80 - Suurada Cabasa ()

|

(1) 1. (Wejiguu) kuduuday oo jeesaday (Nebiga s.c.w),

(2) 2. Inuu u yimid indhoolihii1 darteed,
1. Waa Cabdullaah ibn Um Maktuum a.k.r.

(3) 3. Miyaad ogtahay (Nabiyow) waa intaasoo hanuuno oo daahir noqdo,

(4) 4. Ama waansamo, waanaduna anfacdo.

(5) 5. Kan is deeqtoonaysiiya (ee isla weyn),

(6) 6. Miyaad adigu u bambixi,

(7) 7. Eedna kaama saarna hadduusan hanuunin oo daahirin naftiisa,

(8) 8. Kan se kuu yimid isagoo dadaalaya,

(9) 9. Oo (Alle ka) baqa,

(10) 10. Miyaad adigu ka mashquuli.

(11) 11. Mayee, hubaal Aayadahani waa waano.

(12) 12. Ee qofkii doona ha ku waano qaato.

(13) 13. Waxay ku sugan tahay (waanadan) kutub la sharfay (Looxa Maxfuudka).

(14) 14. Kor ah, la dahiray.

(15) 15. Ku jira gacmaha qorayaal (malaa’ig).

(16) 16. Sharaf leh oo baariyaal ah.

(17) 17. Belo ha ku dhacdo aadmigee (kan gaalka ahi)! Muxuu jazaar yahay!

(18) 18. Muxuu Alle ka abuuray?

(19) 19. Mani yar buu ka abuuray wuuna ekeeyey.

(20) 20. Markaas uga dhigay sahal dhabbaha (waa ka soo bixitaanka uurka hooyadi ama dhabbaha nolosha Ama jidka hanuunka);

(21) 21. Markaasuu sababaa inuu dhinto, oo u yeelaa qabri;

(22) 22. Markuu doonana wuu soo bixin.

(23) 23. Mayee, ma uusan yeelin wuxuu amray.

(24) 24. Ee qofku bal ha eego cunnadiisa.

(25) 25. Annagaa soo shubna biyaha (roobka) soo shubid badan,

(26) 26. Markaas Waxaan jeexnaa arlada jeexdin.

(27) 27. Oo ka soo bixinnaa hadhuudh,

(28) 28. Iyo cinab iyo naq.

(29) 29. Iyo saytuun iyo geedo timireed.

(30) 30. Iyo beero tanaad ah.

(31) 31. Iyo midho iyo caws.

(32) 32. Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolihiinnuba.

(33) 33. Markase ay qeylada dhego beelisada ah timaaddo (afuufka labaad ee Buunka).

(34) 34. Maalinta uu qofku ka carari walaalki,

(35) 35. Iyo hooyadi iyo aabbihi.

(36) 36. Iyo xaaskiisa iyo ilmahiisa,

(37) 37. Qof walba oo ka mid ah Maalinkaas waxaa heysan arrin ku filan.

(38) 38. Wejiyo (qaar) Maalinkaas way ifi.

(39) 39. Iyagoo qosli ku faraxsan (Jannada) loogu bishaareyey.

(40) 40. Wejiyona Maalinkaas (Qiyaame) waxay ahaan kuwo booreysan dulli ka muuqdo;

(41) 41. Mugdi baa dabooli (iyo naxdin).

(42) 42. Kuwaasi waa kuwa ah gaalada, denbiilayaasha.