11 - Suurada Huud ()

|

(1) 1. Alif Laam Raa1. (Kani waa) Kitaab (Qur’aan), Aayadihiisa la sugay, lagana soo caddeeyey2, Xagga Xakiim, Xog Ogaal ah.
1. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda1. 2. Wuxuu u kala dhigdhigaa noocyo leh: towxiid, axkaan, qisooyin, anshaxa iyo asluubta wanaagsan, dabeecadda san, cilmi, yabooh, gooddin, iwm oo wuxuu isugu xijiyaa Suurad Suurad, iyo Aayad Aayad.

(2) 2. Inaydaan caabudin waxaan ahayn Alle. Anigu waxaan idiin ahay Xaggiisa dige iyo bishaareeye.

(3) 3. Weydiista denbi dhaaf Rabbigiin, una toobad keena, wuxuu idin siin sahay wanaagsan ilaa muddo magacaaban, kuna galladeysan Fadligiisa mid kastoo wanaagsan oo khayr qabe ah. Haddiise aad jeesataan, waxaan anigu idiinka cabsan cadaab Maalin Weyn.

(4) 4. Waa xagga Alle meel noqodkiinna, wax walbana wuu Kara.

(5) 5. Ogaada, hubaal, waxay laabaan laabahooda, si ay uga qariyaan3 (cadaawadooda) Xaggiisa. Markayse isku dedaan maryahooda, Wuxuu Ogsoon yahay waxay qarsadaan iyo waxay muujiyaanba, wuu Og yahay waxa ku jira laabaha(dadka).
3. Waxay qarsadaan cadaawad iyo nifaaq iyo naceyb ay u hayaan Rasuulka Ilaahay s.c.w.

(6) 6. Ma jiro noole ku sugan dhulka oo aysan Allaah irsaaqaddiisu saarnayn. Wuxuuna Og yahay4 rugtiisa hoyaadka u ah iyo halka uu ku kaydsan yahay. Dhammaan waxay ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).
4. Mufasiriinta qaarkood waxay ku fasireen mustaqirrahaa adduunka, mustowdicna aakhirada, qaarkoodna waxay yidhaahdeen: mustaqirrahaa waxaa loola jeeda dhabarka ninka, mustowdicna riximka haweenta (ilma galeenka), waxaa kaloo lagu fasiray inta uusan dhalan ka hor, iyo kaddib dhimashadiisa.

(7) 7. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix Maalmood, Wuxuuna ahaa Carshigiisu biyo korkood5, si uu idiin imtixaamo kiinna idiinku camal wanaagsan. Haddaad tidhaahdo: Waa la idin soo bixin dhimasho kaddib. Waxay kuwa xaqa diida odhan: (Qur’aan)kani ma aha waxaan aheyn sixir caddaan ah.
5. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Allaah Kor ahaaye wuxuu leeyahay: “Wax la bax (ina aadamow) si aan wax kuugu bixiyo oo kuu siiyo. (ogaada) Gacanta Ilaahay waa buuxdaa, mana saameyso wax bixinta joogtada ah habeen iyo maalinba. Soo ma aragtid in wixii uu bixiyey tan iyo intii uu abuuray samooyinka iyo arlada, waxba ayan ka dhimin waxa ku jira Gacantiisa, Carshigiisuna wuxuu ahaa biyo korkiisa, waxaana gacantiisa ah miisaanka uu ku kor yeelo ama hoos yeelo (meeqaanka qofkuu doono). W.w. Al-Bukhaari.

(8) 8. Haddaan dib uga dhigno cadaabka ilaa muddo tirsan, waxay odhan: Maxaa haysta oo celinaya? Maalinka uu u iman cadaabku, ma aha wax laga weecin, waxaana ku dhici waxay ku jees jeesayeen.

(9) 9. Haddaan ka dhadhansiinno aadmiga Xaggayaga Naxariis, markaas aan ka qaadno, wuxuu noqdaa mid quusta, dafiraad iyo abaal dhac badan.

(10) 10. Haddaan dhadhansiinno khayr, kaddib dhib taabtay, wuxuu odhan: Way i dhaafeen dhibaatooyinkii, wuxuu noqdaa mid farxa faan badan.

(11) 11. Kuwa samra mooyee oo samaha fala, kuwaas waxay leeyihiin dambi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno).

(12) 12. Waa intaasoo aad ka tagto qaar ka mid ah waxa laguu waxyoodo6, oo ay ku cidhiidhi noqoto laabtaadu inay yidhaahdaan darteed: Maxaa khaznad loogu soo dejin waayey, ama uu u soo raaci waayey Malag? Waxaad adigu tahay oo keliya dige. Alle baana wax walba xafida.
6. Tixgelin dhibaatooyinka la soo gudboonaada Nabiga s.c.w, Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu ku gubaabiyey inuu samir yeesho, yaqiin, sugnaan, si uusan u gabin gaarsiinta Dhambaalka.

(13) 13. Mise waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh: Keena toban suuradood la been abuurtay oo la mid ah, oo u yeedha (inay idinku caawiyaan) ciddaad kartaan Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan.

(14) 14. Haddiise aysan idin ajiibin, ogaada in lagu soo dejiyey (Qur’aanka) Cilmiga Ilaahay7 iyo inuusan jirin ilaah (Xaq lagu caabudo) Isaga (Allaah) maahee. Ee ma (u) hoggaansameysaan?.
7. Waa Cilmigaas aanu jirin cid leh Isaga (Allaah) maahee subxaanahu wa tacaalaa.

(15) 15. Qofkii raba noloshan adduunka iyo quruxdeeda, waxaan ugu oofin si dhan abaal gudka camalkooda gudaheeda, iyagoon waxba laga dhimeyn.

(16) 16. Kuwaa weeye kuwa aan ku laheyn Aakhirada waxaan ahayn Naar; waxaana buri waxay ku faleen dunida camallo san, waxbana kama jiraan waxay falayeen.

(17) 17. Ma qof Xujo Cad ka heysta Rabbigi, uu akhriyo markhaati Xaggiisa ah8, hortina isaga waxaa ahaa Kitaabkii Muuse ee ahaa Hanuun iyo Naxariis (baa la mid ah mid adduun uun dooni); Kuwan baa rumeysan waxa ku soo arooray (Qur’aanka). Qofkiise rumeyn diida (Qur’aanka) oo ka mid ah axzaabta (kala duwan), waa Naarta madashiisu: Ee shaki yuu kaa galin. Hubaal waa xaq ka yimid Rabbigaa, laakiinse intooda badanse dadku ma rumeysna.
8. Waa Nabi Muxammad s.c.w. ama malag Jabriil c.s oo ka marag kacaya inuu xaq yahay, intaa waxaa dheer waxaa loola jeedi karaa waxa uu akhriyo inuu yahay Qur’aanka.

(18) 18. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Allaah. Kuwan waxaa la hor keeni Rabbigood, markhaatiyaduna9 waxay odhan: Kuwan waa kuwii ka been sheegay Rabbigood. Ee Lacnadda Alle dushooda ha ahaato daalimiinta.
9. Waxaa loola jeedaa markhaatiyada: Malaa’igta ama Anbiyada, ama dadka dubabkooda, aragyadooda iyo maqalladooda,.

(19) 19. Kuwa ka weecsha (dadka) Jidka Alle lana dooni qallooc, Aakhirana rumeysneyn.

(20) 20. Kuwani ma ku baxsan karaan arlada, umana sugnanan wax gargaarayaal ah Alle sokadi. Waxaa loo labalaabi Cadaabka. Ma karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan.

(21) 21. Kuwaa weeye kuwa khasaari nafahaoo- da, waxayna waayi waxay been abuurteen.

(22) 22. Shaki ma leh, Aakhirada waa iyaga kuwa ugu khasaaraha badan.

(23) 23. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo u khushuuca Rabbigood - waa kuwaa ehlu Jannadu iyagoo ku dhex waari weligood.

(24) 24. Mataalka labada kooxood waa sida indhoolaha iyo dhegoolaha, iyo wax arkaha iyo wax maqlaha, Miyey siman yihiin mataal ahaan? Miyeydaan waantoobeyn?

(25) 25. Waxaan u dirnay Nuux qolodiisii (isagoo leh): Waxaan idiin ahay dige cad.

(26) 26. Inaydaan caabudin waxaan ahayn Allaah, waxaan idiinka cabsan cadaab Maalin xanuun badan.

(27) 27. Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwa rumeyn diiday (Xaqa) ee ka mid ahaa qolodiisii yidhaahdeen: Kuuma aragno waxaan aheyn qof nala mid ah, mana aragno wax ku raacay aan aheyn kuwa noogu liita (oo iska kaa raacay durbaba markaad u bandhigtay) ka fiirsi la’aan. Idinkuma aragno wax aad na dheer tihiin oo fadli ah, balse, waxaan idiin malaynaynaa beenalayaal.

(28) 28. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka haysto Xujo Cad xagga Rabbigay, ina siiyey Naxariis Xaggiisa ah oo la idinka indho tiray. Miyaan idinku khasbeynaa (inaad aqbashaan) idinkoo naceyb u qaba?.

(29) 29. Tolkayow! Idinku weydiisan maayo maal, abaalgudkeyga Allaah baa ii haya. Aniguna ma ahi mid eryaya kuwa (Xaqa) rumeeyey. Hubaal waxay la kulmi Rabbigood, Waxaanse arkaa inaad tihiin qolo jaahiliin ah.

(30) 30. Tolkayow! Yaa iiga gargaari oo iga celin Allaah, haddaan iyaga eryo? Ee miyeydaan waansameyn?

(31) 31. Idinkuma odhanayo waxaan hayaa Khasnadaha Ilaahay, mana ogi waxaan muuqan ee qarsoon; idinmana odhanayo waxaan ahay Malag, idinmana odhanayo kuwa ay quursadaan indhihiinnu Alle ma siinayo wax khayr ah. Allaah baa dhab u ogsoon waxa ku sugan nafahooda, haddaan sidaa yeelo markaas waxaan ka mid noqon daalimiinta.

(32) 32. Waxay yidhaahdeen: Nuuxow! Waad nala doodday oo aad badisay la doodistayada, ee noo keen waxaad noogu gooddineyso, haddaad run sheegayso.

(33) 33.Wuxuu yidhi: Waxaa uun idiin keeni kara Alle, hadduu doono, mana baxsan kartaan.

(34) 34. Waxna idiinma tarto waanadeyda, haddaan doono inaan idin waaniyo, hadduu Alle rabo inuu idin lumiyo. Waa Isaga Rabbiigiin! Xaggiisaana la idiin soo celin.

(35) 35.Mise waxay leeyihiin wuu been abuurtay (Qur’aanka)? Dheh:Haddaan been abuurtay, denbigayga anuu i saaran yahay, aniguna barii baan ka ahay waxaad dambaabtaan.

(36) 36. Waxaa loo waxyooday Nuux inaysan cidna ka rumeyneyn qolodaada wixii horay u rumeeyay maahee. Ee ha ka xumaan waxay falaan.

(37) 37. Kuna samee Doonida Indhahayaga hor- tooda iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, hana igala hadlin arrinka kuwa dulmiga (shirkiga iyo macaasida) fala; waa la qarqine.

(38) 38. Wuxuu billaabay inuu sameeyaa Doonnida, mar kasta ay soo ag maraan xildhibaannada ka mid ah qolodiisa, way ku jeesjeesayeen. Wuxuu yidhi: Haddaad nagu jees jeestaan, innaguna waa idinku jeesjeesi sidaad u jeesjeesaysaan.

(39) 39. Waadna ogaan doontaan cidduu u yimaado cadaab dulleeya, kuna dego cadaab joogto ah.

(40) 40. Jeer markuu Amarkayaga yimid 10 oo tinnaarkii biyo ka soo burqadeen, Waxaanu nidhi: Ku qaad doonnida labo nooc kasta lammaane iyo ehelkaaga, marka laga reebo kuwa uu Qowlka horey ugu maray (in la halligayo: xaaskii Nuux iyo wiilkiisa Kancaan, waxaana badbaaday Saam, Xaam iyo Jabiit), iyo kuwii (Xaqa) rumeeyey. mana ay la rumeyn (Xaqa) in yar ma’ahee.
10. Calaamad ahaan ku socoto Nuux oo wargelin ah soo dhowaanshaha daadka. Tannuur waa tiinnaar ballaaran, foorno afar gees ah. Kelmedda tannuur waxaa loola jeedi karaa sidoo kale dhulka meelahiisa toggagga ah hoose iyo ilaha.

(41) 41.(Nuux) wuxuu yidhi: Ku kora (doonnida) Magaca Ilaahay, oo ay ku socon kuna joogsan. Hubaal, Rabbigay waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(42) 42. Way la socotay hirar dhexood buuro oo kale ah, wuxuuna Nuux u dhawaaqay wiilkiisii11, wuxuuna joogay meel ka gaar ah: Wiilkaygow! Nala soo kor doonnida, hana noqon la jirka gaalada.
11. Magaca wiilkaa Nuux ee gaalka ahaa waa Kancaan, wiilashiisa mu’miniinta ahse waxaa kala ahaayeen: Saam, Xaam, iyo Jabiith.

(43) 43. Wuxuu yidhi: Waxaan magan gali buur iga dhawrta biyaha. (Nuux) wuxuu yidhi: Ma jiro wax ka badbaadi maanta Amarka Ilaahay cid uu u Naxariisto maahee. Waxaana kala dhex galay hirkii, marka wuxuu ka mid ahaa kuwii la qarqiyey.

(44) 44. Waxaana la yidhi: Dhulkoow, liq biyahaaga, oo daruurtay qaad (jooji), biyihiina waa la gudhiyey, amarkii (Ilaahayna) hirgalay12. (Doonidiina) waxay dul degtay Al-Juudi13, waxaana la yidhi: Ha fogaadeen qoloda gar ma qaatayaasha ah.
12. Allaah wuu oofiyey gooddigiisa inuu halligi doono gaalada, kuwaasoo diiday Dhambaalkii Nuux c.s., oo ku adkeystey shirkiga iyo macaasida, wuxuuna Allaah xafiday oo badbaadshay mu’miniinta. 13. Buurta Juudi ee ku taal Armiiniya oo Koonfur ka xigta Turkiya xuduudda Mesopatmia.

(45) 45. Wuxuu Nuux u dhawaaqay Rabbigiis oo yidhi: Rabbiyow! Wiilkaygu wuxuu ka mid yahay ehelkayga, ballan qaadkaaguna waa Xaq, Waxaadna Adigu tahay Kan ugu caadilsan inta wax xukunta.

(46) 46. (Alle) wuxuu yidhi: Nuuxow! Wiilku ka mid ma aha ehelkaaga ; waa camal xun yahay, ee ha i weydiisan waxaad u lahayn cilmi. Waxaan kaa waanin inaad ka mid noqoto jaahiliinta.

(47) 47. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! waxaan kaa magan galayaa inaan ku weydiisto wax aanan u lahayn cilmi. Haddaadan ii denbi dhaafin oo i naxariisan, waxaan ka mid noqon kuwa khasaaray.

(48) 48. Waxaa la yidhi Nuuxow! Ku deg Nabad galyo Xaggayaga ah iyo barakooyin korkaaga iyo korkooda dadkaa ka mid ah kuwa kula jira, (waxaase jiri doona) ummado aan u raaxeyn (in xoogaa muddo ah), kaddib waxaa ka taaban doona Xaggayaga cadaab xanuun badan.

(49) 49. Kuwani waa warar la xidhiidha waxa dahsoonaa ee aan kuu waxyoonno, ma aad ogeyn adiga iyo qoonkaaguba kani (Qur’aanka) ka hor. Ee samir. Hubaal, cidhibta (wanaagsan) waxaa iska leh kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha).

(50) 50. Xagga Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya! Ma lihidin Ilaah kale (xaq ah) aan Isaga aheyn, idinku ma ahidin waxna aan aheyn been abuurtayaal.

(51) 51. Tolkayow! idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah, abaal gudkeyga wuxuu saaran yahay oo keliya Kan i abuuray. Ee ma waydaan haddaba garowsaneyn?

(52) 52. Tolkayow! Weydiista denbi dhaaf Rabbigiin una toobad keena, Wuxuu idiin soo dirayaa daruuro shubaya roob badan oo darar ah, idiinkuna darayaa xoog xooggiinna, hana jeesannina idinkoo denbiilayaal ah.

(53) 53. Waxay yidhaahdeen: Huudow! Noolama aad imaan wax Xujo Cad ah, kagamana tagayno ilaahyadayada hadalkaaga (darti), kumana rumayneyno.

(54) 54. Waxa keliya aanu leennahay waa in qaar ka mid ah ilaahyadayada ay ku gaarsiiyeen xumaan (cudur). Wuxuu yidhi: Waxaan marag gashanayaa Alle, idinkuna ka ahaada marag inaan Anigu barii ka ahay waxaad wax la wadaajisaan.

(55) 55. Isaga ka soo haray. Ee ii tab dhigta idin- koo isu dhan,hana i siinnina wax fursad ah.

(56) 56. Anigu waxaan tala saartay (isku halleeyaa oo ku Kalsoonahay) Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiin, ma jiro (noole) jooga (dhulka) oo uusan heyn foodda. Rabbigay wuxuu ku sugan yahay Jid Toosan (umuurahiisa oo dhan).

(57) 57. Haddaad jeedsataan waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii la iigu soo kiin dhiibay. Wuxuuna Rabbigay keeni qolo kale halkiinna, waxnana kama dhimi kartaan. Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa.

(58) 58. Markuu yimid Amarkayaga, Waxaan ku badbaadinnay Huud iyo intii la rumeysey (Xaqa) Naxariis ka ahaatay Xaggayaga, waxaana ka badbaadinnay Cadaab Adag.

(59) 59. Taasi waa Caad. Waxay dafireen Aayadihii Rabbigood, oo caasiyeen Rusushiisa, waxayna raaceen amarka macangag kasta oo madax adag.

(60) 60. Waxaana la raaciyey Nacalad adduunyadan iyo Maalinta Qiyaamahaba. Caad waxay beeniyeen Rabbigood. Ee ha fogaadeen Caad, qolodii Huud.

(61) 61. Thammudna (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi. Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya14, ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) aan Isaga aheyn. Wuxuu idinka aheysiiyey dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan, ee weydiista denbi dhaaf, una toobad keena. Rabbigay wuu dhow yahay ajiibaa (baryada).
14. Aadmiga waxaa loo dejiyey adduunka inuu camiro arlada oo ku caabuda Allaah Keligi.

(62) 62.Waxay yidhaahdeen:Saalixoow! Waxaad aheyd mid dhexdayada lagu rajo weyn yahay intaan ka hor. Ee ma waxaad naga reebi inaan caabudno waxay aabbayaasha- yo caabudayeen? Innagu waxaan ka qabnaa shaki yaab leh waxaa aad noogu yeedhi (Towxiidka Islaamka).

(63) 63. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama haddaan ka heysto Xujo Cad Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis Xaggiisa ah, yaa iiga gargaari Alle, Haddaan ku caasiyo? Iimana kordhisaan waxaan aheyn khasaaro.

(64) 64. Tolkayow! Tani waa Hashii Ilaahay, oo idiin ah calaamad (mucjiso), ee iska daaya ha daaqdo arlada Ilaahay, hana u gaysannina wax xumaan ah, si aanay idiinku dhicin Cadaab dhow15.
15. Dilkooda hasha wuxuu ahaa xadgudub weyn iyo ku dhiirrasho wuxuu ka reebay Nabigoodii Saalix, sidaas awgeed buu Allaah u xukumay inuu cadaabo isagoo ku xaddiday cumrigooda oo keliya seddex maalmood, wuxuuna amray inay sahay qaataan oo raaxeystaan seddex maalmood ku digasho ahaan.

(65) 65. Wayse dileen Hashii. Markaasuu wuxuu yidhi: Ku raaxeysta degaankiinna saddex maalmood. Kaasi waa wacad run ah aan la beeninayn.

(66) 66. Markuu u yimid Amarkayaga, waxaan ku badbaadinnay Saalix iyo intii rumeysey naxariis ka ahaatay Xaggayaga (oo ka bad- baadinnay) dulligii Maalintaas. Hubaal Rabbigaa, waa Awood Badanaha, Adkaadaha sare ah.

(67) 67. Qeylo weyn (qarax daran) baana qabtay16 kuwii dulmiga falay, markaasay noqdeen baqti af gambi u yaal guryahooda.
16. Waxaa durba lagu ciqaabay qarax aad weyn ee ka yimid xagga samada oo mar gilgilay oo cidhib tiray sida inaysanba horay u jirin.

(68) 68. Sidii inaysan weligoodba ku dhex negaan halkaa.Thamuud waxay rumeyn diideen Rabbigood. Ee ha fogaadeen Thamuud (qoonkii Saalix).

(69) 69. Rusushayadii (malaa'igta ahayd) waxay ula yimaadeen Ibraahiim war bishaaro ah. Waxay yidhaadeen: Salaam (nabad ahow). Wuxuu ku jawaabay, Salaam ( nabad ahaada) wax yar kaddibna wuxuu sooryo ugu keenay weyl shiilan.

(70) 70. Markiise uu arkay in aanay gacmahooda u soo fidin xaggeeda, wuu qoonsaday oo ka gashay cabsi xaggooda17. Waxay ku yidhaahdeen: Ha cabsan, waxaa naloo soo diray reer Luud.
17. Caado ahaan, hadduu qofka martida ah diido in la sooro oo wax cuno, macnaheedu waxaa weeye wuxuu damacsan yahay xumaan xagga martigeliyahiisa ama la doonayaa dhibaato.

(71) 71. Marwadiisuna waxay taagnayd (halkaa), markaasay qososhay18, waxaana ugu bushaareynay Isxaaq, gadaashina (wiil wiilki) Yacquub.
18. Ku farxid warka san ee ku imaanshaha ciqaab dadka xun ee beeniyey Nabi Luud ayna u dheer yihiin falal kale oo aad u xun. Daxikat waxaa lagu fasiray oo kale waxay heshay dhiiggii caadada iyadoo duqowday.

(72) 72. Waxay tidhi: Waa la yaabe! Miyaan dhali anigoo habar duqowday ah, ninkayguna yahay oday gaboobay? Arrinkani waa wax la yaab leh.

(73) 73. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad la yaabi Amarka Ilaahay? Naxariista Ilaahay iyo Barakooyinkiisa korkiinna ha ahaadeen reer (Ibraahiimow). Hubaal, Alle Waa Ammaanle la Mahdiyo, Sharaf Badan.

(74) 74. Markay baqdintii ka tagtay Ibraahiim, oo u timid bishaaradu, wuxuu billaabay inuu nagala doodo arrinta qolodii Luud.

(75) 75. Hubaal Ibraahiim waa dulbadane, qalbi jilicsan19, toobad keen badan.
19. Taah iyo oohin badan markuu Alle baryaya, u murugood badan dadka, aad uga cabsada Ilaahay.

(76) 76. Ibraahiimow! Iska daa warkani. Waxaa yimid Amarka Rabbigaa. Iyagana waxaa u iman cadaab aan dib loo celineyn.

(77) 77.Markay Rusushayadii (malaa'igta ahayd) u yimaadeen Luud. Wuu ka walbahaaray20 wuuna la cidhiidhyamay, wuxuuna yidhi: Kani waa Maalin daran.
20. Wuxuu dareemay Nabigii Ilaahay ee Luud welwel iyo walbahaar markay yimaadeen Rusushaa Ilaahay, waayo waxay ku yimadeen qaab iyo muuqaal niman dhallinyaro ahoo qurux badan, waxayna jeclaayeen qoonkii Luud dhallinyarada sidaa u qurxoon oo ku sameyn jireen falxumo. Markaasuu Luud ka welwelay taasi oo dareemay inuusan awoodin inuu difaaco hadday ku soo xadgudbaan qoomkiisa nimankaa dhallinyarada ah..Nabi Luud wuxuu u cabsaday bed qabidda iyo sharafta martidiisa.

(78) 78. Tolkiisii baa u yimid (sida in) la soo dedejiyey xaggiisa, iyagoo horeyba u sameyn jirey falal xun21. wuxuu yidhi: Tolkayow! Kuwani waa gabdhahaygii22, iyagaa idiinka daahirsan ee ka dhowrsada (Ciqaabka) Ilaahay oo ha igu dulleynina martiday. Miyaanu idinku jirin nin toosan?
21. Waa tilmaam dhaqankooda xumaa ee ahaa fuulidda ragga. 22. Wuxuu ula jeedaa dumarka qoonkiisa ee guur doonka ah.

(79) 79. Waxay yidhaahdeen: Waad ogtahay inaanaan ku laheyn wax xaq ah gabdha- haaga, waadna og tahay waxaanu rabno.

(80) 80. Wuxuu yidhi: Hahe! Ma aan lahaado xoog aan idinku caabbiyo, ama meel aan u ciirsadoo tiir adag leh.

(81) 81. Waxay yidhaahdeen: Luudoow! Waxaanu innagu nahay Rusushii Rabbigaa! Waxnana kuma gaarsiin karaan, ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo yuusan midkiinna dib u soo jeesan marwadaada maahee, waxaa ku dhici, waxa ku dhici iyaga, ballankooduna waa subaxa, miyuusan subaxu dhoweyn?

(82) 82. Markuu yimid Amarkayagii, Waxaan u rognay af gambi oo korkoodii hoos marin- nay, Waxaana roob kaga dhignay dhagxayo dhoobo shidan ah oo is daba jooga.

(83) 83. Laga soo calaamadiyey (ciqaab darteed) Rabbigaa agti, mana aha wax ka fog daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

(84) 84. Madyanna (Waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya, ma lihidin Ilaah kale ( oo xaq ah) aan aheyn Isaga, hana dhimina beegga iyo miisaanka, waxaan idinku arkaa khayre (maal); oo hubaal waxaan idiinka cabsan Cadaab Maalin wax koobeysa.

(85) 85. Tolkayow! Oofiya beegga iyo miisaanka si caddaalad ah, hana ka duudsinnina dadka waxyaalahooda, ha ku bi'inninana dhulka fasaadkaad faleysaan.

(86) 86. Waxa ku baaqiga ah Alle agtiisa ayaa idiin roon haddaad tihiin mu’miniin, oo anigu idiin ma ahi kormeere.

(87) 87. Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Ma waxay salaadahaadu ku amraan inaan ka tagno waxay caabudaan aabbayaashayo, ama inaanu ku falno maalkayaga waxaan doonno? Adigu uun waxaad tahay dul badanaha wax garadka ah23.
23. Qowlkoodaasi waa ku digasho iyo ku jeesjees Nabigii Ilaahay Shucayb c.s Waana sifad loola jeeda si taasi ka duwan oo caksigeeda ah.

(88) 88.Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka heysto Xujo Cad xagga Rabbigay, ina siiyey risiq wanaagsan oo Xaggiisa ah. Anigu ma doonayo inaan idiin daba maro falidda waxaan idinka reebo. Ma doonayo waxaan wax wanaajin ahayn intaan karo. Mana jiro waxaan Alle ahayn oo I waafajin kara talada toosan. Isagaan isku halleeyaa oo tala saartaa, Xaggiisaana ula noqon (toobad).

(89) 89. Tolkayow! Yaysan idiin soo jiidin colaaddaad ii qabtaan denbi fal sidaa darteed uu idinku dhaco wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux ama qolodii Huud ama qolodii Saalix, qolodii Luudna ma aha wax idinka fog.

(90) 90. Ee weydiista denbi dhaaf Rabbigiin una toobad keena. Rabbigay waa Naxariis Badane, Jecel (ciddii toobad keenta).

(91) 91. Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Fahmi mayno in badan oo waxaad leedahay ah, waxaana kuu aragnaa mid daciif ah dhexdayada. Haddaannu kugu xaq dhowreyn tolkaa dhagax tuur baan kugu dili lahayn, mana tihid adigu mid nagu leh ciso iyo sharaf.

(92) 92. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma reerkaan ka dhashay baa idin kala darajo roonaaday Allaah? Oo ka yeelataan sida waxaad tuurtaan dhabarkiinna gadaashiis; hubaal Rabbigay waa koobaa waxa aad fashaan.

(93) 93. Tolkayow! U camal fasha sida karaankiinna ah, aniguna sidoo kale waan camal falanayaa. Waadse ogaan doontaan waa kee kan ay ku iman cadaab dulleysa, waana kee kaasi ah beenale, oo dhugta, aniguna sidoo kale waan idinla dhugane (sugayaa natiijada iyo waxa idinku dhaca).

(94) 94. Markuu yimid Amarkayagii, Waxaan ku badbaadinnay Shucayb iyo intii la rumeysey Naxariis ka ahaatay Xaggayaga. oo qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay kuwii dulmiga (shirkiga iyo macaasida) falay, markaasay noqdeen baqti af gambi u dhex yaal guryahooda (ummadahaasoo dhan waa la rogay).

(95) 95. Sidii inayan weligoodba ku noolaan halkaa. Ee ha fogaadeen Madyan siday u fogaadeenba Thamuud.

(96) 96. Waxaan ula soo dirnay Muuse Aayadahayagii iyo Xujo Cad.

(97) 97. Xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, waxayse raaceen amarkii Fircoon, oo amarka Fircoonna ma aheyn mid toosan.

(98) 98. Wuxuu hor kici tolkiisa Maalinta Qiyaamaha, oo keeni hoos xagga Naarta, xumaa halka la keenayo.

(99) 99. Waxaana lagu raacshay Nacalad (duni) tani gudaheeda iyo Maalinta Qiyaamaha24, xumaa waxa loo kordhin (oo Cadho Alle iyo Cadaab ah).
24. Waa lacnad ku raaceysa adduun iyo aakhiro labada daaroodba.

(100) 100. Arrinkani waa warkii (aayihii) magaalooyinka aan kaaga qisoonno; waxaa ka mid ah kuwo taagan iyo kuwo (kale) oo la halaagay.

(101) 101. Oo ma aanu dulmiyin, iyagaase dulmiyey nafahooda. Waxna uma tarin ilaahyadoodii Allaah sokadi ay baryi (caabudi) jireen, markuu yimid Amarka Rabbigaa, umana ay kordhin waxaan aheyn baabbba’.

(102) 102. Waana sidaas qabashada Rabbigaa markuu qabto magaalooyinka iyagoo gar diid ah dulmi fali, hubaal, Qabashadiisu waa mid xanuun badan oo daran.

(103) 103. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamad ciddii ka cabsata Cadaabka Aakhirada, kani waa Maalin dadka la soo kulmin iyagoo dhan, waana Maalin goob joog la ahaan.

(104) 104. Umana dib dhigno waxaan ahayn muddo tirsan oo hore loo gooyey.

(105) 105. Maalintay iman, nafina ma hadleyso Idankiisa la’aanti, markaasi waxaa ka mid ahaan kuwo xun oo khasaaray iyo (kuwo) liibaanay.

(106) 106. Kuwa hoogay waxay ku sugnaan Naar; waxay ku leeyihiin dhexdeeda cartan iyo hiinraag25.
25. Hiinbax iyo hiinraaggooda oo u eg cida dameerka.

(107) 107. Iyagoo ku waari dhexdeeda intay jiraan samooyinka iyo arladu, wuxuu Rabbigaa doono maahee26. hubaal, Rabbigaa waa falaha wuxuu doono.
26. Macnahu wuxuu u dhacayaa inay gaaladu ku waari doonaan Naarta abadkood, halka muslmiinta caasiyaasha ah laga soo saari doono Naarta marka laga gooyo waxay dambi galeen. Aakhirana waxaa jira samo iyo arlo ku gaar ah oo ka duwan samooyinka iyo arlada adduunkan.

(108) 108. Kuwase liibaanay, waxay ku sugnaan Jannada gudaheeda, iyagoo ku dhex waaraya intay jiraan samooyinka iyo arlada, wuxuu Rabbigaa doono ma’ahee, waa deeq aan go’eyn oo daa'in ah.

(109) 109. Ee ha ka Shakin (xumaanta) waxay kuwaanu caabudaan, ma caabudaan waxaan aheyn waxay caabudeen aabbayaashood mar hore, oo hubaal waanu u oofin si dhan saamigooda (Ciqaabka) oo aan waxba laga dhimeyn.

(110) 110. Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waase la isku khilaafay, haddaysan jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa; waa la kala xukumin lahaa dhexdooda, waxaana iyaga kaga jira shaki daran (Qur’aanka).

(111) 111. Dhammaanna wuu u oofin Rabbigaa camalladooda si dhan. Alle waxay camal falaan Waa u Xog Ogaal.

(112) 112. Ee hay dhabbaha toosan(ee Islaamka) sida lagu amrayba, (adiga) iyo kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Alle ee toobad keenay), hana xadgudbina. Hubaal, Alle wuu arkaa Waxaad camal fashaan.

(113) 113. Hana u iilanina kuwa dulmiga (shirkiga iyo macaasida) fala, si ayan Naari idin taaban, mana lihidin Alle sokadi awliyo, laydiinna gargaari maayo.

(114) 114. Oog salaadda labada dacal ee maalinta iyo saacadaha hore ee habeenka. Hubaal, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun27, arrinkani waa u waano kuwa waana qaata28 .
27. Mar baa nin wuxuu dhunkaday haweeney ajanabi ka ah. Markaasuu u yimid Nabiga s.c.w. oo u sheegay. Markaasuu Allaah soo dejiyey Aayaddan: «Oog salaadda labada dacal ee maalinta, iyo saacado ka mid ah habeenka, xaqiiq, xasanaadka (camallada wanaagsan halkan waxaa loola jeedaa shanta salaadood ee faralka ah) waxay tirtiraan oo meesha ka saaraan falalka xun ( denbiyada yar yar)». (Q 11:114) Ninkii wuxuu weydiiyey Rasuulkii Alle s.c.w.: Ma aniga oo keliya baa tani iska leh? Nabigu s..c.w wuxuu yidhi: Waxaa leh ummadeyda intii I raacday oo idil. (W.w. Al-Bukhaari) 28. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ka cabso Allaah meel kastoo aad joogtid, oo raaci xumaanta samaan kaa tirtirta, oo kula soco dadka dabeecad wanaagsan. W.w.At-Tirmidi

(115) 115. Oo samir yeelo; hubaal, Alle ma dayaco ajarka sama falayaasha.

(116) 116. Maxaase looga dhex waayey qaaruumihii idinka horreeyay, dad leh garasho, oo ka reeba Fasahaadka dhulka dhexdiisa wax yar mooyee oo ka mid ahaa kuwii aan ka badbaaddinnay dhexdooda? Kuwiina dulmiga falay waxay daba galeen wixii loogu raaxeeyey, waxayna ahaayeen denbiilayaal.

(117) 117. Rabbigaana uma halaago magaaloo- yinka dulmi iyagoo ay dadkoodu wanaagga is faraan (xumahana iska reebaan).

(118) 118. Hadduu doono Rabbigaa, wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad keliya, mase dayn doonan inay iskhilaafaan.

(119) 119. Mid uu Rabbigaa u Naxariisto maahee, arrinkani (towxiidka) awgi buuna u abuuray. Wayna taam noqon Kelmedda Rabbigaa oo ah: Waxaan ka buuxin Jahannama jinka iyo dadkoo dhammi (igu caasiya).

(120) 120. Dhammaan waxaanu kuu soo tebinno oo ku saabsan wararka Rususha waa si aan ugu xoojinno qalbigaaga. Waxaana kuugu yimid (suuradda) tani dhexdeeda Xaq iyo wacdi iyo waanada mu’miniinta.

(121) 121. Kuna dheh kuwa aan (Xaqa) rumaynin: U camal fasha sidiinnaas dowga idinla ah, innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaa.

(122) 122. Sugana (cidhibta arrinkiinna), innaguna (sidoo kale) waanu sugaynaa.

(123) 123. Allaah baana iska leh waxa aan Muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana loo celiyaa arrinka oo dhan. Ee caabud Isagoo Keliya oo tala saaro. Rabbigaana ma aha mid moog waxaad falaysaan.