wuxuuna Alle yidhi: Anigu waa idin la jiraa: haddaad oogtaan salaadda, oo bixisaan Zakada oo aad rumeysaan Rusushayda; oo u gargaartaan, oo amaahsataan Allaah amaah wanaagsan. Waxaan idiin asturi xumaatooyinkiina oo idin gelin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qulqulaan.Qofkii se Xaqa diida intaas kaddib oo idinka mid ah, wuxuu ka lumay Jidka Toosan (ee Islaamka).
(13) 13. Hase yeeshee ka bixiddooda (Yuhuudda) axdigoodii awgii waan nacladnay oo ka dhignay quluubtooda adeyg; waxay ka duwaan ereyada (sharciga ee la xiriira tilmaamaha Nabi Muxammad iyo arrimo kale) meelahoodii, waxayna dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah (raacidda Nabi Muxammad); waxaad ka arki mar walba khiyaano ku jirta xaggooda in yar oo ka mid ah maahee. ee iska cafi, iskagana jeeso. Hubaal, Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha.
(14) 14. Kuwa yidhaahda waxaanu nahay Nasaaro, Waxaan la galnay axdi, wayse dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah (heysashada iimaanka iyo camalka wanaagsan). Markaasaan ku tallaalnay cadaawad iyo isnac dhexdooda ah ilaa Maalinta Qiyaamaha, wuxuuna Allaah u sheegi waxay samaynayeen.
(15) 15. Ehlu Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Waxaa idiin yimid Rasuulkayaga (Nabi Muxammad) oo idiin caddeynaya wax badan oo ka mid ah waxaad qariseen ee Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) ka midka ah (sida tilmaamaha Nabi Muxammad), oo iska dul maraya in badan. Xaqiiq waxaa haatan idiinka yimid xagga Ilaahay nuur iyo Kitaab cad (Qur’aanka).
(16) 16. Uu Allaah kula hanuuniyo kan raaca Raalli ahaanshahiisa jidadka nabadda, kagana saaro mugdiyada xagga Nuurka Idankii, oo ku hanuunsha Jid Toosan.
(17) 17. Waa gaalo kuwa yidhaahda: Allaah waa Masiixa ina Maryam. Dheh: Yaa wax ka tari kara Alle hadduu doono inuu halaago Masiixa ina Maryam iyo hooyadi, iyo waxa ku sugan arlada oo dhan? Allaah baana iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Allena wax walba wuu Karaa.
(18) 18. Yuhuudda iyo Nasaarada waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay ilmahii Ilaahay iyo kuwa uu jecel yahay. Dheh: Muxuu idiinku cadaabaa denbiyadiinna?. Mayee, waxaad tihiin Aadmi ka mid ah wuxuu abuuray. Wuxuu u denbi dhaafi qofkuu doono, oo cadaabi qofkuu doono. Allaah baana iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Xaggiisaana loo ahaan.
(19) 19. Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Waxaa idiin yimid Rasuulkayaga (Nabi Muxammad) isagoo idiin caddeynaya (Xaqa) hakasho kaddib (soo diristii) Rususha, si aydaan u odhan, Nooma imaan bishaareeye iyo dige midna. (Haatan) waxaa idiin yimid bishaareeye iyo digeba. Allena wax walba wuu Karaa.
(20) 20. Oo (xus, Nabiyow) markuu Muuse ku yidhi qolodiisii: Tolkaygiiyow! Xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna, markuu idinka soo dhex saaray Nabiyo, idinkana dhigay boqorro, idin siiyeyna waxaan la siin cid ka mid ah caalamka (waqtigiinnii).
(21) 21. Tolkaygiiyow! Gala arladaan daahirka ah (Suuriya iyo Falastiin - dhulka Shaam) ee Allaah idiin qoray, hana u noqonnina gadaashiinna, waayo markaas waxaad soo laaban idinkoo ku sugan khasaaro dhan.
(22) 22. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Waxaa jooga halkaa qolo xoog badan (haraagii reer Caad oo ahaa dad dhaadheer oo xoog badan), mana galeyno jeer ay ka baxaan; hadday ka baxaan markaas baanu gali.
(23) 23. Labo nin (Yuushac bin Nuun iyo Kaalib bin Yoofinaa) oo ka mid ah kuwa (Alle ka) cabsada oo uu Allaah u nicmeeyey waxay yidhaahdeen: Uga gala (cadowga) albaabka, markaad gashaan idinkaa adkaan, Allena isku halleeya oo tala saarta, haddaad tihiin mu’miniin.
(24) 24. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Innagu ma galeyno weligayo intay ku jiraan. Ee taga adiga iyo Rabbigaa oo dagaal gala labadiinnu, innagu halkan baanu fadhin.
(25) 25. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Anigu ma hanto waxaan ahayn nafteyda iyo walaalkay (Haaruun), ee na kala saar innaga iyo qolodaa caasiyiinta ah.
(26) 26. (Alle) wuxuu yidhi: Iyadu (dhulkan daahirka ah) waa ka xaaraan afartan sannadood, ay ku jaha wareeri dhulka. Ee ha u murugoon qoloda caasiyiinta ah.
(27) 27. Uga warran qisada labadii wiil ee Aadam oo xaq ah; markay labaduba bixiyeen qurbaan ee laga aqbalay midkood (Haabiil, oo ahaa xoolaley isagoo la baxay xoolihiisii inta u fiican sadaqo ahaan), oo aan laga aqbalin kii kale (Qaabiil, oo ahaa beeralay isagoo la baxay zaracisii inta u xun). (Qaabiil) wuxuu (ku) yidhi (Haabiil): Waan ku dili. (Haabiil) wuxuu yidhi: Sideedaba wuxuu Allaah wax ka aqbalaa kuwa dhowrsoon ee u hoggaansan.
(28) 28. Haddaad iigu soo fidiso gacantaada xaggeyga inaad I disho, Anigu kuugu soo fidin maayo gacantayda xaggaaga inaan ku dilo, waxaan anigu ka cabsan Allaah, Rabbiga caalamka.
(29) 29. Waxaan dooni inaad la gaddoonto denbigaad iga gasho iyo denbigaagaba, markaas waxaad ka mid noqon ehlu Naarka, taasina waa abaalka daalimiinta.
(30) 30. Markaasay u qurxisay naftiisii dilka walaalki (Haabiil); oo uu dilay4, wuxuuna ka mid noqday kuwa ku jira khasaaraha cad.
4. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma jirto naf lagu dilo xaq darro uusan wiilkii Aadam ee hore (Qaabiil) qayb ku lahayn dambigaa.” W.w.Al- Bukhaari.
(31) 31. Markaasuu Allaah soo diray tuke fagaya dhulka si uu u tuso siduu u aasi lahaa maydka walaalki. Wuxuu yidhi: Hoogaye! Miyaan kari waayey inaan noqdo tukahaan oo kale oo aaso maydka walaalkay? Wuxuuna ka mid noqday kuwa qoomammeeya.
(32) 32. Sidaas darteed baan ugu qornay Ilmahii Israa’iil (iyo dadkoo dhammi) in qofkii dila naf aan ( loo dileyn) naf (ay disahay) ama fasaadin arlada darteed - waa sida isagoo dilay dadka oo dhan. Qofkii nooleeyana naf waa sida qof nooleeyey dadka oo dhan5. Waxayna Rusushayadii ula yimaadeen xujooyin cad, haddana iyadoo taasi jirto bay intaas ka dambow in badan oo iyaga ka mid ah ku falaan xadgudub arlada.
5. Xukunkan ma khuseeyo Ilmihii Israaill oo keliya, ee waxaa soo galaya dadka oo dhan, wuxuu Allaah guddoonshay in qofkii dila nafsad waa sida inuu dilay dadka oo dhammi, qofkiina nooleeya nafsad waa sida inuu nooleeyey dadka oo dhan.
(33) 33. Ciqaabka kuwa la dagaallama Allaah iyo Rasuulkiisa6 ee ku dadaala inay ku falaan fasahaad arlada wax kale maahee waa uun in la dilo ama la daldalo ama loo gooyo gacmahooda iyo addimahooda is dhaaf7, ama la xabbiso. Arrinkani waa dulli ku raaca adduunkan, Aakhiradana waxay leeyihiin Cadaab daran.
6. Ku qaada dagaal ilaahay iyo Rasuulkiisa waxaa loola jeedaa kuwa sameeya oo la yimaada fadqallo, fowda, fashaad iyo argagixin dadka ama khiyaano qaran ama jid gooyo, ama ku soo qaada weerar dawladda islaamka.
7. Goynta gacanta midigta iyo lugta bidix, oo hadduu mar kale fasahaadkaa oo kale falo waxaa laga goyn gacanta bidix iyo lugta midig.
(34) 34. Marka laga reebo kuwa toobad keena inta aydaan qaban ka hor, marka ogaada inuu Allaah yahay Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(35) 35. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray), oo u doonta xaggiisa dhowaansho, una jihaada Jidkiisa Aad liibaantaane.
(36) 36. Kuwa xaqa diida hadday lahaan lahaayeen waxa jira arlada oo dhan iyo wax sidaa oo kale u badan oo wehliya si ay isaga furtaan cadaabka Maalinta Qiyaamaha lagama aqbalayo, waxayna leeyihiin Cadaab xanuun Badan.
(37) 37. Waxay dooni inay ka soo baxaan Naarta, kamana baxaan xaggeeda, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah.
(38) 38. Tuugga iyo tuugadda gooya gacmahoo- da, ciqaab ahaan waxay galabsadeen awgii, waa ciqaab eed siin ah xagga Alle. Allena waa Adkaade, Xakiim ah.
(39) 39. Qofkii se toobad keena kaddib markuu gef galay ee hagaajiya (naftiisa), Allaah wuu ka toobad aqbali. Hubaal Allaah waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(40) 40. Miyaadan ogeyn in Allaah leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Wuxuu cadaabi qofkuu doono oo u denbi dhaafi qofkuu doono. Allena wax walba wuu Karaa.
(41) 41. Rasuulow yeysan ku murugeyn kuwa u dheereeya gaalnimada oo ah munaafiqiinta ka yidhaahda afafkooda: Waan rumeynay, quluubtooduse aanay rumeyn, iyo kuwa ka mid ah kuwaa heysta Yuhuudiyada, waa aad u dhageystayaal beenta - dhageysta dad kale aan kuu imaan8. Waxay ka duwaan ereyada (Xukunkaa sharciga) meelahooda (ku habboon); waxay yidhaahdaan: Haddii la idin siiyo kan (xukunka ay rabaan oo ah in la jeedalo kuwa zinaysta ee horey u soo guursaday) qaata, haddiise aan la idin siinin (oo ay tahay in dhagax lagu dilo sida Towraadda ku taal), markaa (ha qaadannina oo) digtoonaada. Qofkuu Allaah doono inuu fidmeeyo, waxba ugama tari kartid xagga Ilaahay, kuwaasi weeye kuwa uusan Allaah doonin inuu daahiriyo quluubtooda; waxay leeyihiin adduunyada dulli, waxayna ku leeyihiin Aakhirada Cadaab daran.
8. Yuhuudda waa kuwo ka dhageysta been culimadooda aan la kulmin Nabiga s.c.w. ama waxay dhageystaan hadalka Nabiga s.c.w. kaddib waxay ugu gudbiyaan culimadooda iyo asxaabtooda si been ah.
(42) 42. (Yuhuuddaa) waa been dhageystayaal, xaaraan quutayaal. Sidaas awgeed hadday kuu yimaadaan, u kala garsoor ama iskaga jeeso, haddaad ka jeesato waxba kaama dhimaan. Haddaad u kala garsoortana, ugu kala garsoor caddaalad dhexdooda. Hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa wax u garsoora si caddaalad ah.
(43) 43. Sidee bay kaaga dhigan garsoor, iyagoo heysta Towraadda oo uu ku yaal xukunkii Ilaahay (oo cad oo ah in dhagax lagu dilo cidday ku caddaato zino iyagoo guur horey u soo maray)?. Markaasna ay jeestaan intaasi ka ddib. Kuwani ma aha mu’miniin.
(44) 44. Waxaanu soo dejinnay Towraadda uu ku sugnaa Hanuun iyo Nuur, oo ay Nabiyadii u hoggaansamay (Allaah) ugu kala garsooreen (arrimaha) kuwaasi ahaa Yuhuudda, sidaas bayna yeeleen Rabbi yaqaannadii iyo culumadii (Yuhuudda), kuwaasoo la saaray inay wax ka dhowraan Kitaabka Ilaahay, waxayna ka ahaayeen markhaati. Ee ha ka baqina dadka ee iga baqa Aniga (Allaah) Keliya, hana ku iibsannina Aayadahayga qiimo yar. Qofkii aan wax ku xukumin wuxuu Allaah soo dejiyey, kuwaasi weeye kuwa gaalada ah.
(45) 45. Waxaana ugu qornay (Towraadda): in naf loo qaado naf9, ilna il, sankana san, dhegtana dheg, iliggana ilig, Nabarradana waa in laysu dhaawac simo. Kiise sadaqeysta (iska saamaxa oo ka tanaasula xaqiisa Ilaahay darti), waxaa loogu dhaafi denbigiisa. Qofkaan wax ku xukumin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
9. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma bannaana in la daadsho dhiig qof Muslim ah oo qira inuusan jirin la caabude xaq ah aan ahayn Allaah iyo inaan anigu ahay Rasuulkii Ilaahay haddii uusan la iman seddex arrimoood middood: Qof horay u guursaday oo zineysta, ama qof loo dilo qof uu dilay, ama qof ka baxa diinta Islaamka oo ka taga kulanka Muslimka. w.w. Al-Bukhaari
(46) 46. Waxaan raacsiinnay raadkoodii Ciise ina Maryam, rumeyn wixii hortiisa ahaa ee Towraadda; Waxaana siinnay Injiilka uu ku sugnaa Hanuun iyo Nuur oo rumeyn wixii hortiis ahaa ee Towraadda, oo hanuun iyo waano u ah kuwa iska jira (xumaha) .
(47) 47. Ee ehlu Injiilka wax ha ku garsooreen waxa Allaah ku soo dejiyey. Qofkiina aan wax ku garsoorin wuxuu Allaah soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa caasiyiinta ah.
10. Waa inay Ehlu Injiilka wax ku xukumaan waxa uu Allaah ku soo dejiyey, ilaa uu Qur’aan ka soo dego la xiriira waxaa.
(48) 48. Waxaana kugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) oo Xaq ah isagoo rumeyn wixii ka horreeyey oo Kitaab ah oo isla markaa markhaati iyo ilaaliye u ah. Ee ugu kala garsoor dhexdooda wuxuu Allaah soo dejiyey, hana raacin hawadooda adigoo ka leexanaya waxa kuu yimid oo Xaq ah. Mid walbaa oo idin ka mid ah, waxaan u yeellay sharci iyo waddo (cad ee diinta). Hadduu Allaah doono, wuxuu idin ka yeeli lahaa (dhammaantiin) ummad keliya, waase si uu idiinku imtixaano wuxuu idin siiyey; ee u tartama samaha. Waa Xagga Alle meel noqodkiinna dhammaantiin; markaasuu idiin sheegi waxaad isku khilaafsaneydeen.
(49) 49. Ugu kala garsoor dhexdooda wuxuu Allaah soo dejiyey oo Waxyi ah, hana raacin hawadooda, oo ka digtoonoow inay kaa jeediyaan qaar ka mid ah wuxuu Allaah kugu soo dejiyey oo Eaxyi ah. Hadday jeesadaanna, markaa ogow inuu Allaah rabo inuu ku ciqaabo denbiyadooda qaarkood. In badan oo dadka ka mid ahina waa caasiyaal.
(50) 50. Ma garsoorkii (waqtigii) jaahiliyadda baa waxay rabaan? Kumaa se Alle uga garsoor wanaagsan ciddii yaqiinsan?
(51) 51. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina Yuhuudda iyo Nasaarada sokeeyayaal, iyagaa qaarkoodba sokeeye u ah qaarka kale, qofkii idinka mid ah ee ka dhigta sokeeye, wuxuu ka mid yahay iyaga. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.
(52) 52. Waxaad arki kuwa uu quluubtooda ka jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) oo u degdegaya xaggooda, iyagoo leh: Waanu baqaynaa si ayan noogu dhicin dhibaato (socota). Waxaase laga yaabaa in Allaah keeno guul ama ciqaab Xaggiisa ah oo markaas ay ahaadaan kuwo waxay ku qarsanayeen nafahooda ka shallaaya.
(53) 53. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay odhan: Ma kuwan baa kuwii ku dhaartay Allaah dhaarahooda midda ugu culus inay idin la jireen? Acmaashooda waxba kama jiraan, waxayna ahaadeen kuwo khasaaray.
(54) 54. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qofkii idinka mid ah ee ka noqda diintiisa, wuxuu Allaah keeni qolo uu jecel yahay, iyaguna jecel, u nugul mu’miniinta, ku ad-adag gaalada, u jihaada Jidka Ilaahay, oo aan ka cabsan canaanta canaante. Kaasi waa Fadliga Ilaahay, Wuxuu siiyaa qofkuu doono. Allena waa Deeq Ballaarane, wax kasta Og.
(55) 55. Sideedaba Gargaarahiinnu Waa Allaah, iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeeyey - kuwa ooga salaadda, oo bixiya Zakada iyagoo rukuucsan (u hoggaansan Alle).
(56) 56. Qofkii sokeeye ka dhigta Allaah iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeeyey, hubaal xisbiga Ilaahay waa iyaga kuwa lib heli.
(57) 57. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina kuwa ka dhigta diintiinna jeesjees iyo ciyaar ee ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiin, iyo gaalada (mushrikiinta ah) sokeeye; Allena ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray), haddaad tihiin mu’miniin.
(58) 58. Markaad u addintaan salaadda, waxay ka dhigtaan jees jees iyo cayaar. Arrinkani waxaa ugu wacan waa qolo aan garasho lahayn.
(59) 59. Dheh: Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ma waxaad nagu eedeysaan waxaan ahayn inaan rumeynay Allaah, iyo waxa naloo soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey oo Waxyi ah awal hore, iyo inaad badankiin idinku tihiin caasiyaal.
(60) 60. Dheh: Ma idiin sheegaa (waxa) ka meeqaan liita kani abaal marin ahaan xagga Alle, (waxaa ka meeqaan liita) kan uu Allaah nacladay oo u cadhooday, oo uu ka yeelay daayeerro iyo doofaarro, iyo kan caabuday Shaydaanka; kuwaa baa u liita meeqaan ahaan aadna uga lunsan Jidka Toosan (ee Islaamka).
(61) 61. Markay idiin yimaadaan waxay yidhaahdaan: Waanu rumeynay (Xaqa); iyagoo xaqiiq la soo gala gaalnimo, oo la baxa. Allena wuu og yahay waxay qarin.
(62) 62. Waxaad arkeysaa in badan oo ka mid ah oo kula tartamaya midkoodba kan kale u degdegidda denbiga iyo xad gudubka, iyo cunistooda waxa xaq darrada lagu kasbado. Xumaan badanaa waxay falaan.
(63) 63. Maxay uga reebi waayeen Rabbi yaqaannada iyo culimadu hadalkooda denbiga ah iyo cuniddooda waxa xaqdarrada lagu kasbado. Xumaan badanaa waxay sameeyaan.
(64) 64. Yuhuuddu waxay yidhaahdeen: Gacanta Ilaahay way xidhan tahay! Gacmahoodu baa la xidhi oo waxaa loo nacladaa waxay ku hadleen dartii. Mayee, Labadiisa Gacmood way fidsan yihiin. Wuxuu wax u baxshaa siduu doono. Wuxuu u kordhiyaa kuwo badan oo ka mid ah waxa lagaaga soo dejiyey oo Waxyi ah xagga Rabbigaa xadgudub iyo gaalnimo. Waxaana dhignay cadaawad iyo isnac dhexdooda ilaa Maalinta Qiyaamaha; Mar kasta oo ay huriyaan dab dagaal, Allaah baa damiya; waxayna ku dadaalaan inay ku fidiyaan fasahaad arlada. Allena ma jecla kuwa fasahaad falayaasha ah.
(65) 65. Oo hadday ehlu-Kitaabku rumeeyaan oo ay iska ilaaliyaan (shirkiga iyo macaasida) waxaan u asturi lahayn xumahooda (denbiyada yar yar), waxaana galin laheyn beero barwaaqo ah (Janno).
(66) 66. Hadday oogaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxaa looga soo dejiyey xagga Rabbigood (Qur’aanka), waxay ka cuni lahaayeen (risiq) korkooda iyo cagahooda hoostooda. Waxaa ka mid ah ummad qaadda jid dhexdhexaad ah, in badanse oo ka mid ah waxaa xun waxay falaan.
(67) 67. Rasuulkow! Gaarsii waxa lagaaga soo dejiyey oo Waxyi ah xagga Rabbigaa. Haddaadan falin, ma aadan gaarsiin Fartiintiisa. Alle baana kaa ilaalin dadka. Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada ah.
(68) 68. Dheh: Ehlu-kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ma raacdaan waxba wax ku ool ah jeer aad oogtaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxa la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin (Qur’aanka); wuxuuna u kordhin in badan oo ka mid ah waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa xadgudub iyo gaalnimo. Ee ha u murugoon qolodaa gaalada ah.
(69) 69. Kuwa (Xaqa) rumeeyey (ee ka mid ah ummaddan), kuwii heystay Yuhuudiyadda, Saabbi’iintii, iyo Nasaaradii (ahaa Nabi Muxammad horti) - qofkii rumeeyey Allaah iyo Maalinta Aakhiro, oo sama falay, ma qabi doonaan cabsi, mana murugoon doonaan.
(70) 70. Waxaan dhab ahaan la galnay Axdi Ilmahii Israa’iil oo Waxaan u dirnay Rusul. Mar kasta uu ula yimaado Rasuul wax aanay nafahoodu dooneyn, qaar (ka mid ah) way beeniyeen, qaarna way dileen.
(71) 71. Waxayna moodeen inaysan jireyn wax Fidna ah, markaasay noqdeen kuwo indha la’ oo dhega la’, haddana Allaah wuu ka toobad aqbalay, ha yeeshee in badan oo ka mid ahi waxay noqdeen kuwo indha la’ oo dhega la’. Allena wuu arkaa waxay falaan.
(72) 72. Waa gaalo kuwa yidhaahda: Allaah, waa Masiixa ina Maryam; Masiixuna wuxuu yidhi: Ilmahii Israa’iiloow! Caabuda Allaah Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiin. Qofkii wax la wadaajiya (cibaadada) Alle, markaa wuxuu Allaah ka xaaraantinimeeyey Jannada, hoygiisuna waa Naarta. Daalimiintuna ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada ama u shafeeci).
(73) 73. Waa gaalo kuwa yidhaahda: Allaah, waa saddexeenka seddexda. Mase jiro Ilaah aan ahayn Allaah Keliya. Haddayna ka hari waayaan waxay leeyihiin, Cadaab xanuun badan baa ku dhici kuwa iyaga ka mid ah ee Xaqa diida.
(74) 74. Mawaysan u toobad keeneyn Allaah oo weydiisanayn Denbi Dhaafkiisa? Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(75) 75. Masiixa ina Maryam ma ahayn waxaan ahayn Rasuul; waxaa tagey hortiis Rusul badan, hooyadina waxay ahayd run badan; waxay labaduba cuni jireen cunnada. Eeg sidaan ugu caddeyno Aayadaha, misna eeg sida loo iilo.
(76) 76. Dheh: Ma waxaad caabudeysaan Allaah ka sokow wax aan idiin hanan karin dhib iyo dheef midna? Allena waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
(77) 77. Dheh: Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ha ku xad dhaafina camalkiinna xaq darro, hana raacina hawada dad dhumay mar hore, oo in badan dhumiyey, oo ka dhumay Jidka Toosan (ee Islaamka).
(78) 78. Kuwii xaqa diiday ee ka midka ahaa Ilmahii Is’raaiil waxaa lagu nacladay carrabka Daawuud iyo Ciise ina Maryam. Waxaa arrinkani ugu wacnaa inay caasi-yeen darteed oo xadugudub sameyn jireen.
(79) 79. Iskama ay reebi jirin waxyaalaha xun ay falaan. Xumaan badanaa waxay falayeen.
(80) 80. Waxaad arki in badan oo ka mid ah oo ka dhiganaya sokeeye gaalada. Xumaa waxay naftoodu u hormarisey oo ah inuu Alle u cadhooday, oo cadaabtay ku waari weligood.
(81) 81. Hadday yihiin kuwo rumeysan Allaah iyo Nabiga iyo waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah, kama ay dhigteen sokeeye iyo saaxiibbo, in badanse oo ka mid ah waa caasiyaal.
(82) 82. Waxaad heli kuwa uga cadaawad qaad badan mu’miniinta inay yihiin Yuhuudda iyo kuwaa ah mushrikiinta, waxaadna heli kuwa ugu jaceyl dhow mu’miniinta inay yihiin kuwa yidhaahda: Waxaanu nahay Nasaaro. Waxaa arrinkani ugu wacan inay ka mid yihiin qaysas iyo ruhbaan, iyo inaysan iskibrin darteed.
(83) 83. Markay maqlaan waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah Rasuulka, waxaad arki indhahooda oo ay ka qubanayso ilmadu Xaqa ay garteen awgii.Waxay yidhaahdaan: Rabbigayow! Waan rumeynay; ee nagu qor la jirka kuwa ka marag kaca Xaqa.
(84) 84. Maxaanaan u rumeyneyn Allaah iyo waxa noo yimid ee Xaqa ah, oo aannaan u damceyn inuu Rabbigeen na geliyo (Jannada) la jirka dadkaa wanaagsan (Nabi Muxammad iyo asxaabtiisa).
(85) 85. Markaasuu Alle ku abaal mariyey waxay yidhaahdeen awgeed beero (Jannooyin) ay webiyadu hoos qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya. Taasina waa abaal marinta sama falayaasha.
(86) 86. Kuwase Xaqa diida oo beeniya Aayadahayaga, kuwaa waa ehlu Naarka.
(87) 87. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha xarrimina Waxyaalaha wanaagsan uu Allaah idiin banneeyey, hana xad gudbina, Hubaal, Allaah ma jecla kuwa xadgudba.
(88) 88. Cuna wuxuu Alle idin siiyey oo xalaal wanaagsan ah, kana cabsada Alle, ee ah Kan aad rumeysan tihiin.
(89) 89. Allaah idiin ma qabto waxa aydaan dan ka lahayn ee aad isaga dhaarataan (ujeeddo la’aan), wuxuuse idiin qaban (jabinta) dhaarahiinna aad si kas ah u gashaan. Kafaaragudkeedu waa quudin toban qof oo miskiin ah (aad siisaan) kan u fiican waxaad ku quudisaan reerihiinna ama u arrad tirkooda, ama xoreyn addoon. Qofkiise aan heli karin waa inuu soomo seddex maalmood (oo xidhiidh ah). Kani waa kafaara gudka dhaarihiinna markaad dhaarataan. Ee dhowra dhaarihiinna. Sidaasuu Allaah idiinka dhigaa caddaan Aayadihiisa si aad u mahdisaan.
(90) 90. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Sideedaba Khamrada iyo qamaarka iyo (wax u hibeynta) sanammada iyo faalku11 waa qurun camal shaydaan ah ee ka fogaada aad liibaataane.
11. Azlaam: waa fallaar aan lahayn baal ama dhogor ay qaadan jireen dadkii jaahiliyadda waagii jaahiliyadda ay ku qori tuuran jireen markay arrin damcaan, waxay soo qaadan jireen seddex fallaarood: ay midi ku dhigan tahay: fal, midka labaadna ha falin, kan seddexaad: ku celi mar kale. Waxaa la dhigi jirey meel, kaddib lagu xafidi jirey Kacbada. Hadday arrin damcaan waxay amri jireen furahayeenka Kacbada inuu midkood soo qaado, hadday gacantiisa ku soo dhacdo midka ay ku dhigan tahay fal, wuxuu wadanayey arrinkiisa, haddiise u soo baxdo midka ay ku dhigan tahay ha falin, wuu iska deynayey arrinkaa, hadduu u soo baxona ku celi, wuu ku celinayay qori tuurashada.
(91) 91. Shaydaan wuxuu uun rabaa inuu idinku dhex dhigo colaad iyo isnac khamrada iyo qamaarka, oo idinka jeediyo xusidda Ilaahay iyo salaadda,ee ma ka joogeysaan?
(92) 92. Adeeca Allaah adeecana Rasuulka oo digtoonaada. Haddiise aad jeedsataan, ogaada waxaa uun saaran Rasuulkayaga Gaarsiin Cad.
(93) 93. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala ma jiro wax denbi ahi oo ku saaran waxay cuneen (ama cabbeen intaan la xaaraanti- meyn), hadday iska jiraan xumaha (oo gutaan xilka saaran diin ahaan), oo rumeeyaan oo camallo san falaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo gutaan (waajibka saaran) oo rumeeyaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo sama falaan. Allena wuxuu jecel yahay sama falayaasha.
(94) 94. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wuxuu Allaah idinku imtixaani wuxuun (la xidhiidha) ugaadha oo ay gaari karaan gacmihiinna iyo warmihiinnu, si uu Alle u muujiyo kan ka cabsada isagoo aan cidi arkeyn. Qofkii se xadgudba intaa kaddib, wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan.
(95) 95. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha dilina ugaadha12 idinkoo xidhan (Xaj ama Cumro), qofkii idinka mid ah oo u dila ula kac (ugaadh isagoo xidhan Xaj ama Cumro), ganaaxiisu waa xoolo nicmooley ah oo u dhigma wuxuu dilay oo sida ay u xukumaan ah labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ahi hadyi la keenayo Kacbada, ama kafaara gud quudin dad masaakiin ah ama dhigankeed oo soon ah, si uu u dhadhamiyo culeyska (natiijada) falkiisa, Allaah wuu idinka cafiyey wixii tegay, qofkii u noqdaa (denbigaa) mar kale, Allaah wuu ka aar gudan. Allena waa Adkaade, Aar goosi leh.
12. Ugaadha waa isku wada mid kuwo ay bannaan yihiin cunistooda iyo kuwa aanay bannaanayn, marka laga reebo tukaha, dib qallooca, jiirka, iyo eyga falya goyska ah, werinna waxay leedahay waa sidoo kale maska waa la dili iyaga.
(96) 96. Waxaa la idiin banneeyey ugaadha badda aad ugaarsataan iyo cunnadeedaba - sahay aad leedihiin idinka iyo kuwa socdaalka ah, waxaase la idinka reebay ugaadha barriga aad ugaarsataan inta aad xidhan tihiin (Xaj ama Cumro), dhowrana (xilkuu idin saaray) Allaah ee ah Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin.
(97) 97. Allaah wuxuu u yeelay Kacbada Beydka Xurmadda leh daryeel dadka awgi iyo bisha xurmadda leh iyo hadyiga iyo xoolaha qurbaanka ee calaamadeysan, arrinkani waa si aad u ogaataan in Allaah og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, iyo in Alle Og yahay wax walba.
(98) 98. Ogaada in Allaah Ciqaabkiisu Daran yahay, iyo in Allaah Denbi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay.
(99) 99. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn gaarsiinta (Dhambaalka). Allena wuu Ogyahay waxaad muujisaan iyo waxaad qarisaanba.
(100) 100. Dheh: Ma sinna waxa xun iyo waxa fiican, walow aad la yaabto badnaanta waxa xun. ee dhowra (xilkuu idin saaray) Allaah wax garadkow aad liibaantaane.
(101) 101. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka keenina su’aalo waxyaalo haddii la idiin caddeeyo aad ku dhibtoon kartaan. Haddiise aad ka keentaan su’aalo marka Qur'aanka la soo dejinayo waa la idiin caddeyn. Allaah wuu idinka cafiyey, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
(102) 102. Dad idinka horreeyey baa keenay su’aalahaa oo kale, markaasay noqdeen kuwo Xaqa diida.
(103) 103. Ma uusan amrin Allaah (yeelashada) Baxiirah (xoolo caanahooda sanamyada loo bixiyo) ama Saa’ ibah (xoolo sanamyada dartood loo sii daayo) ama Wasiilah (xoolo sanamyada lagu sadaqeysto) ama Xaam (riti sanamyada loo daayo) laakiinse gaaladu waxay ka been sheegaan Allaah, badankooduna ma laha garasho.
(104) 104. Marka lagu yidhaahdo: U kaalaya waxa uu Allaah soo dejiyey oo Waxyi ah iyo xagga Rasuulka. Waxay yidhaahdaan: Waxaa nagu filan waxaan ka hellay aabbayaashayo, oo haddii aysan aabbayaashood wax ogeyn oo aanay hanuunsanayn (ma raacayaan).
(105) 105. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wuxuu xil idinka saaran yahay nafahiinna. Wax dhib ah idinkama soo gaari karaan ciddii lunta markaad idinku hanuunsan tihiin. Waa xagga Ilaahay meel noqodkiinna dhammaantiin, markaasuu idiin sheegi waxaad fasheen.
(106) 106. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marag gashada dhexdiinna markay geeridu ku soo dhowaato midkiin, marka uu dardaarmayo, labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ah ama labo kale oo qeyrkiin ahba, haddaad socdaal ku tihiin arlada oo ay musiibada mowdku idin hesho. Labada (marag) waa inaad joojisaan salaadda (Casar) kaddib, markaa haddaad ka shakidaan13, waa inay ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya): Innagu ku qaadan meyno wax dheef adduun ah arrinkani, qaraababa ha ahaadee, mana qarineyno Maragga Ilaahay, (haddii kale markaa) waxaanu ka mid ahaan denbiilayaasha.
13. Inay markhaati been ah furaan ama been ku dhaartaan.
(107) 107. Markaa haddii la ogaado inay muteen denbi, labo kale baa meeshooda joogsan (oo la dhaarin), ka mid ah kuwaa xaq ku sheeganaya, labada u xiga qaraabo ahaan. Markaa waa inay labadaa ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya) wallee maraggayaga baa ka xaqsan maraggooda, mana xadgudbin, (haddaan xadgudubno) waxaanu markaa ka mid ahaan daalimiinta
(108) 108. Arrinkaa baa wanaagsan si ay ula yimaadaan maragga wejigiisa runta ah, ama waxay ka cabsan in dhaaraha (kale) la qaato14 dhaarahooda kaddib. Ee Alle ka cabsada (Oo dhowra xilkuu idin saaray) waxna maqla. Allena ma hanuuniyo qolodaa caasiyaasha ah.
14. In la celiyo dhaarahooda waa markhaatiyada dadka aan idinla diinta ahayn, waxaa lagu celiyaa markhaatiyada dadka idiin dhow, kuwa been ku dhaartana waxaa laga goyn adduun iyo aakhiroba beentaas ay ku dhaarteen.
(109) 109. Maalinta uu Allaah wada kulmin Rususha oo ku odhan: Maxaa la idiinku jawaabay? Waxay odhan: ma aynu ogin, Adaa ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon.
(110) 110. Marka Allaah odhan: Ciise ina Maryamow! Xusuuso Nicmaddeyda aan ku dul mannaystay adiga iyo hooyadaaba, markaan kugu xoojiyey Ruuxa Daahirka (Jabriil), waxaad la hadashay dadka adigoo caydin dhashay ah iyo adigoo garmadoobe ah; iyo markaan ku baray Qoraalka, Xikmadda, Tawraadda, iyo Injiilka; iyo markaad ka yeelaysay dhoobada wax u eg shimbir Aniga Idankay, oo aad afuufaysay, markaasna ay noqonaysay shimbir Idankay, oo aad bogsiisay indhoolaha iyo baraslaha Idankayga, oo aad ku soo saartay meytida Idankeyga. Markaan kaa celiyey Ilmahii Israa’iil kolkaad ula timid Xujooyin cad, ha yeeshee kuwii Xaqa diiday ee ka midka ahaa yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir cad.
(111) 111. Markaan u waxyooday xawaariyiintii (anigoo ku leh): I rumeeya Aniga iyo Rasuulkaygaba, waxay yidhaahdeen: Waan rumeynay oo marag ka how inaanu nahay Muslimiin.
(112) 112. (Xusuuso) markay xawaariyiintii yidhaahdeen: Ciise ina Maryamow! Ma oggolaan Rabbigaa inuu nooga soo dejiyo xeero cunto ah samada? Wuxuu yidhi: Ilaahay ka cabsada, haddaad tihiin mu’miniin.
(113) 113. Waxay yidhaahdeen: Waxaan rabnaa inaan wax ka cunno, oo ay ku degaan quluubtayada, oo aan ogaanno inaad run noo sheegeyso, oo ka ahaanno markhaatiyo arrinkaa.
(114) 114. Ciise ina Maryam wuxuu yidhi: Allahayow! Rabbigayow! Nooga soo deji xeero cunto ah samada, oo u noqota ciid kaayaga hore iyo kaayaga dambaba iyo calaamo xaggaaga ah; oo na sii risiq, Adigaa u wanaagsan inta wax arsaaqda'e.
(115) 115. Allaah wuxuu yidhi: Waan idinku soo dejin, ee qofkii idinka mid ah ee gaalooba markaas kaddib, waxaan cadaabi cadaab aan cadaabeyn axad ka mid ah ummadaha.
(116) 116. Marka Allaah odhan: Ciise ina Maryamow! Ma adigaa ku yidhi dadka: Iga dhigta Aniga iyo hooyaday labo ilaah Allaah ka sokow? Wuxuu odhan: Xurmo oo dhan Adigaa leh oo hufan! Igama suurta gasho inaan idhaahdo wax aan xaq u lahayn. Haddaan odhan lahaa, waad ogaan laheyd. Waxaad Og tahay waxa ku jira nafteyda, Aniguse ma ogi waxa ku jira Naftaada. Adiga ayaa ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon ee aan muuqan.
(117) 117. Kuma aan odhan waxaan ahayn waxa aad i amartay oo ah: Caabuda Allaah Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiinba, Waxaana anigu markhaati ka ahaa intaan la joogay, markaad se anigoo hurda (dhimasho la'aan kor ii qaadday anigoo isku dhan jidh iyo ruuxba), Adiga baa dhuganayey dhugasho dhan oo joogto ah, Adigaana Marag ka ah wax walba oo u jeeda.
(118) 118. Haddaad cadaabeyso, waa addoommahaaga, haddaad u denbi dhaafeysona, Adigaa ah Adkaadaha aan laga adkaan, Xakiimka ah.
(119) 119. Allaah wuxuu odhan: Kanu waa Maalin ay runtoodu wax u tari runlowyada, waxay leeyihiin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyadu qulqulaan iyagoo ku dhex waaraya weligood. Allaah raalli buu ka yahay, iyaguna raalli ka yihiin. Taasina waa liibaanta weyn.
(120) 120. Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa gudahooda ahba, Allena wax kasta ( uu doono) wuu Karaa.